SUUQA KALA IIBSIGA: Man United Oo U Dhaqaaqeysa Saxiixa Saido Mane Ka DIb Guushoodii Ugu Horeysay Ee Muddo Sagaal Kulan Ah, Xilli Mane Ay Isku Dhaceen Tababarihiisa Koeman.

0
Sunday January 03, 2016 - 12:51:11 in Sports News by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Man United Oo U Dhaqaaqeysa Saxiixa Saido Mane Ka DIb Guushoodii Ugu Horeysay Ee Muddo Sagaal Kulan Ah, Xilli Mane Ay Isku Dhaceen Tababarihiisa Koeman.

    Manchester United ayaa ku dhow inay dalab ka gudbisay bishaan Janaayo Sadio Mane ka dib markii weeraryahanka kooxda Southampton ay isku dhaceen tababaraha Saints Ronaldo Koeman, sida ay ku waramayaan wargeysyada Ingariiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa ku dhow inay dalab ka gudbisay bishaan Janaayo Sadio Mane ka dib markii weeraryahanka kooxda Southampton ay isku dhaceen tababaraha Saints Ronaldo Koeman, sida ay ku waramayaan wargeysyada Ingariiska.

Weeraryahanka boosaska badan ka ciyaari karo ayaa diirada u saarnaa United xagaagii iyagoo isku dayayay inay xoojiyaan weerarkooda ka hor inta aysan Monaco kala warego wareegin Anthony Martial oo ay ka soo bixiyeen 58 milyan ginni.

Si kastaba, waxa ay ku dhibtoodeen inay goolal helaan xilli ciyaareedkan iyagoo dhaliyay kaliya 24 gool 20 kulan oo ay ciyaareen, waxaana ay haatan doonayaan inay sameyeean iskudaygii ugu danbeysay ay kula soo wareegi lahaayeen Mane sida ay qorayaan Daily Mail iyo Daily Mirror.

Mane ayaa waxaa weeraray tababare Ronald Koeman ka dib markii uu ka soo daahay kulan ay kooxda lahaayeen waxaana ay taasi keentay in laga saaro shaxda kulankii ay Southampton guuldarada 1-0 ka soo gaartay Norwich.

"Ciyaartoyda qaarkood ayaa hoos uu ii dhigay” ayuu Koeman yiri ciyaarta ka dib . "Fariinteyda ugu danbeysay ee isaga waxa ay aheyd inuu u baahan yahay inuu diirada saaro kulamadeena. Ciyaaryahan ahaan mas’uuliyad ayaa ku saaran, mas’uuliyada aniga kaliya igama kaa saarna, laakiin asxaabta aad wada ciyaareysaa, taageerayaasha iyo shaqaalaha waa inaad ixtiraam tusto.

"Waxaan ka careysanahay ciyaartoy aysan dhab ka aheyn ciyaarista, waxaana iigaga sii xun natiijada maanta. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay tani dhacdo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip