Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Barcelona Ay Barbaro Kala Kulantay Deriskooda Espanyol.

0
Sunday January 03, 2016 - 12:49:11 in Sports News by
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Barcelona Ay Barbaro Kala Kulantay Deriskooda Espanyol.

    Barcelona ayaa barbaro goolal la'aan ah lagu qabtay kulankii ay la ciyaareen deriskooda Espanyol ee Catalan Derby. Kulankaan waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee seddex kulan oo ay labada kooxood wada ciyaarayaan 10 maalmood gudaheed, iyagoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa barbaro goolal la'aan ah lagu qabtay kulankii ay la ciyaareen deriskooda Espanyol ee Catalan Derby. Kulankaan waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee seddex kulan oo ay labada kooxood wada ciyaarayaan 10 maalmood gudaheed, iyagoo mar kale is arki doona arbcada lugta hore ee Copa del Rey.

Tababare Luis Enrique ayaana soo jeediyay in muhiimadiisa koowaad ay tahay horyaalka La Liga isagoo ku soo shirtagay shaxdiisii ugu xooganeyd.

Hadaba waxaan eegeynaa afar waxyaabood oo laga bartay kulankii shalayto:

1

Barca Ma Awoodin Inay Nasasiiyaan Xiddigo

Tababaraha Barcelona Luis Enrique ayaa nasasiiyay qaar ka mid xiddigihiisa kulanki ay bartamihii isbuuca ka badiyeen Real Betis laakiin waxa uu shalayto ku soo laabtay shaxdiisa ugu xooganeyd iyadoo ciyaartoyda sida Gerard Pique, Jordi Alba iyo Andres Iniesta ay dhamaantood kooxda ku soo laabteen kulankii Catalan Derby.

Waxaana soo xulashadaan aan kafahmi karnaa inuu ciyaartoy nasasiin doono kulanka arbacada ee Copa del Rey oo ay isla Espanyol la ciyaarayaan iyadoo tababaraha Barca uu muhiimada siinayo inuu horyaalka kaga sareeyo kooxaha Atletico iyo Real Madrid.

Waana ay u fiicneyd inuu koox xoogan ku soo shirtago shalayto iyadoo Espanyol ay soo bandhigtay qaab ciyaareed mixnad ah iyagoo deriskooda ku xadiday kaliya fursado yaryar, waana ay badin kareen haddii Enrique uu isku dayi lahaa inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa.

2

Asensio Oo Wacdarro Dhigay

Xiddig kale oo Real Madrid ayaa amaah ku maqan, Marco Asensio ayaa fursadaan uga faa’ideystay inuu tayadiisa ku soo bandhigo kulankii ay la ciyaarayeen kooxda ay kooxdiisa Madrid sida weyn u xafiiltamaan.

Da’ yarkaan kubadsameeyaha ah ayaa lahaa gambis fiican iyo orod uu ku kicinayay kubada rogaalceliska ee Espanyol, waxaana uu sidoo kala xadiday weerarka daafacyada garbaha ee Barcelona gaar ahaan Jordi Alba qeybtii hore.

Baasaskiisa ayaase u baahan inay noqdaan kuwa halis ah, waana wax uu ogyahay inay tahay inuu ka shaqeeyo, laakiin tayadiisa waa ay muuqataa.

Asensio kaliya waa 19 sanno jir waxaana uu heli doonaa waqti badan oo uu qibrad ku yeesho inta uu amaahda ku maqan yahay, isagoo la filayo inuu xilli ciyaareed ama labo uu amaah ku sii maqnaan doono. Laakiin waxa uu soo bandhigay tayo uu ku muujinayoinuu maalin uun mustaqbal ku leeyahay kooxda koowaad ee Bernabeu.

3

Barca Birta Beenisay Mar Kale.

Barcelona ayaa birta garaacday 17 jeer xilli ciyaareedkan, iyadoo shan jeer oo ka mid ah uu birta garaacay Lionel Messi ka dib markii laad xor ah uu tuuray qeybtii hore ee kulankii shalayto ay birta ku dhacday.

Waxaana cajiib ah in xiddiga reer Argentina uu birta kuwada dhuftay seddexdii laad xor ee ugu danbeysay ee uu tuuro, halka Luis Suarez uu isna birta toogtay qeybtii labaad taasoo sii kordhisay bir toogashada Barca ee xilli ciyaareedka.

River-Plate-v-FC-Barcelona-FIFA-Club-World-Cup-Final

 

 

Awoooda Uu Luis Enrique U Leeyahay Inuu Isbedel Ku Sameeyo Oo La Tijaabiyay

Barcelona ayaa heshay fursadihii ugu fiicnaa, laakiin weerarkooda ma uusan aheyn sidii lagu yaqiinay waxaana jiray dareen ah inay deriskooda taatiko ciyaareedka kaga fiicnaayeen.

Luis Enrique ayaa u baahnaa inuu ciyaarta kooxdiisa wax ka bedelo, sidaasi darteed waxaa xiiso laheyd in la arko markii Sergi Roberto uu noqday bedelkiisii ugu horeysay.

Da’ yarkaan khadka dhexe ma ahan ciyaaryahanka ugu horeeya ee maskaxda ka soo galaya ee ciyaar wax ka bedeli kara isagoo kursiga keydka ka soo kacay, laakiin waxa uu kooxda ku caawiyaa tamar iyo isku dheelitirnaan.

Sidaasi oo ay tahay waxaa cajiib aheyd in Sergi uu ahaa bedelka kaliya ee uu Enrique sameeyay.

Waa iska cadahay in Luis Enrique inuusan aaminaad ku qabin Munir El Hadadi ama Sandro taasoo ah ujeedada ka danbeysa inuu weeraryahan kale raadinayo bishaan Janaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip