
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada AMISOM
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla soo soo qaaday sida lagama maarmaan u tahay in la bilaabo howlgallo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in sanadkan 2016-ka uu u noqon
doono Ciidanka Xoogga dalka sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu
baacsanayo Al-Shabaab sida uu yiri.
"Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Sanadkan 2016 Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan”ayuu yiri Taliyaha Xoogga.
Kulanka ayaa waxaa Taliyaha Ciidamadda ku weheliyey Abbanduulaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale. Waxana uu kulankani qeyb ka yahay kulamo is daba joog ah oo maalmihii u danbeeyey u dhexeeyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya jooga.


0 








Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada AMISOM
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla soo soo qaaday sida lagama maarmaan u tahay in la bilaabo howlgallo cusub