Ruud Gullit Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Memphis Depay Uu U Yahay Saxiixii Ugu Xumaa 2015 Ee Premier League.

0
Sunday January 03, 2016 - 12:42:25 in Sports News by
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruud Gullit Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Memphis Depay Uu U Yahay Saxiixii Ugu Xumaa 2015 Ee Premier League.

    Halyeeygii hore ee xulka Netherlands Ruud Gullit ayaa Memphis Depay ku eedeeyay dabeecadiisa iyo qaab nololeedkiisa inay ugu wacan tahay in lagu tilmaamo saxiixii ugu xumaa 2015.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeygii hore ee xulka Netherlands Ruud Gullit ayaa Memphis Depay ku eedeeyay dabeecadiisa iyo qaab nololeedkiisa inay ugu wacan tahay in lagu tilmaamo saxiixii ugu xumaa 2015.

Weeraryahanka Manchester United ayaa ilaa iyo haatan ku guuldareystay inuu qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa soo bandhigo tan iyo markii uu 25 milyan ginni uga soo dhaqaaqay PSV Eindhoven.

Xiddigii hore ee AC Milan iyo Chelsea ayaana aaminsan in dabeecada iyo noloshiisa gaarka ah inay ugu wacan tahay dhibka heysta.

"Taageere ayaan u ahay isaga, welina kalsooni ayaan ku qabaa laakiin waa inuu wax uun ka sameeyo xaqiiqda ah in lagu tilmaamay saxiixii ugu xumaa Premier League ee sannadkii naga tagay ee 2015″ ayuu yiri Gullit.

"Waxa uu u baahan yahay inuu natiijo keeno. Waxa uu leeyahay tayo badan laakiin si uu u gaaro hamigiisa waa inuu hoos u dhigo habdhaqankiisa nololeed ee shaqsiga ah.

"Haddii aadan si fiican u ciyaarin ma ahan inaad gaari cusub oo Rolls Royce ah ama gaari cusub oo Hummer ah aad ku timaado garoonka tababarka.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay isagoo la talinaya: "Si dhaqso ah ha ku qancin – Haddii aad hesho seddex fursadood oo aad kaliya hal gool dhaliso, waa qasab inaad aqbasho inaadan si fiican u ciyaarin.”

"Marka aad joogta heerkaan oo kale kubada cagta seddex fursadood hal gool ma ahan wax fiican. Haddii aad hesho hal fursad waxaa kugu qasab ah inaad cadaadis isku saarto inaad gool u sarifto fursadaas. Waana taas ciyaarta la ciyaaro marka heerkaan la joogo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip