James Rodriguez Oo Sharaxaad Cajiib Ah Ka Bixiyay Sababtii Uu U Joogsan Wayay Markii Ay Boliiska Ceyrsanayeen Maalintii Jimcihii.

0
Sunday January 03, 2016 - 12:46:19 in Sports News by
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Rodriguez Oo Sharaxaad Cajiib Ah Ka Bixiyay Sababtii Uu U Joogsan Wayay Markii Ay Boliiska Ceyrsanayeen Maalintii Jimcihii.

    James Rodriguez ayaa ka hadlay sababihii uu u joogsan wayay markii ay boliiska ceyrsanayay ka dib markii uu ku socday xawaare kor u dhaafaya 200 kiilomitir saacadii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

James Rodriguez ayaa ka hadlay sababihii uu u joogsan wayay markii ay boliiska ceyrsanayay ka dib markii uu ku socday xawaare kor u dhaafaya 200 kiilomitir saacadii.

Xiddiga Real Madrid ayaa lagala wareegay gaarigiisa, waxaana uu wajihi karaa in muddo sannad ah laga mamnuuco gaari kaxeynta iyo in lacag culus la ganaaxo.

Si kastaba, sida ay sheegeyso El Mundo James ayaa u sheegay boliiska markii ay ugu soo galeen xarunta tababarka in sababtii uu u joogsan wayay ay aheyd inuu ka daahsanaa tababarka kooxdiisa.

Ka dib waxa uu sheegay inuusan arkin gaariga boliiska islamarkaana uusan maqlin codbaahiyaha boliiska sababtoo ah muusig ayaa u dheereysnaa.

Waxa uu ka dib ku soo gabagabeeyay isagoo sheegayin markii ugu danbeysay ee uu ogaaday in gaari boliis uu ku soo daba jiro inuusan joogsanin, sababta ay tahay in wadankiisa ay caan ka tahay in la afduubto dadka leh gawaarida qaaliga ah iyadoo la iska dhigayo boliis.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip