Jabuti oo sheegtay inay dekedaheedu ku filan yihiin baahida dalka Itoobiya

0
Friday August 24, 2018 - 20:19:44 in Wararka by
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuti oo sheegtay inay dekedaheedu ku filan yihiin baahida dalka Itoobiya

    Dowlada Jabuti ayaa ku dhowaaqday in ay dekedaheedu ku filan yihiin inay haqab tiraan baahida dowlada Itoobiya u qabto inay dibada wax u dhoofiso ama dibadda ka soo degsato. Madaxa Dekedaha dalka Jabuti Xasan Cabdilaahi Waberi oo wareysi gaar ah sii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Jabuti ayaa ku dhowaaqday in ay dekedaheedu ku filan yihiin inay haqab tiraan baahida dowlada Itoobiya u qabto inay dibada wax u dhoofiso ama dibadda ka soo degsato. Madaxa Dekedaha dalka Jabuti Xasan Cabdilaahi Waberi oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Ethiopian Herald ayaa sheegay in dekedaha dalkisu ay yihiin kuwo casri ah oo adeeg hufan u sameyn kara sida ay dowlada Itoobiya ay wax ugagala soo degi lahayd amaba ugaga dhoofsan lahayd. "Dekedaha Jabuti waxa ay awoodaan in 50 malyan oo ton oo xamuul ah sanad walba laga dhoofiyo lagana soo dejiyo iyadoo baahida dalka Itoobiyana ay tahay 18.5 malyan oo tan."ayuu yiri Waberi oo u waramayay wargeyska Ethiopian Herald.

Balse madaxda dekedaha dalka Jabuti ayaa qiray in uu cariiri ka jiro dekedaha dalkiisa balse waxa uu ku macneeyay inay sabab u tahay iyadoo hal mar ay maraakiib badan ku soo xirtaan.

"Xitaa dekeda Rotterdam oo ah dekeda ugu weyn qaarada Yurub waxa ay mararka qaar noqotaa mid cariiri ah haddii ay hal mar ku soo burqadaan maraakiib badan,dekedaheenuna xilliyada ay maraakiib xamuul badan u sidaan dalka Ethiopia waxa ay noqon karaan cariiri balse waa waqti kooban.”ayuu sii raaciyay.

Warkan ka soo yeeray mas’uulka ugu sareeya dalka jabuuti dhinaca dekedaha oo ah halka kaliya oo daqli badan ka soo galo xukuumada Jabuuti ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowlada cusub ee dalka Itoobiya laga dareemayo inaysan ku qanacsanayn ku xirnaanta dekedaha Jabuti oo kaliya ayna raadineyso dalal kale oo ay wax ka dhoofsan karaan kalana soo degi karaan.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka sheegay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho inay maalgelin doonaan illaa afar dekedood oo kamid ah dekedaha Soomaaliya.

Sidoo kale Abiy ayaa heshiis deg-deg ah la saxiixday dowlada Eritrea oo colaad u dhexeysay waxaana muuqata in ujeedada ugu weyn ay tahay in ay isticmaalaan dekeda Casmara.

Dalalka ku yaal geeska Afrika ayaa u muuqda hadda mid ay galayaan tartan dhinaca dekedaha ah si dalka Itoobiya oo aan deked lahayn loo soo jiito.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip