Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo u digtay Askarta Dowladda

0
Tuesday January 05, 2016 - 12:04:26 in Wararka by
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo u digtay Askarta Dowladda

    Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa uga digtay Askarta Dowladda inay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca Dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa uga digtay Askarta Dowladda inay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca Dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay tallaabo ka qaadi doonto Askarta Dowladda ee ka qeyb qaata Dagaal Beeleedyada. "Annaga ka Maxkamad ahaan waxaa na quseeya waxaa waaye Dagaal Beeleedyada ma ka qeyb qaateen shaqsi ka tirsan ciidamada qalabka sida haddii uu ka qayb qaatay waxaan ka qaadi doonnaa tallaabo cad Qof qaran ah inuu ka qeyb qaato dagaal Beeleedya waa arrin aan sharci ahayn, marka sidaa owgeed tallaabo sharciga waafaqsan ayaan ka qaadayna askarta dowladda haddii ay galaan dambiyada nuucaas ah”

Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamadda

Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ay yaraadeen dilalka dadka rayidka loo geysanayo kaddib markii maxkamadda ay billowday in dadka dilalka geysta Sharciga la marsiiyo.

"Dilka qofka qof dilo oon ka baqin in sharciga la marsiiyo waa ay yaraadeen, xamar waxaa ka jirtay in maalin cad iskaa daa dilee meydadka la afduubto, iyadoo dadka sidaas yeelanaya ay ka baqin in sharciga la marsiinkaro, waxaana maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda ay billowday tan iyo markii ay howl billowday in dadkaas Sharciga la marsiiyo” Ayuu Yiri Markale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda ayaa ku howlan Baaritaanka in Dagaal Beeleedyadii ka dhacay Gobolka Hiiraan in ay ka qeyb qaateen Askar ka tirsan Dowladda.

Xigasho:-radiomuqdisho.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip