Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo la kulmay Siyaasiyiinta Soomaalida Itoobiya

0
Friday August 24, 2018 - 19:18:40 in Wararka by
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo la kulmay Siyaasiyiinta Soomaalida Itoobiya

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta Caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa kula kulmay hoggaanka Siyaasada,waxgaradka iyo Mas'uuliyiin ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta Caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa kula kulmay hoggaanka Siyaasada,waxgaradka iyo Mas'uuliyiin ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Cusub Mustaf Muxumad Cumar iyadoo loogaga hadlay sidii xal dhameystiran looga gaari lahaa rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Mas’uuliyiintii Soomaalida ahaa ee uu la kulmay waxa uu ka codsaday saddex qodob oo kala ah in Sharciga lagu dhaqmo,dadku inay dulqaad yeeshaan iyo in Cadaalad la sameeyo.

Sidoo kale Mas’uuliyiintii iyo Odayaashii kulankaas ka qeyb galay ayaa dhankooda waxa ay ka dalbadeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed in mar walba ay helaan cadaalad,isla markaana cadaalada lahor-keeno dad ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa sidoo kale maalmaha soo socda sii jiri doono kulamo kale oo Ra’iisul Wasaare Sbiy Axmed la yeelan doono siyaasiyin Soomaali ah.

Kulanka Abiy Ahmed iyo Soomaalida



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip