HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 18-KA AGOOSTO 2018-KA

0
Saturday August 18, 2018 - 08:48:21 in Wararka by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 18-KA AGOOSTO 2018-KA

    MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO UGU BAAQAY GANACSATADA IN AY KA QEYB QAATAAN OLOLAHA NADAAFA DEED EE CAASIMADDA. Degmooyinka Boondheere , Ho wlwadaag iyo Wardhiigleey ayaa bi low u noqday Ololo Nadaa fadeed ee uu ku dha waaqay Madaxweynaha JFS Md.Max

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO UGU BAAQAY GANACSATADA IN AY KA QEYB QAATAAN OLOLAHA NADAAFA DEED EE CAASIMADDA. Degmooyinka Boondheere , Ho wlwadaag iyo Wardhiigleey ayaa bi low u noqday Ololo Nadaa fadeed ee uu ku dha waaqay Madaxweynaha JFS Md.Maxam ed C/hi Farmaajo kaas oo loogu Magac daray Is Xilqaan.

G/ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bul sha da Maamulka G/Banaadir Basmo Caamir Shakeeti oo u warrameysay Warbaahinta ayaa ugu baaqday Gana csatada Soom aaliyeed in kaalin Muhi im ah ay ka ciyaa raan Ololaha Nadaaf adda "dhammaan Ganacsatada waxa an ugu baaqeynaa in Xarumahooda Ganacsi hortooda ay ka bill aabaan Na daafadda,qof kasta oo Soo maaliyeed na ay Masuuliyad ka saar an tahay ka shaqeynta Nadaafadda” ayey tiri Basmo Caamir Shakeeti Guddoomiye ku xigeena ka G/ Banaadir.G/Ba naadir ayaa wada Howlo Nadaafadeed oo aad u ball aar an oo la ga sameynayo M/Muqdisho

SHIRKADDA DIYAARADAHA NATIONAL AIR WAYS OO BILAABEYSA DULLIMAAD TOOS AH OO U DHAXEEYA MUQDISHO IYO ADDIS ABABA

Shirkadda National Airways ee fa dhig eedu yahay dalka Itoobya ayaa ku dhawa aqday adeeg duuli maad oo to os ah oo u dhaxeyn doona magaalooy inka Muqdi sho iyo Addis Ababa dha mmaadka bish an. Xusseen Xoosh oo ah madaxa shirk adda oo la hadlay wa rbaahinta gudaha ayaa sheegay in diuli maadkan uu noqon doono saddex jeer todobaadka magaalo oyinka Muqd isho iyo Addis Ababa, waxa na dulima adka ugu horeeyay bilaaban do onaa 22 bishan aynu ku jirno ee August.

Duulimaadka shirkadda National Air ways ee 2da Magaalo Muqdisho iyo Add is Ababa waxaa ka faa’ideysan d oona bulshada ku dhaqan labada dal oo arin tan ay u fududeyn doonto in ay si dhib yar isugu socdaalaan.

ODAYAASHA DHAQANKA IYO MIDNIMA DA BEELAHA HAWIYE OO CABASHO KA GUDBI YAY CIIDAMADA KENYA.

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Naba doon C/nuur Axmed Diir iye ayaa shee gay in waxgaradka beesha Hawiye iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xunyihiin weerar dhawaan Ciidamada Kenya ay ku weerareen shirkada Ho rmuud. Nabadoon C/nuur ay aa xusay in war qad cabasho ah oo ka dhan ah Cii damada Kenya ay dhawaan u gud biy een Dowladda federaalka ah ee Somaliya.

Afhayeenka ayaa falka ay ku ka ceen Ciidamada Kenya oo cagta mar iyey dhi smaha xarun Shir kadda Isga arsiinta Ho rmuud ay ku lahayd deeg aan ku dhaw xa dka Kenya ku tilmaa may xadgudub lagu sameeyay han tida Soomaaliyeed.

SOMALIYA IYO KENYA OO ISKURAACEY IN DIYAARADAHA QAADKA KEENA SOOMAAL IYA LA SOO SAARO KALLUUN

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee XFS Md, Maxam ed Ca bdi Xayir (maareeye) ayaa M. Nayrobi ku la kulmay Shalay dhiggiisa Wasiirka gan acsiga Dalka Kenya Mr. Peter G. Munya.

Wada hadallo dheer ka dib ayaa wa xay 2da Wasiir ku heshiiyeen, in la hirgel iyo heshiiskii wada agga gan acsi ga ee ay 2da Madaxweyne ee Soom aaliya iyo Kenya ku yeesheen Nayrobi 29 Novemb er 2017, In la dhe ellitiro ganacsiga 2da Waddan, in Soomaliya laga caawiyo sidii ay ganacsi xor ah u la yeelan lahayd Wa dda mada ku mide ysan Ururrada EAC iyo COMESA, in Diya aradaha Qaadka ge eya Soomaal iya la soo saaro Kalluun iyo in Labada Wasaara dood ay iska kaasha daan dhinaca Farsamada iyo Shuruucda.

Soomaaliya ayaa Bishii July ee Sana dkan ku biirtay Suuqa ganacsiga xorta ah ee Bariga iyo bartama ha Q/Afrika ee loo yaqaan COMESA, waxa nay hir gelinta heshiis yadan lala gal ay Ken ya dhabba ha u xaarayaan inuu soo ka bto dhaqa alaha Dalka oo mud do hoo seeyay.

DUQA MUQDISHO”AMNIGA CAASIMAD DA WAXAAN KA HOWLGELINEYNAA CIIDAMO AAN WAX BALWAD AH LAHEYN”

Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna du qa M/Muqdisho Eng; C/raxmaan Cu mar Cusmaan (Yariisoow) ayaa sheeg ay in a mmaanka caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho uu haatan marayo meel wa naagsan.Eng; Yariiso ow oo u wa ramay ay Warbaahinta Qa ranka ayaa intaa raac iyay in hadafk oodu uu yahay in M/Muqdi sho oo uu ku tilmaamay Hooy adii Umm adda Soomaaliyeed iyo Qalb igii Shacab ka ay kusoo laabato sidii ay Berisa maa dkii ahayd, xilligaas oo ay safka hore uga jirtay Caasimadaha Adduun ka ugu nab doon.

Guddoomiyaha ayaa tallaabooyin ka ay u marayaan ka gun gaaridda am maan ka caasimadda ku qeexay inay dib u ha bayn ku sameeyeen ka maam ulka iyo maaliyadda G/Banaadir , isa goo sheegay inay daadejiyeen maam ulka lana gaars iiyo Degmooyinka Ca asimadda Md, Yar iisoow ayaa ku nuux nuuxs aday muhiim adda ay Bulsha da u leedahay fidinta maamulka, isa goo sheegay inay talada gaa rsiiyeen Degmooyinka,Xafiisyana ay u gu fure en Shacabka, halkii ay Dadku mar kii hore adeegyadooda u doonan jireen Xarunta dhexe ee Dowladda hoose. Su gidda amniga caasimadda ayuu she egay Guddoomiye Yariisoow in ay u waja heen si ka duwan qaabab hore, wuxuuna sheegay inay isku xireen Dowladda hoo se iyo Ciidamada taas oo ay barbar soc oto barnaamijka deris aynta oo ay ka qa yb qaadanayaan mu tadawaciin Soomaal iyeed.Guddoomiyaha ayaa xusay siyaasadda barak acayaasha Soomaaliy eed, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi kala ha dleen Beesha Caalamka iyo hay’ adaha samafalka, si ay u helaan xuquuqdii ay u baahnaayeen. "Waxa kaloon dedaal iyo juhdi gelinnay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha barakacayaasha, oo dhib weyn qaba, kuwaasoo aan helin xuq uu qdii ay u ba ahnaayeen, iyadana waxaan Beesha caalamka aad ugala hadalnay si dii aan u hagaajin lahayn xiriirka iyo wa da shaqaynta Gobolka Banaadir uu u qaa dan lahaa doorka hoggaamineed, waxa an diyaarinnay siyaasaddii barakacayaa sha oo ay ka qayb qaateen Bulshada Soo maaliyeed”, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Md,Yariisoow ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan qorsheynayaan sidii Caasi madda looga hirgelin lahaa nida amka Di moqraaddiyeynta, taasoo uu ku macnee yay in Degmo walba Gola yaasheeda de gaanka oo la soo doo rtay ay ka qayb qaa taan, si Sanadda 2020ka loo gaaro doo rasho Qof iyo cod isagoo aad ugu dheer aaday xag ga ammaanka ayaa sheegay in 4Bil ee lasoo dhafay uu ammaanka Ca asimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada G/Banaadir ay ka qayb qa ataan wejiga 2aad 2000 oo Cii damo Bo olis ah, kuwaasoo aan wax balwad ah lah ayn aadna u tababaran si ay Bulshadu u hesho nabad gelyo buuxda.

MARAYKANKA OO SHEEGAY IN AY SII KOR DHEYSO AWOODA CIIDAMADA SHIIN AHA

Warbixin ay soo saartay W/Gaashaan dhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duuliyeyaal dagaal oo Shiine ah loo tabab arayo sida ay u duqayn lahaayeen deega ano fogfog sida dalka Maraykanka iyo wadamada xulufada la ah.Wasaaradda gaashaandhigga Marayk anka waxa kale oo ay warbixintan ku sheegtay in Shiina ha ay mudo 7sanadood gudahood ah ugu suurto geli karto inuu samaysto gantaal aha ridada dheer ee qaada nukliyeerka.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu shaa ciyay in ay sii kordheyso awooda Milatari ee dalka Shiinaha sida qarashka uu ku bixiyo Milatariga oo lagu qiyaasay lacag gaareysa $190bn (£150bn). Hase yee shee dowlada Shiinaha ayaan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin warbixint an laga soo saaray Pentagonka.

Maraykanka ayaa waxaa walwal ku haya saameynta sii kordheysa ee ay dowlada Shiinaha ku yeela nayso badda Pacifica oo hore Maraykanku uu awood dheeraad ah ku lahaa

FARMAAJO OO JABUUTI UGA SII GUDBAY TURKIGA

Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Maxamed (Farmaajo) ayaa booqasho la ba maalmood qaad atay uga sii gudbay M/ Ankara ee dalka Turkiga, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggi isa, Recep Tayyip Erdogan. Barta Twitterka ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa la gu baahiyey in Madaxweyne Farmaajo uu u duulay Turkiga, maadaama lagu casu umay in uu ka qayb galo shirweyna ha 6ad ee xisbiga talada dalkaas haya ee AK Party, kaas oo furmi doona maalinta berri ah ee ay taari ikhdu ku beegan tahay 18ka August.

Villa Somalia ayaa sidoo kale baahis ay in Madaxweyne (Farmaajo) muddada uu dalka Turkiga ku sugan yahay uu la ku lmi doono Madaxweynaha Turkiga, iyag oo ka wada hadli doona sida qorshaha uu yhay arrimo ay ugu muhiimsan tahay xo ojinta xiriirka labada dal.

Barta Twitterka ee Madaxtooyada So omaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in 2da Madaxweyne ay ka wada hadli doo naan iskaashiga dhaqaalaha, ammaanka, horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga.

Farmaajo ayaa dalka Turkiga tagay bishii ee July, xilligaasi oo uu ka qeyb galay ca leema saarka Mada xweyne Erdogan oo dhamaadkii bishii June dib loo doortay.

CIIDAN UU WATAY ABAANDUULIHII XILKA LAGA QAADAY OO QARAX LALA EEGTAY

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya G/Shabeellaha Hoose, qa rax Miino ayaa duhur nimadii shalay wa xaa Jiiro Gaaljecel oo u dhaxeysa Lambar 60 iyo Shalambood lagula eegtay ciidan uu hoggaaminayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. C/hi Cali Ca anood oo daraad uu xilka ka qaaday Ma daxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Maxamed (Farmaajo).

I lo xog ogaal ah ayaa Idaacadda Ris aala u sheegay in qaraxa uu qabsaday mid ka mid ah 46 Cabdi Bille oo uu watay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Warar ayaa waxa ay she egayaan in Gen. Caanood uu tan iyo habeen hore ciidan badan ku uruu rsananay degaanada ku dhaw degmada Afgooye, Beerta Cali Mahdi iyo Laanta Buuro.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dambeeyay ka dib markii Abaanduulaha iyo kolonyadii sa ay barkhanimadii shalay ka dhaqaaqe en aagga Afgooye, ayna ku sii jeedeen dhanka Shalambood, balse uu qaraxa ku qabsaday wadada.

Saraakiil ka tirsan Miilatariga Soomaal iya ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxa asi inuu burburiyay gaariga, islamarkaana waxyeelo uu ka soo gaaray ciidankii gaar iga saarnaa, balse uu bad qabo Gen. Caa nood. Ilaa hadda lama oga ujeedada uu damacsanaa Gen. Caanood, warar aan helnay waxa ay sheegayaan inuu qaadi rabay hawlgal Shabaab looga saarayo go bolkaasi, balse dadka qaar ayaa is weydii naya waxa ku soo beegay marka xilka la ga qaaday in ciidan uu uruursado, daga alna uu qaado. Xigashoradiorisaal.com

AABE LOO HAYSTO DILKA LABADIISA GABDHOOD IYO XAASKIISA OO MAXK AMADD LASOO TAAGAY!

Chris Watts oo 33jir ah oo maxkam ad ka soo muuqday markii u horrays ay maalin ka dib markii la xir ay ayaa sheegay in uu dawladda waydiisanayo waxa uu xaqa u leeyahay. Waxaa la sheegay in uu qir tay inuu dilay qoyski isa, sida ay warbaahinta guduhu tabi yeen. Xaaska ninkaas Shanann Watts oo 34 jir ah oo lahayd uur 15 7baad ah ayaa Isniintii la sheegay in la la’ yahay.2gabdhood oo ay dhaleen lam aan ahaas Celeste oo 3jir ah iyo Bella oo 4 jir ah ayaa la sheegay in la la’ya hay isla wakhtigaas. Ma jirto dacwad rasmi ah oo wali kiiskaas laga soo gudbiyay, balse waxaa laga yaabaa in Watts uu wajaho dacwado dil iyo saddex dacw adood oo kale oo ah in uu qarinayo caddaymo, sida uu sheegay xabsiga Weld County Jail ee ku yalla Colorado

Marcelo Kopcow oo ah xaakim ayaa la sheegay in uu dacwad oogeyaasha u sheegay in ay soo gudbiyaan dacw ad rasmi ah Isniinta, si dhagaysiguna uu u billawdo Talaadada. Madaxa xafii ska dambi baarista ee Colorado John ayaa shir jaraa’id ka sheegay Khamii stii "hadda waxaa noo suuragashay in aan mayd helno, waxayna u badan ta hay in uu yahay maydka Shanann Watts.

"Waxaan haynaa sabab xoog bad an oon ku dhihi karno waxaan ogaa nay meesha ay ku jiraan maydadka ca rruurta, waxaana billawday dadaalo lagu soo saarayo”. Maydka waxaa la ga helay dhis maha Anadarko Petrole um Company, sida ay warbaahinta guduhu sheegtay. Watts ayaana shirk addaas u shaqayn jiray, sida laga hel ay diiwaanka maxkamadda musalaf ka, sida uu ku warramay Denver Post.

Hay’adda dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay gacan ka gaysato baadigoobka, waxaana la baahiyay tilshalay qoys ka si ay si sahlan ugu aqoonsadaan. Booliiska ayaa baaritaan billaabay ka dib markii saaxiib u dhaw Shanann uu ku wargaliyay in aysan qabanaynin taleefankeeda.

GEN. BARIISE "DARAAD HADII LABA AMAR AY BIXI JIRTAY SHALAY HAL AMAR AYAA BAXAYA”

Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise oo la hadlay TVga Somali Cable ayaa sheegay markii magaalada gud aheeda ay ka wada shaqeyn jireen cii danka Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska uu imaan jiray isku dhac ciidanka dhexd ooda ah, balse hada arrintaasi ay dham aatay.

Wuxuu sheegay ciidankii Nabad Sugid da ee magaalada ka hawlgali jiray qaarko od in la hoos geeyay Booliska, kana amar qaadanayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Ca bdi Max amed, arrintana ay keentay in la helo wa da shaqeyn dhab ah oo ciidamda ay yee shaan. Gen.C/laahi Xasan Bariise ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, islamarkaana soo gudbiyaan ragga falal ka amni daro geysanaya.

"Daraad 2ba amar haddii ay bixi jirtay, shalay Hal amar ayuu ku soo wareegay amnigii oo Taliyaha cii danka Booliska ay ay ka amar qaadanayaan ciidankii Nabad Sugidda ee lagau biiriyay Booliska, hada waxaa u socda tababar xirfadeed, waxa an rajeynaa in amniga aan ku guuleys ano, shacabka waxaan ka codsanayaa in ay nagala shaqeeyaan sugidda amniga.

DFS ayaa dhammaadkii bishii July ee sanadkan isbedel cusub ku sameysay tal isyada Booliska, Na bad suggida iyo Ta liska guud ee ciidamada Taraafikada, taa si oo qasabtay in la baabi’iyo Taliskii NISA ee gobolka Banaadir, iyada oo loo ga gol leeyahay sugidda ammaanka M/Muqdisho.

CIIDANKA PUNTLAND OO DIB U QABSADEEN DEEGAANKA AF URU

Taliye kuxigeenka ciidanka Daraawii shta maamulka Puntland Gen. Cabdi Axmed Xaashi ayaa sheeg ay in ciidanka Daraawiishta Puntland shalayy waaberigii ay dib ula wareegeen Tuulada AfUrur.

Ururka Al Shabaab ayaa muddo 20 ci sho ah waxa ay ku sugnaayeen AfUrur oo ay maamulayeen dadka halkaasi ku dhaqan, balse habeen hore saq dhexe ayaa la sheegay inay isaga baxeen tuulada.

General Cabdi Axmed Xaashi ayaa wux uu sheegay intii ay hawlgalka ku jireen in aysan la kulmin wax iska caabin ah, isl amarkaana ciidamada ay hada ku sugan yihiin AfUrur. Shalayy waberigii ayaanu ku guureynay AfUrur oo horey qaab Mil latari aan uga soo baxnay, cadowna ay yi maadeen, way carareen cadowgii markii ay ogaadeen inaan ku socno wax iska caabin ah ahan maaanay jirin, lug ayaanu ku galnay”ayuu.yiri G.Cabdi Axmed VOA

MAXAMUUD CALI YUUSUF "XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO JABUUTI WUXUU SII AHAAN DOONAA MID XOOGGAN”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Ma xamuud Cali Yuusuf ayaa ka hadlay xir iirka Soomaaliya iyo Jabuuti oo 7aadyadii u dambeeyay uu mugdi galay, ka dib bo oqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tag ay Eritrea. Dowladda Jabuuti ayaa niyad jab weyn ka muujisay hadalkii Madaxwey ne Farmaajo ka jeediyay Asmara oo ahaa in baaq uu u jeediyay Q/Midoobey inay cu naqabateynta ka qaado Eritrea.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitterka ku soo qoray ayuu Wasiirka Arrimaha Di badda Jabuuti Max amuud Cali Yuusuf ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu sii ahaan doono mid xooggan.

Waxaa uu sheegay in booqashada Mada xweyne Farmaajo uu ku joogo Jabuuti, wada hadalka iyo la tashiga uu la leeyah ay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu dib u xaqiijin doono adkeynta xiriirka 2 dal.

Mr Yusuf ayaa qiray xaaladihii adkaa iyo madmadowgii galay xiriirka 2da dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Wararka laga helayo Jabuuti oo maalintii 2aad uu ku su gan yahay Madaxweyne Farmaajo ay aa la shee gayaa in wada hadalada u socda wafdiga labada dal laga soo saari doono war murtiyeed.

Diblomaasiyiin ku dhow dhow DFS ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu u cudur daaray Dhiggiisa Jabuuti Mad axweyne Geelle hadalkii uu ka jeediyay Asmara, kaasoo ahaa waxyaabihii ay qo onsatay dowladda Jabuuti. Dowladda So omaaliya ayaa qorsheyneysa inay dhex dhexaadin ka same yso 2da dal Jabuuti iyo Eritrea oo xilligan ay colaad dhex taalo, inkastoo aanay weli dowladda Jabuuti arrintan ka hadlin.

ABIY AXMED OO SHEEGAY INUU WAX KA QABAN DOONO XIISADA SOOMAA LIDA IYO OROMADA

R/Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ax med Cali, ayaa ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah dal kaasi, markii ay dhawaan hay’adaha u do oda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qulqulatooyinka jira.

Maria Burnett, oo ah Agaasimaha hay’ad da u doodda xuquql Insaanka (HRW) ee Bariga Afrika ayaa sheegtay in dilalka Qowmiyadaha, gaar ahaan is ugaarsiga ka dhexeeya Soomaalida iyo Oromadu in ay ku beertay walaac aad u weyn.

War Saxaafadeed ka soo baxay xafii ska RW Itoobiya ayaa lagu sheegay in marxaladdan ay ku hay so walaac xoogg an, wuxuuna ballan qaadan Abiy Axmed, inuu samayn doono dib u habayn xagga am maanka ah. Human Rights Watch, ay aa faahfaahin ka bixisay rabshadihii u da mbeeyay ee ka dhacay Magaalada Jigji ga, halkaas oo lagu dilay dad shacab ah, laguna boobay hanti, iyadoo dab la qabad siiyay Macbadyo iyo goobo kale, taas oo sabab u ahayd markii ay Ciidamada Fe deraalku xoog ku galeen xarumahii Dowl ad degaanka.

Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Cii danka Liyuu Boolis oo daacad u ah Mad axweynihii hore ee DDSI, iyo Barbaarta Heego, oo ah dhallinyaro taabacsan Cab di Maxamuud Cumar, kaas oo haatan ku jira Xabsi ku yaalla Addis Ababa. Hay’ad da ayaa sidoo kale ka hadashay rabsha do ka dhacay M/Dire dhaba oo ay ku dhin teen 15 Qof oo Soomaali ah iyo dilal ka dhacay Shashabane, Tabe, Adama iyo degaanno kale, kuwaas oo intooda badan dhacay Bishan August.

Dhinaca kale, waxaa haatan yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnayd Soomaali da Itoobiya iyo Oro mada, waxaana immi nka billowday in Kumanaan qof oo kas oo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waq ooyiga Soomaaliya iyo Jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore.

ITOOBIYA OO CIIDAMADEEDA KA SOO SAAREYSA JIIDDA HORE EE XUDUUDA ERITREA

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qa aday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eri trea ay ka soo saarey so, labaatan sano oo ay ku sugnaayeen.

Colaadii u dhaxeysa labada dal ayaa la soo afjaray, iyagoo gaaray heshiis nabad eed oo mar kale dib isugu furay xiriirkii diblomaasi iyo ganacsi ee labada dal ka dhaxeeyay.

Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi ee Ismaamulka Tigreega ayaa ku dhawaaq ay go’aanka Ciidamada Itoobiya looga soo saarayo jiidda hore ee xuduuda, hal kaasoo ka mid aheyd goobihii dagaa lada ba’an ka dhaceen intii u dhaxeysay san adihii 1998 illaa 2000.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa aagg aga deegaanada u dhow xuduuda sida Buree, Zaalambass, Shiraaro iyo Baadme ayaa tiradooda kor u dhaafeysay illaa 100,000 oo askari, waxaana dhowr jeer tir ada ciidamada aheyd mid is bedbedele ysay.

Dhinaca kale Dowladda Eritrea ayaa dha nkeeda sheegtay inay qaadeyso tallaabo la mid ah midka Itoobiya ee ay Ciidamada uga saareyso aaggaga Xuduuda labada dal wadaagaan.

Bogga4aad

Tan iyo markii is bedelka dhanka hogga anka uu ka dhacay Itoobiya, isla marka ana talada dalka uu la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaa uu u hor seeday tallaabooyin aan horay loo fileyn sida inuu aqbalay go’aankii Guddigii xad eynta QM ugu xukume en Eritrea dhulkii ay isku hayeen iyo inuu meesha ka saa ray colaadii labada dal u dhaxeysay.

XUKUUMADDA SOMALIA OO XADIDEY SA TIRADA JAAMACADAHA KA HOWLGA LA DALKA

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbaras hada ee DFS ayaa si weyn ugu walaacs an tiradda jaamacadaha ku yaala dalka iyo heerka tayadooda. Wasaaradda ayaa sheegtay Jaamacadaha dalka oo tiro aha an gaaraya 97 Jaamacadood qaarkood aysan u diiwaan gashaneyn Wasaaradda Waxbara shada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda wax barashada Hidaha iyo tacliinta sare Xas an Maxamed Cali (TATA) ayaa xusay in wasaarada ay wado qorshe ay ku xadide yso jaamacadaasi fara badan ee ku yaala dalka

Waxaana uu intaasi ku daray in sidoo kale ayisku dayayaan sidii ay ku tayeyn lahaayeen jaamacadah aasi iyo waliba in sare loo qaado kuliyadaha Kheyraadka dalka. Dhawaan ayaa xilkii laga qaaday wa siirki waxbarashada ee Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan kadib markii lagu eedeeyay in uu si kul ul u weeraray waxbarashada dalka ee hana qaaday mu dadii burburka

FAAH FAAHIN: KHASAARAHA RASMIGA EE KA DHASHAY WEERAR LAGU QAADAY GAARI HOOMEY AH

Wararkii ugu danbeeyay khasaare ka dhashay weerar lagu qaadi gaari rakaab ah oo marayay inta u dhaxeysa Magaalo oyinka Ceelwaaq & Mandera oo ka tirsan G/Waqooyi bari ee ay Kenya maamusho.

Ila la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku dha awacmay halka sido kale uu jiro burbur gaaray gaari nooca Soomaalida u taqaa no Homeyda oo ay saarnayeen rakaab halkaasi ka gudbayay.

Maamulka degmada Ceelwaaq oo Si mba xiriiro ay la sameysay ayaa sheegay inuu jiro weerarkaasi oo kooxo hubeysan ay ka qaadeen gaari dad shacab ay saa rnayeen oo marayay duleedka D/Ceelw aaq. Weerarka ayaa ka dhacay aga gaarka deegaan lagu Magacaabo warg aduud,waxaana dadkii ku dhaawacmay rasaasta ay ku fureen Kooxaha hubeysan lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee Man dera.

Sawiro laga soo qaaday rakaabkii sa arnaa gaariga ayaa muujinayay 3 ruux oo dhaawacyo ay ka mu uqdaan, sido kale Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi khasaaraha dhaliyay.

SACUUDIGA OO BALAN QAAD U SAMEEY AY XUJEYDA SOOMAALIYEED

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arri ma ha Diinta iyo Awqaafta Xukuumad da fe deraalka Soomaaliya C/xakiin Xa san Ibr aahim Ashkir ayaa magaalada Makkah Al Mukarama kula kulmay Dr. Maxamed Saa lax Bin Daahir Bintin, W asiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuud iga.

Kulanka ayaa labada masuul waxa ay uga wada hadleen Xujeyda Soom aali yeed iyo sida sare loogu qaadi lah aa ade ega la siiyo Xilliga lagu guda jiro acmaa sha Xajka. Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sa cuudiga Dr. Max amed Saalax ayaa wuxuu ballan qaa day in ay laba laabi doo naan dadaalka iyo u adeegista Martida dhulka barake ysan, gaar ahaan xujeyda Soomaaliy eed.

Wasiiru dowlaha W/Arrimaha Diin ta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa yiri "Waxa an xafiiskiisa Makkah Al Muk arama kula kulmay Dr. Maxamed Saa lax Bin Daahir Bintin, Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sa cuudiga, waxaan ka wada hadalnay Xu jeyda Soomaaliy eed iyo sida sare loogu qaadi lahaa adeega la siiyo Xilliga lagu guda jiro acmaasha Xajka, anagoo u gudbinay dareenka shirkadaha Soomaal iyeed ee ka shaqeeya Xajka, Waxaan u ga mahad naqnay wasiirka dadaalka do wladda Sacuudigu ku bixiso Xa jka gu ud ahaan iyo gaar ahaan soo dhawe ynta Xujayda Soomalida.

MASAAJIDYO KU YAALLA UK OO LA WE ERARAY IYO MUSLIMIINTA DALKAAS OO KA CAROODAY

War ka soo baxay dallad ay ku mi dey san yihiin Muslimiinta ku nool Wa ddanka UK yaa waxaa looga hadlay weerar lagu qaaday masaajido ku yaal magaalada Birmingham xilli lagu jirey Salaadii Cisha ha.Masaajiyada weerarka lagu qaaday ayaa kala ah Qamarul Islaam iyo AlH ijr ah,waxaana dhibaatooyin loo gey stay qaar ka mid ah miraayadaha daa qadaha Masaajidyadaas,iyada oo aan weli la aq oonsan dadkii ka dambee yey weerarkas

Dalad ay ku mideysan yihiin Musli mii nta ku nool Wadanka UK ee Bahu Trust ayaa waxa ay shee geen in ay ca mbaar eynaayan falkaas,oo aysan og eyn waxa keenay in masaajida la wee raro. Ciid amo xooggan oo ka tirsan Policeka ayaa loo daabulay aagaasi sida ay barta Twitterka ku xaqiijiyeen saraakiisha amniga magaa lada Birm ingham.

MAAMULKA JUBBALAND OO KULAN DEG DEG AH KA YEESHAY DHIBAATOOYIN AY GEYSTEEN CIIDANKA KENYA

Maamulka Jubbaland ayaa markale wa xa uu si kulul uga hadlay dhiba atoyi nka Ciidamada Kenya ka wadaan deegaano ka tirsan Maamlkaas,iyada oo Ciidanka Kenya ay bur buriyeen Xa rumo ahy lahe yd Shirkadda Isgaars iinta Hormuud.

Jubbaland ayaanan sicad u sheegn cida ku lugta leh burburinta loo geys tay Xar mo Shirkadda Hormuud ku le edahay dee gaano ka kala tirsan Gobo lada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubb aland Cabdi Xuseen Sheekh Max amed ayaa shaki geliyey in burburnt aas ay ku lug leeyihiin Ciidanka Kenya balse uu ku gaabsaday in ay ahaaye en Ciidamo ka soo gudbay Xadka Soo maaliya la wadaagto dalka Kenya. Sidoo kale waxa uu sheegay in Jubba land ay baaritaano ku heysto si dii lo ogaan lahaa Cidamadii ka damb eeyey dhibaatada loo geystay Xaruma ha Shir kadda Hormuud gaar ahaan dhacdooyin kii ugu dambeeyey.

Si kastaba Sanadkaan gudihiisa Ciida mada Kenya ayaa waxa ay sicad u bur buriyeen Xarumo ay laheyd Shirk ada Ho rmuud oo ku kala yaalla deg mada Ceelw aaq Gedo iyo deegaanka Cali Bulleey ee G/Jubbada Hoose.

Q/MIDOOBAY OO WAR KASOO SAARTAY BEEGSIGA SHABAAB AY KU HAYAAN DHAQANKA IYO ERGADA

War kasoo baxay Golaha Xuquuqda aa danaha ee hay’adda qaramada midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay Alshabaab sare u qa adeen dilalka ay ka geesanayaan mag aal ada muqdisho islamarkana in ka badan 44 qofood lagu dilay siyaabo kala duwan.

Hay’adu ayaa waxaa ay sheegtay in dad ka la dilay ay u badnaayeen ergooyinkii soo doortay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyo iyadoona bishii February ee sanadkii hore la bartilmaameedsaday 29 ruux oo qeyb ka ahaa doorashadii ma daxtinimo ee dalka ka dhacday.

Dhinaca kale hay’adu ayaa carabaa wday in inka badan 14,000 oo kamid ah aa ergooyinkii soo dooranayay xildhibaa nada ay la kulmeen handadaad oo sida la sheegay ay kala kulmayeen Xarakada Alshabaab.

Tobankun oo ruux ayaa ku geeriyood ay sanadihii ugu dambeeyay guud ahaan soomaaliya iyo dalka Kenya iyadoona tiro intaas kabadana ay isaga barakaceen.

Tan iyo sanadii 2011kii dalka Kenya ay aa wajahaya dagaalo xoogan kadib mar kii ciidamada difaaca Kenya ay usoo talaa been soomaaliya kuwaa oo qeybka ah ho wlgalka midowga Africa Amisom ee dowl ada kataageeraya ladagaalanka alshaba ab halkaa oo ay intii ay kusugnaayeen ci damadooda gudaha somaliya uu dalka Kenya kadhacay weeraro xoogan oo uu kamid ahaa weerarkii sanadii 2013kii lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westigate Mall iyadoona ay kugeeriyoode en inka badan 67 qofood oo kusugnaa xa runtaasi.

(WARBIXIN) WAXKA BARO SHAKHSIY AADKA UU MADAXWEYNE FARMAAJO XILALKA U MAGACAABAY?

S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarsho): Wuxuu aqoon iyo tababar ciidan ku soo qaatay dalalka Maraykanka, iyo midowgii Soofiyeeti dabayaaqadii sannadihii lixdameeyada.

Wuxuu kaloo tacliin iyo taba barro guud iyo kuwo gaar ah ku qaatay dalka gudihiisa.

Wuxuu ka soo shaqeeyey qa yb aha milateriga Soomaaliya, wuxuuna darajo ahaan ka gaaray ilaa iyo taliyaha cii dan ka xoogga dalka, oo markan ay tahay markii labaad ee loo magacaabayo.

uxuu haystaa billad dahab ah oo uu guddoonsiiyey madaxw eynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, taa soo lagu siiyey doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.S/guuto: Waa ninka ugu dhallinta yar saraakiisha ragga ah ee uu madaxweynuhu magacaabay. Degdeg ayuu ku dallacay.

Wuxuu ka tirsanaa ururka 60aad ee madaxtooyada, ama loo yaqaanno koofiyad guduudda.

Darajadiisa waxay ahayd gaashaanle markii uu xilka kala wareegayey taliyihii ururkaas uga horreeyey Axmed Maxamed cali (Afcaddeey).

In yar ka dib waxaa loo dallacsiiyey G/dhexe, darajadaas ay uuna ku ahaa taliyaha ciidanka madaxtoo yada.

Magacaabiddan ayuu madaxweynaha laba goor mar qura ku dallacsiiyey Odawaa oo ah nin uu aad ugu kalsoon yahay.

Marka la fiiriyo khibradda iyo aqoonta laga rabo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, waa jago u baa han aqoon iyo khibrad aad u ballaaran. S/guuto Zakiya Xuseen Axmed: Waa gabadhii ugu horraysay ee Jeneraal ka noqota booliska Soomaaliya. Dhowr sano gudahood ayey darajada ugu sarraysa ku gaartay.Waxay muddo ku noolayd qurbaha, gaar ahaan UK iyo Sweden, waxayna dalka ku soo noqotay 2014, markaasoo ay la shaqaynaysay hay’adda cilmi barista ee Heritage iyo jaamacadda Soomaaliya.

Waxay shahaadada darajada 2aad ka haysataa xiriirka caala miga, waxayna kaloo baratay diblom aasiyadda islaamka. Dhowr xil oo xagga maamulka la xiriira ayey ka soo qabatay ciidanka booliska Soo maaliya, waxayna sidoo ka shaqaysay dhanka xiriirka dadwewynaha.

S/guuto Siciid Axmed Kadiye: Wuxuu tacliintiisa badankeed ku soo qaatay dalal uu talyaanigu ka mid yahay sannadihii 70meeyadii, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha booliska ee khibradda fog leh.

Dhawaanahan wuxuu ahaa taliyaha hogaanka dambi baarista CID, laakin afartameeyo sano ayuu ku dhex jiray hoggaannada iyo qaybaha booliska Soomaaliya ee caasimadda iyo gobollada, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay.

Fahad Yaasiin: Waa ninka ugu saamaynta badan xubnaha uu magacaabay madaxweyne Farmaajo, waana shakhsi la aaminsan yahay inuu aad ugu dhow yahay madaxweynaha.

Fahad wuxuu markiisii hore ahaa suxufi u soo shaqeeyey warbaahinno ay Al Jazeera ka mid tahay, wuxuuse siyaasadda si muuqata u soo galay xilligii madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka hayey.

Markii ugu horraysay ee xil loo magacaabo, Xasan Sheekh ayaa u magacaabay jago wasaaradeed, hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu qaato. Wuxuu noqday agaasimaha guud ee madaxtooyada Soom aaliya, bishii Maajo 2017.

Wuxuu beddelay Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo hadda ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Qara mada Midoobay. Aamina Siciid Cali: Waa aqoonyahanad dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu jirtay siyaasadda Soomaaliya.Waxay xubin ka ahayd baarlamaankii jiray xilligii dawladdii Sheekh Shariif ee 2009.Waxay waxbarashada ka gaartay ilaa shahaadada darajada labaad (Masters) ee cilmiga sayniska.

Inta aysan noqon agaasimaha guud ee madaxtooyada waxay soo ahayd ku xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada.

BBCSOMALIA BOGGA CAYAAHARAHA

REAL MADRID OO KA CAROOTAY FICIL AY INTER MILAN U SAMEYSAY SI AY MODRIC KULA SAXIIXDAAN

mm Xilli shalay Inter Milan ay heysato fu rsad qariib ah si ay ula saxiixdaan Modric, haddane Real Madrid ayaa carro ka mu ujisay tallaabo ay u Nerazzuri u qaa dday saxiixa laacibkeeda.

Kooxda reer Italy ayaa wada hadallo la sameesay Modric iyadoo aysan ka war qabin kooxda Los Blancos, taasoo sharci ahaan aan la oggoleyn. Keliya haddii uu hal sano ama ka yar uu ka harsanyahay qandaraaska laacib uu kula jiro, waa ay ban naan tahay in ciyaaryahanka lala ye esho wada hadal, balse Captain-ka Croa tia ayaa heysta qandaraas laba sano ah.

Real Madrid ayaa dooneysa inay dac wad ka gudbiyaan dhiggeeda maadaama ay la hadleen kubbad qaabeeyihii hore ee Tottenham Hotspur. Liverpool ayaa raalli gelin ka bixisay markii ay wada hadal la yeesheen Virgil Van Dijk isagoo heshiis kula jira kooxda Southampton sanadkii hore,iyagoo ugu damb

eyn la wareegay bis hii January ee sanadkan.

TABABARE DIEGO SIMEONE OO SHAACI YAY SIRTA KA DAMBAYSA GUULAHA ATLETICO MADRID

guring UEFA Champions League se mi final second leg match between FC Bayern Muenchen and Club Atletico de Mad rid at Allianz Arena on May 3, 2016 in Munich, Germany. Koo xda kubadda cag ta Atletico Madrid ayaa kuguulaysatay ko obka EUFA Super Cup Kadib markii ay 4-2 at kugaraacen Real Mad rid malinnima dii arbacada. Tababare Simoene Oo ciyaartas laga ganaaxay in uu soo is taago xariiqda tab abarayaasha ayaa sheegay in dhirra ga linta iyo isbiiradku yihiin waxyaabaha ugu waa wayne ee kooxdiisu kaga wanaags antahay kooxaha kale. Sida iska cad miisaaniya deennu ma ahan mid isku mid ah, balse dhiiri galinta iyo isbiirat ka aan dare emeenno majirto cid nooga wanaagsnaan karta inaga”ayuu Simoene usheegay

ESPN.

OLLOLIHII UU HALYAYGA MASAR EE AHMED MIDO KU DOONAYAY IN MOHAMED SALAH UU KU BIIRO REAL MADRID OO FASHIL KU DHAMAADAY IYO GO’AANKIISII OO UU GABI AHAANBA BADALAY.

Halyaygii hore ee xulka qaranka Masar ee Ahmed Mido ayaa dhamaadkii xili ciyaareedkii hore si wayn ugu ollolaynayay in xidiga qarankiisa Masar ee Mohamed Salah uu ku biiro kooxda Real Madarid wuxuuna markaas muujiyay sida uu Salah ugu haboon yahay kooxdii uu Zidane hogaaminayay laakiin hadda Ahmed Mido ayaa gabi ahaanba fikradiisii badalay.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa si wayn u necbaysan jiray hadaladii uu Ahmed Mido xidiga qarankiisa Masar ee Mohamed Salah uu ugu qalqaalinayay in uu Liverpool ka baxo xagaagan isla markaana uu ku biiro Real Madrid laakiin hadda Mido ayaa qirtay in Salah uu sanado badan sii joogo doono Liverpool.

Ahmed Mido ayaa su’aal galiyay sababta hadda Mohamed Salah ka saari karta Liverpool wuxuuna tilmaamay in ugu yaraan saddex ama afar sano oo kale uu sii joogi doono Liverpool wuxuuna Mido tilmaamay in ciyaartoy kastaaba uu jecel yahay waxa uu Salah ku haysto kooxdiisa Liverpool oo ah jacaylka jamaahiirta kooxdiisa.

Dhinaca kale Ahmed Mido ayaa hadda aaminan in Mohamed Salah uu Liverpool sii joogi karo inta uu doonayo oo dhan taas oo gabi ahaanba ka badalan fikradihiisii hore ee uu ku doonayay in Salah uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Ahmed Mido oo u waramayay Sky Sports ayaa isaga oo ka hadlay Mohamed Salah yidhi: "Waxaan la hadlay dadka isaga ku xeeran, isagu aad ayuu u faraxsan yahay isla markaana waxa uu doonayaa in uu Liverpool sii joogo inta ugu badan ee uu awoodayo”.

Ahmed Mido oo xaalada Salah ee Liverpool iyo waqtiga uu qiyaasayo in uu kooxda Reds usii ciyaari doono ayaa yidhi: "Isagu naftiisa ayuu ku aas aasay Liverpool, waxaan filayaa in uu doonayo in uu Liverpool sii joogo saddex ama afar sanadood oo kale”.

Dhinaca kale Ahmed Mido ayaa badalay fikradiisii ahayd in Salah uu ku biiro Real Madrid wuxuuna su’aal galiyay sababta uu Liverpool uga bixi karo wuxuuna yidhi: "Maxay tahay sababta uu u doonayo in uu baxo?. Real Madrid waa koox wayn, laakiin Liverpool ma aha koox yar. In aad halkaas joogto oo aad dareento jacalayka jamaahiirta, taasi waa waxa uu ciyaartoy kastaaba ku riyoodo”.

ERNESTO VALVERDE OO KU DHAWAAQAY LIISKA XIDIGAHA UU KALA HORTAGI DOONO KULANKA DEPORTIVO ALAVES

Ernesto Valverde ayaa daaha ka qaaday liiska ciyaartoyda kooxda Barcelona kulanka La Liga ay habeen dambe kula ciyaari doonaan Deportivo Alaves.

Macalinka reer Spain ayaa go’aansaday in liiskan uusan kusoo darsan xidigaha Thomas Verma elen, Munir El Haddadi iyo Paco Alcácer, sababa la xiriira xaalad farsamo.

Sidoo kale xidigaha Carles Alená iyo Denis Suárez ayaa kulanka Deportivo Alaves ku seegi doona sababa la xiriira dhaawac.

Hadaba liiska xidigaha uu u soo magacaabay tababare Ernesto Valverde kulanka Deportivo Alaves ayaa ah sidan:

Goolhaaye: Ter Stegen iyo Jasper Cillessen.

Difaacyada: Gerrard Pique, Samuel Umtiti, Jordi Alba, Sergi Roberto, Nélson Semedo, Clément Lenglet.

Khadka dhexe: Sergio Busquets, Ivan Rakitić, Philippe Coutinho, Arturo Vidal, Arthur Melo, Rafinha.

Weerarka: Luis Suarez, Lionel Messi, Ousmane Dembélé, Malcolm.

KLOPP OO SHAACIYEY HAL ARRIN OO AY TAHAY INAY NIYADA KU HAYAA INTA UU KA IDLAANAYO XAGAAGAN

Jurgen Klopp oo saxaafada u waramay kahor kulanka ay Isniinta la balansan yihiin Crystal Palace ayaa sheegay inay mar walba muhiim utahay inay maanka ku hayaan inay yihiin kuwa ubaahan guul.

"Waxaan ubaahan nahay inaan xaqiijiinayo inaan diyaar-unahay kulanka Crystal Palace, kadib sheekooyinkii qalbi dhiska ah ee isbuucaan,” ayuu yiri Klopp.

"Taasi ayaa na siineysa loolan wayn, maxaa yeela dadku wali ma adeegsadaan kubad wanaa gsan oo inaga aan sameyno.

"Waxay sheegaan inaan nahay kuwa u fiican si aan la rumeysan kain, laakiin taasi waa inaan iska ilownaa, oo aan ahaanaa kuwa mar walba baahan.

"Balse waa wax wanaagsan, waxayna na siineysaa waxyaabo kala duwan. Waxaan sheegaynaa inaan haatan fiican nahay, laakiin aan nidaam ku socono.

"Waxaan haynaa dhabaha guulaha, ma nihin kooxda ugu fiican dunida, marka waa inaan siinaa horumarka wado kala duwan oo ku saleysan dhamaan waaxyada kala duwan ee kooxda,” ayuu hadal kiisa kusoo xiray Klopp.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE AUGUST 18

04:30Cardiff City ? - ? Newcastle United

07:00 Everton ? - ? Southampton

07:00 Leicester City ? - ? Wolverhampton Wanderers

07:00 Tottenham Hotspur ? - ? Fulham

07:00 West Ham United ? - ? AFC Bournemouth

09:30 Chelsea ? - ? Arsenal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip