
HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ISNIIN 3-DA SEPTEMBAR 2018-KA
Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo shirka golaha wasiirrada ka qayb galay ayaa ka warbixiyay hannaanka dibueegista sharciyada socdaalka iyo dalkugalka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qulqulka qaxootiga dalka soo gelaya.
Kadib xogta uu taliyaha hoggaanka
socdaalka iyo Jinsiyadahu siiyay golaha ayaa Ra”iisul Wasaare Khayre waxa uu
faray dhinacyada ay khusayso in siyaasaddaa xakamaynta qoxootiga ay noqoto mid
maamuus gaar siinaysa qaxootiga ka imaanaya waddamada soo dhaweeyay
mawaadiniinta Soomaaliyeed xilligii ay dalalkooda ku qaxeen.
Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa dhagaystay warbixin ay soo gudbisay wasaaradda hawlaha guud, dibudhiska iyo guryaynta oo khusaysay sidii siyaasad looga yeelan lahaa dhismaha xarumaha dawladda, waxaana ugu dambayn golohu isku raacay in wasaaradu ay mas’uul tahay bixinta qandaraasyada lagu dhisayo xarumaha iyo xafiisyada dawladda.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN KULA YEESHAY RA’IISUL WASARAHA ETHIOPIA M. BEIJING..
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo shalay ku kulmay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay ahmahiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee haatan jira.
Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa adkeeyay in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay qeyb qaataan dhammaan dalalka gobolka.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba, iyadoo guddiga markoodii ugu horeeyey ay ku kulmeen magaalada Adis Ababa.
ISBAHEYSIGA SACUUDIGA UU HOGAAMIYO OO QIRTAY DUQEYNTII LAGU LAAYAY CARUURTA YEMEN
Sacuudiga iyo imaaraadka ayaa qirtay in duqeyntii buska iskuulka ee bishii la soo dhaafay ka dhacay wadanka yemen oo ay ku dhinteen 51 ruux oo 40 ka mid ah caruur ay caruur ahaayeen, uu ahaa mid cadaalad daro ah.
Kooxda xulufada sacuudiga ay u xil saareen baaritaanka ayaa shalay oo sabti ah sheegay in duqeyn 9kii August ka dhacday gobolka sacda ay aheyd mid qaldan.
Mansour Ahmed alMansour, oo ah la taliye dhanka sharciga koox loo xilsaaray baaritaankan ayaa sheegay in lala xisaabtami doono cidii ka danbeysay weerarkaasi.
Weerarkaan ayaa maalintii uu dhacay waxaa difaacay afhayeenka xulufada sacuudiga ee dagaalka Colonel Turki alMalki uu difaacay waxaana uu sheegay in ay bartilmaamed sadeen fariisomo ciidan.
Baaritaankaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa kadib markii hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobay mr Antonio Guterres ay si wadajir ah u canbaareeyeen.
Sanadii la soo dhaafay ee 2017dii ayaa qaramada midoobay sheegtay in duqeymaha xulufada sacuudiga ay badi sabab u yihiin.caruurta ku dhimaneysa colaada Yemen.
GOLAHA WASIIRADA DOWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA ITOOBIYA OO LA ANSIXIYAY
Baarlamaanka dawladdeegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyey golaha xukuummadda ee shalay la horgeeyay.
Golahan wasiirada ee uu magacaabay Madaxweynaha Cusub ee DDSI Mustaf Muxumad Cumar ayaa waxaa ay isugu jireen Wasiiro iyo Maareeyayaal.
Madaxda cusub ee la magacaabay ayaa waxaa aad ugu yar dumarka marka la barbar dhigo haweenkii ka mid ahaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.
Badidood ayaa la sheegayaa in ay yihiin dad siyaasadda deegaanka ku cusub, una badan aqoonyahanno.
DOWLADA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY QARAXII SHALAY KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO
Dowlada Federalka oo ka hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday shalay Xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir waxana ay dowladu ballanqaaday inay dhiseyso masjidkii iyo Dugsi Quraankii qasaaraha ka soo gaaray qaraxa.
Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa faahfaahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo Shalay ka dhacay Xaruntadegmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxa ka dhacayXarunta degmada Howlwadaag saameena ku yeeshay xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid (Beytka Allaah).
"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,Dowladda Soomaaliyeed waxay ka tacsiyadeyneysaa Falkii guracanaa ee Ururka argagixisada AlShabaab shalay ay ku beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid iyo xarun Bulshada loogu adeego,xaqiiqdii ficilkaasi wuxuu tusaale u yahay siday uga go’aan tahay argagixisada AlShabaab dabar goynta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.
Sidoo kale,Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya wuxuu tilmaamay in laamaha amaanka ay hadda ku howlan yihiin tirakoobka dadkii waxyeelada ka soo gaartay Weerarka ,isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan warbaahinta ugu soo bandhigi doonaan tirada saxda ah ee waxyeeloowday.
"Dowladda Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka hadda waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ahaa sidii loo heli lahaa dadkii halkaasi ku waxyeeloobay halka ay masiibada ka dhacday waxay ahayd Duqsi Qur’aan dhannoo dumay iyo Masaajid dumay,hadda aan idin la hadlayo laamaha ammaanka iyo Saraakiisha caafimaadka waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ah sidii loo soo saari lahaa, sida ugu dhaqsiyaha badana waan idinkula soo wadaagi doonaa Hadduu Illaah yiraahdo,”
Dhanka kale,Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii cadaada ahayd dhisida Masjidka dumay si loogu tukado salaadda Xigta,looguna gurman lahaa ardayda Dugsi Qur’aanka ee Qaraxa ku waxyeeloobay,wuxuuna carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliyeed Cisbitaal ay geysay dadkii Weerarka ku dhaawacmay.
Ugu danbeyntii, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta,Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iney u midoobaan ladagaalanka AlShabaab.
MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO KULAN GAAR AH YEESHAY
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan dalka Shiinaha ayaa Shalay
waxa uu Magalada Bijin ee dalkaas kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Masar.
Madaxweyne Farmaajo iyo Cabdi Fitaax Alsisi ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen iskaashiga labada dhinac ee ganacsiga iyo maalgashiga.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay yihiin Saaxiibo dhow,iyada oo Madaxweyne Farmaajo dhowr mar uu booqasho ku tegay dalkaas.
DUQEYN KA DHACDAY BU’AALE IYO DAD LOO XIRXIREY
Diyaarado dagaal ayaa waxa ay duqeyn ka geysteen saldhig Al shabaab ku leeyihiin degmada Bau’aalle ee gobolka Jubbada Dhexe.
Wararka ka imanaya degmada Bu’aale oo ka mid ah xarumaha ururka Alshabaab ayaa sheegaya in duqeyntan ay geysatay qasaare xoog leh.
Dadka ku sugan degmada Bu’aale ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ururka Alshabaab xabsiga dhigeen iyagoo loo haysto inay gacan siinayeen diyaaradaha duqeynta ka geystey degmadaas.
Hase yeeshee duqeyntan ayaan weli jirin cid sheegatay iyadoo dowlada Maraykanka ay weeraro cirka ah ciidamadeeda ka fuliyaan deegaano ka mid ah gobolada ay Alshabaab maamulaan.
DAD RAYID AH OO LAGU DILAY MAGALADA MUQDISHO
Dilka dadka Shacab ah ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kadib dil ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Khudaarta ee Magalada Muqdisho.
Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa Gelinkii dambe ee Shalay waxa ay suuqa Khudaarta ee Bakaaraha ku toogteen laba Askari oo ka tirsanaa ciidamada Minashiibiyada ee kuwa Canshuurta qaada ah,iyaag oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.
Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Goobta,iyaga oo furay rasaas farabadan,waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in rasaastaas ku geeriyoodeen laba qof oo Shacab ah.
Ugu dambeyn waxaa goobta laga qaaday meydadka Afarta ruux oo kala ahaa laba ka mid ahaa Ciidamada Dowladda iyo laba qof oo Shacab ahaa kuna sugnaa goobta xilliga dilka uu dhacayay.
DOORASHADA KURSI KA BANAAN GOLAHA SHACABKA OO DHACEYSA
Shalay waxaa Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa Shalay gaartay oo lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashayooynka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey)
Ujeedka safarkeeda ee Dhuusamareeb ayaa waxa ay ku sheegtay doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacbaka Soomaaliya kaas oo deegaan doorashadiisu ay tahay Galmudug.
Xaliimo Yarey oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Maalinta berito ah ay bilaabi doonaan diiwaangelinta korjoogayaasha ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada,kuwaas oo la soconaya doorashada,sidoo kale ergada lasiin doono hab raaca muhiimka u ah socodka doorashada.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in Afarta bishaan oo ku beegan la qaban doono doorashada,isla markaana looga baahan yahay musharixiinta iyo ka qeyb galeysa inay dhowraan habraaca doorashada.
Kursiga ka Banaan Golaha Shacabka ee la filayo in Maalinta Talaadada ah ee soo socota ay doorashadiisa ka dhacdo Magalada dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan iska casilay Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud.
ALSHABAAB OO SHEEGATAY QARAXII XARUNTA HOWLWADAAG, MASAAJID IYO DUGSI QUR’AAN KU BURBURAY
Kooxda AlShabaab ayaa goor dhow sheegatay weerar ismiidaamin ah oo shalay barqadii lagu qaaday xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee xarunta degmada, waxaana qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan uu gilgilay magaalada oo idil.
Qoraal kooban oo lagu qoray baraha Internetka ee taageera AlShabaab ayaa lagu sheegay in camaliyad istishhaadi ah (Weerar Isqarxin) ay la beegsadeen xarunta maamulka degmada Howlwadaag, kaasoo ay sheegteen in Khasaare ugu geysteen cadawga.
Wararka ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay jirto, hase ahaatee tiro rasmi lama haayo, gaadiidka gurmadka degdega ayaa sheegaya inay qaadeen dhaawaca illaa 15 ruux oo carruur u badan yihiin.
Dadka dhaawaca waxaa ku jiro Guddoomiye kuxigeenka degmada Howlwadaag ee dhinaca amniga iyo siyaasadda.
Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburiyay xarunta degmada iyo xafiisyadii ku yiil oo ay ku jiraan xafiiska Guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa.
Sidoo kale Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburiyay dugsi Qur’aan iyo masaajid ku dhow xarunta degmada.
Khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray carruur dhiganeysay dugsi qur’aan oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay qaraxa.
Wararka ayaa sheegaya in in carruur la la’yahay, waxaana burburka dhismaha dugsi qur’aanka lagu arkay haraadiga jir bani’aadam oo laga aqoonsaday gacamo iyo lugo go’an.
Qaraxa lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ayaa ah kii labaad oo noociisa ah, iyadoo sanad ka hor weerar is qarxin kala degtay xarunta degmada Wadajir, kaasoo dad ka badan 15 ruux ku dhinteen.
MICHAL KEATING OO SI KULUL UGU HADLAY WEERARKII HOWLWADAAG.
Ergayga gaarka ee qaramada midoobe Michal keating oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitterkaayaa waxaa uu kaga hadlay weerarkiishalay lagu qaaday xarunta degmada howlwadaag ee gobalka banaadir.
Michal Keating ayaa waxaa uu ugu horey cambaareeyay weerarka, waxaana ku sheegay inuu yahay mid arxan daro ah,islamarkaana ay geysteen kooxo argagixiso ah sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Ergayga ayaa waxaa uu tilmaamay in caruur aan waxba galabsan la laayo ay tahay mid aad u xun,waxaa uuna ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatooyinka loo geysanayo caruurta.
"Qaraxa waxaa uu ahaa mid argagixiso ah,islamarkaana si arxan daro ah loogu dilay caruur dhiganaysay dugsi Qur’aan ku yaala xarunta degmada Howlwadaag,waana cambaareynayaa falkaasi”.
GOLAHA WASIIRRADA OO ANSIXIYAY XEERKA XAYIRAADDA LACAGAHA.
Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daahfurnaanta.
Shirka shalay oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.
Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.
MADAXWEYNIHII HORE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LA KULMAY WAKIILKA QM MICHAEL KEATING
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Muqdisho wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Amb. Michael Keating.
Kulankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Keating uu booqday guriga Madaxweyne hore, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.
Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladaha dalka gaar ahaan dhinacayada siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, iyaga oo sidoo kale isla soo qaaday isbedelada mandiqada Geeska Africa.
Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray sidan "Waxaan shalay kulan layeeshay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. Michael Keating kaas oo aan ka wada hadalnay xaaladaha dalka gaar ahaan dhinacayada siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, waxaan sidoo kale isla soo hadal qaadnay isbedelada mandiqada Geeska Africa”.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii Muqdisho yimid Khamiistan wuxuu sheegay inay jiri doonaan kulamo uu la yeelan doono xubno kala duwan oo bulshada rayidka ay qeyb ka tahay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya maalmaha soo socda in Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdisho kula kulmi doono Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka dhanka ah dowladda Federalka Soomaaliya, islamarkaana uu wado qorshe ku aadan inay isbaheysi hoose sameystaan.
Imaanshaha Muqdisho ee Xasan Sheekh oo ah xildhibaan sharafeed ayaa waxa uu ku soo aaday xilli 10ka bishan September lagu wado inuu dib u furmo kalfadhiga Baarlamanka Golaha Shacabka.
RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO KA QEYBGALAY AASKA KUSIMAHA MADAXWEYNAHA HOOYADIIS
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda ayaa uga qeyb galay shalay Magaalada Baydhabo loogu sameeyay Marxuumad Maama Haajira Cali Aadan oo ah Hooyadda dhashay Ku Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Sheikh.
Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed oo uu ugu horeeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed, Gudoomiyaha Barlamaanka Koonfur galbeed iyo Xubna katirsan Wasiiradda Koonfur galbeed iyo odayaal dhaqameedyadda Magaalada iyo Eheladda Marxuum Maama Haajira.
Aaska ka dib mas’uuliyiinta, waxgaradka,Odayaasha Dhaqanka, iyo Culimadii ka qeybgashay Waxaa kulan duca Ah loogu sameeyay madal loogu tala galay dadkii Ka soo qeyb galay duugta Marxuum Maama Haajira, waxaana ay Alle uga Baryeen In Janatullfardawsa uu ka Waraabiyo
Allaha u Naxariisto maalinimadii daraad ayay magaaladda Baydhabo Ku geeriyootay waxaan shalay Axad ah lagu aasay qabuuro ku yaal magaaladda Baydhabo
CABDIWELI GAAS "WAXAAN RABNAA INAAN HELNO DOWLADGOBOLLEEDYO MID AH, HADAFKOODUNA YAHAY SOOMAALINIMO"
"Waxaan u nimid shirka madasha wadatashiga dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo looga wadahadlayo arrimaha masiiriga ah ee u gaarka ah, khuseeyana iskaashigooda iyo guud ahaan danta caam ka ah, waxaan rabnaa inaan helno dowladgobolleedyo mid ah, hadafkooduna yahay Soomaalinimo, hirgeliyana nidaamka fadaraaliisamka." ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Cabdiweli, oo ah guddoomiyaha golaha iskaashiga dowladgobolleedyada wuxuu sheegay in shirka uu socon doonno muddo saddex cisho ah, isagoo inta ku daray in shirku yahay mid lagu raadinnayo qaranimo Soomaaliyeed, wadajir, wax wada qaybsi, xasillooni iyo walaaltinimo Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa noqonaya kulankii saddexaad oo ay yeeshaan golaha iskaashiga dowladgobolleedyada oo ah gole ay ku mideysanyihiin dhammaan hoggaamiyayaasha dowladgobolleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, waxaana saacadihii hore ee shalay gaaray Kismaayo madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.
14 CARUUR AH OO MAYDKOODA HAL MEEL LAGA HELAY
Booliiska magaalada Kolkata ee dalka Hindiya ayaa wada baadhitaan kadib markii la helay 14 cauur ah oo mayd ah kuwaas oo ku duuban jawaanno bac ka samaysan lagana helay meel uu dhisme ka socday.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in maydadka la helay sabtidii kadib markii shaqaaluhu ay qodeen dhul bannaan oo kuyaal xaafadda Haridevpur.
Sharikad guryaha dhista ayaa dhawaan
iibsatay dhulka, sida uu sheegay wargayska Hindustan Times.
Wali ma cadda waxa keenay dhacdadaan.
Duqa Magaalada Kolkata Sovan Chatterjee ayaa yidhi: " 14 mayd, oo mid kasta gaar kiis bac loogu duubay, ayaa ku jiray laba boorso"
"Baaritaan ballaaran Ayaa goobta oo idil lagu samayn doonaa, oo ay kamid yihiin meelaha ay biyuhu kujiraan si markaas loo ogaado in maydad kale ay jiraan, waxay u muuqataa in maydadka kiimiko la dhex galiyey."
Sarkaal booliis ah oo aan magaciisa la sheegin oo ay soo xigatay warbaahinta Hindiya ayaa sheegay in xarun ilmaha la isaga soo rido oo goobta ka dhawayd laga yaabo in ay masuul ka ahayd arrintan.
SHAQAALO AJAANIB AH OO LAGU XIRAY BERBERA
Lix nin oo shan kamid ah yihiin ajaanib u dhalatay dalka Pakistan isla markaana kamid ahaa shaqaalaha dhisaya saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayo magaaalada Berbera ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu soo eedeeyay ugaadhsi sharci darro ah gaar ahaan waxaa la sheegay in ay ugaadhsanayeen Xayawaanka Deerada.
Anwar Xasan oo ah isku duwaha Wasaaradda deegaanka ayaa ka warbixiyay xiritaanka ajaanibtan.
"Dad aan xirnay waxaa ay ahaayeen shan qof oo ajaanib ah iyo hal Soomaali ah waxaa ayna ka shaqeynayeen Saldhigga Imaaraadka uu ka dhisanayo Magaalada Berbera arrintani waxaa noo soo sheegay shaqaalaha garoonka”.
Shaqaalahan ayaa waxaa ay ka shaqeynayeen Saldhigga Imaaraadka ee Berber waxaa ayna gaarayaan lix qof oo mid ka mid ah uu Soomaali waxaana lagu eedeeyay in ay sameeyeen ugaarsi sharci darro ah sidaasna loo xiray.
QARAMADA MIDOOBAY OO KA WALAACSAN XAALADDA MUSLIMIINTA UIGHURS
QM ayaa sheegaysa in Shiinuhu ku faquuq ku yaho bulshada Uighur
Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay wararka sheegaya in xarig baahsan lagula kacay Qawmiyadda Muslimiinta u badan ee Uighurs waxayna ku baaqday in lasii daayo dadka xidhan.
Arrintan ayaa imaanaysa kadib markii guddi katirsan Qaramada midoobay ay dhagaysteen wararka sheegaya in ilaa hal milyan oo ah Qawmiyaddda Muslimiinta ah ee Uighurs ee ku dhaqan galbeedka gobolka Xinjiang, lagu hayo xarumo dhaqan celin ah.
Xukuumadda Beijing ayaa beenisay eedaymaha balse qiratay in qaar kamid ah dad xagjir diimeed ah loo hayo si loo dhaqan celiyo.
Shiinaha ayaa ku eedaynaya in mintidiin Muslimiin ah iyo kooxo gooni u goosato ah ay gobolka ka wadaan xasilooni darro.
Baaritaan la sameeyey horraantii bishaan, xubno katirsan gudiga Qaramada midoobay u qaabilsan ka hortagga midab kala sooca iyo cunsiriyadda ayaa sheegay in warar lagu kalsoon yahay ay tilmaamayaan in xukuuumadda Beijing "ay gobolkaas ka dhigtay wax u eg xero ciidan".
Shiinaha ayaa ku jawaabay in Muslimiinta Uighurs ay haystaan xuquuq buuxda balse xukuumadda Beijing ayaa samaysay qirasho dhif ah " kuwa ay marin habaabisay xagjirnimada diintu … waxaa laga caawin doonaa dib u dajin iyo in loo sameeyo dhaqan celin"
Gudiga ayaa xukuumadda Beijing ugu baaqay:
In la joojiyo xadhiga aan loo marin dacwad, maxkmad iyo xukun
In si dag dag ah loo sii daayo dadka xidh xidhan
In lasoo gudbiyo tirada dadka xidhan iyo sababta ay u xidhan yihiin.
In la sameeyo baadhitaano la xiriira dhammaan eedaymaha ku aaddan isirka iyo diinta.
Kooxaha xuquuqda aadnaha oo ay kamid yihiin Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ugudbiyey gudiga Qarmada midoobay caddaymo duuban oo la xiriira xadhiga baahsan ee lagu hayo qawmiyaddaan Muslimka ah, kuwaas oo lagu hayo xeryo dadka lagu khasbo in ay u hoggaansamaan madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping
GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GAROOWE OO LOOGU BAAQAY SOOCELINTA BILICDA MAGAALADA
Guddoomiyeyaasha Xaafadaha Garoowe ayaa ka dalbaday guddoomiyaha cusub ee magaaladaasi inuu wax ka qabto arrimaha la xiriira dib usoo celinta bilicda magaaladaasi.
Muxubo Maxamuud, guddoomiyaha xaafadda Horseed ee Garoowe ayaa sheegtay in guddoomiyaha cusub ka dalabanayaan wax ka qabashada soo celinta leerarka iyo arrimo kale oo bilicda magaaladaasi ku saabsan.
" Xaafaddeenna labo laami ayaa mara, labada laami waa gud cur dhinicii ganacsiga waa uu socdaa xaafadda solar iyo lery toona lamahan waxaan u sheegayaa maamulka cusub iyo guddoomiyaha cusub waxaan leenahay waa in ay soo celiyaan biilcda Magaalada iyo xaafadaha”, sidaasi waxaa yiri Muxubo Maxamuud oo ah guddoomiyaha xaafadda Horseed.
Axmed Barre Saciid ayaa todobaadkii hore loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee Magaalada Garoowe kadib codeyn ka dhacday xarunta degmadaasi.
BOGGA CAYAARAHA.
CIYAARAHA DAGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR
HOWL-WADAAG IYO BOONDHEERE AYAA BARBARO 1-1 KU KALA TAGAY CIYAAR KA DHACDAY GAROONKA JAAMACADAHA.
Labada koox oo ku wada jira Group Cayaar garoonka soo galay iyadoo koox walba ay beegsa nayso hogaanka Group-ka kadib markii ay barbaro kulamadii hore lasoo galeen degmooyinka Kaar aan iyo Deyniile,waxaana ciyaar weerar ku dheehan gacanta sare bilowga hore ee ciyarta la soo ba xday degmada Howl-wadaag oo hogaanka ciyaarta la wareegtay isla qaybtii hore kadib gool aad u qu rux badnaa oo uu u saxiixay laacibka No-6 Yaasiin Maxamuud Sulaymaan.
Boondheere oo qaybta hore jahwareer ku dhamaystay kadib markii 6 ciyaartoyd ay diideen in ay ciyaaraan markii ay dood ka keeneen in Kabtanka kooxda Keydka la geliyo kaasoo macallinka kooxda dhaawac awgii safka hore uga reebay isla markaana ay go’aansadeen in ay garoonka isaga darer aan ayaa qaybta labaad lasoo baxday ciyaar wanaagsan.
Boondheere ayaa ka faa’iidaysatay fursado weerar celis ahaa waxaana mid kamid ah gool u badalay laacibka No-18 Maxamuud Xuseen Guuleed.
Howl-wadaag ayaa dhankeeda daqiiqadihi u dambeeyay ee ciyaarta heshay fyrsado ay goolal ku dhalin kareen kuwaa oo aan miro dhal noqon.
Group C oo ay kuwada jiraan Boondheere, Deyniile, Howlwadaag iyo Kaaraan ayaa Group-ka kaliya ee aysan koox guul gaariin waxayna koox waliba sidataa 2 dhibcood kadib 2 kulan.
WADAJIR IYO XAMAR-WAYNE OO ISKU GARAB DHACAY.
Waxaa soo dhamaaday kulankii u dhaxeeyay dagmooyinka Xamar wayne iyo Wadajir kana tirs anaa tartanka kubada cagta dagmooyin gob-olka banaadir.
Waqtigii loogu tala galay kulan-kan ayaa kusoo dhamaaday barbaro 1:1 ah oo ay isla dhaafi waa yen labadani dagmo
Labada dagmo ayaa wada wadaaga 4 dhibcood iyagoo labo kulan oo ay ciyaareen midna guuul gaaray midna bareejo galay.
LOPETEGUI OO DALBADAY SAXIIXA XIDIG MUHIIM AH SI UU KAGA TAQALUSO MID KA MID AH CIYAARTOYDA UGU MUHIIMSAN REAL MADRID
Wargeyska "Don Balón” ee dalka Spain oo sheegay in Julen Lopetegui uu ka dalbaday maamu lka kooxda Real Madrid inay u sameeyaan saxiixa laacibka Chelsea Marcos Alonso.
Sida warbixitan lagu xusay Julen Lopetegui ayaa ka careysan qaab ciyaareedka difaaca koox diisa ee reer Brazil Marcelo, sidaas darteed wuxuu dalbaday xidig badal u noqda suuqa furmi doono bisha January.
Lopetegui ayaa dareensan in hoos u dhac uu ku yimid qaab ciyaareedka Marcelo, waana saba bta uu u doonayo in loo sameeyo saxiixa laacib cusub ee badal u noqon kara.
Si kastaba Marcos Alonso ayaa wuxuu bandhig wanaagsan ka sameenayaa safka kooxdiisa Chelsea xili ciyaareedkan, Julen Lopetegui ayaana doonaya inuu ka dhigto badalka Marcelo ee kooxda Real Madrid.
POGBA OO MANCHESTER UNITED U SHEEGAY GOORTA UU KA TAGAYO IYO KOOXDA UU KU BIIRAYO!!
Paul Pogba ayaa dhagta ugu dhibciyay Manchester United goorta uu doonayo inuu ka tago iyo kooxda uu ku biirayo.
Xiddiga qadka dhexe ee Manchester United ayaa doonaya inuu ka tago Old Trafford isla markaana dib ugu laabto Juventus marka uu suuqa furmo bisha Janaayo.
Sunday Express ayaa ogaatay in Pogba uu Ogeysiiyay kooxda Jose inay ka go’an tahay inuu ka tago marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga.
Pogba ayaa intaas ugu naxariisanaya Man United si ay badelkiisa u sii raadsadaan oo wuxuuba doonayay inuu ka tago suuqii xirmay sida ay wararku sheegayaan.
25-jirka ayaa dib ugu soo laabtay Man United labo sano ka hor isagoona lacago Rikoodh ah 89 milyan dib ugu soo laabtay Masraxa Riyada laakiin wuxuu weli heli la’yahay qaab ciyaareedkii Cajiibka ahaa ee lagu yaqiinay berigii uu ka ciyaarayay horyaalka Serie A.
Xiriirka kala dhexeeya Jose Mourinho ayaa bur buray waxaana xitaa suuro gal ah inuu gaaray heer aan ka soo laabasho lahayn, taasna waa tan ku dhalisay inuu doono inuu ka tago kooxda.
BURCAD JABSATAY GURIGA MEMPHIS DEPAY, ALAABTA AY QAATEEN IYO QIIMAHA AY KU FADHISO
Rag hubeysan ayaa udhacay habeenimadii Jimcaha Guriga uu caasimadda Faransiiska ee Paris ka deganaa weerar yahankii hore ee Manchester United, Memphis Depay, laakiin haatan udhe ela kooxda Lyon.
Burcadda ayaa lagu waramayaa inay Guriga ka galeen dhanka Albaabka, xili uu xidigaan udhashay wadanka Holland ku maqnaa ciyaar ay naadigiisa la dheeshay habeenkaas dhigeeda Nice.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay in Guriga 22-sano jirkaan laga qaatay alaab lagu qiimeeyay 1.3 milyan oo Yuuroo, inkasta oo aanan la fahfaahin waxa ay tahay.
Illo wareedyo aad ugu dhow falkaan ayaa ku waramaya in Booliska ay bilaabeen baaris ku sa absan siday ugu suurtagashay Tuugada inay gudaha ugalaan Guriga ayna qaataan alaabtaasi.
Qolka qaaska ah ee Memphis Depay ayaa la sheegay inuu kamid yahay meelaha ay usuura ga shay Burcadda inay galaan, iyaga oo ka baxay kadib falka Daaqadda dambe ee Guriga.
Dalka Faransiiska ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee laga soo wariyo kiisaska noocaan ah, waxaana horey uga dhacay falal lagu Jabsaday Guriga ciyaaryahano dhowr ah oo dalkaasi ka dheela.
Ciyaartoyda ayaa sanadihii udambeeyay unoqday Tuugada Darbi ka boodoyda ah bartilmaa meed, waxaana la fahansan yahay inay sababtu tahay inay yihiin kuwa agab qaali ah ay ku jiraan Hoy gooda.
ENGLAND - PREMIER LEAGUE
Cardiff City 2 - 3 Arsenal
Burnley 0 - 2 Manchester United
Watford FC 2 - 1 Tottenham Hotspur
Qqqq
SPAIN - LALIGA SANTANDER
UD Levante 2 - 2 Valencia CF
Deportivo Alaves Sad 2 - 1 Espanyol Barcelona
FC Barcelona 8 - 2 SD Huesca
HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ISNIIN 3-DA SEPTEMBAR 2018-KA
KHAYRE OO AMARSIIYAY WASAARADDA AMNIGA Ra'iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan ay golaha wasiirradu ku yeesheen Muqdisho ayaa ku amray wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradaha kale ee