
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 4-TA JANNAAYO 2016-KA
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Ugaasku door muhiim ah ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.
"Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto marxuumka. Waxaa lagu xusuusan doonaan hawlihii muhiimka ahaa ee uu u hayey bulshada sida nabadeynta iyo dib u heshiisiinta oo uu wadey ilaa ay geerida uga timaaddo. Waxaan Ilaahay uga baryaya naxariistii inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan uu ahaa shakhsi dadaal badan ku bixiyey inuu bulshada iyo qaranka Soomaaliyeed u adeego.
Allaha u naxariistii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa xanuun dhinaca wadnaha u geeriyooday, kadib markii uu ka qeyb qaadanayay kulan u socday beesha Xawaadle, waxaana lagu lagu wadaa in maalinta maanta lagu aaso magaalada Beledweyn.
RA’IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO KA TACSIYADEEYEY GEERIDA UGAAS C/RAXMAAN UGAAS KHALIIF
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo shalay ku geeriyooday magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.
War qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ugaas C/raxmaan uu ahaa shaqsi waqtigiisa ugu badan geliyay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Umadda.
"Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif waxa uu ahaa shaqsi waqtigiisa ugu badan galiyay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ummadda, waxa uuna shalay geeriyooday isaga oo ka qeybgalaya shirka Nabadda ee Samadoon” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay Ugaaska inuu janadii fardowso ka waraabiyo, isagoo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay eheladii, qaraabadii, iyo umadda Soomaaliyeed uu ka baxay.
Allaha u naxariistii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa lagu wadaa in maalinta maanta lagu aaso magaalada Beledweyn, iyadoo lagu wado in aaskiisa ka qeyb galaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
MAXKAMADA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO XUKUN DIL AH KU FULISAY ASKARI KA TIRSAN NABAD SUGGIDA
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa shalay oo Axad ah waxa ay xukun dil ah ku fulisay Askari ka tirsanaa ciidanka Nabad Suggida Somaliya, kaasi oo horay u geystay fal dil ah.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa Exdable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow, ku eedeysay inuu dilay Marxuum la oran jiray Maxamed Qaasim Barow.
Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in taariikhu marki ay ahayd 04/07/2015 ay maxkamadda darajada kowaad ee ciidanka qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heysatay gacan ku dhiigle Exdable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow oo 26 sano jir ah ina Maryan Sheekh Xaamud ku dhashay Baydhabo degan Xamar kana tirsan ciidanka Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdonka Qaranka, kaasi oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeysay in uu si bareer ah u dilay marxuum la oray jiray Maxamed Qaasim Barow, dilkasi oo ka dhacay degmada Deyniile 10/2/2015, waxayna Maxkamadda ku xakuntay in uu bixiyo diyadii marxuum Maxamed Qaasim Barrow iyo xabsi ciidan.
Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa yiri "Taariikhdu markii ay ahayd 12/07/2015 waxaa rafcaan ka qaatay xukunka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dhinaca dhibanaha, waxaana taariikhdu markii ay ahayd 19/09/2015 ay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida markale u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay gacan ku dhiigle Exdable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow, waxayna ku xakuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamed Qaasim Barrow”
Saraakiisha maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay Askari waliba oo si sharcidaro ah u dila muwaadin Somaliyed in sharciga la marsiin doono.
MAREYKANKA OO JOOJIYAY SALDHIGII UU U ADEEGSAN JIRAY DIYAARADAHA DRONES EE KU YAALAY ITOOBIYA
Milateriga Mareykanka ayaa gebi ahaanba joojiyay saldhigii ay ka duuli jireen diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drones ee ku yaallay Koofurta Itoobiya.
Saldhigan oo ku yaal magaalada la yiraahdo Arab Minch ayaa waxaa uu Mareykanka u adeegsanayay howl galada ka dhanka ah AlShabaab iyo AlQaacida ee bariga Afrika.
Afhayeen u hadlay Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya oo lagu magacaabo David Kennedy ayaa sheegay in labada dal ay isku raaceen in joogitaanka Mareykanka ee saldhigaas aan xilligan loo baahneyn, sidaas darteed uu ka guuray.
Saldhigan ayaa Mareykanka istcimaalayay tan iyo sanadkii 2011, waxaana sanadkii 2012 lagu sameyay dib u habeyn, iyadoo haatan lagu wareejiyay Ciidamada Itoobiya.
Mareykanka ayaa saldhig milateri oo weyn ku leh dalka Jabuuti oo deris la ah Soomaaliya, halkaasoo inta badan la sheego in diyaaradaha Drones ay ka soo duulaan.
Hadalkan ka soo yeeray dowladda Mareykanka ee ku aadan saldhigii ay adeegsan jireen Diyaaradaha Drones ee ku yaall Itoobiya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Mareykanka uu haatan saldhig qarsoodi ku leeyahay Soomaaliya, kaasoo ay ka duulaan diyaaradaha Drones.
GARAAD C/QAADIR OO KA SOO HORJEESTAY AMAR KA SOO BAXAY WAKIILADA XAWAALADAHA SOOMAALIDA EE DALKA DENMARK
Bilooyin ka hor ayay ahayd markii Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlagala dalka Denmark ay ku wargaliyeen dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay lacag u dirsadaan Soomaliya iyo dalalka kale inay bixinayaa qidmad dhan boqolkiiba lix dollar.
Waxaa mar labaad haddana Wakiilada Xawaaladaha ka howlgala dalka Denmark kullan qarsoodi ah oo ay si gaar ah u yeesheen ayay ku go’aansadeen in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Denmark ee doonaya inay lacag u dirsadaan dalka Soomaaliya inay bixinayaan Qidmad dhan Boqolkiiba todoba doolar (7%).
Qidmadan cusub 7% iyo labada dollar ee sarifka ee markii leysku daro noqonaysa 9% (Sagaal boqolkiiba) ayaa waxaa shalay qaadayay dhamaan Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala dalka Denmark, taas oo dadka ay ka muujiyeen caro aad u xoogan maadaama xarumaha ama wakiilada kale ee Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala dalalka kale ee aan ay Qidmad ahaan dadka wax ka dirsanaya uga qaadin 9% (Sagaal Boqolkiiba).
Aqoonyahanada, Waxgaradka, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Dalka Denmark waxay ka soo horjeesteen arintaasi isla markaana ay sheegeen in aysan macquul ahayn.
Garaad C/qaadir Axmed Xirsi oo ka mid ah Garaadyada ku nool Dalka Denmark oo la soo xiriiray ka dibna Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dhibaatada ay ku qabaan arrintaan.
Garaad C/qaadir ayaa sidoo kale sheegay in aysan raali ka ahayn in la dhibaateeyo Sooma alida ku nool Dalka Denmark ee doonaya iney dadkooda Sooomaaliya joogo wax usoo dirsadaan.
SHEEKH MAX’ED SHAAKIR ” DF IYADOO BEESHA CAALAMKA AYSAN GOOB JOOG AHAYN LAMA HADLEYNO”.
Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe Sheekh Max’ed Shaakir Cali Xasan ayaa she gay in wadahadal aysan goob joog ahayn beesha Caalamka aysan la galeynin dowladda Federa alka.
Sheekh Max’ed Shaakir ayaa cadeeyay in dowladda Federaalka ay dhowr jeer oo hore balla mo uga baxeen taasina ay ka niyad jabisay heshiiskooda.
" annagu waxaan diyaar u noqon doonaa inaan la fariisanno dowladda Federaalka haddii be esha Caalamka ay marqaati ka noqonayaan” ayuu yiri Sheekh Max’ed Shaakir.
Dowladda Federaalka ayaa indhawaanahaan waday dadaallo ku aadan sidii miiska wadaha dalka ay ula fariisan lahaayeen Maamulka Gobollada Dhexe.
C/WELI SHEEKH AXMED: "SOMALIA WEY KA DHICI LAHAYD DOORASHO QOF IYO CODKIISA, BALSE WAXAA RAGAADIYEY KHILAAFKA SIYAASADDA”.
Ra’isulwasaarihii hore ee Dowladda Federalka, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hadal kaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Barnaamijka Wareega Wararka ee Radio Dalsan, wuxuuna tilmaamay inay Dowladda Federalka ku mashquushay Khilaafyo Siyaasadeed oo dhexd eeda ah, taasi oo keentay in ay qabsoomi waayaan Qoddobo badan oo laga doonayey inay Dowla dda Federalka fuliso.
C/weli Sheekh Axmed Maxamed waxa uu sheegay in Muransiyaasadeedka ka dhex taagnaa Dowladda Federalka sababtay in la diyaarin waayey Doorashadda nooca Hal Qof iyo Hal Cod (One Man and One Vote), wuxuuna xusay inuu rumeysan yahay in ay Somalia ka dhici karto Doorasha ddaasi.
Siyaasiga oo sheegay inuu yahay Musharax Madaxweyne, waxa uu rajo ka muujiyey inuu ku guuleysan doono xilkaasi.
C/weli Sheekh Axmed waxa uu 10 bilood Ra’isulwasaare ka soo noday Xukuumadda Federa lka, waxaana lagu xusuustaa khilaafkii isaga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhex maray, iyadoo ay ugu dambeyntii Xildhibaanadda BFS u codeeyeen in Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axm ed laga qaado xilkaasi, waxaana muddo kooban kadib xilkaasi loo magacaabay Ra’isulwasaraha haatan, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
WARARKII UGU DAMBEEYAY CIIDAMO KA TIRSAN ITOOBIYA OO AFDUUBTAY LABO RUUX OO KENYAN AH
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Moyale ee u dhaxeysa xadka Kenya iyo Ethiopia ciidamo ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa halkaasi ka afduubtay labo muwaadin oo u dhashay dalka Kenya.
Afduubka labadan muwaadin, ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii weerar ay ku qaa deen ciidanka Keydka Booliska Itoobiya xaafada Bori ee magaalada Moyale.
Sidoo kale ciidamada Itoobiya ee afduubka kula kacay Labadaasi ruux ayaa horay u sii qaat ay labo qori oo ay lahaayeen ciidamo ka tirsan Booliska Kenya.
Gudoomiyaha Degmada Marsabit Moffat Kangi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in tiro aan la aqoonin oo ka tirsan Booliska keydka ah ee dalka Itoobiya ay weerar ku qaadeen xaa fada Bori oo ku taalla meel u dhow xadka ay wadaagaan wadamada Kenya iyo Itoobiya.
Mr Kangi ayaa sheegay in weerarkaan oo aan ilaa iyo hada la ogeyn sababta ka dambeysa uu dhacay daraad abaare 8dii subaxnimo,
Arrintaan ayuu sheegay in ay hada ula tacaalayaan qaab Diblumaasiyadeed islamarkaana ay ku howlan yihiin in ay ogaadaan ujeedada dhabta ah ee weerarkaas laga lahaa.
Xiisadaha ka dhaca Xuduuda kala qeybisa Kenya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo marar badan soo noq noqday oo inta badan ay ka dhalato waxyeello.
MUNAASABAD LAGU DOORANAAYAY GUDOOMIYAHA GUDIGA SHAQAALAHA IYO ANSHAXA DOWLADA HOOSE EE XAMAR OO MUQDISHO LAGU QABTAY
Ku dhawaad 500 oo ka mid ah Shaqaalaha Dowladda hoose ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay shalay oo Axad ah doorasho ku doorteen gudomiyaha gudiga shaqalaha dowladda hooose Waxaana Munaasabadii lagu dooranaayay goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa.
Shaqsiyaadkii u tartamayay jagada Guddoomiyaha Guddiga shaqalaha Dowladda hoose waxa ay gaarayeen 24 Ruux oo lix ka mid ah ay ahayeen Haween.
Waxaa codadkooda dhiibtay oo doorashada ka qeyb galay 413 Shaqaale oo ka tirsan Dowlada Hoose.
Guddoomiyaha la doortay oo lagu magacaabo Xasan Xuseen Cabdullahi,ayaa waxaa uu helay 127 Cod, Cabdi Casiis Goodax Barre asna waxaa uu helay 74 Cod,waxaana sidoo kale Fartuun Ibraahim Geeddi ay heshay 68 Cod sidaasina waxaa ku guuleystay Xasan Xuseen Cabdullahi,oo helay codadkii ugu badnaa.
Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Amiin aya ku dhawaaqay natii jada codeynta ka soo baxday iyo sida ay doorashada u dhacday.
Gabagabada Munaasabada waxaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur iikar waxa uuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin qaabkii ay u dhacday doorashada.
BOOLIISKA KENYA OO HOWLGALLO KA DHAN AH AL SHABAAB KA SAMEEYAY GUDAHA KENYA
Ciidamada booliska Kenya ayaa howlgalo dheeraad ah ka bilaabay deegaanka Buura oo ka tirsan Gobollada xeebta ee dalka Kenya kadib markii dhawaan halkaasi Al Shabaab ay ku weerareen gaari ay lahaayeen ciiamada Booliska Kenya.
Taliyaha Ciidamada booliska Kenya joseph boinnet ayaa sheegay in ciidamadooda ay we erar culus ku qaadeen kooxo uu ku tilmaamay argagixiso isagoo xusay in qaar ka mid ah kooxaasi oo qaarkood qaba dhaawacyo ay ku carareen keymo halkaasi ku yaala.
"howlgal xoogan ayey ciidamadeena halkaasi ka wadaan mana jirto khasaaro weyn oo hal kaasi ka dhacay sidaasi waxaa yiri mr joseph”.
Talihaya ciidamada booliiska ee Kenya ayaa intaasi ku daray in ay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray dagaalyahanada Al shabaab ee ay weerarka ku qaadeen isagoo tilmaamay in ay ku dhuumaaleysanayaan dhul keymo ah oo ku dhaw halka ay howl galka ay ka sameeyeen.
Mr joseph boinnet taliyaha ciidamada booliska ee Kenya ayaa xusay in aysan jirin wax Khasaaraha oo soo gaaray ciidamada booliiska,isagoo intaasi ku daray in ay sii wadaan doonaan howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo inta badan weeraro Kasaarooyin sababa ka gaysta gudaha Kenya.
DIPLOMAASI CAALIN: ”HAWL ADAG AYAA HORTAALLA GUDDIGA MADAXA BANAAN EE DOORASHOOYINKA”
Diplomaasi Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo Dawlada Filland kala taliya arimaha Soomaliya oo hadlay ayaa ka shanqariyay arimo dhowr ah oo marxalada siyaasadeed Dalka xilig an marayo taas oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka la filayo in ay Dalka ka dhacaan ,arimaha Maa mul Goboleedyada iyo Isbadalka wakiilka cusub QM iyo kii hore ee labaday.
Diplomaasigan ka faalooda arimaha siyaasada Soomaliya ayaa sheegay in dad badan oo Soomali ah ay shaki ka qabaan sida loo aamini karo gudiga madaxa bananaan ee doorashooyinka Dalka Maadaama xeel dheerayaasha ay tuhmayaan in ay dhinac u janjeeraan waxaan gudigaas gudoomiye ka ah Xaliimo Isnaaciil Yareey oo iyadu ka qeyb qaadatay Dhismaha Maamul Gobole edka Galmudug sida uu hadalka u dhigay
Sidoo kale Caalin ayaa kahadlay isbadalka Wakiilada QM ee arimaha Soomaliya lagu samee yay Dabayaaqaa Sanaddkii tagay wuxuuna sheegay midkan cusub in uusan waxba ka duwanaan Doonin kii hore islamrkaan uu mari doono siyaasadee uu jeexay Nicholas Kay maadama ay hal Wadan ka soo wada jeedaan
U gu dmbeeyn Maxamed Maxmuud Nuur Caalin ayaa sheegay in ay ku fashilmeen Daw lada Caalamka gaar ahaan wadamadii balanqaaday inay Soomaliya ka hirgaliyaan mashruuca New Dealka.
Wuxuuna ku taliyay in shacab ahaan iyo Dawlad ahaan ay Dadka muujiyaan dareen siyaas adeed Oo ay wadaniyad ku dheehantahay si looga faa,ideeysto Sanadka cusub iyo isbadlaka Siyaa sadeed ee soo socda.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SOO XIRAY SHIRKII LA XISAABTANKA HAY'ADAHA
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo xiray shirweynihii la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Puntland oo maalintiisii labaad galay islamarkaasina shalay is ugu jirey dhammaystirka qayb ka mid ah waxqabadka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda iyo sidoo kale soo bandhigidda qorshe hawleedka Hay’adaha Dawladda ee 2016ka.
Intooda badan wasaaradihii iyo hay’adihii shalay miiska saarnaa ayaa soo bandhigay horum aro kala duwan oo ay ku tallaabsadeen iyo qorshayaal dardargelindoona shaqooyinka baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan oo ay ballan qaadeen in ay hirgelin doonaan sannadkan cusub ee 2016ka.
Maalinta maantato ah oo noqonaysa maalintii ugu dambeysey ayaa la filayaa in lagu soo afmee ro shirkan laxisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dawladda, waxaana bulshada Puntland ay noqon doonaan kuwo si weyn uga warqabadkaa maamulkooda islamarkaasina laxisaabtami kara.
MAAMULKA GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE OO WARBIXIYAY DAGAAL SHALAY KA DHACAY DEGMADA BARAAWE
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa ka warbixiyay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay degmada Baraawe ee isla Gobolka shabee laha Hoose,
Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose Maxamed shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu xiligaan ku howlan yahay xalinta dagaalka dhaxmaray ciidamada kawada Tirsan kuwa dowlada soomaliya gaar ahaan kuwa Malatariga iyo Nabad sugida,
Maxamed shiino afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeedka Soomaliya waxa uu sheegay in la geyn doono goobaha hada lagu dagaalamayo ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Africa ee amis om ee ku sugan Goobaha Shabeelaha Hoose,
Dhanka kale Ilaa hada la ogo qasaaraha dhashtay dagaalka shalay ka dhacay Degmada Bar aawe ee Gobolka
WASIIRKA DIFAACA OO KULAN LA QAATAY SAFIIRKA IMAARAADKA CARABTA U FADHIYA SOOMAALIYA ..
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa shalay kulan la qaatay Sa fiirka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalkeena Soomaaliya Danjire Maxamed Cismaan, waxana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidoo kale taage erada ay dowladda Imaaraadka Carabtu siinayaan Ciidamada Dawladda Soomaaliya.
Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in Danjire Maxamed Cismaan ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in dowla dda Imaaraadku ay balanqaaday sii xoojinta tababbarka iyo tayaynta ciidamadda qalabkasida. Mud ane Diini ayaa mahad celin u jeediyay Dawladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta sida walaal tinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Safiirka taageeradooda ku aaddan Ciidanka Xoogga dalka, wuxuna dhinaca kale sheegay in mar walba ay ka go’an tahay sii xoojinta cilaaqaadka labada dalka.
"Waxaan wadahadal dheer oo wax ku ool ah la yeelanay Danjiraha Dawladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo aan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo bal laarin lahaa mashaariicda Imaaraadka ee Soomaaliya, gaar ahaan dibudhiska Ciidamada Xoogga Dalka”. ayuu yiri Jeneraal Maxamed Aaden.
Sidoo kale Safiirka Dowalada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay kordhin doonan taageerada Soomaaliya.
GUDOOMIYIHII MAGAALADA TEMIXCO EE DALKA MEXICO OO LA DILAY …
Marwo Giseela Mota oo aheyd duqii magaalada Temixco ee gobolka Moreloos ayaa koox hu beysan ay shalay ku dileen magaalada temisko kadib rasaas ay ku fureen gaari ay wadatay.
Haweyneyda ayaa waxaa dilkeedaan uu imaanaya maalin ka dib markii xilkaasi loo doortay. Ka dib doorasho ka dhacday magaalada Temixco ee gobolka Moreloos ee dalka Mexico,
Ciidamada amaanka dalka Mexico oo baaritaano sameeyey ayaa dhoor qof falkaan dilka ah u xir xiray. kuwasoo dhawaan maxkamada lasoo Taagi doono,
Dalka maxico oo dhawaan yeeshtay madaxweyne cusub ayaa intiisa badan dalka waxaa ka dhacay weeraro qorsheesan oo lagu dilo dadka xilalka ka haya dowlada cusub.
BAARLAMAANKA MAAMULKA KOONFURGALBEED OO DOORTAY GUDDOOMIYE
Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofurgalbeed ee Soomaaliya oo shalay kulan ku yee shay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa guddoomiye ku doortay Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye, kaddib markii uu ku guuleystay codeynta doorashadii halkaasi lagu qab tay.
Shirka Baarlamaanka ee maamulka Koonfurgalbeed oo uu shir guddoominayay Guddoomiy aha KMG ah ee Baarlamaanka Koonfurgalbeed waxaana xilka guddoomiyaha u tartamayay labo musharax oo kala ah Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Cali Xasan Cismaan, waxaana shi rka soo xaadirtay 142 mudane.
Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa markii la galay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Ma ye waxa uu helay 109 cod, halka musharaxa la tartamayay Cali Xasan Cisaman uu isna helay 33 cod, sidaasina waxaa guddoomiyaha baarlamaanka ee Maamulka Koonfurgalbeed noqday Cabdiqa adir Shariif Sheekhuna Maye.
CASHARKII 24 AAD HABKA CILMIBAARISTA EE RESEARCH METHOD
Sida ka muuqato erayga (literature review), waxaa uu ka kooban yahay labo qaybood oo kala ah literature iyo review. Marka aan macneeyno luqad ahaan, waxaa uu noqonayaa dib u eegista suugaanta.
Hadii mid mid loo micneeyo, waxaa uu noqonayaa Review oo micnaheedu yahay dib u eegis, iyo literature oo ah suugaan. Inta aan ku guda jirno qorista cutubkaan, ma adeegsan doono erayga sugaan, maxaa yelay dadka intiisa badan sugaan waxa ay u yaqanaan, Gabayada, Heesaha iyo wixi la halmaalo.
Hadaba, si aan uga fogaano jahwareer xaga erayga ah, waxaan aadeegsan doonaa " Dib u eegista qoraaladii hore” oo u taagnaan doonto "literature review”.
Maxaa loola Jeedaa Dib u Eegista Qoraaladii Hore?
Marka la qeexayo ama la macneeynayo (literature Review) ma jirto hal qeexid ama macno guud oo la isku wad raacsan yahay. Hadaba, waxaanu ka eegi donaa dhinacyo kala duwan, qaabab kala duwane waan u fasiri donaa. Waxaanu isku dayi doonaa in micno kasto oo macquul ah in aan soo qaadano, waxaana u soo bandhigi donaa nidaam (points ah)
Dib u eegista qoraalidii hore, waxay noqon kartaa, qoraal diirada lagu sarayo qoraalo horay looga daabacay maado cayiman, waqti cayimana la daabacay.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal la isugu keenayo warbixino laga soo ururiyay ilo wareedyo kale, kadibna loo dhigayo qaab document ah iyada oo la shegayo halkii laga soo xigtay.
Dib u eegista qoraladii hore, waxa ay noqon kartaa, qiimeyn qoto dheer oo lagu samaynayo cilmigi hore u jiray, iyada oo laga eegayo kala duwanaansha iyo midnimada.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, xog laga helay qoraalo horay u jiray oo diirada lagu saarayo cilmi gaar ah, lana doonayo in wax lagu daro cilmigaas.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal loogu sii diyaarinayo akhristaha in uu fahmo wixi horay looga qoray maadada, waxa maqan iyo sababta loo doonayo in la ambaqaado cilmibaarista
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, in la tuso horjoogaha (supervisor) ka ama aqristaha wixi aad soo aqrisay ee la xiriiro mowduuca iyo halka banaan ee u baahan in cilmibaarista lagu sameeyo.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal la xiriiro wixi horay looga qoray maadada iyo wixii su’aalo ah ee khuseeyo ee aan weli laga jawaabin.
Dib u eegista qoraaladi hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal cilmiyeed ay ku jiraan, waxyaabaha lagu soo ogaaday daraasadihi horay loo sameyay, qaabkii loo maray xog ururinta iyo faaqidaada darasadihii hore.
Dib u eegista qoraaladi hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal lagu faaqidayo laguna falan qaynayo, wax yaabihii ay qoreen dadka aqoonta duruqsan u leh maadada iyo tariikhda guud ee maadada.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal xog ah oo ka yimid gacan labad, mana soo gudbiso xog cusub ama shaqo tijaabo asal ah.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, xigasho qoraalo waqtiyo kala duwan laga qoray joornaal aqooneed la xiriiro cilmibaarista.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal lagu bayaaninayo sida ay u kala aragti duwan yihiin, sida ay isku aragtida u yihiin cilmibaarisyadii hore loo sameyay iyo halka banan ee aan wax laga qorin.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraalo laga soo xigtay ilo kala duwan oo mujinayo wixi laga soo helay cilmibaaristii horay loo sameyay. Cilmibaaruhuna waxaa uu qeexaa halka banana ee cilmibaaristiisu doonayso in ay daboosho, tasoo kuwii horane aysan daboolin.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, raadin, isu ururin iyo qiimayn lagu samaynayo qoraalada la heli karo ee la xiriiro mowduuca wax laga qorayo.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal loogu shegayo aqristaha, wixi ay horay u uga ogadeen maadada cilmibaarayaashii hore iyo waxa had uu donayo cilmibaaraha in uu ku soo kordhiyo qoraalada jira.
Dib u eegista qoraaldii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal uu ku muujinayo cilmibaaraha aqoonta uu uleeyahay maadada, wixi horay looga yiri iyo halka banaan.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, soo xigashada cilmibaarisyadii ugu dambeeyay ee laga sameeyay maadada. waxayna abuurtaa kal soonida cilmibaaraha ee la xiriiro cilmiga maadada.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa,qoraal sheegayo cilmiga kale ee jira iyo sida ay ula xiriirto waxa uu doonayo cilmibaaraha in uu baaro.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraalo la soo xigtay oo ku saabsan waxa laga ogyahay maadada wax laga qorayo iyo halka banaan ee la doonayo in la buuxiyo.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraalo muujinayo in cilmibaaraha uu dadka kale wax ka baratay iyo in cilmibaarista ay bilaabayso raadinta fikrado cusub oo an horay loo baarin, si wax loogu soo kordhiyo qoralada hada jiro.
Dib u eegista qoraaldi hore, waxa ay noqon kartaa, qiimayn lagu samaynayo warbixinta laga helay qoraaladi hore kuwas oo xiriir la leh halka cilmibaarista dooratay in ay wax ka ogaato.
Dib u eegista qoraaldii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal lagu faaqidayo, sida loo ambaqaaday cilmibaaris yadii hore, habka loo isticmaalay xog ururinta iyo sida loo go’aamiyay nuuca cilmibaaris ee la samayay.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal lagu qeexo xiriirka kadhaxeeyo qoraalada kala duwan ee hada jiro iyo xiriirka kala dhaxeeyo waxa la rabo in hada wax laga qoro.
Dib u eegista qoraaladi hore, waxa ay noqon kartaa, qoraalo laga soo xiganayo ilo kala duwan, iyadoo la muujinayo daciifnimada cilmibaristii hore, looguna cudur darayo mida la doonayo in la sameeyo hada.
Dib u eegista qoraaladi hore, waxa ay noqon kartaa, qoraalo lagu soo bandhigayo qidaha xog uririnta ay u sameyeen cilmibaaris yadii hore sida (Qualitative ama Quantitative)
Dib u eegista qoraaladi hore, waxa ay noqon kartaa, qoraalo lagu soo bandhigayo argatiyaha kala duwan (theories) ay isticmaleen cilmibaarisyada kal duwan.
Dib u eegista qoraaladi hore, waxa ay noqon kartaa, qoraalo lagu soo ban dhigayo Khoraayaasha ugu caansan ee maadadas iyo wixi ugu danbeyay ee laga qoray maadadaas.
Dib u eegista qoraaladi hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal lagu dhisayo doodada la xiriirto sababta ay cilmibaarista u tahay muhiim una qalanto in la amaba qaado.
Dib u eegista qoraaladii hore, waxa ay noqon kartaa, qoraal uu ku muujinayo cilmibaaraha uu aqoon u leeyahay cilmiga la xiriiro maadada, daraasadiisuna aysan ku celinayn daraasad horay loo sameyay (duplication)
Cutubka labaad waa aas aaska cilmibaarista, asaga oo la fahmaa waxay fududeyn kartaa in cilmibaaraha uu daraasada ku dhameeyo waqtigi kooban, soona saaro daraas tayo leh.
Waxaa soo diyaariyay Dr. Shafici Sharif Mohamed.fayosom@hotmail.co
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKOTAXANE AH}
Q/65aad
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan haddii aadan aha yn midda hablaha ugu sidata waxaad tahay midda ugu qur uxda badan ,marka aan ku soo xusuustana wadnaheyga sidii koor carrabkeed ayuu garaacaa, jaceylka aan kuu qa bo awgiis hana noqon sida cadrad rabbi waanadii u dheg iyo dhaban marshay xul beello macaanto mar walba oo qorraxdu baalka dhigato waa aan ku soo xusuustaa fiid iyo alleylba waxaana aan kugu qiyaasaa sida mayaay roob meel walboo aad joogtaba waan soo gebi raacaa,marka uu habeenka labo isu dhigona ma lado qalbigeyga ayaan kaa dhex arkaa , habeenkaana hurdada iima dhadhanto oo soo jeed baan ku waabariistaa, mana aan jecli xitaa inaan todobo caana maal aan kaa maqnaado waayoo Macaanto XulBeella Gacaliso intaas kuma moogan karo, taasina waa gobannimmo iyo dareen ay is dheer yihiin dadka mucaa shaqiinta ah .
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan sida luulka,dahabka iyo dheemmanka ey dadka u jecel yihiin ayaan kuu jecelah ay macaanto, Intaa ka dibna XulBeella lammaanaheedii C/ qaadir ahaa waxaa ay ku sagootisay Heestii Barkin Baan ku Tirshaa Bogga iyo Caloosheeoo ay ku luuqeyn jirtay fannaanadda khadiijo Foodeey Nuur Alle ha u naxariistee waan tan Heestii :
Hurdo kama bogtoo, Barkin Baan ku Tiirshaa,
Bogga iyo Calooshee
Berkaan u Seexdaa, Barbarrada ma Qabanaayee
Ehee Ahaa
Anigoo Burbburayoo,Dhinacyadu I Barareen,
Waagu ii Bariiyee
Boggii Jaceylka Intuu i Baday,Boggii Jaceylka wuxuu i Baday
Ayaan iga Ba’eeynee
Intii aan Bad qabayee ,Howshiisu igu badan
Haba baran lahaayaa, how bixin lahaayaa
Iminkoon basteey ahay Baroor
miyaa wax ii qaban.
+++++====++++++======+++++=====++++++====
Bogsan Maaya oo, Bilic iyo Nasiibkeey
midna u baxsan waayee
Cad Ceeddaa Bidhaantaa ila Baafin Weydoo
Oo hoo aahaa
Maantaya daraad Baxnaanadeedaa,
Maantaya daraad Baxnaanadeedaan
Nafta Been u sheegaa
Intii aan Bad Qabayee Howshiisu ugu badan
Haba Baran Lahaayaa, How bixin Lahaayaa
Imminkoon Basteey ahay Baroor Miyaa Wax ii Qaban
Intaas ka bacdi lammaanayaashii is Jeclaa Cabdulqaa dir iyo XulBeella waxaa ay ku Ballameen Maalinta jimcaha ah ey{Xeebta Liido} bannaankeeda ay isugu yimaadaan, dabadeedna inta ey is macal salaameeyeenbey gacannadii madaxyada teloofoonnada isa saareen .
Daraad waa maalinarbaco ah waana 10:00 Galabnnimo C/qaadir wuxuu dhex fadhiyaa qolkiisii fadhiga , waxaana miiska hortiisa yaal u saaraan koob coffe ah, martkii uu koo bkii coffega ahaa uu dhowr jeer uu kabaday ayaa wax aa taleefoon u soo diray gabadhii lammaanihiisa raxma saaxii bka la aheyd ee magaceeda la yiraahdo luul , daqiiqado markii uu telefankatelefoonka dhacay ka dib c/qaadir ga canka ayuu kor u qaaday maalintaana sharaabka casiirkla limooniga iyo labaaniyaadkana ma la cabbayo.
C/qaadir :Luul walaal marka hore iga guddoon kasha iyo laabta ka soo go’day , salaam ka dibna caafimaadkeeyga waa boqol boqol mid taasi la mid ahinaalle xaggiisa ayaan kaaga rajeynayaa.
Midda kale Luul Abbaayo Macaan kuma aan iloobin, qof la iloobana ma aad ihid oo waad ka weyn tahay oo aad ka qiimo badan tahay oo meel xusuus gaara ahi igu lerh aya ad ku sawiran tahay ,
Midda kale walaal ma aan ihi ruux abaalka loo galo iloobo Mana aan moogi inaad ii gashay abaal aanan iloobi Karin, mana aan ihi shaqsi muraadkiisa marka uu helo ruu xagalladda u galay meel dheer ka mara amaiska iloowo.
Midda kale Luul Abbaayo Macaan waxaan xaggaada ka tabanayo ma jiraaniin wanaag mooyee illeyn Soomaali da ayaa waxaay tiraahdaa { Libaax Nin Ganay iyo Nin Gall day kala og }.
Tan kale beryahaan mashquulkeyga ayaa badnaa oo wax xummaan ah ha u arkin kala maqnaanshihii aan kala maq neyn beryahaan.
Luul: ka warran saaxiibaddaa raxmo caafimaadkeeda ?
C/qaadir:waa boqol boqol oo way caafimad qabtaa habe en hore ayaan teloofoon ku wada sheekeysannay.
Midd kale xaaladeheenna lammaannannimo meel heer sa re ah ayey maraysaa oo inaan goolka dhalinno ayey u dho wdahay,niyeysana inaad cuni doonto Buskud,Doolsho, xalwo iyo waliba naan dhiganeyno Aroos Sheeno ah oo aad walibana adiga Arooskeenna aad ka ciyaari doontaan adiga iyo saaxiibkaaga qaaliga ah ee maxamed deeq.
Intaas ka bacdic/qaadir iyo Luulinta ey is macal salaameey een beygacammadii madaxyada teloofoonnadooda ay isa saaren.
Caawa waa habeennimo Khamiis ah saacadda bariga Afrikana waxaay dul taagan tahay 8:00 fiidnnimmo C/qaa dir waxaa uu dhanbbaal miseej ahu diray lammaantiisii qaaliga aheyd ee XulBeella isagoo dhanbbaalkiisa ku bila abay sida tan:
From: C/qaadir C/lle
L/helo deg. Heliwaa
Muqdusho
Soomalaiya
Ujeeddo: Salaan Diirran oo misna Dabacsan
Marka hore iga guddoon Salaan ka soo go’day farxad sidaha qalbigayga, kana macaan malabka ay shinnidu abu urato iyo miidda Sonkorta, Salaan ka dib gacaliso tashigii aan ku hamminaayey haka dhigin midaan faa’iido ka soo bixin , mirihii aan qalbiyadaeenna aanu ku wada beernay , waxaad tahay gabadha qura ee magaalada muqdisho ga bdhaha jooga tii indhaheygu caashaqeen, qalbigeyguna uu soo xushay ayaad tahay adiga, mana u maleynaayo ineey jirto mid kaalintaada ii buuxin karto inaan ka helayo
{ BeledkaanBanaadir}
Abbaayo ha igu noqonin qof ka arradan naxariista beni aadannanimmo Xulbeella abbaayo macaan dhoer jeer ay aan ku hamiyey inaan qoys cusub dhisno way se ii ahaan weyday,waxaana mar kasta aan is weydiiyaa su’aasha ah: ma dabciga gabdhaha xamar cadde jooga ayaa xun,mise calafkeyga tii uu iigu dhici lahaa ayaan weli dhalan? Xul ashadeyduse waxaay aheyd gabar maarriin ah oo dhirirk eeduna uu dhexdhexaad yahay xagga asluubtana wax I dheer.
Waxaa tahay walaaleey gabdhihii qalbigeyga iyo Indha heyguba
La Soco Isniinta Danbe Hadduu Alle Idmo
W/Q: C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB}Tel:0618455506
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 4-TA JANNAAYO 2016-KA
MADAXWEYNE XASAN "UGAAS C/RAXMAAN WUXUU AHAA NIN NAFTIISA U HURAY NABADEYNTA IYO DIB U HESHIISIINTA" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u nax