
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Safaradda Sacuudiga ku leedahay Iran
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kuna qornaa afka Carabiga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee sanadki 1961-dii lagu gaaray magaalada Vienna. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaas
uu farayo ilaalada xarumaha Safaaradaha ku yaalla aduunka iyo shaqaalaha
Diblomaasiyadeed ee ka shaqeynaya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga howl gallada ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay ku taageereyso adkeynta amniga iyo xasiloonida Boqortooyada ka waddo dalkeeda iyo gobolkaba.
Sacuudiga ayaa xiriirka u jaray dowladda Iran, kaddib markii dibad baxayaal careysan ay weerareen Safaaradda Sacuudiga ee Tehran, sidoo kale dowladaha Baxrayn iyo Sudan ayaa iyana xiriirka u jareen Iiraan, halka ay Dowladda Imaaraadka yareysay Heerka Xiriirka Diplomaasiyadda Iran.


0 


Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Safaradda Sacuudiga ku leedahay Iran
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kuna qornaa afka Carabiga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee sanadki 1961-d