Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo looga yeeray Addis Ababa

0
Thursday August 16, 2018 - 09:55:02 in Wararka by
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo looga yeeray Addis Ababa

    Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn.
 Waxaa caasimadda horay usii joogay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga dimuqraadiga ee shacabka Soomaalida Itoobiya oo 45 xubnood ka kooban ayna ku jiraan madax-weynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.Dadka qaar ayaa sheegaya in sababta mas'uuliyiintaasi la isugu geeyay Addis Ababa ay tahay qiimeyn lagu sameynayo shaqadooda iyo isla xisaabtan.

Dhanka kale, taliye sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya ayaa BBC u sheegay in aanu hadda jirin qorshe lagu kala dirayo ciidanka deegaanka Soomaalida ee Liyu Booliiska, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Sareeye gaas Maxamed Tesema oo ah agaasimaha xiriirka bulshada ee wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip