WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 5TA JANNAAYO 2016KA

0
Tuesday January 05, 2016 - 08:57:22 in Wararka by
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 5TA JANNAAYO 2016KA

    CALI MAXAMED GEEDDI & C/WELI SHEEKH AXMED OO GAROOWE KULA KULMAY C/WELI GAAS .. Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay la kulmay siyaasiyiin xilal ka soo qabtay xukuumadihii Somalia soo maray oo ay ku jiraaan Cali Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CALI MAXAMED GEEDDI & C/WELI SHEEKH AXMED OO GAROOWE KULA KULMAY C/WELI GAAS .. Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay la kulmay siyaasiyiin xilal ka soo qabtay xukuumadihii Somalia soo maray oo ay ku jiraaan Cali Maxamed Geeddi iyo C/weli Sheekh Axmed oo labadu horey RWyaal kasoo noqday Soomaaliya. Labadan mas’uul ayaa daraad kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalka cyo ayaa ka kala yimid magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

"Waxaan idin kaga mahadcelinayaa inaad Puntland timaadeen, waana ognahay inay idinku weyn tahay Soomaalinimada," ayuu yiri C/weli Gaas oo ka hadlayay booqashada Ra’iisul Wasaaray aashii hore ee Soomaaliya.

Cali Maxamed Geeddi oo dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf kasoo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee lagu sameeyay Magaalooyinka Gaalkac yo iyo Garoowe.

Sidoo kale, Xubnaha soo gaaray magaalada Garoowe ayaa waxaa ku jira Salaad Cali Jeelle oo isagana horay isugu soo taagay doorashada madaxtinimada Sooomaliya iyo madax kala duwan oo qaarkood xilal ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Ugu dambayntii, mas’uuliyiintan ayaa Puntland u yimid ka qaybgalka xaflada furintaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso oo sideedda bishan la qabanayo, iyadoo sidoo kale ay goobjoog noqon doonaan wakiilo ka socda diyaarado caalami ah,kuwaasi oo lagu wado in ay adeegsadaan garoonka Bosaaso.

KENYA OO MAR KALE ISKA FOGEYSAY IN DHUXUL SHARCI DARRO AH AY KA DHOOFISO KISMAAYO

Saraakiisha ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa mar kale iska fogeeyay eedeeymo loo jeediyay oo ku saabsan in ay lacag badan ka helaan Ganacsi sharci darro ah oo ay ka sameeyaan Dekedda Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka jubadda hoose.

Kooxda dabagalka caalamiga ah Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa warbixin ay soo saareen sanadkii hore waxaa ay ku sheegeen in ciidamada Kenya iyo Al Shabaab ay ku lug leey ihiin dhoofinta dhuxul sharci daro ah oo laga dhoofiyo kismaayo iyo waliba sokor qaab aan sharci ahayn lagu geliyo gudaha dalka Kenya.

Kooxda dabagalka ee Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ciidamada Kenya iyo kuwa Al Shabaab ay lacago badan ka helaan ganacsigaasi sharci darrada ah oo sidoo kale la sheegay in ay qayb ka yihiin maamulka jubbaland.

Daniel Bartonjo oo ka mid saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia ayaa sheegay in ciidamadooda ay u yimaadeen Kismaayo in ay ka shaqeeyaan sugida amniga isagoo iska fog eeyay eedeymaha loo jeediyey

JEN. SANEY "DEEGAANKA WARMAXAN CIIDANKA XOOGGA DALKA AYAA KU SUGAN”

Taliyaha qeybta 12ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen, Maxamed Maxamuud Saney ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan deegaanka Warmaxan oo u dhaxeeya Wanlaweyn iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalyahano ka tirsan AlShabaab ayaa shalay waabarigii weeraray saldhig Ciidamada Milateriga ku lahaayeen, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal saacado qaatay oo la isku adeegs aday hubka noocyadiisa kala duwan.

Jen, Saney ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay gacanta ku hayaan deegaankaas, ayna iska difaaceen weerarkii AlShabaab ku soo qaadeen, isagoo beeniyay in AlShabaab la ware egtay deegaanka Warmaxan.

"Shalayy abaarihii 5:30 ayay AlShabaab weerar ku soo qaadeen fariisin ciidanka xoogga dal ka ay ku sugnaayeen, nasiib wanaag ciidanka xoogga dalka waa ay iska difaaceen, hadana waxaa gacanta ku haya ciidanka xoogga, waana been wararka sheegaya in Warmaxan ay Shabaabku hei staan, xilligan aniga ayaa ku sugan”ayuu yiri Jen, Saney

Waxaa uu sheegay in dagaalka ay uga dhinteen saddex askari, halka Shabaabkana kaga dileen tiro intaa ka badan sida uu hadalka u dhigay.

AlShabaab ayaa sheegay in ka badan 10askari ay ka dileen ciidamada, saanad milateri ka qabsadeen, ayna la wareegeen deegaanka.

Xaalada deegaanka ayaa ah mid haatan degan, iyadoo ay gaareen ciidamo dheeraad ah oo ka socda kuwa dowladda Soomaaliya, si ay u xoojiyaan saldhiga Ciidamada ku leeyihiin deegaanka Warmaxan.

DABLEY HUBEYSAN AYAA MAR KALE WEERARTAY SALDHIGA CIIDANKA CIRKA DALKA INDIYA.

Ka dib laba maalin markii ay dabley hubeysan ay weerareen saldhiga ciidanka cirka ee pa thigot kaasi oo ku yaalo xadka dalalka pakistaan iyo hindiya ay wadaagaan ayaa manta waxaa mar kale saldhiga weeraray kooxo hubeysan oo dagaal la galay ciidankii ku sugnaa saldhigaasi.

Dagaalka oo muddo socday ciidanka dowlada ee saldhiga kusugnaa aya waxaa usuurta ga shay dilka tira badan oo kooxdii weerarka soo qaaday ka mid ahaa.

Weerarkii hore oo dhacay maalinkii sabtiga ayaa waxaa ku dhintay afar dableydii weerarka soo qaaday ahaa iyo saddex askari oo ciidanka dowlada hindiya ka mid ahaa.

Saldhiga ciidanka cirka ee pathigot ayaa ku yaala xadadka dalalka hindiya iyo pakistaan wax aana uu saldhiga ku yaalaa gobolka punjaab ee dalka hindiya.

DHUL GARIIR KU DHUFTAY WAQOOYI BARI INDIA

Dhul gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.7, ayaa wuxuu ku dhuftay Waqooyi Bari India, sida laga soo xigtay Waaxda cilmi dhuleedka ee dalka Mareykanka, inkastoo markii hore cabirka dhul gariirka lagu sheegay 6.8.

Dhul gariirkan, ayaa gelinkii dambe ee Axadii ku dhuftay dalka India, meel ku dhow xuduuda ay India la wadaagto Wadamada Bangladesh & Myanmar.

Dhul gariirku wuxuu xoogiisu saameeyay Magaalada Imphal Ee Xarunta Gobolka Manipur. Dadka deegaanka ayaa wadooyinka ku cararay, ka dib markii ay dareemeen dhul gariirkaasi.

Ugu yaraan lix ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay dhul gariirka, halka 30 kalana ay ku dhaawacantay. Dhammaan dhibanayaasha ayaa la dhigay goobaha caafimaadka.

Ciidamada Militariga India iyo dadka degan Magaalada Imphal, ayaa gurmad ballaaran u fidi yay dadkii ku waxyeeloobay dhul gariirkaasi, waxaana la arkaayay iyagoo dadka ka soo saaraaya burburka hoostiisa.

Dhanka kale waxaa jira dad weli nolol iyo geeri lagu la’yahay, oo la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka hoostiisa, iyadoo uuna socdo gurmadkii ugu dambeeyay oo lagu doonaayo in lagu soo samata bixiyo.

WASAARADDA HOWLAHA GUUD IYO GURIYEYNTA OO KU SHAQEYN DOONTA WAKAALADDII HINDISAHA

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Dowladda Somalia Injineer Saalax Sheekh Cismaan oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dib u dayactir ay ku wadaan Wakaaladii Hindisaha oo xarun ku meel gaar ah u noqoneyso Wasaaradiisa isagoo xusay in ay meel gabagebo ah mareyso.

Injineer Saalax Sheekh Cismaan Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa sidoo kale tilm aamay in beesha caalamka looga maarmay gacan ka gaysashada dib u dayactirka Wakaaladii Hin disaha islamarkaana ay howsheeda ka qayb qaateen qaar ka mid ah shirkadaha ganacsi iyo hay’ adaha ka howlgala dalka markii ay soo idlaadatana ay si ku meel gaar ah ugu howl gali doonto wasaarada howlaha Guud.

Wasiirka howlaha Guud iyo Guriyeynta Dowladda Somalia Injineer Saalax Sheekh Cismaan ayaa ugu dambeyn waxaa uu hoosta ka xariiqay in haatan la joogo waqtigii ay dowladdu isku tashan lahayd kana maarmi lahayd kaalmo Shisheeye waxa uuna sidoo kale uu baaq u jeediyey shirkadaha ganacsi ee dalka in ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo Horumarka dalkayinka oo ka hadlay shilalka ku soo batay Muqdisho

Taliska ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafiko ayaa digniin ka soo saaray dadka sida sharci darrada ah u wada gawaarida ee aan heysan ruqsadda gaari wadista, iyagoo dhanka kale sheegay in magaalada ay ku soo badatay shilalka gawaarida.

Taliyaha ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafiko Gaashaanle Sare Cali Maxa med Cali oo shalay Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid dii lagu arka, iyada oo wadata warqadaha baabuur wadista oo been abuur ah, isla markaana aan la ogolaan doonin in cid aan heysan warqadda baabuur wadista ay magaalada gawaari ku dhex wadato.

Taliyaha ayaa sheegay in maalmahan dambe ay magaalada ku soo badatay shilalka, isagoo faah-faahin ka bixiyay shilalka ka dhacay Muqdisho, waxaana uu dolwadda ka codsaday in la sameeyo goobo dadka lagu tijaabiyo.

Ciidanka ilaalada Waddooyinka ee taraafiko ayaa ku howlan sidii loo ilaalin lahaa sharciga waddooyinka, isla markaana looga hortagi lahaa dadka sida sharci darrada ah u wadaya gawaar ida.

GALMUDUG OO BEESHA CAALAMKA IYO DOWLADA DHEXE KALA HADASHAY DOORASHADA 2016-KA..

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug Be esha caalamka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ay kala hadashay hanaanka doorasho ee la filayo in sanadkaan 2016ka ka dhacdo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Gudoomiye Casir in safaro isaga iyo madaxweynaha ay ku kala tageen mag aalooyinka Muqdisho iyo Nairobi isku arkeen madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Beesha caalam ka,islamarkaana ay kala hadleen sidii maamulka Galmudug looga gacan siin lahaa sugida amniga deegaanadeeda iyo waliba sidii Alshabaab looga saari lahaa goobaha fara ku tiriska ah ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Sidoo kale,Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in maamulka Galmudug u baahan yahay kaalmo ka timaada Beesha caalamka iyo Dowlada dhexe si horay loogu sii wado Howsha adag ee hada maamulka Hortaala.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirada Beesha caalamka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigooda uu yahay magaal adaasi,kuwaasoo uu kala hadlay sidii loo caawin lahaa maamulka Galmudug oo dhawaan la dhisay.

Sidoo kale,C/kariin Xuseen Guuleed ayaa intuu ku sugnaa Nairobi kula kulmay Jaaliyada Gal mudug eek u nool dalka Kenya,isagoo kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen hanaanka dib u dhiska ee deegaanada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

WASAARADA CAAFIMAADKA DF EE SOOMAALIYA OO DHISMO CUSUB KU SOO KORDHISAY ISBITAALKA BALANBAL

Munaasabad lagu daah furayay Isbitaalka guud ee degmada Balanballe oo Wasaarada Caf imaadfka ay ku kordhisay dhismihiisa qaybo muhiin ah, iyadoo kaashanaysa hay’adaha UNDP, UNICEF iyo IMC.ayaa shalay waxaa ka qayb galay mas,uuliyiin kale duwan.

Gudoomiye Kuxigeenka degmada Balanbal Cabdirisaaq Axmed Xalane oo xariga ka jaray isbitaalka qaybaha lagu kordhiyay ayaa waxaana uu sheegay in ay farxad wayn u tahey horumarka lagu sameeyey isbitaalka.guud ahaan Bulshada deegaanka.

Xuseen Farey oo ah Madaxa Caafimaadka degmada Balanbal oo ka hadlay munaasabdaan ayaa tilmaamay doorka ay ku leedahay Dawladda gaar again Wasaaradda caafimaadka ee Xuku umada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shamis Jaamac Yuusuf oo u hadashey qaybaha bulshada balanbal ayaa ka madcelisay Waxqabdka lagu sameeyay Isbitaalka degmada, waxaana ay sheegtay in ay qayb ka qaadan doonaan horumarka laga wado degmada.

Isku DuwahaWasaarada Cafimaadka ee Gobolka Galgaduud Cabdixakiin Guhaad Diiriye ayaa gaba gabadii waxaa uu sheegay in Wasaarada caafimaadka ay ka go’an tahay in sanadkaan 2016 ay gaarsiiso caafimaadka guud ahaan dalka, isla markaana xarumaha cusub ee lagu soo ko rdhiyay loogu adeegi doono bulshada.

BOOLISKA UGANDA: WAXAAN KA HORTAGNAY WEERAR QARAX AH OO ALSHABAAB AY KA GEYSAN LAHAAYEEN DALKA.

Ciidamada booliska dalka ugandha ayaa ka hortagay qaraxmiino oo lagu qarxiyey xarunta ay ka baxaan gawaarida basaska ee kutaala degmada gulu ee dalka Uganda.

Sargaal u hadlay ciidanka booliska Uganda ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka hortageen ay ku tuhmayaan in ALShabaab ay ka dambeeyeen.

Xarunta basaska ay k baxaan ee Gulu ayaa ah goob siweyn u mashquul badan waxaana deegaankaasi uu yahay mid ay sigooni ah u maraan gawaarida basaska ee aada magaalada kam pla ee xarunta dalka Uganda.

Xarakada Alshabaab ayaa horay weerar qarax ah uga fuliyey magaalada kampala ee dalka Uganda sanadkii 2010ka halkaasi oo ay ku dileen tira kabadan 70 qofood.

Ciidanka Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee jooga soomaliya kuwaasi oo ka mid howlgalka nabad ilaalinta ah ee Amisom, waxaana lagu qiyaasaa in kabadan 10,000 oo askari.

DF OO QIRTAY IN UU SII DABAR GO’AYO AFKA SOOMAALIGA

Marwo Khadra Bashiir Cali Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo shalay Warbaahinta Muqdisho kula hadashay ayaa ka warbixisay Afka Soomaaliga oo xuskiisa maal kooban ay naga xigto.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ayaa tibaaxday in Lu qadda Afka Soomaaliga uu sii dabar go’ayo taas oo ay ugu wacantahay adeegsigiisa oo yaraaday.

Hadalka Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ayaa yimid iyadoo 21 Bishaan ay ku beegantahay 43 sano guuradii ka soo wareegtay marka la guda galay qoraalka Afka Soomaaliga.

Walow ay sheegtay Wasiir Khadra in ay wax ka qabaneyso dayaacadda Afka hooyo ee Soo maaliga hadana waxaa horseed ka ah dadka aan isticmaalin Ereyada Afka Soomaaliga Madaxda oo luqadaha qalaad ku soo bandhiga Khudbadahooda iyo hadalladooda intaba.

YEMENIYIINTA OO SOO DHAWEEYEY TAAGEERADDA MADAXWEYNAHA DOWLADDA FEDERALKA EE HAWLGALKA KA DHANKA AH XUUTIYIINTA

Dadka ku nool magaalladda Cadan ee Koonfurta Yeman ayaa soo bandhigay Shucuurtooda ku aadan Taageeradda Somalia ee Hawlgalka Isbahaysiga Sacuudiga ee laagula dagaalamayo Mal eeshiyadda Xuutiyiinta.

Boor weyn oo lagu qoray Halkudhegga: "Mahadsanidiin Somalia iyo Sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la suray Waddada ugu muhiimsan oo ku taalla Bartamaha Faras magaallaha Cadan.

Shabakadda Wararka ee 7-hadarmout.net ayaa soo bandhigtay Qoraal ay kaga hadashay arri ntaasi, iyadoo ay inta badan Muwaadiniinta Yemen ka mahadceliyaan Kaalinta ay Somalia ka qaadanayso Hawlgalka Isbahaysiga Sacuudiga ee loogu magac daray "Duufaantii Kama Dambeysta”.

Madaxa Ololaha Hawlgalkaasi, ahna Madaxa Hay’adda Warbaahinta ee Alxaqiiqa, Faraas Alyaafici ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Somalia marar badan sheegay sida uu u taageersan yahay Dowladda Sharciga ee Yemen.

Faraas Alyaafici waxa uu intaasi ku daray inuu Madaxweyne Xsaan Sheekh Maxamuud ka sheegay Shirweynihii 26aad ee Madaxda Dowladaha Carabta inay Hawlgalkaasi siinayaan Tashii laad kasta si loogu guuleysto Hawlgalka Milliteri ee lagu soo celinayo Deganaanshaha iyo Nabadda dalka Yemen iyo Dowladda Sharciga ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdirabu Mansuur Haadi.

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalka Isbahaysiga Sacuudiga hoggamainayo ayaa bilowday bi shii Maarso ee sannadkii hore, waxayna Dowladda Sharciga ee Yemen haatan ka hawlgalaan magaalladda Cadan oo ah Magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi, marka laga soo tago maga allomadaxda dalkaasi ee Sanca.

JAAMACADDA GAARISA OO SHALAY SI RASMI AH LOO FURAY, 9 BILOOD KADIB WEERARKII ALSHABAAB

Jaamacadda Gaarisa ayaa shalay si rasmi ah loo furay, kadib sagaal bilood oo ay ka soo wareegatay weerarkii AlShabaab sanadkii hore ku qaaday Jaamacadaas, halkaasoo ay ku dishay in ka badan 140 ruux oo u badnaa Arday.

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in dib loo bilaabay howshii Jaamacadda, iyadoo ard aydii dhiganeysay Jaamacaddaas ay maalinta Isniinta ay waxbarashadooda dib u bilaabi doonaan.

Bishii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto oo booqday Jaam acadaas waxaa uu ku dhawaaqay in dib loo furayo Jaamacadda Gaarisa ee Gobolka waqooyi bari.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Gaarisa ayaa soo dhoweeyay dib u furista Jaamaca dda, waxaana qaarkood ay ku leeyihiin goobo ganacsi oo ay Ardayda wax ka iibsadaan.

Jaamacadda ayaa waxaa laga hirgeliyay Saldhig Boolis oo lagu sugayo ammaanka, waxa ana ku sugan labaatameeyo ciidamo ah, kuwaasoo si gaar ah u ilaalin doona Jaamacadda, si ar dayda ay baqdin la’aan wax bartaan.

Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayaa ahaa kii ugu xumaa ee soo mara Kenya, tan iyo san adkii 1998dii, sidoo kale AlShabaab ayaa horay ugu hanjabtay in weeraro ka geysanayo gudaha Kenya, iyadoo ka dalbatay in Ciidamadeeda kaga sugan Soomaaliya kala baxdo.

AADAN SARANSOOR "IGAD DHEX DHEXAAD KAMA AHAN WAXA KA SOCDA CEELBARDE”

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii dhowaan gaar ay degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku eedeeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay xiisad ka abuureen degmada Ceelbarde, halkaasoo dhowaan looga dhawaaqay Maamul lid ku ah kan Koofur Galbeed.

Aadan Saransoor ayaa sheegay inay u joogaan Xudur sidii ay degmada Ceelbarde u aadi lahaayeen, si ay xaliyaan xiisada ka jirta oo aan shacabka colaad laga dhex abuurin.

"Waxaa rabnaa inaan dhowaan u baxno Ceelbarde oo aan shacabka u sheegno inaan col aad laga dhex abuuran, halkaas waxaa tagay Xildhibaan xiisad ayayna ka abuureen”ayuu yiri Xil dhibaan Saransoor oo intaa ku daray in Xildhibaanadaas ay qaab qabiil maamul uga dhawaaqeen deegaanka.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Urur Goboleedka IGAD in aysan dhex dhexaad ka aheyn waxa ka taagan Ceelbarde, isagoo tilmaamay in qaarkood ay mas’uul ka yihiin dhismaha Maamulka Bakool Sare.

"Ceelbarde dhibaato ayaa ka taagan, xildhibaanno qaran baa halkaasi tagay xiisad bay meesha ka abuureen qabiil ahaan bay u tageen, dadkii deegaanka lama aysan wada hadal oo dhib aato ayay ka wada dhex abuureen, degmada waala wada deggan yahay shaqsi ama qabiil kaliya maamul ma sameysan karo”ayuu yiri Aadan Saransoor.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in Xildhibaanada ku sugnaa Xudur loo diiday inay tagaan Ceelbarde, inkastoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay beeniyeen warkaas.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore Maamul la magac baxay Bakool sare kaga dhawaaqay Ceelbarde, iyadoo maamulkaas Madaxweyne looga dhigay Ax med Mashruuc.

Maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde ayaa waxaa aqoonsaday Maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyadoo Maamulka Koofur Galbeed uu si kulul uga soo horjeestay, kuna tilmaamay maamul aan sharci aheyn.

IRAN OO SHEEGTAY IN SIDA UGU DHAQSAHA BADAN AY DIBLOMAASIYIINTA UGALA SOO BAXEYSO DALKA SACUUDIGA

Xukuumadda Tehran, ayaa waxay shalay iclaamisay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay diblomaasiyiinta ugala soo bixi doonto dalka Sacuudiga, ka dib markii uu meel xun gaaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee dalalkaasi.

Afhayeen u hadlay Xukuumadda oo lagu magacaabo Steffen Seibert, ayaa Saxaafadda u sheegay in diblomaasiyiinta Iran aanay sii jooggi doonin Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

"Iran waxay wadaa diyaargarowgii ugu dambeeyay oo diblomaasiyiinta ay ugala soo baxeyso dalka Sacuudiga. Tallaabooyin muhiim ayay qaadeen Safaaradda iyo Qunsuliyadeena ku yaala da lkaasi iyo Wasaaradeena Arrimaha Dibadda, si loo qaban qaabiyo in diblomaasiyiinta ay si nabad ah dib ugu soo laabtaan dalkooda.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Steffen Seibert, ayaa carab dhabay in diblomaasiyiinta reer Iran ay haystaan muddo 48 saac gudahood ah, si ay kaga soo baxaan Wadanka Boqortooyada Sacuudiga.

"Diblomaasiyiinta Jamhuuriga Islaamiga ah ee Iran, ayaa waxay haystaan muddo 48 saac in ay Sacuudi Carabiya uga baxaan, hadana waxaa ka soo wareegatay muddo kooban.” Ayuu yiri Stef fen Seibert.

Xiriirka labada dal, ayaa toddobaadkan gaaray heerkii ugu hoseyay, ka dib markii Sacuudigu uu Sabtidii uu xukun dil ah ku fuliyay Sheikh Nimr alNimr, oo ka mid ahaa Shiicada Sacuudiga.

Iran, ayaa waxay isu aragtaa mid ka masuul ah Shiicada laga tirada badan yahay ee ku nool Bariga Dhexe, waana taa midda keentay inay si aad ihi kaga gilgilato dilka Nimr alNimr.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO TAAGEERO U MUUJISAY BOQORTOOYADA SACUUDIGA

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Safaaradda Sac uudiga ku lahaa magaalada Tehran iyo dhismaha Qunsuliyadda dalkaas uu ku lahaa magaalada Mashhad ee dalka Iiraan.

War saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka safaaradda Sacuudiga uu jabinayo heshiisyadii caal amiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee 1961kii ee lagu gaaray magaalada Vienna.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay heshiiskaas uu farayo ilaalada xarumaha Safaaradaha ku yaalla aduunka iyo shaqaalaha Diblomaasiyadeed.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Soomaaliya ay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga howl galadeeda ay kaga hortageyso argagixisada, isla markaana ay ku tagee reyso adkeynta amniga iyo xasiloonida Boqortooyada ka wado dalkeeda iyo gobolkaba.

Warkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dowladda Sacuudiga xiriirka u jartay dowladda Iiraan, markii dibad baxayaal careysan ay dab qabadsiiyeen Safaaradda Sacuudiga ku lahaa Tehran, taasoo jawaab u aheyd dilkii Sacuudiga ku fulisay Sabtidii Wadaad Shiico ahaa.

SHEEKO CAJIIB AH;GABAR KA LUNTAY QOYSKEEDA 28 KA HOR OO DIB ULA MIDOWDAY

 

Sanadkii 1988dii ayay ciidamada dowladii Saddam Xuseen waxa ay ku isticmaaleen hubka kimikalka ah magaalooyin ay leeyihiin dadka Kurdiyiinta ah gaar ahaan magaalada Halabja.

Kumanaan ruux ayaa ku geeriyootay dhibaatadaas qoysas fara badana waa ay kala fir dhoomeen. Mid ka mid ah carruurtii xilligaas weerarka dhacayay ayaa waxaa ay ku soo kortay dal ka Iran balse dhowaan ayay ku laabatay magaalada ay ku dhalatay si ay u hesho qoyskeedii inta ka nool. Dalka Ciraaq ayaa waxaa ka dhacay qisooyin badan oo ku saabsan saameyn ay ku yeeshe en dagaalada sokeeye ee ka dhacay dalkaas xilligii uu hayay xukunka Madaxweyne Saddaam Xuseen.

Maryan waxa ay ahayd gabar yar markii March 1988 diyaaradaha dagaalka ee Saddam Xus een ay ku rideen magaalooyinka ay degenaayeen dadka Kurdiyiinta ah oo xilligaa mucaaradka ku ahaa dowladiisa suntan kimikada.

Gabadhan oo hadda ku jirta da’ada labaatamaadka ayaa ahayd ilmo yar markii iyada iyo qoy skeeda ay diyaarado helekabtaro ah loogu daadgureeyay dalka Iran,balse waxa ay ku qaadatay in ay dib u hesho qoyskeeda sanado badan,waxana ay kala lumeen qoyskeeda kuwaasoo indhaha ku beelay kimakadii lagu isticmaalay magaaladooda.

Hase ahaatee gabadhan ayaa waxaa soo korsaday qoys Iraniyiin ah oo degen magaalada Sari oo ku dhow badda Caspianka, qoyskaas ayaa gabadhoodii oo 14 jir ahayd xilligaa geeriyo otay.Fatumo oo ahayd hooyada qoyska soo korsaday gabadhan ayaa u bixisay Maryama oo la oran jirey gabadhii ka geeriyootay.

Waxaan ugu bixiyay Maryan in aan ku soo xasuusto gabadheyda, waxayna Ia ahayd in gaba dheedii Maryan ay dib ugu soo laabtay markii ugu horeysay ee ay baalka gelisay gabadhan yar oo qoyskeeda ay kala lumeen.

Laakiin Maryama waxa ay dareemeysay marba marka ka sii dambeysa ee ay korto in ay wax ka qaldan yihiin. "Maalin aan kula ciyaarayay carruurta kale ee qoyska jardiinada, waxay igu yiraahdeen nalama ciyaari kartid annaga.”ayay tiri Maryama.

"Waxaan weydiiyay sababta?’waxay iigu jawaabeen adiga waa lagu soo korsaday, ma fah min waa lagu soo koriyay waxa ay ula jeedeen. "Waxay igu yiraahdeen, kama mid ihid adiga qoys keena, haddii aad fiiriso buugga sawirada lagu keydiyo ee qoyska waxaad arki doontaa in muuqaa lkaagu uusan la mid ahayn keena. Waxaan fiiriyay sawirada waa ay saxsanaayeen oo muuqaalkeygu wuu ka duwanaa kooda.”ayay tiri Maryama.

Xiriirka u dhexeeyay haweeneydii soo korsatay Maryama marwalba ma ahayn mid wanaags an balse waxa ay aad ugu dhoweyd aabaha qoyska oo la oran jirey Hushan.

Nasiib wanaag Hushan ayaa Maryama markii ay 18 sano jirsatay u xaqiijiyay inay tahay ga bar ay soo korsadeen, waxana uu ugaga sheekeeyay sida ay ugu soo biirtay qoyskiisa isagoo u sheegay in ay tahay Kurdisho balse uusan aqoon gobolka ay ka soo jeedo. Kadib markii uu geeriy ooday aabaha qoyska waxaa sii kordhay dareenka Maryama ee ah in ay qoyska faquuqayeen.

"Maalintii uu aabahay dhintey qafna tacsi iiguma iman, waxaan ku dul ooyay qabrigii aaba hay laakiin waxa ay igu yiraahdeen maxaad u ooyaysaa? Adigu kama mid tihid qoyskiisa,'”ayay tiri Maryama Markan ayay Maryama si dhab ah u dareentay in dhibku uu hadda u bilowday,waan keliyoobay, balse labo sano kadib ayay Maryama ka codsatay hooyadii soo korisay in ay la raadiso qoyskeeda.

Maryama ayaa safar ku martay magaalooyin ku yaal dalka Iran gaar ahaan deegaanada ay ku nool yihiin dadka Kurdishka ah si ay u raadiso wax uun u iftiimin kara halka ay ka soo jee do,nasiib wanaag waxa ay la kulantay labo ruux oo Kurdish ah kuwaasoo ka kaalmeeyay illaa tod dobo ruux sidii ay ku heli lahaayeen waalidiintooda kadib markii baaritaan lagu sameeyay dhiigga loo yaqaan DNA.

"Waxaan qiyaasayay inaan dhashay xilligii lagu weeraray magaalada Halabja suntan kimik alka ah,” ayay tiri Maryama. "Waxaana aan filayay in aan ka mid ahay caruurtii Halabja kuwaasoo waalidoontooda qaarna dhinteen kuwa kalana ay barakaceen.”

Luqman Qadir oo kooxdaas madax ka ahaa ayaa go’aansaday in uu wax u qabato gabadhan raadinaysa waalidkeed. Dadkii ku dhintey weerarkaas ayaa lagu aasay xabaalo wadareed

"Markii dhibaatada ay ku dhacday Halabja waan u so joognay,waan aragnay waxa dhacay, in aan fahamno sheekada Maryam aad ayay noogu fududahay.waxaan aragnay boqolaal carruur ah oo waalidkood ay kala lumeen kuwaas oo ku kala firirsan magaalooyin badan oo dalka Iran,”ayuu yiri Luqman.

Qofna ma garanayo tirada saxda ah ee carruurta weli waalidkood kala maqan yihiin, Maryan aya aka mid ah kuwo kooban oo dib ugu laabanaya Halabja iyagoo raadinaya halka ay ka soo jee daan.

"In waalidkaa aad kala luntaan waa arrin murugo leh,balse waxa ay ugu murugo badan tahay dumarka sababtoo ah marka ay doonayaan inay guursadaan waxaa la weydiiyaa halka ay ka soo jeedo, taasina waa sababta gabadhan Maryan ay u raadinayo waalidkeed maadaama ay ku jirto xil ligii dhalinyaranimada,”ayuu yiri Qadir.

Maryama waxa ay sheegtay in markii ay ku nooleyd Iran in dhowr mar la soo doontay balse markii la ogaaday in aan la aqoon halka ay ka timid oo ay tahay gabar la soo korsaday guurkii laga noqday.

"Markii aan carruurta ahaa waxaa la igu dhihi jirey,’Qofna ma taqaan waalidkaa,waxaa tahay wacal,waxaa laga yaabaa in lagaa soo helay qashinka ama musqulaha,qofna ma garanayso waalid kaa,” ayay tiri Maryam.

Markii ay soo gaartay Halabja bishii May waxa ay bilowday in dhiigga DNAga ay iska baarto iyadoo qoysas badan ay ka maqnaayeen carruur.Maryan ma aysan garanayn da’adeedu inta ay ahayd markii weerarkii Halabja uu dhacay, balse qoysas badan ayaa xilligaa ilmahooda ay kala lumeen.

Dr Farhad Bazarnji oo taqasus gaar ah u leh isirka oo ka howlgala magaalada Sulaymaniyah ayaa sheegay in uu si mutadawacnimo ah ugu kaalmeynayo Maryan. Maryama ayaa taleefishinka Kurdiyiinta laga wareystay waxana ay codsatay in dadkii ilmo ay ka maqan yihiin ay yimaadaan si baaritaanka DNAda loogu sameeyo.

Dr Bazarnji ayaa baaritaan ku sameeyay illaa iyo 58 qoys ka hor inta uusan in kooban ka soo xulan. Maryam ayaa waqti la qaadatay oo la kulantay qoysaskii baaritaanka lagu sameeyay iyadoo ka raadinaysa waalidiinteeda.

Mid kamid ah hooyooyinkii yimid Meliheh Qurban oo 70 sano jir ah ayaa soo xasuusatay in ay suuxday weerarkii kiimikada markii lagu qaaday magaalada Halabja iyadoo dhabta ku haysa gab adheeda oo 7 bilood jir ah, waxana ay sheegtay in ay soo miyirsatay iyadoo joogta isbitaal ku yaal Kangavar dalka Iran. Balse gabadheeda aysan la socon kana maqan tahay illaa iyo xilligaa.

Hase ahaatee Maryan oo weli ka sugeysa go’aanka ugu dambeeya taqtarka ayaa haweenay dii dhabta gelisay iyadoo niyada iska lahayd ma hooyadaa baa tan mise?

Balse markii dambe ayay la kulantay saddex gabdhood oo walaalo ah kuwaasoo hooyadood iyo aabahood ay dhibteen,balse gabar kale oo ay walaalo ahaayeen ayaa ugu wardambaysay duq eyntii ka dhacday dhulka ay degenaayeen Kurdiyiinta.

Maryam markan waxa ay niyada iska lahayd "Alla waa walaalahaa, waxay u hadlayaan sida adiga oo kale,waxa ay u qoslayaan sidaada oo kale.dabeecadahooda waa qaar aan isku mid nah ay.”

Balse xilligii ballanta la lahaa ayaa gabadhihii walaalaha ahaa iyo marti faro badan waxa ay isugu yimaadeen taalada loogu magac daray Nabada Halabja waxaana halkaas si toos ah loogaga daawanayay talefishinka Kurdiyiinta. Dr Farhad waxa uu gaaray go’aankiisii ugu dambeeyay waxana uu hayaa jawaab cad.

"Qof walba waxa uu sugayay daqiiqadan bilooyin badan,”ayuu hadalkiisii ku bilaabay. Dadkii waa ay wada aamuseen si ay u maqlaan waxa xigi doona. "Maryam, nasiib darro aabahaa wuu gee riyooday waxana uu ka mid ahaa dadkii ku dhintey weerarkii Halabja.” Ilmo ayaa ka soo daadatay indhaha Maryama.

"Laakiin, Nasiib wanaag waxaan kuu sheegi karaa caawa in aad leedahay walaal iyo hooyo waadna ku farxi doontaa sababtoo ah waad kulmi doontaan. Shalay wixii ka horeeyay waxaa laguu yiqiin Maryam oo kaliya, balse waxaan kuu sheegayaa in magacaaga runta uu yahay Hawnaz, waxaadna tahay gabdhii ay dhashayand Mrs Gilas Eskander.”

Goobtii waxaa ka dhacay oohin,qosol iyo naxdin dad badan oo sugayay in gabadha Maryam ay noqonayso gabadhoodii ayaa aad u naxay halka qoyska shalay dib u helay gabadhoodiina ay far xad badan ka muuqatay.

Islaan waayeel ah oo xiran indho gashi ayaa la soo istaajiyay waxayna isku duubtay gabadhii Maryama ahayd waxaana ka dhacay oohin ay farxad ku jirto.

Gilas Eskander waxa ay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee laga qaado dhiigga DNA waxayna Isku mid noqdeen gabadhii Maryama ahayd. "Aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaan dareemayaa in aan mar labaad dhashay waxaana aan ku arkayaa indhahayga adduunyo cusub,”ayay tiri Maryama . Maryama walaalkeed ka weyn oo goobta ku sugnaa waxa uu ka yimid dalka Netherland halkaas oo uu degenaa isagoo u yimid in uu la kulmo gabadha ay walaalaha ahaayeen.Sidoo kale waxaa goobta joogay wiil iyo gabar oo ay Maryama ay isku hooyo ahaayeen.Wiil ka yaraa Maryama waxaa isagana lagu waayay dagaalkii 1988dii.

Xigasho jowhar.com

Sheekadan waxaa tarjumay Mohamed Abuukar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip