HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 15-KA AGOOSTO 2018-KA

0
Wednesday August 15, 2018 - 08:26:39 in Wararka by
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 15-KA AGOOSTO 2018-KA

    MAAMULKA JUBBALAND OO GAROONKA KISMAAYO KA CELIYAY SARAAKIIL KA TIRSAN NABADSUGIDA Maamulka Jubbaland ayaa shalay Garoonka diyaaradaha Kismaayo ka celiyay Labo Sarkaal oo ka yimid magaalada Muqdisho, kuwaasoo loo soo magacaabay Taliyaha Nabadsugid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAAMULKA JUBBALAND OO GAROONKA KISMAAYO KA CELIYAY SARAAKIIL KA TIRSAN NABADSUGIDA Maamulka Jubbaland ayaa shalay Garoonka diyaaradaha Kismaayo ka celiyay Labo Sarkaal oo ka yimid magaalada Muqdisho, kuwaasoo loo soo magacaabay Taliyaha Nabadsugida Jubbaland iyo Kuxigeenkiisa.

Qoraal lagu baahiyay bog taageera Jubbaland ayaa lagu baahiyay Sawirada labada Sarkaal oo ku sugnaa Garoonka Kismaayo oo dib loo celinayo, waxaana magacyada labada Sarkaal lagu kala sheegay Cali Mire Ducaale oo loo soo magacaabay Taliyaha Nabadsugida Jubbaland iyo Maxamed Ibraahim oo Taliye kuxigeen ah.

Qoraalka la soo dhigay bogga taageera Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland ay tahay hey’ad taliskeeda dhameystiran yahay, isla markaana gacan bir ku dhigtay amniga gudaha dowlad goboleedka, gaar ahaan Kismaayo.

Bishii July ayay aheyd markii sidan oo kale Ciidamada Ammaanka Jubbaland ay dib ugu celiyeen diyaarad Kismaayo geysay Taliye dowladda Soomaaliya u soo magacawday qeybta 43aad oo lagu magacaabo Jen. Cali Bogmadow, kaasoo markii dambe ka degay degmada Garbahaarey.

Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sii xumaanayay, iyadoo Jubbaland ku eedeysay dowladda Dhexe inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha maamulkeeda.

MADAXWEYNAHA TURKIGA OO SHIR JARAA’ID KU QABTEY ANKARA

dhaqdhaqaaqyo lagu doonayay in lagu qaboojiyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in lagu guul daraystay iyada oo sicirka suuqyada haabhaabayo.

sidokale waxa cirka isku shareeray muranka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Turkiga, iyada oo madaxweyne Erdogan uu Maraykanka ku eedeeyay in uu "Dhabarka naga toogtay” waa sida hadlka u yiri.

Maraykanka ayaa todobaadkii hore Turkiga kusoo rogay cunaqabatayn kadib markii dowladda Turkiga ay diiday in ay celiso baadari Maraykan ah oo lagu hayo dalka Turkiga.

Cunaqabataynta kadib, sicirka suuqyada ayaa aad u sabeeyay, islamarkaasna qalqal u sameeyay. Bangiga Dhexe ee Turkiga oo isku dayay in uu wax ka qabto arrimaha suuqa ayaa ku guul daraystay.

Bankiga Dhexe ee Turkiga ayaa shalay ku dhawaaqay qorshe lagu xasilinayo qalalaasaha dhaqaale ee soo food saaray Turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa isna magaalada Ankara ka sheegay in Turkiga la geliyay go’doon dhaqaale.

Dkk_4v8UYAAHs7nqqq Erdogan oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ankara ayuu yiri "Dhinac waxaad ka muujinaysaan in aad tihiin garab noo haya iskaashi istaraatiiji ah, dhanka kalena xabbad ayaad kor noogu rideysaan”.

"Waxaan iskula jirnaa NATO, dhanka kale dhabarka ayaa toori naga galinaysaan” ayuu yiri Erdogan.

Arrinta baadariga ayaa ah mid ka mid ah arrimaha kala qeybinaya Mr Trump iyo Mr Erdogan

Madaxweynaha Turkiga ayaa qaba in sicir bararka ka dhacaya Turkiga ay ugu wacanyihiin shirqoolo uu sheegay in loo maleegayo dalkiisa, ee aysan ahayn xaalado dhaqaale xumo oo rasmi ah oo soo wajahay Turkiga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso 346 ciwaan oo baraha bulshada ah oo lasoo bandhigay qoraalo looga hadlayo arrimaha sicir bararka.

Turkiga iyo Maraykanka waxa ay isku hayaan baadariga diinta masiixiga Andrew Brunson oo illaa 2016kii ku xiran Turkiga, isaga oo ku eedeysan xiriir uu layeeshay kooxaha Kurdiga iyo Gulen ee uu hoggaamiyo waddaadka Fatxullaah Gulen oo ku nool Pennysylvania, Maraykanka.

Taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiga ee la dagaalama Daacishta Suuriya ayaa ah arrin kale oo Turkiga uu ka qoomamay Maraykanka.

Arrinta ah isu dhowaanshaha Turkiga iyo Ruushka ayaa ahayd arrin uu Maraykanka jecleysan.

Labada dalka ee Turkiga iyo Maraykanka waxa ay ku wada jiraan gaashaanbuurta NATO, waxaana Turkiga ka furan saldhigga Incirlik ee xagga cirka oo NATO ay ka fuliso hawlgalada ka dhanka ah Daacish, waxaan jira culeesyo gudaha oo isa soo taraya oo Erdogan loogu baaqayo in uu xiro saldhiggaas.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa canshuuro dheeraad ah kusoo rogay birta Turkiga u dhoofiyo Maraykanka kadib markii Turkiga diiday wareejinta baadariga.

Lacagta Turkiga ayaa hoos u dhacday 20% qiimihii looga kala sarifan jiray doolarka. waxaa kale oo dhacday in sicir suuqyada ay sabeeyeen.

WASIIR CABDI FITAAX GEESEY”CIDNA KALA TASHAN MEYNO SHAQA ABUUR LOO SAMEEYO DHALINYARADA”

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Fitaax Ibraahim geeseey ayaa hadalkaan sheegay xilli Shalay uu ka qeyb galayay Barnaamij looga hadlayey sidii Shaqa abuur loogu sameyn lahaa Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdi Fitaax ayaa sheegay in tirada iyo cid walba oo dowladdu dooneyso in ay Shaqaaleysiisi ay iyagu Go’aan ka gaari doonaan.

"Deeqa Caalamka oo Hay’addo noo soo marsiin jirey,ka dibna ay noo qori jireyn Shan qof iyo Boqol qof weey dhammaatay anaga ayaan go’aan ka gaareyno hadii Kun qof ama Boqol qof aan Shaqaaleynineyno mana jirto cid noo yeerineyso ayuu yiri Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Soomaaliya.

Habeen ka hor ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu amray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in la Shaqaaleysiiyo Kun Dhalinyaro ah,waxana manta bilaawday qorshihii lagu fulin lahaa amarkaas.

WASIIRKA CADAALADDA OO HESHIIS LA SAXIIXDAY UNSOM IYO UNDP

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xafiiskiisa kula saxiixday heshiis ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee UNka u qaabilsan Soomaaliya Peter De Clerq iyo Madaxa UNDP Soomaaliya, waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in uu yahay barnaamijkan mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Peter De Clerq ku xigeenka ergayga UNka u qaabilsan Soomaaliya ayaa barnaamijkan uga mahadceliyay qaar ka mid ah dowladaha deeqbixiyayaasha caalamka iyo dhamaanba dhinacyada gacanta ka geystay.

"Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa beesha caalamka iyo qaar ka mid ah deeq bixiyaasha sida Sweden, Netherlands iyo Midowga Yurub oo door weyn ku lahaa barnaamijkan suurta galintiisa hay’ado badan oo UNka ah ayaa ka qayb qaatay sidoo kale laakiin doorka ugu weyn waxaa leh xafiiska UNka ee Soomaaliya iyo UNDP”. Ayuu yiri Mr. Clerq .

Wasiirka Cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu hormarinayo Garsoorka dalka uuna ka qayb ka qaadan doono dhismaha Hay’addaha Cadaalada dalka sida dhismaha Maxkamada Dastuuriga, Gudiga la dagaalanka Musuq maasuqa, Ururada Qareenada Dalka iyo dhinacyo kale isagoo u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay.

"Qorshahan waxa uu ka qayb qaadan doonaa dhismaha Bahda Cadaalada si gaar ah hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu jira waxaan u mahadcelinayaa dhamaan dhinacyadii gacan ka geystay UNka oo dhan qaasatan xafiiska ugu weyn ee UNSOM iyo UNDP, waxa uu naga saacidi doonaa barnaamijkani dhismaha hay’addo ay ka mid yihiin Maxkamadii dastuuriga, gudiga la dagaalanka musuq maasuqa, Ururada qareenada dalka iyo kuwa kale ". Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS.

Wasiirka Cadaaladda ayaa sidoo Kale sheegay in ujeedku yahay helida Garsoor hufan oo bulshadu ku kalsoonaan karto, iyadoo ay dhawaanahan socotay dadaallo dib u habeyn loogu sameynayo nidaamka Cadaaladda dalka, waxaana xilalkii laga qaaday qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxkamadaha iyo Garsoorayaal.

JEN. GOROD "CIIDMADA MILITERIGA WAA INAY DHOWRAAN XUQUUQDA AADANAHA MARKA AY HOWLGALKA…”

Taliyaha Ciidam xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku amray Ciidamada xoogga dalka inay ilaaliyaan Xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta Xuquuqda Aaddanaha.

Jen.Gorod ayaa faray ciidammada xoogga inay u hoggaansamaan dhowridda xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha marka ay samaynayaan howlgallo militari.

Taliyaha ayaa digniin ku bixiyay in ciidammada aanan ilaalinin xuquuqda aadanaha lala tiigsan doono maxkamad.

Xeerka dhowridda xuquuqda aadanaha waxaa kamid ah difaacidda shacabka iyo in aanan burbur loo gaysanin hantida shacabka marka ay howlgallada socdaan.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ku biiray taliyaha ciidanka iyo ciidamada si looga wada hadlo qodobbada Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, oo ka dhacay Aqalka Guud ee General Gordon ee Muqdisho Isniintii.

AMISOM waxay tababbareysaa tababarka Ciidamada Ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku saabsan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada iyo Xuquuqda Aadanaha.

"Sharciyadu waxay khuseeyaan xaaladaha dagaalka, kuwani waa saraakiisha iyo askarta u dhaqdhaqaaqa si dhaqso ah.

Fikradda waa in ay hubiyaan in la fuliyo waajibaadyada caalamiga ah ee khuseeya, xeerarka ilaaliya dhibbanayaasha dagaalka,sharciyada xaddidaya saamaynta iskahorimaadyada hubaysan, sharciyada xakameynaya hababka iyo hababka dagaalka” ayuu yiri Dr. Cumar Cabdulle Alasow, oo ah Lataliyaha Sare ee AMISOM ee Xeerka Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada iyo Xuquuqda Aadanaha.

CIIDANKA DANAB OO HAWLGAL GAAR AH KA FULIYAY BASRA

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya hawlgal gaar ah oo ciidanka dowladda ay ka fuliyeen duhurnimadii shalay degaanka Basra ee duleedka degmada Balcad, gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo ay si gaar ah u fuliyeen ciidanka Danab oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig xoogaga Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Basra.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen inta uu hawlgalkan socday inay jireen diyaarado dagaal oo ka qeyb qaadanayay hawlgalka, waxaana duqeyntaasi fuliyay ciidamo cadaan ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in weli uu socdo hawlgalka lagula dagaalamayo Ururka Al Shabaab, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan khasaaaraha dhabta ah ee hawlgalkan.

Al Shabaab ayaa bilahii ugu dambeyay weeraro ka soo abaabulayay degaanka Basra, iyagoo wadada isku xirta Balcad iyo magaalada Jowhar ka dhigay maritaankeeda mid aad u halis badan marka ay timaaddo masuuliyiinta maamulka HirShabeelle iyo ciidamada dowladda federaalka.

BARLAMAANKA PUNTLAND OO KU DHAWAAQAY XILLIGA LA QABANAYO DOORASHADA MAAMULKAASI

Kulan ay shalay ku yeesheen xildhibaanada Barlamaanka Puntland magaalada Garoowe, ayaa si rasmi ah waxa ay ugu dhawaaqeen , xilliga kama danbeysta ah ee la qabanayo doorashada maamulkaasi.

Sideeda bisha Jenaayo, 2019ka ayaa xubnaha Barlamaanka waxa ay isku raaceen in la qabto doorashada madaxyeenaha iyo ku xigeenkiisa, halka 31 September sanadkan 2018ka uu dhamaanayo waqtiga Barlamaanka oo la kala dirayo.

Sidoo kale waxaa loo kordhiyay waqtiga jiritaankooda gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

RW.KHAYRE OO ABWAANNADA UGU BAAQAY KA QAYB QAADASHADA QORSHAHA DIB U DHISKA DALKA.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo abwaannada Soomaaliyeed kula hadlay xarunta Akadeemiyada afka Soomaaliga ayaa sheegay in abwaannadu ay muhiim u yihiin wacyigelinta bulshada, nabadda, xasiloonida, dib u dhiska dalka iyo soo celinta karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday abwaannadda Soomaaliyeed in ay runta u sheegaan kuwa doonaya in ay qarankeenna dumiyaan si aanan aduunyada uga harin maadaama la joogo xilligii suugaanta loo adeegsan lahaa dib u soo kabashada dalka, isaga oo qoray in hadii aan abwaannada la siin dawrkooda uusan dalku horumar gaari karin, sidaas oo kalana hadii abwaannadu aysan u istaagin jihaynta dalka, la dagaalanka musuqa, qabyaaladda, in ay adkaanayso in dalku uu gaaro horumar la taaban karo.

"Waxaan aan idiin sheegayaa aniga iyo madaxweynahaba in aan aqoonsannahay dawrka aad ku leedihiin bulshada, hadii aan laydiin siin dawrkiinna waa ay adkaanaysaa in dalka dib loo dhiso. Waxaan rabaa in hadafka dawladda iyo kiinnuba uu ahaado in aan soo celinno waqtigii suugaanta lagu dhisi jiray dawladnimada, waxaan rabaaa in aan bilaawno in suugaanta aan u isticmaalno in lagu wacyi geliyo shacabka si quluubtooda loogu dhiso, lagu taageero nabadda iyo xasiloonida, si loo soo celiyo qabkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed, lagula dagaalo qabyaaladda, colaadaha, dhismaha dawladnimada iyo dib u heshiisiinta, laguna kala sooco xaqa iyo baadilka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre.

"In halkaan ay fadhiyaan dhallinyaro badan oo sii wadi doona shaqadii aad xilliga dheer soo waddeen waa wax dawladnimada farxad gelinaya. Horumar ma sameynayo waddan aanan abwaanintiisu horumuud u aheyn, jihaadka safka hore uga jirin, bilaabin sidii dalka dib loogu jihayn lahaa, aan dadka u sheegin in la kala garto samaha iyo xushalay”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay Abwaannada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay dad Soomaaliyeed oo si dhab ah uga qayb qaata dib u dhiska dalka, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya mustaqbalka ay aduunyada kale wabrasho iyo caafimaad u soo doonan doonto, hadii abwaannadu ay u istaagaan.

MUSHARAX DR. SICIID DENI "XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA PUNTLAND WAXA AY GAAREEN GO’AAN TAARIIKHI AH”

Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland 2019ka ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay shalay gaareen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad ah u qaaday in Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxwayne Kuxigeenka ay dhacdo waqtigeeda oo ku beegan 8da janaayo 2019ka.

Musharax Dr. Siciid Deni ayaa sheegay in ay meesha ka baxday damaca ay qabtay Xukuumadda hadda jirta ee ahaa Muddo kororsi "Mar walbo waxaa aaminsanaa in Doorashada ay dhaceyso xilligeeda,waxaana Muhiim ah in la raaco Dastuurka noo dhigan ,Xildhibaanada go’aan taariikhi ah ayey gaareen waana soo dhaweynayaa” ayuu yiri Mudane Siciid Deni.

Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ugu baaqay Isimadda iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha in ay soo xulaaan xildhibaano leh karti iyo aqoon maadaama ay ka shaqeyndoonaan Howlo masiiri ah iyo samatabixinta Dalka.

Mudane Musharax Dr. Siciid Deni ayaa ballan qaaday in Puntland laga gudbin doono marxaladda habka qabaa’ilka, lana gaarsiin doono Puntland Doorasho hal qof iyo hal cod.

Musharax Dr. Siciid Deni ayaa kaalin weyn ku lahaa Kobaca Dhaqaalaha Puntland,Nidaamka Waxbarashada,Caafimaadka iyo Hirgalinta Hey’ado ka shaqeeyo illaa iyo hadda Arimaha Horumarinta,waxaana Shacabka Puntland ay aaminsanyihiin in Dr. Siciid Deni yahay Hoggaamiyihii ay sugayeen

SENATOR NADIIR OO KENYA KA DALBADAY IN MAGDHOW AY KA BIXISO BURBURKII LOO GEYSTAY SHIRKADDA HORMUUD

Hormuud-300x240 Senator Axmed Macalin Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee BFS, ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Golahaasi ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka Ciidamada kenya ay ka geystaan K/ Somalia.

Ugu horreyn Senator Nadiir ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ka dhan ah shacabka ay k fuliyaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, kuwaas oo uu sheegay in si gaar ah loola beegsado dadka reermiga ah eek u sugan gobolladaasi.

Sidoo kale waxa uuxasay in Ciidamada Kenya ay burburiyeen xarumo shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku laheyd halkaasi, loona baahanyahay in dowladda dalkaasi ay magdhow ka bixiso burburka hantidaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray in ka Baarlamaan ahaan ay aad uga xun yihiin dhibaatooyinkaasi.

BEYLE "DEYN CAFINTA SOMALIA WAXAA LA DUL DHIGAY SHURUUDO ADAG”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS Mudane oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in deyn cafinta Somalia la dul dhigay shuruudo adag, haddii ay DFS soo baxdana laga cafinayo.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in shuruudahan ay hordhigeen EUda iyo World Bank, islamarkaana ay rajeynayaan in dowladdu ay ka soo baxdo shuruudahaasi.

Waxaana uu xusay Wasiirka Maaliyadda Somalia in arrintan kaliya looga gudbi karo juhdi iyo dadaal dheer.

MADAXWEYNAHA TUNISIA: DASTUURKA WAXAA SALDHIG U AH DIINTA WAA KHALAD, DHAXALKA WAA IN LOO SIMMAA RAG IYO DUMAR

Madaxweynaha Dalka Tunisia Maxamed Baaji Essebsi oo ayaa shalay sheegay in ay tahay in wax laga badalo xeerarka jira gaar ahaan xeerka qoyska, isla markaanna ay tahay in la simmo dhaxalka ragga iyo dumarka.

Essebsi waxaa hadalladiisa ka mid ahaa "Dhaxalka in loo sinnaado, waa sinnaanta ugu muhiimsan, arrintaas go’aan ayaan ka gaarney, ugu horreyn waxaa nagu waajib ah inaan badalno xeerarka " Xeerka qoyska”.

Madaxweynaha Tunisia waxaa uu leeyahay "Dastuurka waxaa saldhig u ah diinta..waa khalad isaga oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri "Xiriir lama lehin diin, sheekooyinka Qur’aanka iyo xataa sheekooyinka aayadaha Qur’aanka, waxaan ku dhaqmeyntaa dastuurka ay xeerarkiisa amar yihiin, waxaan nahay dowlad madani ah! Oraahda dhaheysa "Dastuurka waxaa saldhig u ah diinta” waa khalad, weliba Khalad foolxun!! Isaga oo soojeediyay in dastuurka wax laga badalo"Waxaa soojeedinaa in sinnaanta dhaxalka laga dhigo xeer, dastuurka ayaa na xukuma, waa awoodda ugu sareysa ee laga soo saaro xeerarka,”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu soojeediyay in xuriyad la siiyo qofkii rabo inuu si dhaxalka u qeybiyo qaab islaami ah"Qofka la dhaxlayo haddii uu doonayo inuu dhaqangeliyo shareecada dadka isaga dhaxlaya, ha sameeyo, qofkii jecel in dastuurka loogu dhaqmo sida uu yahay, ha sameeyo, qofkii la dhaxlaya ee doonaya inuu dhaxalka u simmo wiilkiisa iyo gabadhiisa, waa uu sameyn karaa..waa suuragal, sidan iyo sidaas. Qofka la dhaxlayo hadduu rabo sida ay diinta qabto, waayo sidaas ayuu saldhig u arkaa, waa sameyn karaa”.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA RAFCAANKA GOBOLKA BANAADIR OO KORMEER SHAQO KU TAGAY MAXKAMADDA DEGMADA HODAN

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Degmada Hodan isagoo u kuur galay howlaha shaqo ee ka socda Maxkamadda.

Guddoomiyaha ayaa Warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Maxkamdda Degmada Hodan Garyqaan Axmed Cabdi Cali (Aabi) iyo howlwadenada

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa kormeeeray Diiwaanka guud ee Maxkamdda Degmada Hodan iyo habmsami u socodka adeega garsoorka ee Maxkamdddu u qabato bulshada ku nool degmada, Sidoo kale waxa uu u kuur galay caqabadaha haysta Maxkamdda Degmada Hodan.

Kormeerkan ayaa ahaan doona mid la joogteyn doono dhammaan Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

IN KA BADAN SODDON QOF OO KU DHAAWACMAY SHIL DIYAARADEED OO KA DHACAY KENYA

33 Qof ayaa ku dhaawacmay shil Diyaaradeed oo Talaadada Shalay ah ka dhacay Dhabbaha Gegida Diyaaradaha ee Joma Kenyatta International Airport.

Shilkan ayaa yimid markii uu mid ka mid ah Baabuurta ka shaqysa gudaha Garoonka uu si kedis ah ugu dhacay xagga dambe ee Diyaaradda oo xilligaasi isku diyaarineysay duullimaad.

Madaxda Madaarka ayaa warbaahinta u sheegay in 30 ka mid ah Dadkii uu dhaawaca soo gaaray ay imminka xaaladdoodu wanaagsan tahay, halka Saddexda kalana lagu dabiibayo Cuspitaalka.

Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda duullimaadyada ee Kenya Airways ayaa kusii jeedday Magaalada Bangkok ee Caasimadda Thailand, waxanay masuuliyiintu sheegeen in la beddelay jadwalkii duulimaad ee ku tagi lahayd Bankok.

Shaqaalaha iyo Rakaabka Diyaaradda ayaa Khad bilaash ah laga siiyay gudaha Madaarka JKIA, si ay ula xiriiraan qaraabada iyo saaxiibbadooda ka walaacsan xaaladda soo wajahday.

Bogga 5aad

Wadihii Gaariga ku dhacay Diyaaradda ayaa Xabsiga loo taxaabay, waxaana soconaya baaritaanno la xiriira sababta dhalisay shilka.

JUBBALAND OO WAR KA SOO SAARTAY TALIYEYAAL DF MAGACAWDAY OO AY KU XIRTAY KISMAAYO..

Kismaayo Laamaha amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shalay garoonka ka celiyey Taliyaha NISA iyo kuxigeenkiisa oo dowladda Somaliya ay u magacawday degaanada Jubbaland.

Labadan sarkaal ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cali Mire Ducaale oo ah Taliyaha NISA iyo kuxigeenkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim , waxaana xalay saraakiishan ay ku hooyanayaan xabsi ku yaala garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaa sababta ay u xirtay Labadan Taliye waxa ay ku sheegtay inaan laga tali gelin magacaabista Taliyeyaashan iyo inay imaanayaan magaalada Kismaayo, waxayna tilmaamtay in dowladda ay ka baxday heshiis ay la gashay maamul goboleedyada.

Hay’adda NISA ee Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay inay gacant ku heyso Labadan sarkaal, islamarkaana maalinta berri ah ay ku soo celin doonaan magaalada Muqdisho oo shalay ay ka tageen.

"Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Jubbaland oo ah Hay’ad taliska dhismeheeda iyo kan ciidanba dhameystiran yahay ayaa gacan bir ah ku dhigtey amniga gudaha dowlad goboleedka Jubbaland taas oo keentey xasiloonida iyo amniga ka jira Jubbaland ee ay bulshada reer Jubbaland ku wada naaloonayaan”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Jubbaland.

Sidan oo kale maamulka Jubbaland 13kii July ee sanadkan waxay garoonka Kismaayo ka celiyeen diyaarad siday Gen. Cali Bogmadow oo ay Dowladda u magacowdey qeybta 43aad ee Ciidanka xoogda dalka, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.

Bogga 6aad

BOGGA CAYAARAHA

SERGIO RAMOS "REAL MADRID MA JOOJIN DOONTO GUULAHA KADIB BIXITAANKA CRISTIANO RONALDO”…

Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa xaqiijiyay in Los Blancos aysan joojin doonin guulaha kadib bixitaanka Cristiano Ronaldo oo suuqan xagaaga kaga biiray kooxda Juventus.

Real Madrid ayaa habeen dambe Arbacada kula ciyaari doonto kooxda Atletico Madrid kulanka UEFA Super Cup-ka, kadib markii ay labada kooxood kusoo guuleysteen Champions League iyo Europa League.

Ramos ayaa kahor kulankan u sheegay saxaafada "Waxay ii tahay sharaf inaan halkan ku sugnaado, waa calaamad aad u wanaagsan, waa abaalmarinta ku guuleysiga Champions League”.

"Waxaan diyaar u nahay loolankan ee ah bilawga xili ciyaareedka cusub, waxaana dooneynaa inaan ku guuleysano koobkan”.

"Waxaan mar walba dareemay inaan nahay hal qoys halkan, furaha guusha waa inaan nahay hal qoys, sidaas ayaan dareenay”.

"Waxaan luminay ciyaaryahan muhiim ah, lakiin taas micnaheeda ma ahan inaan joojin doonno guulaha kooxda, sababtoo ah kooxda ayaa ka sareysa dhamaan ciyaartoyda”.

"Xitaa ciyaartoyda aadka u wanaagsan ee sida Cristiano Ronaldo, Real Madrid marna ma joojin doonto guulaha”.

ROSS BARKLEY OO FARIIN CULUS U DIRAY MACALINKA CHELSEA XILI UU DALBDAY HAL ARRIN OO CAJIIB AH

Xidiga Chelsea ee Ross Barkley ayaa waxa uu sheegay inuu diyaar uyahay inuu udagaalamo sidii uu uheli lahaa dookha koowaad ee Blues.

Laacibkaan oo Chelsea uga soo biiray sanad ciyaareedkii hore dhigeeda Everton ayaa saftay dhowaan kulankiisii ugu horeeyay.

Kubad-sameeyahaan reer England ayaa ka dalbaday hogaamiyaha Blues inuu siiyo fursad uu isku muujiyo.

"Waxaan ogahay inaan ubaahan nahay inaan sameyo wax wanaagsan, waxaana diyaar u ahay inaan udagaalamo,” ayuuyiri.

"Halkaan waxaan u joogaan inaan sameeyo wax walba oo suura-gal ah si aan u gaarogal, si aan uhelo dookha koowaad.

"Aniga ahaan, waxaan ka codsanayaa macalinnka inaan ka helo fursad, maxaa yeelay waxaan ku kalsoonahay inaan gaari karo.

Ugu dambeyn, Ross Barkley ayaa waxa uu amaan ku rusheeyay saxiixa cusub ee Chelsea, wiilka lagu magacaabo Jorginho, kaasoo uu sheegay inuu noqon karo mid saamayn xoogan ku yeesha Blues.

Ross Barkley has hailed the impact of new signing Jorginho on the Chelsea team. The summer addition from Napoli scored a penalty on debut in the 3-0 away win over Huddersfield on Saturday.

ISKU AADKA TARTANKA KUBADDA CAGTA EE DEGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR OO SHALAY LA SAMEEYAY

Waxaa shalay la sameeyay isku aadka wareega guruubyada koobka degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ka qayb qaadan doonaan 17-ka degmo.

17-ka degmo ee ka qeyb galaya tartanka ayaa loo kala qeybiyay Afar guruubee kala ah A, B ,C iyo D.

Degmada Waabari ayaa koobkaan difaacanaysa kadib markii ay kaga guuleysteen degmada Hodan, ciyaartii ugu dambaysay ee Finalaha, sanadkii hore.

Masuuliyiin iyo Ciyaartooy hore ayaa kasoo qayb gashay goobta lagu sameeyay qoryo tuurka tartanka waxayna ka dhacday Pizza House.

Hadaba Isku aadkii dhawaan la sameeyay ayaa waxay degmooyinka isugu beegmeen sida tan ee hoos ku xusan:

GRUOP A                                           GROUP B

WAABERI                                           HODAN

DHARKEENLEEY                                 SHIBIS

YAAQSHIID                                        X.JAJAB

SHANGAANI                                      WARTA NABADA

KAXDA                                           

GRUOP                                              GRUOP D

KAARAAN                                            HILIWAA

BOONDHEERE                                       WADAJIR

DEYNIILE                                              C.CASIIS

HOWLWADAAG                                    XAMAR WEYNE

si kastaba tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka bilaabmi doonaa magaalada muqdisho 24 bishan agoosto, iyadoo lagu daah furi doono dagmooyinka WAABERI VS DHARKEENLEEY.

.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip