Kooxaha Manchester Ka Dhisan Oo Saxiixyo Waa Weyn Sameynaya Isbuucaan Iyo Wararkii Kale Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Axad Ah.

0
Sunday January 03, 2016 - 13:39:02 in Sports News by
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha Manchester Ka Dhisan Oo Saxiixyo Waa Weyn Sameynaya Isbuucaan Iyo Wararkii Kale Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Axad Ah.

    Suuqa kala iibsiga Ingariiska ayaa fursan maalintii labaad bisha Janaayo, waxaana durbaba si weyn loo hadal-hayaa xiddigaha ay ku dhow yihiin saxiixyadooda kooxaha waa weyn ee Ingariiska. Maanta oo axad ah waxaan idiin soo uruurinay wararkii ugu waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga Ingariiska ayaa fursan maalintii labaad bisha Janaayo, waxaana durbaba si weyn loo hadal-hayaa xiddigaha ay ku dhow yihiin saxiixyadooda kooxaha waa weyn ee Ingariiska. Maanta oo axad ah waxaan idiin soo uruurinay wararkii ugu waa weynaa ee ay qoreen wargeysyada Ingariiska ka soo baxa.

the sun on sunday

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa isha ku haya inuu 42 milyan ginni ugu dhaqaaqo bishaan weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang. Faahfaahinta warkaan halkaan ka akhriso.

Kooxda Southampton ayaa diyaar u ah inay dib u soo bilowdo dalabkeedii ku aadanaa da’ yarka reer Denmark Emre Mor kaasoo haatan u ciyaara kooxda FC Nordsjaelland.

Zlatan Ibrahimovic ayaa xagaaga imaan kara horyaalka Premier League sida uu sheegay wakiilkiisa Mino Riaola.

Wakiilka Lorenzo Insigne ayaa sheegay in Arsenal ay dooneyso weeraryahanka kooxda Napoli. PSG ayaa sidoo kale dooneysa 24 jirkaan Talyaaniga ah sida uu sheegay wakiilkiisa Antonio Ottaiano.

daily star

Labada kooxood ee ka dhisan Manchester ayaa la filayaa inay isbuucaan saxiixyo waa weyn sameeyaan. United ayaa isha ku heysa inay 35 milyan ginni kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Lazio Felipe Anderson iyo 30 milyan ginni oo ay kula soo wareegayaan weeraryahanka Southampton Sadio Mane, halka City ay wadahadalo kula jirto Real Madrid oo ku aadan heshiis 35 milyan ginni oo ay ku dooneyso Isco.

Kooxda West Ham ayaa rajeyneysa inay ku garaacdo Liverpool iyo Everton saxiixa da’ yarka mustaqbalka leh ee kooxda Leeds United Sam Byram.

mail on sunday

Manchester United ayaa u dhaqaaqi karta Sadio Mane ka dib markii ciyaaryahanka ay isku dhaceen tababarihiisa Ronaldo Koeman isagoo ka soo daahay kulan ay kooxda laheyd ka hor ciyaartii guuldarada ka soo gaartay Norwich City. Faahfaahinta warkaan halkaan ka akhriso

Arsenal ayaa ku dhow inay dhameystiro heshiis shan milyan ginni ah oo ay kula soo wareegeyso isbuuca danbe xiddiga khadka dhexe ee reer Masar ee kooxda FC Basel Mohamed Alneny, iyadoo ciyaaryahanka uu maray tijaabada caafimaadka.

sunday mirror

Liverpool ayaa ka cabsi qabta in Barcelona ay ku qaaliyeeyso lacagta goolhayaheeeda Marc-Andre ter Stegen iyadoo Reds ay isku diyaarineysay dalab 12 milyan ginni ah taasoo ay 10 milyan ginni ka faa’idi laheyd kooxda reer Catalan. Laakiin Blaugrana ayaa goolhayahaan ku rabta 20 milyan ginni.

Xilli ciyaareedkaSamir Nasri ee Manchester City ayaa soo dhamaan kara haddii Man City ay soo xerogeliso xiddiga Real Madrid Isco. Kooxaha ayaa 17 ciyaartoy oo ajnabi ah u magacaabi kara kooxdooda u tartameysa Premier League, City ayaana durbaba 17 ciyaartoy oo ajnabi ah ay ugaga diiwaangashan tahay Premier League, sidaasi darteed haddii Isco uu yimaado waxaa qasab ah in qof laga saaro liiska kooxda, Nasri oo dhaawacyo ay dileen ayaana u sharaxan.

Kooxaha Newcastle iyo Southampton ayaa ku soo biiray cerysashada loogu jiro weeraryahanka kooxda QPR Charlie Austin.

Stoke ayaa 10 milyan ginni ku waayi karta Bojan Krkic bishaan Janaayo. Kubadsameeyahaan ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa lacagtaas aadka u yar taasoo keeni karta inay la wareegaan kooxaha xiiseynaya saxiixiisa.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay Stoke City kala wareegto Marko Arnautovic iyagoo qorsheynaya inay 7.5 milyan ginni ku dalbadaan.

Kooxda Swansea ayaa u dhaqaaqeysa Patrick Bomford iyo Charlie Austin iyadoo xiddigaheeda haatan Bafetimbi Gomis iyo Jonjo Shelvey ay baxayaan bishaan Janaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip