HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 1-DA SEPTEMBAR 2018KA

0
Saturday September 01, 2018 - 08:17:25 in Wararka by
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 1-DA SEPTEMBAR 2018KA

    MAAMULKA KGS OO DIGNIIN U DIRAY MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED Taliyaha Booliska gaarka ah ee maa mulka K/Galbeed Gen/ Mahad C/raxmaan Aadan ayaa mush araxiinta tartameysa xil ka Madaxweynaha uga digay in aysan is ka sameyn ciidan u ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAAMULKA KGS OO DIGNIIN U DIRAY MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED Taliyaha Booliska gaarka ah ee maa mulka K/Galbeed Gen/ Mahad C/raxmaan Aadan ayaa mush araxiinta tartameysa xil ka Madaxweynaha uga digay in aysan is ka sameyn ciidan u gaar ah, iyaga oo aan ku soo wargelin Taliska Booliska.

Wuxuu sheegay ciidamada Booliska Ko onfur Galbeed inay wadaan sidii sugidda amniga loo xoojin lahaa, sidaasi darteed na looga baahan yahay musharaxiinta in ay ka shaqeeyaan nabadda, isla markaa na aanan loo baahneyn in qof walba uu uruursado ciidan u abaabulan hab beel eed. Gen Mahad ayaa sheegay inay diy aar yihiin inay ilaaliyaan musharaxiinta, isl amarkaana siiyaan ciidan Boolis ah oo u gaar ah, wuxuuna tilmaamay marba hadii ay dhisan yihiin ciidan dowladeed inaan loo baahneyn ciidan beeleed, si isku dhac uusan u imaan.

"Qabiilka inaad ka fogaataan oo aad na badda nagala shaqeysaan, hadii nin wal ba uu ciidan uruursado waa dhibaato nab adgeliyo daro ayaa dhalaneysa, annaga ayaa diyaar u ah inaan amnigiina sugno oo ciidan idin siino, balse waxaan idinka codsaneynaa inaadan bilaabin in ciidan beeleed aad uruursataan, magaalada gu daheeda amnigeeda waxaa sugaya Boo lis”. Ayuu yiri General Mahad.

Sida uu qorshaha uu yahay magaalada Baydhabo 17ka bisha November ee san adknan waxaa ka dhaceysa doora shada Madaxweynaha maamulka KG oo ay ku tartamayaan musharaxiin badan oo uu qeyb ka yahay hoggaamiyaha hada tal ada haya Shariif Xasan Sh. Aadan.

MUSTAFA ”CIDDII AAN QANCIN WEYNO XAQ BAY U LEEDAHAY INAY NA DHALIISHO.”

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deeg aanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cu mar ayaa sheegay in uu ku dadaalayo qa ncinta qofkaste, balse haddii ay taasi suu ragali waydo aan cidna loo qabsanaynin "xagxagashadiisa”. Madaxweynaha ayaa barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qo ray "Dadku inay cawdaan, cagajugleeya an, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka di mooqraadiyadda ee aynu u oomaneeyn”.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qaba a’Illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub.

Waxaa jira walaac laga qabo in dadka qaar ay xoriyadda hadalka u isticmaalaan si aan munaasab ahayn. "Tobankii sano ee la soo dhaafay way adkayd in aad ara gto dhallinyaro is maan dhaafay oo is dag aalaya ama la kala qabanayo, balse ha dda meelaha shaaha lagu cabo ee Jigjiga dhallinyaro lagu kala hayo ayaad arki” ay uu yiri Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo horay bare uga soo noqday Jaamacadda Haramaya ee dalka Itoobiya, haddana aad ugu dhuun duleela deegaanka maa daama oo uu ka shaqeeya arrimaha samafalka.

Madaxweynaha oo markii xilka loo soo xulay ka hadlaya in aan qofna laga aqbali doonin si xun u adeegsiga xoriyadda ha dalka ayaa yiri"Marka qawaaniinta caalam ka iyo midka dalka Itoobiyaba la fiiriyo wa a dambi in qof dhaho qabiil hebaloow qab iil hebal ku duul”.

BURCAD LAGU QABTAY MUQDISHO

Ciidamada Booliska saldhigga deg mada Waaberi ayaa habeen hore fiidkii gacanta ku dhigay mid ka mid ah 3 nin oo dhac u geystay shacabka qaar ee ku dhaqan gu daha degmada Waaberi ee gobolka Ban aadir. 3dan nin ayaa telefoonada gacanta ka soo dhacay shacab ku nool Waaxda Hantiwadaag ee degmada Waaberi, wax ayna wateen ilaa Laba Bastooladood oo dadka ay ku handadayeen.

Qabashada mid ka mid ah raggan ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii ay is ku dayeen inay telefoonka ka dhacaan wiil uu dhalay Sarkaal NISA ka tirsan oo degan degmada Waaberi, balse waxa ay iska caabin kala kulmeen askari ilaalo u ahaa sarkaalka oo fadhiyay banaanka gur iga, waxaana dhexmartay is rasaaseyn. Ciidamada Booliska degmada Waaberi ayaa ku baxay rasaasta ka dhacday guda ha degmada, waxayna ugu dambeyn ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah Saddexda nin oo watay Basto olad.

Ninkan ayaa lagu xiray saldhigga Bo oliska degmada Waaberi halkaasi oo ay isugu yimaadeen dadweyne fara badan oo qaarkood laga soo dhacay telefoona dooda gacanta, kuwaasi oo la diiwaangel iyay si loogu baadi goobo telefoonadoo da, sidoo kale ciidamada ammaanka ay aa ku daba jira ragga kale ee baxsadka ah.Kooxaha burcada ah ee ku hubeysan Bastooladaha ayaa xaafadaha qaar ee de gmooyinka gobolka Banaadir waxa ay xil liyada habeenkii dhac ugu geystaan dhal inyarada telefoonada ku isticmaasha gid aarada xaafadahooda, inta badan ma suuragasho in gacanta lagu dhigo

MAREYKANKA OO KU HANJABAY IN UU ISA GA BAXAYO URURKA GANACSIGA ADDUUNKA

Madaxweyne Trump ayaa heshiiskii sa nadkii 1994 lagu aasaasay ururka ganacs iga adduunka ee WTO ku tilmaamay he shiis ganacsi kii ugu xumaa taariikhda, waxa uuna ku hanjabay in dalkiisa uu isa ga bixi doono ururkaasi.Trump ayaa shee gay in ururuka ganacsiga adduunka ee WTO uu u baahan yahay in isbadal lagu sameeyo. Waxaase uu qiray in Mareykan ka uu sanadkii la soo dhaafay ku guuleys tay dacwado la horgeeyay qeybta xallinta khilaafaadka ganacsiga ee ururkaasi.

Xukuumadda Washington ayaa horey u hakisay doorashada garsoorayaasha qeybta xallinta khilaafaadka ee WTO, arri ntaasi oo mustaqbalka waxyeeleyn doon ta awoodda garsoor ee ururka ganacsiga adduunka. Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegaya in ganacsiga adduunka uu caw aaqib xukumo la kulmi doono haddii Mare ykanka uu isaga baxa WTO. Trump ayaa tan iyo markii uu qabtay xilka madaxweyn enimada ee dalkaasi Mareykanka ka bax ay heshiisyo dhawr ah oo caalami ah, isa ga oo ku eedeeyay in dhammaantood ay lid ku yihiin danaha Mareykanka.

MAXKAMADA SARE EE ITOOBIYA OO DIIDEY IN DAMIIN LAGU SII DAAYO CABDI MAXAMU UD CUMAR

Cabdi-maxamuud-720x430 Maxkamada Sare ee dalka Itoobiya ayaa diiday in damiin lagu sii daayo Mad axweynihii hore ee dowlad deegaanka So omaalida ItoobiyaCabdi Maxamud Cum ar iyo saddex kale oo ka mid ahaa mada xda maamulkiisa. Cabdi Maxamuud Cum ar iyo qaar ka mid ah mas’uu liy iin hore uga ga mid ahaa maa mulkiisa oo qof dumar ah ku jirto ayaa loo haystaa In ay ku kac een falal ka dhan ah bani’aadanimada ay na kiciyeen dag aalo iyo rabshado ay ku dhinteen konton ruux halka ay tobanaan kun oo kale ku barakaceen.

Eedeysanayaasha ayaa weydiistay in damiin lagu sii daayo iyagoo ku andaco oday inay xanuunsan yihiin oo ay qabaan cuduro kala duwan ayna ka heleyn adeeg caafimaad iyo cunto wanaagsan gudaha halka ay ku xiran yihiin.Booliska Itoobiya ayaa sheegay in dambiyada loo haysto ay yihiin kuwo ku qoran qodobka 3aad oo ah fal argagaxisinimo sidaas darteedna a an lagu sii deyn karin damiin.

Hase yeeshee Maxkamada ayaa u fas axday in Madaxweynihii hore ee DDSI iyo xubnaha kale ee la xiran in cunto ay qoy saskoodu ugu keenaan halka ay ku xiran yihiin iyo in haddii mid ka mid ah uu xanuunsado dibadda loogaga raadin karo dhakhtar. Maxkamadeynta Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida It oobiya iyo xubnaha la xiran ayaa dib loo dhigey illaa iyo 14ka bisha 9aad 2018.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO BALLAN QA ADAY IN GAROONKA CIYAARAHA MUQDI SHO LAGU DHISAYO BARNJAAMIJKA ISXILQAAN

R/wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Kha yre, ayaa ballan qaaday in garoonka ciya araha Muqdisho lagu dhisayo barnaamij ka Isxilqaan oo ay xukuumaddu ugu tala gashay dardargelinta dibudhiska dalka iyada oo ay shacabku ka qayb qaadanay aan. Md. Xasan Cali Khayre oo shalay ka qeybqaadanayay ololaha nadaafadda Khamiislaha ah ee isxilqaan oo lagu nad iifinayay garoonka ciyaaraha Muqdisho ayaa sheegay in barnaamijkan lagu dhisi doono xarumaha dowladda ee burbursan iyo waddooyinka iyada oo laga billaabayo garoonka ciyaaraha Muqdisho, xarunta xisbiga, golaha Mudritida iyo madadaadal a iyo maktabadda Qaranka. "Hadii aad sugaysaan in uu idiin yimaado ajnabi, idi in dhiso garoonkaan waa in aad iska ila awdaan, waa in aad is abaabushaan, xaa qataan, dhissataan garoonkiinna si uu u shaqeeyo”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xas an Cali Khayr oo kula hadlayay dadwa yne Soomaaliyedd oo isugu yimid gudaha garoonka.

R/wasaare Khayre ayaa horay u ballan qaaday in sannadkaan gudihiisa garoon ka dib loogu soo celinayo gacanta dawlad da, waxaana Ciidanka AMISOM ay banne eyeen garoonka iyaga oo fulina ya amar ka madaxda Qaranka DHAMMAD

BOOLISKA M/AMESTERDAM OO DHAAW ACAY NIN MINDI KU WEERARAY LABO RUUX

Ciidamada Booliska M/Amsterdam da lka Holland ayaa toogtay oo dhaawacay nin ku hubeysan mindi oo labo ruux ku we eraray xarun laga raaco tareenada.

Illaa hadda lama oga in falkan uu la xiriiro argagaxiso balse Booliska ayaa sheega ya in wax walba laga filan karo in uu fal kan la xiriiro balse ay baaritaan ku samey nayaan.Booliska ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin cabsi kale oo dadka loogaga saarayo xarunta tareenka,balse waxaa la xirey labo bosteejo oo dadka laga saaray.

2dii ruux ee ku dhaawacantay weerark an ayaa la geeyay isbitaal halkaa oo lagu daweynayo, waxayna boolisku xireen qof kii ka dambeeyay weerarkan oo dhaawac ah. Illaa 250,000 oo ruux ayaa maalin wal ba waxa ay ku safraan xaruntan uu weer arku ka dhacay iyadoo halkaa laga heli ka ro tareeno aada garoonka diyaaradaha eeSchiphol Airport.

Maalinta Jimcahana waa mid ka mid ah maalmaha ugu mashquulka badan leh ee xaruntan maadaama dad badan ay u ima nayaan dalxiis maalmaha fasaxa. Weera rada loo adeegsada mindiyaha ayaa ah kuwo ka dhaca wadamo badan oo ka mid ah qaarada Yurub.

THERESA MAY OO DHAQAALE U BALAN QAADAY AMISOM

MAY-696x449 Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku sugan M/Nayrobi ee dalka Kenya, halkaasi oo booqasho rasmi ah shalay ay uga bilaabatay. Theresa May iyo Uhuru Kneyatta ayaa waxaa la filayaa inay wada saxiixi doonaan heshiis dhan ka ammaanka ah, iyada oo ay wadaagi doonaan khubarada ku xilka dheer amma anka si looga hortago dambiyada qorshey san. Waxa ay sheegtay May in xukuumad eeda ay maalgelin dheeraad ku sameys an doonto Kenya, iyada oo sidoo kale tilm aamay in ciidanka Midowga Afrika ee AMI SOM ay siin doonto kaalmo dheeraad ah.

"UK wax ay sii wadeysaa taageerada ay u heyso askarta Kenyanka ah ee sida geesinimada leh Al Shabaab ugula daga alamaya Soomaaliya, waxaana shaacin doonaa dhaqaale cusub oo aan ku taage ereyno AMISOM”. Ayay tiri Theresa May.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo marti loo yahay ayaa dhankiisa wuxuu sheegay dhaqaalaha la siinayo ciidanka AMISOM inuu yahay mid wanaagsan, cod sigiisana uu ka mid ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa ah Ra’iisul Wasaarihii ugu hor eeyay oo mudo 30 sano kadib booqda dal ka Kenya, tan iyo booqashadii ugu damb eysay ee Margaret Thatcher.

KENYA OO LAGA DALBADAY INAY JAWAAB KA BIXISO AFDUUBKA BOQOL RUUX OO SOOMAALI KU JIRTO!

Hay’addo udooda xuquuda aadanaha ayaa dowlada Kenya ka dalbanaya in dib loo helo inka badan 80 dhalinyaro ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan loogu afduubtay gudaha dalkaasi sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo wada saareen hay’a da haasi. Hassan Abdille oo ah agaasimaha guud ee hay’ada Muhuri ee udooda xuqu uqda dadka muslimiinta ah ayaa sheeg ay in badi dadkan ay gacanta ugu jiraan saraakiisha dowlada kadib markii sida uu sheegay agaasimaha in ay tahay wax aad loogu xumaado isla markaana dhalin yaradaasi dib loogu soo celiyo deegaa nadoodii ay kunoolaayeen.

Agaasimaha oo sii hadlayay ayaa dha nka kale ugu baaqay madaxweynaha Ken ya Uhura Kenyatta in cadaalada la hor keeno saraakiisha looga cabsi qabo in ay gacantooda kujiraan caruurtaasi Deegaan ada ugu ba’adan oo dhalinyaradaasi laga afduubtay ayaa la sheegay in ay yihiin Ta na River, Garissa, Mombasa, Kwale, Kilifi and Lamu, kuwaa oo ah xudunta ugu we yn oo ay kadhacaan weerarada ay fuliy aan Alshabab

Agaasimaha guud ee hay’ada Muhuri ee u dooda xuquuqda dadka Muslimiinta ah ayaa ugu dambeyntii waxaa uu shee gay in 80kaasi dhalinyaro loo baahan yah ay hadii ay wax dambi ah galeen ama xa riir ay laleeyihiin dhaq dhaqaaqa Alshab ab lahorkeeno cadaada isagoona sheeg ay in waalidiinta dhalay dhalinyaradaasi ay aad ugu walaacsan yihiin caruurtooda.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli maalin kahor madaxweynaha dalkaasi Mr uhura Kenyatta uu casuumaad kahelay madax weynaha dalka mareykanka Donald Tru mp kuwaa oo kawada hadlay sidii xal lo oga gaari lahaa dagaalka lagula jiro Alshabaab.

KULAN LOOGA HADLAYEY WAXQABADKA AMISOM EE SOMALIA OO LAGU SOO GA BAGABEEYAY KENYA

Guddiga xiriirka howlgalada Militaryga ee howl galka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa dhawaan kulan ku soo gaba gabeeyay magaalada Nair obi ee xarunta dalka Kenya.

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka socotay howlgalka AMI SOM, masuuliyiin ka tirsan Ururka Midow ga Africa ,wakiil ka ka socday Dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah ururada garg aarka.

Kulanka oo uu shirgudoominayey gu doomiyaha gudiga Nabad gelyada iyo Am niga ee Midowga Africa Smail Chergui ay aa warbixin ka soo jeediyey qaar ka mid madaxdii ka soo qayb gashay shirkaasi oo uu ka mid madaxa howl galka AMI SOM ee Somaliya. Shirka ayaa waxaa dhinacyada ka soo qayb galay ay si weyn ugu hadleen waxyaabihii uu qabsoomay howl galka AMISOM gaar ahaan horum ada ay ka sameeyeen dhinacyada amnig a,nabadeynta iyo tayeynta ciidamada somaliya.

Wakiil ururka midowga afrika ahna ma daxa howl galka AMISOM ee Somaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa xus ay in ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ay door weyn ka qaateen horumara da ka jira somaliya. Waxaana uu sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan ciidamamada dowladda federalka ah ee Somaliya oo ku jira qorshaha ku meel ga arka ah ee ay kula waregayaan mas,uuli yada ammaanka dalka.

Kulanka oo ahaa kii 26 aad ee gudiga xiriirka howl galada malateri ee AMISOM ayaa waxaa dhinacyadii ka soo qayb galay ay hoosta ka xariiqeen in howl gal ka midowga afrika uu horumaro la taaban karo ka ka sameeyay somaliya

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WADAHADA LLO LA YEESHAY MADAXWEYNAHA SHII NAHA XI JINPING

Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/ hi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeesh ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shac abka Shiinaha Mudane Xi Jinping. Wada hadallani waxa ay hordhac u yihiin Mada sha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika. Mada xweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran.

Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ay aa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka ga areen dhinacyada siyaasadda, dibu dhis ka dalka iyo dhaqaalaha. Labada Madax weyne waxa ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsi ga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

2da hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaa liya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeya hay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan "Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirn aanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaad aya horumarkooda dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray taageerada laxaadka leh ee Shiinaha, w uxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalga shi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaali ya.2da Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aad dan horumarka iyo dhaqaalaha.

2da dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhis maha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaq aalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashi ga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Wars hadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohd ay dhaqaale lagu taageerayo amniga, ga rgaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soo maaliya.DHAMMAAD

CIIDAN IYO SHACAB KU DHINTAY SHIL DIYAARADEED

Saraakiiha ammaanka dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in 18 qof oo isugu jira ciid an iyo shacab ay ku dhinteen diyaarad Mill atari oo ku burburtay degaanka Lum ee Ejereetti oo ku yaalla duleedka M/Ad dis Ababa. Diyaaradan ayaa waxaa la sheegay in markeedii hore ay ka soo duu shay magaalada Diridhaba, islamarkaana ay ku sii jeeday magaalada Addis Ababa, balse waxa ay ku burburtay Bariga Shoa ee gobolka Oromia.

Shilkan diyaaradeed oo ilaa hadda aa nan la ogeyn waxa sababay ayaa dadka ku dhintay 15 ka mid ah waxa ay ahaaye en ciidanka Difaaca Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay sheegtay inay wa do baaritaanada la xiriira burburka diyaa radda, dibna ka soo sheegi doonto faah faahinta rasmiga ah ee la xiriirta dhacda dan.

KULAN DHEXMARAY XASAN KHAYRE IYO XASAN SHEEKH

R/Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Kh ayre ayaa habeen hore hoyga uu M/Mu qdisho ka de gan yahay ku booqd ay Madaxweyni hii hore ee Soo maaliya Xasan Sh/Maxa muud. Madaxweynhii hore ee Soomaaliya ayaa daraad soo gaaray M/ Muqdisho, waxaana garaoonka diya ar adaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddi dowla dda ay u xilsaartay soo dha weyntiisa oo uu horkacayay Wasiirka amn iga Soomaa liya. Khayre ayaa ujeedada booqashadi isa waxa ay la xiriirtay si uu Xasan Sh. U gu muujiyo soo dhaweyn hab maamuus leh, waxayna masuuliyiin tan yeesheen kul an muhiim ah oo ay ka ga hadleen xaal ada dalka iyo sidii wada jir la isaga kaa shan lahaa horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

xasan sheekh iyo kheyrre Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Madaxw eynihii hore ee dalka warbixin ka siiyay marxalada dalka sida siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha oo ay guulo waa weyn ka sameysay dowladda Soomaaliya. Madax weynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh .maxamuud ayaa soo dhaweeyay horum arka la gaaray wuxuuna xusay dhamma an bulshada Soomaaliyeed in looga baah an yahay inay taageeraan dowladnimada Soomaaliya.



BOOBKII GANACSIGA AJAANIBTA EE KOON FUR AFRICA OO WALI HALKIISII KA SII SOCDA

Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in shalay oo kaliya lagu boobay deegaan 120km u jira ma gaalada Cape Town lagu boobay dukaa mo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib ra bshado xoogan oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayay xaafadda Soweto ee magaalad Johannesburg oo sida la sheegay dad u badnaa burcad cagta mar iyeen dukaamo ay lahaayeen dad ajaanbi ah.

Dhacan ugu danbeeyay ee laga soo sheegayo Koonfur Africa ayaa lagu boo bay ilaa saddeed dukaan oo ay lahaaye en ganacsato isugu jirta Soomaali, Itoobi yan iyo Bangaladheesh. Ganacsatada So omaaliyeed ayaa dalbadanaya in si deg deg ah arintan u soo faragaliso dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Booliiska K/Africa ayaa iya gu u muuqda kuwo aan danba ka laheyn waxa dhacaya, waxeyna ganacsatadu sheegeen in meelaha qaar dukaamada hortooda lagu boobayo ciidamada.Maxa med Cawil oo ah ganacsade ku sugan Ko onfur Africa oo dhawaan markii ay rabsh aduhu bilaawdeen la hadlay Hiiraan Onli ne ayaa sheegay in sababta kicisay arin tan tahay in qaar ka mid ah ganacsatada lagu eedeyay in ay iibiyan alabo dhacay.

Laakiin marka la eego khasaaraha loo geystay goobaha ganacsiga waa mid ka baaxad weyn eedeyntaa iyada ah oo wax aad moodaa in markii horeba dadkan ah aayeen kuwo u taagnaa boobka hantida ganacsatada ajniga ah.

BOOLISKA UGANDA OO MARKALE XABSIGA DHIGEY BOBI WINE

Bobi Wine oo ka mid ah baarlamaanka dalka Uganda ayaa loo diiday inuu ka dho ofo dalkiisa isagoo doonayay inuu dalka Maraykanka u aado si loogu soo dawee yo kadibna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Xildhibaankan 32 jirka ah ayaa lagu sii da ayay dhowaan damaanad kadib markii la gu eedeeyay qayaano qaran.

Bobi Wine ayaa si qasab ah loogaga kaxeeyay garoonka diyaaradaha ee Ente ppe waxaana la geeyay isbitaal halkaa oo ay ciidamadu ku ilaalinayaan. Qareenka Bobi Wine ayaa sheegay in xoog loo ad eegsaday markale; "Mar kale ayaa la xi rey isagoo laga kaxeeyay garoonka diyaa radaha, waxaana garsoorihii sii daayay uu u fasaxay Baasaboorkisa sababtoo ah wuxuu u baahan yahay baaris caafimaad dalka dibadiisa u raadsado,”ayuu yiri Rob ert Amsterdam oo ah qareenka Bobi Wine.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa she egay in Bobi Wine la daweynayo sabab too ah waxa u sheegtay in jirdil lagu sam eeyay. Sidoo kale afhayeenka ayaa qirey in lala xirey xildhibaan kale Franciz Zaake kaasi oo doonayay inuu hore u sii raaco Bobi Wine waxana uu afhayeenku ku eed eeyay xildhibaankaas inuu baxsanayay.

Taageerayaasha Bobi Wine ayaa banaan baxyo ka dhigey magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE OO SOO BANDHIGAY CAQABADO HEYSTA HAY’ ADAHA GAROORKA

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxa uu soo bandhigay Saddex qodob oo uu sheegay inay xilligaan heystaan Ha y’adaha Garsoorka dalka,isla markaana hortaagan. Waxa uu sheegay in xilligaan caqabadaha heysta Garsoorka dalka ay ka mid yihiin,dhinacyada Dhaqaalaha, tab abarada iyo dhisidii Awooda Garsooraya asha Shaqaalaha,isla markaana ay tahay caqabada koowaad ee heysatada gars oorka.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in ay muhiim tahay in Garsoorka dalka uu noqdo mid cadaalada ah oo hu ufan si loo soo celiyo kalsoonada dadka Soomaaliyeed ay ku qabaan Garsoorka.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar walba waxa ay ku celisaa in ay tayeyn doonto Garsoorka dalka,iyada oo isbedel ku sa meysay Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo tan gobolka Banaadir.

MAAMULKA G/HIIRAAN OO BALAD WEYNE HOWLGALLO HUB URUURIN AH KA BILLAAB AYA.

Cabdullaahi Axmad Maalin Sufuroow Gudoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlayay Amniga guud ee Maga alada Baladweyne ayaa Shaaca ka qaad ay in Magaalada lagu dhex arki karin Hu bka sida sharci darada ah loogu dhex, he ysto marka laga reebo hubka ay wataan Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidamada gaarka ah ee qaabilsan Nabadgalyada magalada Baladweyne ee gobolka hiira an.

Mr Sufuroow ayaa sheegay in Ciidam ada amaanka maamulka gobolka hiiraan ay amar u qabaan in talaabo adag laga qaado shaqsiyaadka Magalaada ku dhex wata hubka sharcidarrada ah.

Waxa uu sheegay in go’aan kaasi uu ya hay mid looga golleeyahay in looga hor tago falalka lidiga ku ah amniga gobolka hiiraan. Hadalkaan ka so baxay maamul ka sare ee gobolka Hiiraan ayaa imaana ya xilli maalmihii la so dhaafay gobolkaasi ay ka jireen xiisado kacsanaan ah,walow markii dambe lagu guuleystay xalinta ari mahaasi sida ay sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

QM OO DALBATAY IN AANAN LAGU XADGUD BIN XUQUUQDA DADKA, IYADA OO DAGAAL LOOGA DHAWAAQAY DALKA SUURIYA.

Madaxa Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa uqabilsan dalka Suuriya muda ne Staffan de Mistura ayaa ugu baaqay dowladda Suuriya iyo kooxaha mucaarad ika ahba, in aAnan lagu xadgudbin xuqu uqda aadanaha.Staffan de Mistura ayaa codsaday in fur sad loo siiyo hay’adaha gargaarka ka shaqeeya si ay gobolka ay dadka rayidka ah uga soo daad gureeyaan.

Gobolka Idlib oo kamid meelaha ay ku xooganyihiin kooxaha mucaaradka ay aa dawladda Suuriya waxa ay ku dhawa aqday in gabi ahaanba gobolka ay ka sa ari doonto waxa ay ugu yeertay kooxaha Argagaxisada ah. Wasiirka arrimaha dib adda Ruushka Sergie Lavrov oo gulufka Idlib ka hadlay ayaa waxa uu ugu yeeray Argagaxisada ku eedeeyay in dadka rayi dka ah ay gabaad ka dhiganayaan.

Ugu danbeyn Qaramada Midoobay wala acaan la dhayalsankarin ayay ka muujin aysa in la isticmaalo hubka Chemicalka ah inta uu socdo weerarka Idlib.

GUDDIGA WADAAGGA AH EE SOOMA ALIYA IYO ITOOBIYA OO KULANKO ODII UGU HORREEYAY YEESHAY

Guddiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulankoodii ugu horreey ay ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya. Soomaal iya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir isk aashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xu shmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaali nta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba.

War qoraal ah oo ka soobaxay Wasaarad da Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu she egay in labada dhinac ay ka wada hadle en arrimo la xiriira iskaashiga laba geeso odka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaal aha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida.

Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ay aa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee lab ada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumari need oo cusub oo faa’ido ugu jirto labada dal.

MAXAY TAHAY SABABTA KA DAMBEYSA IMAANSHAHA XASAN SHEEKH KA HOR DOORASHADA 2020

10kii September, 2012 ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, kadib markii codad gaaraya 190 cod uu helay Wareegii u dambeeyay ee doorashada, isagoo ka guuleystay Sh. Shariif oo helay 79 cod. Isaga, 8 Februa ry 2017 ayaa looga guuleystay doorasho ka dhacday M/Muqdisho, ee uu kusoo baxay Maxamed C/hi Farmaajo.

Markii uu xilka wareejiyay kadib bishii March ee sanadkii hore ayuu ka duulay M/ Muqdisho, sanad iyo bar kadib waxaa jiro arrimo badan oo is biirsaday oo sabab ay dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho.

Xasan Sh,Sababaha uu u yimid Mu qdi sho, wuxuu ku sheegay inuu wadata shi yo sameyn doono, kaasi oo ku saabs an xaaladaha dalka ka jiro. Xogaha aan he leyno ayaa sheegaya in imaanshaha Xas an Sh.Maxamuud ee Muqdisho ay ho rboodayaan xildhibaano mucaaradaya do wladda hadda dhisan iyo shaqsiyaad kale oo dhaqaalo ku bixinaya yagleelida xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin ragii lasoo shaqeeyay Xasan Sheikh iyo Xubno kale oo Mucaarad ah.

Arrinta kale ee keentay imaanshihiisa ayaa ah iney heleen warbixino la xiriira in madaxda taladda haya ay wadaan qorshe muddo kororsi ah iyo in la xadido tirada xisbiyadda ka qeyb galaya doorashada soo socota, si looga hortago xisbiyo awo od badan, sida kan ay qorsheynayaan Xasan Sheih iyo Xulafadiisa.

Damaca madaxda taladda haya oo ah sameysashada xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin madaxweyne Farmaajo iyo shaqsiyaad xilal hadda haya, ayaa qeyb ka ah waxyaabaha keenay inuu yim aado Xasan sheekh Maxamuud.

Xasan Sheikh, Muddadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017, waxay is qabteen shaqsi yaad badan kuwaasi oo qaarkood ay he shiiyeen intuu ku sugnaa dalka dibadiisa, waxaana ugu horeeya Axmed Macalin Fi qi iyo shaqsiyaad kale oo doonaya inay sameeyaan xisbi siyaasadeed weyn oo ay ku jiraan dad magac weyn leh.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo aad u taageersan xukuumadda Kheyre daraad ayuu Cafis ka dalbaday Xasan sheekh, m aadaama la rumeysan yahay inuu ahaa saaxiibka Xasan, balse doorashadii ay ku la hareen.

Imaanshaha uu Xasan Sheikh Maxamuud ku yimid Muqdisho kuma koobnaan doon to Muqdisho, sida uu sheegay markii uu kasoo dagay Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, oo wuxuu tagi doo naa gobolada dadka si saameyn uu ugu doorashooyinka qaar oo ka dhacaya Ga rowe Iyo Baydhabo.

Intii tallada uu hayay Xasan Sheikh Maxa muud, wuxuu doorweyn ku lahaa dhisma ha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, laakiin madaxdii loo doortay maamuladaasi hadda xilka ma hayaan oo mooshinno ayaa lagu riday.

Dhismaha maamuladaasi oo si sahlan lagu galay ayaa keenay is jiidjiid badan oo beelaha dhexdooda ah, waana tan ke entay in xasilooni daro siyaasadeed ay ka dhacdo Galmudug iyo Hirshabeelle.

Haddaba maxaa imminka kusoo bee gay imaanshaha Xasan Sheikh ee maga al ada Muqdisho, waxaan su’aashaasi we ydiiyay siyaasi Caydaruus Muxumad AfSagaaro, isagoo sheegay in waxba uusan soo kordhineynin safarka. Waxaa aad lo ogu amaanaa Xasan Sh. Maxamuud wan aagsanaantii siyaasadiisii arrimaha diba dda, waxaana jira jiro dhaliilo badan oo kaga imaanayay siyaasadiisii arrimaha gud aha.

W/D Mohamed Isse Mohamud

mcmaxamuud1@gmail.com

(WARBIXIN) SADDEX MADAXWEYNE OO SOO MARTAY 

BIL GUDAHEED DDSI


(WARBIXIN) 3DA MADAXWEYNE OO SOO MARTAY BIL GUDAHEED DDSI

Madaxweynayaasha Ismaamulka Soomaalida waxaa bil gudaheed soo maray seddex madaxw eyne, ka dib rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac salka ku haya kala shaki dhinaca isirka ah. Arrintaas waxay ka dhalatay markii Jigjiga ay ka billo wdeen rabshado u xuubsiibtay boob iyo bililiqo baahsan.

Maamulka madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu eedda rabsha dihii dhacay dusha ka saaray dawladda dhexe ee federaalka Itoobiya.

Waxaa isla wakhtigaas iyagana billowday wadahadallo ay magaalada Diridhabe ku yeesheen odayaal iyo dhallinyaro ka soo horjeeday nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar. Ugu dambayntiina, wuxuu Cabdi ku dhawaaqay 8 sano oo uu gobolka xukum ayey ka dib inuu xilka ka degey, ka dib culays badan oo la soo dersay.

Maalmo ka dib waxaa Cabdi laga dhoofiyey Jigjiga, waxaana loo qaaday Addis Ab aba, halkaasoo muddo gaaban oo xabsi guri uu ku jiray ka dib maxkamad la soo taa gay. Dacdaw oogayaasha ayaa weydiistay maxkamadda in ay siiso 14 maalmood oo ay ku soo dhamaystiraan caddaymaha dacwadda ay ku oogayaan Cabdi Maxamuud Cumar iyo lix qof oo kale, waxayna dalbadeen in xabsiga lagu sii hayo, maxka madduna way ka aqbashay codsigaas.

Dhinaca kale, waxaa iyaguna socday isku dhacyo meelo kala duwan laga soo sheegay, waxayna u dhaxeeyey Soomaalida iyo Oromada, kuwaasoo aan weli xal lag a gaarin.Waxaa si degdeg ah oo KMG ah loogu magacaabay madaxweynenimada gobolka, Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo ah nin dhallinyar oo maamulka ilaa jago wasiirnimo ka soo qabtay, hase yeeshee wax badan xilka ma uusan sii haynin.

22kii bishan Agoosto ayaa xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya wuxuu Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar) oo ahaa sarkaal u shaqaynayey Qaramada Midoobay u xushay madaxtinimada ismaamulka Soomaalida.

Sidoo kale Axmed Shide oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo xisbiga, waxaana durbadiiba laga saaray xubno loo arkayey inay ku feker yihiin madaxweynihii hore. Dikareeto cusub oo uu todobaadkii iminka dhamaaday soo saaray Mustafe cagjar wuxuu xilka kaga qaaday saraakiil mu hiim ah oo uu ku jiro taliyihii awoodda badan lahaa e ciidanka Liyu booliska, C/r axmaan laba Go’le.

Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in la kala diri doono ciidankaas oo uu abuuray madaxweynihii hore.Tallaabooyinkan oo dhan ayaa loo arkaa in ay salka ku hayaan isbeddellada uu dalka ku soo rogay ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiy Axmed, oo isaga qudhiisa xukunka qabtay dabayaaqadii bishii Abril ee sannadkan, ka dib markii loo caal waayey mudaaharaadyo rabshado watay oo ka dhacayey deega annada uu ka soo jeedo ee gobolka Oromada. Rabshadahaas waxay keeneen in nin kii isaga ka horreeyey, Hailemariam Desalegn uu is casilo, waxaana Abiy loo arkayey nin magacaabidiisa ay rabshadahaasi dejin doonaan.

Dadka ku fikirka ah Cabdi Maxamuud Cumar waxay qabaan in rabshadahaas iyo cawaaqibkii ka dhashay ay yihiin waxa fidnada ka bilaabay dhulka Soomaalida, halka kuwa ku kacsan Cabdina ay ku doodayaan in Cabdi Maxamuud Cumar uu sababsaday siddeed sano oo dhulka Soomaalida ay ka dhacayeen xadgudbyo iyo cabburin dhan ka ah xuquuqul aadanaha.Madaxda cusub waxay iminka ku beer laxaw sadeen dadka in ay soo celinayaan dhamaanba waxyaabihii uu nidaamkii hore mamn uucay sida calankii hore, heesta calanka iyo maalmaha fasaxyada ee todob aadka.Haddaba dadka badankiis waxay aaminsan yihiin in xal uu imaan doono aakhi ritaanka, hase yeeshee su’aashu waxay tahay intee buu qaadan doonaa?

BBC SOMALIA

DOORASHADA GUUD EE 2020 [WARBIXIN]

Doorasho Dhibaato ku hortaalla haddii aad si uun isu diidsiineyso xal wanaagsan uma heli kartid. Keliya marka ugu horreysa ee aad adigu shakhsi ahaan isugu qirto in ay dhi baato jirto, adigana ay xal kaaga baahan tahay ayaad billaabi kartaa in aad deristo dhibaatada, si nadiif ahna uga fekerto xalkeeda. 2016 Doorasho ayaa la isku afgartay in la qabto sannadka 2020. Doorashada waxaa lagu heshiiyay in ay markaan noqoto qof iyo cod dalka oo dhan ah.

Weli dariiqaas ayaa lagu socdaa rasmi ahaan. Laakiin laba sano gudahood in sha cabka Soomaaliyeed uu helo xuquuqda uu u leeyahay in uu Madaxdiisa soo doorto ma ahan wax sahlan. Intaas waa la wada qiran yahay. Xaqiiqada muuqata, laakiin af ka laga dhowrayo oo sir loo ekeysiinayo waa in aanay suurta gal ahayn.

Sababuhu waa ay badan yihiin. Qaarkood waa sababo amni sida Shabaab. Qaar kale waa kuwo siyaasad sida Somaliland.

Waxaan qabaa in aan la joogin xilligii la qiran lahaa in aan doorasho cod iyo qof ahi ka dhici karin Soomaaliya oo dhan 2020. Xilligii taas la qiri lahaa waa la soo dhaafay.

Maxaa hadda nala gudboon ? Waxaa habboon in aan laga daahin in xaqiiqada hort eenna taalla aan afka lagala xishoon. Doorasho qof iyo cod ahi Soomaaliya oo dhan kama dhici karto 2020.

Maalin kasta oo na dhaafta iyada oo aan taa la qiran, waa maalin ka lumeysa wa khtiga kooban ee doorashada loogu diyaar garoobi lahaa.

Dowladda waa lagula xisaabtami karaa intii ay howshaa ka qaban kartay in ay qaba tay iyo in kale. Laakiin in Dowladda lagu eedeeyo wax awooddeeda ka baxsan, waxaa ka habboon in la wada goobo qaabka doorasho ee ugu wanaagsan ee suurta galka ah, haddii la waayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah.

Doorashada 2020 waxaa khasab ah in ay baro dheereyso ama ay ka sarreyso doo rashadii 2016. Waayo?

Si aan aan su’aashaas uga jawaabo waxaan si kooban u xusayaa wadiiqada ay soo martay Dowladnimada Soomaaliya ee casriga ah. Marka aan taa milicsanno ay aan filayaa in jawaabta su’aashan laga dheehan karo.

Waxaan eegayaa Baarlamaannada la dhisay tan iyo 2000 iyo sida isaga oo aan qof iyo cod ku imaan uu haddana mid waliba kii ka horreeyay uu uga sarreeyay marka ay noqoto matalaadda shacabka.

Carta, Djibouti, 2000 Sannadkii 2000 ayay ahayd markii dalka Soomaaliya oo aan Dowlad lahayn mu ddo toban sano ah, la unkay Baarlamaan Soomaaliyeed.

Waxaa xubnaha badankood soo xulay Madaxda Dhaqanka. Kooxaha hubeysan ee ku hardamay dagaalkii sokeeye marka mid iyo laba laga reebo lagama qeyb gelin Baarlamaankii 2000.Ma jirin Baarlamaan ka horreeyay oo la barbardhigo. Waxaa guul ahayd in ay Soomaaliya yeelatay Baarlamaan. Si awoodda loo ballaariyo, waxay Dow laddani aqbashay in ay Dowladda iyada beddeleysaa ay noqoto mid ay kula bahowday Hoggaamiye Kooxeedyada.Nairobi, 2004, Baarlamaanka lagu dhisay Nai robi wuxuu soo kordhiyay in Hoggaamiyayaasha Dhaqan ka keligood aan loo deyn xulidda xubnaha Ba arla maanka ee ay Hoggaamiyayaasha kooxaha hub ey sani ay ayaguna qeyb ku yeeshaan. Wadajir ayay u soo xuleen xubnaha Baarlamaanka.

Ka dib markii ay wadaxaajood la gashay, waxay Dow laddani suurta gelisay in ay awoodda la qeybsato oo ay Dowladnimada ku soo darto wadaaddo leh garab hubeys an iyo kooxo siyaasadeed oo la xulafo noqday.

Djibouti, 2009 Baarlamaanka lagu dhisay Djibouti wuxuu ahaa mid isaguna sii balla ariyay awo odda. Wuxuu ku soo daray koox ay wadaaddo hormuud u yihiin, oo leh gar ab hub eysan Dowladdani waxay suurto gelisay in doorashada 2012 aanay ka dhicin caa simad shisheeye ee ay ka dhacdo dalka gudihiisa. Waxayna soo afjartay xilligii KuMeelGaarka ahaa Muqdisho, 2012

Baarlamaankii lagu soo xulay caasimadda Soomaaliya iyo Xukuumadihii uu dhisay waxay meel wanaagsan gaarsiiyeen dhismaha Dowlad Goboleedyada iyo in xulidda xubnaha Baarlamaanka loo beddelo doorasho ay codkooda dhiibtaan xubno aad u kooban oo bulashada laga soo xulay.

Libinta kale ee ay Dowladdani gaartay waxay ahayd in doorashada xubnaha koobani ay codkooda ku dhiibanayaan ay ka dhacdo shanta caasimadood ee Dowlad Goboleedyada iyo caasimadda dalka. Lix magaalo, Soomaaliya 2016

Ballantu waxay ahayd doorasho qof iyo cod ah in ay Dowladda ha jirtaa dalka gaarsiiso 2020. Uma muuqato in ay taasi ahaan karto.

Haddii doorasho guud oo qof iyo cod ah ay na gaarsiin weydo, waxaa khasab ah in ay Dowladdu la timaaddo hab awoodda u soo dhoweeya dadweynaha si ka sii wanaa g san habkii 2016 lagu soo doortay Baarlamaanka hadda jira.

Taas lama heli karo ilaa marka hore lagu dhiirrado in la qirto yaqiinta ah in aanay suurto gal ahayn in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho guud oo qof iyo cod ah sannadka 2020.

Waxaan u rajeynayaa Dowladdu in aanay ku fashilin dhaqankii Dowladnimo ee Soomaaliya ee soo taxnaa tan iyo sannadkii 2000. Oo ah in mar kasta oo doorasho ay dhacayso ay ahaato mid dadweynaha uga dhow tii iyada ka horreysay. Ujeeddadu waa si ugu dambeynta loo gaaro matalaadda ugu wanaagsan oo ah mid ku timid doorasho ka dhacda Soomaaliya oo dhan, qof iyo cod ah, oo xalaal ah.

W/Q: YUUSUF GARAAD



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip