Meydka Ugaas C/raxman Ugaas Khaliif oo loo qaaday Deegaanka Daaro Ugaas (SAWIRRO)

0
Tuesday January 05, 2016 - 12:35:08 in Wararka by
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydka Ugaas C/raxman Ugaas Khaliif oo loo qaaday Deegaanka Daaro Ugaas (SAWIRRO)

    Meydka Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa Saaka salaada Janaasada, waxaa lagula tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Laqanyo oo ku yaallo magaalada Baledweyne, waxaana halkaasi isugu yimid Boqolaal Dadweyne ah. Wasiiro ka tirsan Xukuumadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydka Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa Saaka salaada Janaasada, waxaa lagula tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Laqanyo oo ku yaallo magaalada Baledweyne, waxaana halkaasi isugu yimid Boqolaal Dadweyne ah. Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Qaybaha Bulshada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan,ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada ah ee Marxuumka lagula dukaday, iyadoo halkaasi loogu Duceeyay. Salaada Janaasada kadib, ayaa meydka Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif waxaa loo qaaday deegaanka Daaro Ugaas oo ku dhaw Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Deegaanka Daaro Ugaas, waxaa ku sugan oo maamula Shabaab, lamana oga sida halkaasi loogu aasi doono, Meydka Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meydka ay qaadeen Odayaasha Gobolka Hiiraan oo aysan raacin masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dad xiriir la leh Dowladda Somaliya, maadaama deegaanka lagu aasaayo Ugaaska uu yahay meel Shabaab ay maamulaan.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa ku geeriyooday labo maalin ka hor Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Janaasada 1 Janaasada 2 Janaasada 3 Janaasada 4 Janaasada 5

xigasho:-dhacdo.com






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip