Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo amray in la bedelo magaca iyo calanka DDSI

0
Thursday August 23, 2018 - 21:18:15 in Wararka by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo amray in la bedelo magaca iyo calanka DDSI

    Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa amray in magaca Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu badalo "Somali State" iyo in sidoo kale la soo celiyo calankii hore ee ay ku jirtay xidigta Somal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa amray in magaca Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu badalo "Somali State" iyo in sidoo kale la soo celiyo calankii hore ee ay ku jirtay xidigta Somaliweyn

Amarkan oo ah kii ugu horeeyay ee uu soo saaro Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somali State ayaa sidoo kale waxa uu ku fasaxay in maamulkiisa la dhaliilo karo.
Hase yeeshee Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar waxaa uu ka digay 2 arrin oo aan laga ogoleyn maamulkiisa iyo guud ahaan Itoobiya.
  1. In qabaa’ilka la isku dhufto, oo ah reer hebel oo ka kac, waa la oran karaa reer hebel ayaa wax badsaday, reer hebel ayaa yaa yaacaya, waxaa la oran karaa Mustafa ayaa meesha yimid oo reerkoodii ayaa yaacaya, waa la oran karaa waxaad dhib ma leh, laakin reer hebelow reer hebel ku duula, waa qalad.
  2. Waxaa kale oo qalad ah, wixii diinta iyo akhlaaqda ay diideyso, sawiro qaawan, aflagaaddo, cay noocaas ah, wixii intaas ka baxsan wax walbo waa laga hadli karaa”.

Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya ayaan hore uga mid ahayn xisbigii talada hayay waxana lagu wadaa in uu la yimaado isbedel xoog leh.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip