Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Sudan oo xiriirka u jaray Iiraan

0
Tuesday January 05, 2016 - 12:15:51 in Wararka by
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Sudan oo xiriirka u jaray Iiraan

    Dowladaha Baxrayn, Sudan iyo Imaaraadka Carabta oo ka mid ah Xulafada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen dowladda Iiraan, kadib weerarkii dibad baxayaal careysan ku qaadeen Safaaradii Sacuudiga ee Tehran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Baxrayn, Sudan iyo Imaaraadka Carabta oo ka mid ah Xulafada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen dowladda Iiraan, kadib weerarkii dibad baxayaal careysan ku qaadeen Safaaradii Sacuudiga ee Tehran.

Bayaan ka soo baxay dowladda Baxrayn oo ay baahisay wakaalada wararka ee BNA ayaa lagu sheegay in wixii hada ka dambeeya ay xiriirka diblomaasiyeed loo jaray Iiraan, waxaana muddo 48 saacadood loo qabtay diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan Baxrayn.

Sudan oo ka mid ah dowladaha Carbeed ayaa iyana sheegtay inay xiriirka u jartay Xukuumadda Tehran, iyagoo ka jawaabeysa weerarkii Safaaradda Sacuudiga ee Tehran, iyadoo ku tilmaamtay weerar xaasidnimo ah.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay xiriirka hoos u dhigayaan, sababta oo ah "Faro-gelinta joogtada ah ee Iran ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka Khaliijka Carbeed, oo gaaray heer aad u sarreeya”.

Sidoo kale Imaaraadka waxay ay xidideen tirada diblomaasiyiinta Iran ee dalkaas, islamarkaana waxa ay mataaladda Iran ee dalkaas ay hoos ugu dhigeen heer arrimo fulito, intii ay ka ahaan lahayd heer safiir.

Iran ayaa goor sii horreysay cambaareysay tallaabadii ay Sacuudiga ku jareen xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey labada dal, waxaana ay sheegtay in taasi ay xiisad ka hurineyso gobolka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Hossein Jaber Ansari, ayaa sheegay in diblomaasiyiinta Iran aysan weli kasoo tagin dalka Sacuudiga, balse la diyaariyey qaabkii ay uga soo bixi lahaayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip