Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo cambaareeyay weerarkii Safaaradda Sacuudiga ee Tehran

0
Tuesday January 05, 2016 - 09:46:11 in Wararka by
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo cambaareeyay weerarkii Safaaradda Sacuudiga ee Tehran

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii Safaaradda Sacuudiga uu ku lahaa magaalada Tehran iyo dhismaha Qunsuliyadda ee Magaalada Mashhad ee dalka Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii Safaaradda Sacuudiga uu ku lahaa magaalada Tehran iyo dhismaha Qunsuliyadda ee Magaalada Mashhad ee dalka Iiraan.

Dibad baxayaal ka careysan dilkii Wadaad Shiico ahaa Sheekh Nimr Al-Nimri ayaa waxay gubeen dhismaha Qunsuliyadda iyo Safaaradda Sacuudiga.

Golaha Ammaanka oo ka jawaabayay warqad ka timid Sacuudiga ayaa cambaareeyay weeraradaas, iyagoo ugu baaqay dowladda Iiraan inay ilaaliyaan dhismaha qunsuliyadaha, shaqaalaha diblomaasiyada, iyadoo la ixtiraamayo sharciga caalamiga ah ee diblomaasiyada.

War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu soo hadal qaadin dilkii Wadaad Shiico oo caan ahaa oo Sabtidii dowladda Sacuudiga ay dileen.

Goluhu ayaa ugu baaqay labada dhinac inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo xiisada, isla markaana la xaliyo xiisada Gobolka ka jira

Dowladda Sacuudiga ayaa xiriirka u jartay dowladda Iiraan, iyadoo diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan dalkeeda u qabatay in muddo 48-saac uga baxaan dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip