Klopp Oo Mushkiladii Rodgers Ay Heysato, United Oo Shax Ciyaareed Faa'ido U Leh Heshay Iyo Seddex Waxyaabood Kale Oo Laga Bartay Kulamadii Isbuucaan Ee Horyaalka Premier League.

0
Monday January 04, 2016 - 12:31:17 in Sports News by
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Klopp Oo Mushkiladii Rodgers Ay Heysato, United Oo Shax Ciyaareed Faa'ido U Leh Heshay Iyo Seddex Waxyaabood Kale Oo Laga Bartay Kulamadii Isbuucaan Ee Horyaalka Premier League.

    Isbuucaan waxaa la ciyaaray kulamadii 20aad ee horyaalka Premier League, Arsenal ayaa hogaanka sii xajisatay, Man United, Man City iyo Chelsea guulo ayay gaareen halka Liverpool ay guuldarro ku bilaabatay sannadka 2016. Hadaba waxaan eegeynaa shan wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbuucaan waxaa la ciyaaray kulamadii 20aad ee horyaalka Premier League, Arsenal ayaa hogaanka sii xajisatay, Man United, Man City iyo Chelsea guulo ayay gaareen halka Liverpool ay guuldarro ku bilaabatay sannadka 2016. Hadaba waxaan eegeynaa shan waxyaabood oo laga bartay kulamadii la ciyaaray sabtidii iyo axadii.

1) Saameyntii Klopp oo muuqbeeleysa.

Dhibaatooyinkii shaqada u qoonsaday Brendan Rodgers ayaa haatan la degaya Jurgen Klopp.

Goolhayaha iyo daafacyada ma ahan kuwa fiican. Daniel Sturridge weli dhaawac ayaa wareerinaya.

Lucas waa uu maamuli waayay khadka dhexe waxaana kala wareegay Kouyate iyo Noble, halka Firmino uu waqti xaadirkaan yahay xiddig qaali ah oo lagu niyadjabay.

Liverpool uma soo bixi doonto Champions League ilaa iyo ay xaliyaan dhibaatooyinkaan, islamarkaan ay ka bilaabaan dhibaatada daafaca ka heysata.

Weekend-Premier-League-goals-main

2) Cech waa u qalmaa dahabka uu sugayo.

Kabtanka Chelsea John Terry ayaa sheegay in Petr Cech uu kooxda Arsenal u soo kordhin karo 12 ilaa iyo 15 dhibcood.

Ma aqaano sida ay xisaabtaas tahay, laakiin badbaadinta badan ee uu Cech sameeyay waxaad bilaabeysaa inaad ku fekerto inuu u qalmo wax ka badan seddex dhibcood kulankiiba.

Cech ayaa beeniyay Georginio Wijnaldum seddex jeer isagoo si cajiib ah kubada uga badbaadiyay. Sababta ay Chelsea isaga fasaxday cid og ma jirto. Laakiin Arsenal ayaa ku faraxsan inay iska fasaxeen.

Arsenal-v-Newcastle

3) Isbedelka shax ciyaareed oo United faa’ido u noqday.

Isagoo iska daayay daafaca dhexe ee seddexda ah bilowgii waayihiisa Man United, Van Gaal ayaa ku laabtay haatan shaxdaan, isagoo kooxdiisa ku soo safay 3-4-2-1, taasoo keentay in Young iyo Martial ay weerarka ku mashquulaan inta badan.

United ayaa u soo laabatay afar daafac danbe qeybtii labaad, laakiin Young ayaa sii waday inuu weerar ka qaado dhanka bidix, isagoo soo dhigay kubadii ku dhalatay goolkii muhimka u ahaa.

4)Sterling oo la qiimo tiray mar kale

Ciyaaryahan leh hibo ciyaareed, Raheem Sterling ayaa mararka qaar noqon kara xiddig lagu jahwareero.

Qaladkiisa ma ahan in laga soo bixiyay 49 milyan ginni, laakiin marka uu garoonkooda ka maqan yahay waxa uu u baahan yahay inuu dadaalkiisa dadaal ku darro.

Allan Nyom ayaa bilowgii ciyaarta ku tijaabiyay Sterling inuu maquuniyo, iyadoo Sterling uusan jecleysanin islamarkaana uu ilaaway mas’uuliyadiisii kooxda.

Watford-vs-Manchester-City

 

5)Mikel oo mar kale la aaminay

Jon Obi Mikel ayaa ku soo laabtay shaxda Chelsea ka dib ku soo laabashadii Blues ee Guus Hiddink.

Halkii uu Mikel keyd ka gelin lahaa si uu booska ugu baneeyo soo laabashada Cesc Fabregas kulankii maanta, Nemanja Matic ayaa noqdo xiddigii wadada baneyn lahaa. Hiddink ayaa sida cad Hiddink aaminka ayuu ku qabaa Mikel, waxaana uu ka mid yahay seddex ciyaaryahan oo ku jira shaxda kooxda oo uu Hiddink macalin u ahaa markii ugu horeysay ee uu Chelsea qabtay, waxaana uu jecel yahay adadeyga iyo dishibiliinka uu ku soo kordhiyo khadka dhexe ee Chelsea.

Isagoo ku soo bilowday kulankii Selhurst Park, Mikel ayaa haatan ku soo bilowday labo kulan oo isku xiga intii uu Hiddink macalin u ahaa Chelsea, isagoo tiro intaas la mid ah ku soo bilowday intii uu Jose Mourinho macalin ka ahaa Chelsea xilli ciyaareedkan.

Waxa uu ugu abaalguday Hiddink qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay khadka dhexe taasoo uu ku muteystay amaanka taageerayaashii soo safray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip