Tababare Louis Van Gaal Oo Amaan Kala Dul Dhacay Kabtankiisa Wayne Rooney Oo Kulankii Swansea Goolka Guusha U Dhaliyay Iyo Rooney Oo Dhaafay Gooldhalintii Denis Law

0
Sunday January 03, 2016 - 13:36:50 in Sports News by
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Louis Van Gaal Oo Amaan Kala Dul Dhacay Kabtankiisa Wayne Rooney Oo Kulankii Swansea Goolka Guusha U Dhaliyay Iyo Rooney Oo Dhaafay Gooldhalintii Denis Law

    Tababaraha Manchester Unitedee Louis van Gaal ayaa amaan kala duldhacay kabtankiisaWayne Rooney kadib markii uu gool qurux badan kooxdiisa guul ugu horseeday kulankii Old Trafford ku dhexmaray kooxaha Man United iyo Swansea City. Iyada oo ciyaartu ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Manchester Unitedee Louis van Gaal ayaa amaan kala duldhacay kabtankiisaWayne Rooney kadib markii uu gool qurux badan kooxdiisa guul ugu horseeday kulankii Old Trafford ku dhexmaray kooxaha Man United iyo Swansea City. Iyada oo ciyaartu barbaro 1:1 ahayd isla markaana ay 13 daqiiqo ka hadhsan tahay dhamaadka ciyaarta ayuu Rooney kooxdiisa gool qurux badan guul ugu hogaamiyay.

30 jirkan ayaa soo gabagabeeyay 7 kulan oo ay Red Devils bilaa guul ahayd isaga oo culayska ka yareeyay tababaraha kooxdiisa ee Louis Van Gaal. taas badalkeeda Van Gaal ayaa si gaar ah uga hadalay goolka Rooney wuxuuna yidhi: "Rooney wuxuu dhaliyay gool fantastik ah oo uu ku dhaliyay lugtiisa bidix oo ka danbaysay lugtiisa midig, mana qiyaasi kartid sida uu gool qurux badan u ahaa. Gool fiican ayuu ahaa”.Rooney3

Goolkan ayuu Rooney kaalinta labaad kaga soo galay gool dhalinta abid ee Man United isaga oo dhaafay heerkii gool dhalintiiDenis Law, wuxuuna Rooney kulankan dhaliyay goolkiisii 238 aad ee Man United udhaliyay, wuxuuna Van Gaal oo Rooney ka sii hadalayaa uu yidhi: "Waa wax layaableh isaga oo 30 sano jir, hadda waxaanu ciyaaraynaa kulamo badan, laakiin wali wax ayaanu gaadhnay. Aniga ahaan aad ayay muhiim u ahayd in uu Rooney maanta gool dhaliyo, waxaan rajaynayaa in ay bilaw fantastik ah unoqon doonto kooxda iyo Rooney”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip