
Wasiirka Gaashaandhigga oo dhagax dhigay Warshad sameyn doonta dharka Ciidanka (Sawirro)
Warshaddan oo dhismaheeda ayaa waxaa gacan ka geysaneyso dowladda Turkiga, waxaana ay Ciidamada ka haqabtiri doontaa baahida labiska Ciidamada, taasoo keeneysa in laga maarmo labisyada kala duuwan oo haatan la isticmaalo marar badana cadowga ku fuliyo weeraro. Waxana Wasiirku uu sheegay in lixda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub uu ku soo gaba-gaboobi doono mashruucan.
"Maanta waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u talo lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga celinayno” ayuu yiri Wasiir Diini.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u heli lahaayeen dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay dalka guud ahaan u sugaan ammaankiisa. Iyadoo sanadka cusub ee 2016 uu noqon doono mid isbadal ballaaran lagu sameyn doono Ciidanka X.D.S.


0 









Wasiirka Gaashaandhigga oo dhagax dhigay Warshad sameyn doonta dharka Ciidanka (Sawirro)
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida, waxaana sidoo kale furitaanka Warshaddan goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga iyo