Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay qof la socday gaari meyd siday

0
Thursday August 23, 2018 - 21:42:42 in Wararka by
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay qof la socday gaari meyd siday

    Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay qof rayida ah oo la socday gaari Ambulance ah oo lagu siday qof meyd xili uu ku sii socday Aaskiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay qof rayida ah oo la socday gaari Ambulance ah oo lagu siday qof meyd xili uu ku sii socday Aaskiisa.
Askariga oo ka mid ahaa ciidamada ku sugan bar-koontarool oo ku taala Agagaarka Warshada Taraqa ee degmada Hodan ayaa la sheegay in ay murmeen dad la socday gaariga lagu siday meydka, kaddib-na uu rasaas ku furay, waxaana ay rasaastu halleeshay mid ka mid ah dadkii la socday gaariga Ambulance oo uu saarnaa meydka.

Guud ahaan dadkii kale ee ala socday gaariga ayaa siweyn arintaa uga argagaxay madaam ay geeri kale ku soo korartay oo ah qof ka mid ahaa dadkii doonayay in ay meydka wax ka soo aasaan.



Qof dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Xassan 28 jir ahaa , waxaana la sheegay in dhaawac soo gaaray uu isbitaal ugu geeriyooday.

Ciidamada dowladda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka sameeyeen baari-taanno ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan ka dambeeyay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip