Waa Kuma Ciyaaryahanka Ay Arsenal Bishaan Kula Soo Wareegeyso Lacag Gaareysa 42 Milyan Ginni?

0
Sunday January 03, 2016 - 12:40:10 in Sports News by
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Ciyaaryahanka Ay Arsenal Bishaan Kula Soo Wareegeyso Lacag Gaareysa 42 Milyan Ginni?

    Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa isha ku haya inuu dalab 42 milyan ginni ah ugu dhaqaaqo weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang bishaan inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa isha ku haya inuu dalab 42 milyan ginni ah ugu dhaqaaqo weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang bishaan inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga.

01_02210356_a2821c_2624539a

Dhexdhexaadiye ayaa haatan la hadlaya kooxda Bundesliga ka dhisan isagoo wakiil ka ah Gunners. Aubameyang ayaa dhaliyay 24 gool 23 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu u sheegay asxaabtiisa inuu doonayo inuu ka ciyaaro Premier League sida ay qortay maanta jariirada The Sun.

Isha warkaan laga soo xigtay ayaa u sheegay The Sun: "Dhexdhexaadiye ayaa xiriir la sameeyay Dortmund isagoo kala hadlaya in Pierre-Emerick uu u dhaqaaqo Arsenal.

"Wenger waa uu ogyahay in qiimihiisa uu aad u sareeyo – sidaasi oo ay tahay waa weeraryahan kala duwanaansho u keeni kara isaga islamarkaana ka caawin kara inay markii ugu horeysay muddo 12 sannadood ah hantaan horyaalka.

"Laakiin xiiso aad u badan ayaa loo hayaa ciyaaryahanka.”

Manchester United, Chelsea iyo Liverpool ayaa lala xiriiyay 26 jirkaan u dhashay dalka Gabon. Arsenal ayaase heysata lacagta kaashka ah ee ay dooneyso Dortmund waxaana ay doonayaan inay heshiiska soo gabagabeeyaan bishaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip