HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 14-KA AGOOSTO 2018-KA

0
Tuesday August 14, 2018 - 09:06:47 in Wararka by
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 14-KA AGOOSTO 2018-KA

    GUDDOOMIYE CAWAD "GUDDIGA WADA XAAJOODKA SHARCIYAD MA HEYSTAAN" Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa wuxuu sheegay in aysan sharciyad heysan guddiga wada xaajoodka oo ku hawlan dib u eegist

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDOOMIYE CAWAD "GUDDIGA WADA XAAJOODKA SHARCIYAD MA HEYSTAAN" Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa wuxuu sheegay in aysan sharciyad heysan guddiga wada xaajoodka oo ku hawlan dib u eegista Dastuurka dalka. Wuxuu sheegay Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad in guddiga aysan awood u laheyn inay soo diyaariyaan go'aan masiiri ah, maadaama aysan ku jirin Dumar, islamarkaana dhameystir badan uu u baahan yahay.

Sidoo kale wuxuu sheegay guddigii ka shaqeynayay Doorashada iyo arrimaha Dastuurka in aysan sharciyad laheyn in ay tahay wax laga xumaado oo aan la qaadan Karin.

"Wax guddi aanan annaga dirsan oo aan xil saaran, waa sharci ma dhihi kareyno, guddiga wada xaajoodka sharciyad ma lahan oo ay awood ugu yeeshaan inay soo diyaariyaan go’aan masiiri ah, xaqiiqda hadii la sheego ma afkaa na gubanaya, Soomaali uma dhama guddigan”. Ayuu yiri Guddoomiye Mahad

cc

Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa shalay xarunta golaha shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi, waxaana looga hadlay kulanka halka ay marayaan hanaanka dib u eegista Dastuurka.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO AMAR SIIYAY WASAARADDA DASTUURKA

Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa shalay xar unta G.Shacab ka ku la kulm ay xubno uu ho gaaminaayay wasi ir ku xige enka wasarada Dastuurka ee XFSMd. Xuseen Cabdi Cilmi.

kulanka ayaa waxaa looga hadlay hal ka ay marayaan hannaanka dib u eegista Dastuurka, wada shaqeynta guddiyada Dastuurka iyo wasaarada Dastuurka.

Wasaarada Dastuurka ayaa soo bandhi gtay intii uu kulanka socday cutubyada la gu guuleystay in dib u eegis lagu samee yo iyo kuwa hada ay dib u eegista ku soc daan.

Mursal-1

Sidoo kale wasaarada Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqab adaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo. Wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka ee XFS ayaa she egay in wasaarada Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eeg ista loogu sameynayo.

"Runtii wasaarada dadaal ayay wadaa, golaha shacabka waxaan ka codsanayaa in wasaarada Dastuurka iyo guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaalla, si loogu guuleysto in Dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. Ay uu yiri wasiir kuxigeenka wasaarada Dastuurka.

xubnaha guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku sa absan cutubyada dib u eegista lagu same eyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen tal ooyinkooda.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee gol aha shacabka Md.Mahad C/lla Cawad ay aa kulanka ka sheegay inay muhiim tahay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo.

"Wasaarada iyo qubaradu aad bey u mahadsan yihiin wixii xog ahaa wa la kala helay haatan waana la is wareystay, wa xa aan ka hadleyno waa masiirka umad da Soomaaliyeed, hadii aan la iska kaa shan oo aan la istaageerin laguma guule ysanayo howlahaan socda”. Ayuu yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka FS.Md. Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo kulanka soo xeray ay aa ku dheeraaday muhiimada Dastuurka iyo dardar gelintya howlaha dib u eegista.

Guddoomiyaha ayaa wasaarada Dastu urka faray shaqooyinka ay wadaan inay sii 2 jibaaraan, golaha shacabkana ay u soo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faa’iideysto.

"Golaha shacabka waxa uu matalaa shacabka Soomaaliyeed, warbixinta aad shalay na siiseen ma ahan mid aan ku qanci karno mana aqbaleyno in howsha dib u eegista ay sidaan ku sii socoto, wa xa rabnaa inad la timaadaan qorshe cad, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinla shaqeeyo habeen iyo maalin”. Ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacab ka.

Ugu dambeyn guddoomiye Mursal ay aa sheegay in guddiga joogtada ee gola ha shacabka uu la xisaabtamayo wasaara da Dastuurka iyo guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka.

R/WASAARAHA SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE OO SHIRGUDDOOMIYAY KULAN KA TODOBAADLAHA AH EE SMP3

R/Wasaaraha XFS Md.Xasan Cali Kha yre ayaa shalay Shir guddoomiyey kulan ka todobaadlaha ah ee barnaamijka korm eerka shaqaalaha (Staff Monitored Prog ram SMP3), oo looga hadlay wixii ka qabs oomay barnaamijka dayn cafinta iyo daba galka waxyaabaha aan wali qabsoomin.

Wasiirka maaliyadda XFS Cabdiraxm aan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay shir ka ayaa sheegay in diiradda lagu saaray qorshayaal la taaban karo oo cadcad oo loo qaadayo hannaanka dib u qaabaynta maaliyadda si loogu guulaysto qorshaha dayn cafinta.

"Md.Kheyrre ayaa shalay nasoo boo qday. Nidaamka geedi socodka dayn cafi nta oo aad ugu wayn ajandaha RW/ha an nagana nagu wayn ayaan ka wada hadal nay. Halka aan taagannahay, halka aan ka nimid iyo meesha aan u soconno, wa xa uu na siiyay talo iyo tusaalo, waxaa jira shuruuda badan oo nalaku xiray si aan ugu guulaysan karno barnaaminka cafinta daynta”, ayuu yiri wasiirka maaliyadda XFS.

R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa aad ugu mehed celiyay was iirka iyo dhammaan shaqaalaha Wasaar adda Maaliyadda, habaka wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan horumarinta dhaq aalaha dalka iyo diyaarinta barnaamijya da Soomaaliya looga cafinayo daymaha, Sidoo kalen waxa uu tilmamaay in aan dib u dhis lagu samayn karin dalka haddii aan la hagaajin dhaqaalihiisa.

3 SHAQAALE OO KU DHIMATAY QA RAX KA DHACAY XADKA SOOMAALIYA IYO KENYA

3 ruux ayaa ku geeriyootay qof kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii gaari ay saarnaayeen oo marayay duleedka Magaalada Mandheera uu dul maray miino lagu aasay dhulka. Qaraxan ayaa yi mid markii gaari ay wateen qaar ka mid ah shaqaalaha ka howlgala darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda ay la wad aagto Soomaaliya uu dul maray Miino nooca Dhulka lagu aasa ah.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Mandheera Paul Kemei ayaa sheegay in dadka qaraxan wax ku noqday ay ahaa yeen shaqaale nadiifinayay wado ku dhow xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.

Mr,Kemei, ayaa intaa raaciyay in qara xan uu ahaa mid meesha lagu sii diyaari yay ay uga shakisan yihiin inay ka damb eeyeen ururka AlShabaab. Kooxda weer arkan wax ku noqotay ayaa la sheegay inaysan la socon ciidamo ilaalo ah, hase yeeshee Mr Kemei ayaa sheegay in ay baarayaan sababta shaqaalahan ay u socdeen iyadoo aan ilaalo lahayn.

Tan iyo markii dowlada Kenya ay ku dhowaaqday qorshaha ay uga dhiseyso darbiga xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo dalkeeda ayaa waxaa weeraro ugaga imanayay ururka Alshabaab.

SOOMAALIYA IYO SHIINAHA OO KA WADA HADLAY HORUMARINTA DHAQAALLAHA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ee JF.Soomaaliya Md. Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Shacb iga Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Md. Qin Jian.

Intii ay ku guda jireen kulanka ayaa wa xaa ay uga wada hadleen arrimo ku saab san xiriirka laba geesoodka ee u dhexee ya labada dal si gaar ah siyaasadda, am niga iyo horumarinta dhaqaallaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cab dulqaadir Axmedkheyr Cabdi, Xoghay aha joogtada Wasaaradda Arrimaha Diba dda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha Waaxda Eeshiya Md. Shirwac Cabdu llaahi Ibraahim

CIIDAMADA LIYUU BOOLIIS OO DILAY 31 RUUX OO OROMO AH

Sida uu xaqiijiyay Masuul ka tirsan Da wlad degaanka Oromada 31 ruux oo Or omo ah ayaa la dilay ka dib markii ciidam ada gaarka ah ee degaanka Soomaalida ee Liyuu Booliis ay rasaas ku fureen dad shacab ah subaxnimadii Axadda.

Arrintaas ayaa ka dhacday xadka gobo llada Oromada iyo Soomaalida. Waxaa uu sheegay Mas’uulkaasi in Dadka dhin tay ay ku jiraan carruur iyo waayeel.

Sidoo kale dadka dhintay ayaa la xaqi ijiyay in shan ka mid ah ay yihiin dumar.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhan ka ciidammada Liyuu Booliiska ee Dawl ad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

MADAXWEYNE FARMAAJO OO XAFIISKIISA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA DALKA ERETERIYA

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eret eriya Md. Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yem ane Gebreab oo saaka soo gaaray M/Mu qdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxwey naha JF/Soomaaliya Maxamed Cabdul laahi Farmaajo.

Socdaalkan wafdiga Ereteriya ku soo gaareen M.Muqdisho ayaa daba socda safarkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo wa fdi uu hoggaaminayay ay ku tageen ma gaalada Asmara dabayaaqadii bishii ho re, halkaas oo ay labada Madaxw eyne ku kala saxiixdeen heshiis lagu dardargel inayo iskaashiga labada dal.

Qodobbadii ay 2Madaxweyne ku he shiiyeen waxaa kamid ahaa in labada dal ay si rasmi ah u yeeshaan xiriir dibloom aasiyadeed oo asaaskiisu yahay in la isw eydaarsado safaarado iyo dibloomaasiyiin iyo in laga shaqeeyo, lana dhammaystiro hirgelinta qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa uga mahad cel iyey wafdiga socdaalka ay ku yimaadde en Muqdisho, waxa uuna xusay mudnaan ta uu iskaashigu u leeyahay horumarka Gobolka. Madaxweyne Maxamed Cabdull aahi Farmaajo ayaa adkeeyey in dalalka Geeska Afrika aanay sinnaba u kala ma armi karin maadaama oo ay dano badan isaga xiran yihiin, wuxuuna ballanqaaday in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa dalalka Geeska Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya wa xa ka go’an soo celinta maqaamkii ay So omaaliya ku lahayd Geeska Afrika, waxay na diyaar u tahay inay door weyn ka qaad ato iskaashiga dhinacyada isdhexgelka dhaqaale, bulsho, iyo amni oo dhexmara dalalka Geeska Afrika.

HOOS U DHAC XOOG LEH OO KU YIMID QIIMAHA LIIRAHA TURKIGA

Qiimaha lacagta Turkiga ee Lira ayaa hoos u sii dhacaya waxayna salka ku hay saa xiriirka sii xumaanaya ee Turkiga iyo Mareykanka. Turkiga wuxuu weli xabsiga ku hayaa ninka baadariga ah ee u dha shay Mareykanka kaasoo ay ku sheeg een inuu ku lug lahaa afgembigii dhicisoo bay ee labo sanno ka hor ka dhacay Tur kiga.

Dadka wax falanqeeya ayaa sidoo ka le waxa ay sheegeen in hoos u dhaca lac agta liiraha la xiriirinayo maamulidda dha qaalaha wadankaasi oo ay door wayn ka cayaarayaan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wiilka uu soddogga u yahay Berat Albayrak. Albayrak ayaa sheegaya inuu maanta ku dhowaaqi doono talaabooyin lagu daji nayo sicir bararka ka taagan Turkiga.

AKHRISO: MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO MAGACAABAY WAKIILO CUSUB

Madaxweynaha Somaliland, Md. Mu use Biixi Cabdi waxa uu wareegto madax weyne oo summadeedu tahay JSL/XM/ WM/222179/082018, uu shalay ku maga caabay masuuliyiin cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:

Wareegto Madaxweyne Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyad da Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayaaragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: Latashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xi lalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somal iland ee Dalka Kenya.

2. Xasan Hirad Yaasiin Wakiilka Somali land ee Dalka Imaaraadka Carabta.

3. Bashiir Sheekh Cumar Good Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka.

4. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Erg ayga Gaarka ah ee Somaliland u qaab ilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xi dhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) .

5. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maa reeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Md, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).

QM. OO U GOONI YEESHAY 21KA AGOOSTO MAALINTA XUSUUSTA DADKA KU DHINTAY DHIBBANAYAA SHA DADKA WAXKU NOQDAY WEERARRADA ARGAGIX ISADA CAALAM KA 4TII SANO EE LA SOO DHAAFAY?

Q/Midoobey ayaa 21ka August u go oni yeeshay maalinta Xusuusinta dhiban ayaasha dadka ay waxyeelada u geyste en waxa loogu yeero Argagixisada, Gol aha Guud ayaa ansixiyay Qaraarkaan oo lambarkiisu yahay 72/165. Waxaa la soo bandhigayaa maalintaas Weerarada ay geystaan Kooxaha iyo Ururada ku jira Liiska waxa loogu yeero Argagixisada dalal Dhowr ah.

Dalalka ugu badan ee liiskaan kusoo baxay waxaa kamid ah: Afghanistan, Ir aq, Syria, Somalia iyo Nigeria, waxaana la soo saaray Liiska Weerarada dhacay iyo dadka ku dhintay.

Xeerarka QM ee la dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada ayaa qaban do ono cid waliba oo kiis kaan ku lug lahaa to, waxayna kala yihiin ( 66/282 ), ( 68/ 276) iyo ( 72/284), si Cadaaladda ay u hel aan ehelada dadkii la dilay oo ah dhib anayaal.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in la ga soo bilaabo sanadkii 2014kii ay dhaca yeen weeraro ay ku nafwaayeen dad aan waxba galabsan, laguna burburiyay dhaq aale sida lagu sheegay.

QEYBAHA WARBIXINTA LAGA EEGAYO

1Tirada Weerarada Argagixiso ee san adkan dhacay.

2Tirada dadkii ku dhintay Weerarada Arg agixisada.

3Dadka Dhaawacyadu kasoo gaareen Weerarada.

Iyo 4Guud ahaan dadka la darsay Dhiba atooyinka ee isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.

WEERARADII UGU WAA WEYNAA EE DHACAY 2017

Sanadkii tagay Weeraradii ugu waa wey naa waxa ay ka kala dhaceen Dalalka

Iraq, Afghanistan, Nigeria, Syria, Pakis tan, Yemen, Somalia, India, Turkey iyo Libya.

WEERARADII DHACAY IYO DADKII KU DHINTAY.

1Daacish waxa ay geysatay 1,132, waxa ana ku geeriyooday 9,132 qof.

2Taliban Afghanistan waxa ay qaaday 848 Weerar, waxaa ku nafwaayay 3,583.

3AlQaacida ayaa 539 Weerar ay gey satay ku dishay 1,349.

Iyo 4Kooxda Boko Haram Nigeria ayaa 192 weerar oo ay ku fulisay ku dishay 1,079.

WEERARADII KA DHACAY BARIGA DHEXE IYO WAQOOYIGA AFRIKA.

13,512 Weerar Argisixo loo diiwaangeliy ay waxaa ku dhintay 4,732.

Koofurta Asia waxaa ka dhacay 3,137 Weerar, iyadoo ay ku nafwaayeen 5949.

Wadamada ka hooseeya Saxaha Afrika waxaa ka dhacay 1,450 waxaana ku geer iyooday 5,949.

Asia Guud ahaan waxaa ka dhacay 870 oo weerar argagixiso ah, 469 qof ayaa ku dhintay.

Yurub waxaa ka dhacay 630 weerar, naf tooda waxaa ku waayay 826 qof.

Koofurta Ameerika waxaa ka dhacay 120 weerar oo ay ku dhinteen 39 qof.

Ruushka iyo Isku darka Yurub iyo Asianka (Eurasia) 107 weerar ayaa ka dhacay oo ay ku dhinteen 86 qof.

Waqooyiga Ameerika 58 weerar oo ka dhacay waxaa ku dhintay 65 Qof.

Bartamaha Ameerika iyo Gobolka Jaziir adeedka (Caribbean) 6 Weerar oo ka dhacay 12 qof ayaa ku geeriyootay.

ISHA WARBIXINTAAN:MASRAWY.COM

FAYSAL CALI WARAABE"KILILKA SHANAAD IN CADAALAD LAGU MAAMULO AYUU U BAAHAN YAHAY "

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynihii hore ee Kililka shanaad ku eedeeyey inuu tacadiyo ka sameeyeen deegaanka, isla markaana ugu baaqay in dhulka cadaalad lagu maamulo, maad aama oo shantii soomaaliyeedba deeg aanka ku wada nool yihiin.

Faysal Waxa uu sidaas ka sheegay mar uu ka warbixinayey safar uu ku tagay Kenya oo uu kula kulmay qaadhaan bixi yeyaasha Somaliland ka caawiya doora shooyinka. Sidoo kale, waxa uu madaxw eyne Biixi ka dalbaday inaanay dib u dhic in doorashadii Baarlamaanka iyo golaha deegaanka oo uu la xaajoodda xisbiga WADDANI si aanay ceeb ugu noqon So maliland inay mar kale dib uga dhacdo doorashadaasi.

Waxa kale oo uu kahadlay taliye ka go ostay ciidanka Somaliland oo Puntland sa ldhig uu ciidan ku ururiyo ka samaystay, waxaanu taliyaha usoo jeediyey inuu wa da hadalka ogolaado oo uu dawladda la heshiiyo.

"Arrinta Taliye Caare waxay ahayd arrin la quudhsaday, waxay ahayd in lagu daro arrintii Ceel afweyne nabada laga waday, nabadii la waday in lagu daray ayey aha yd, Caarre waxaan leeyahay Somaliland way jiraysa oo nin kolba dhinac u dusdus ayaa ma burburin karo, waa inaad qaada ta wada hadalka laguu furey, maalintaad kaligaa ahayd aniga idhi yaan la taaban oo madaxweynaha u tagay oo ku idhi nin kaasi yaan la taaban arrintiisa ha loo kaa diyo tolkiisii baa qaban doonnee, Somali land waxba ma yeeli kartid ee adiga uun baa is ceebaynaya”ayuu yidhi Faysal oo arrinta taliyaha goostay ka hadlayey.

Faysal Cali Waraaabe waxa uu hamba lyeeyey gudoomiyaha cusub ee loo doort ay xisbiga dimuqraadiga soomaalida Itoo biya Axmed Shide oo uu ku tilmaamay nin aqoonyahan ah oo xilkaasi qaban kara.

Mar uu ka hadlayey dawlad deegaan ka Soomaalidda Itoobiya waxa uu yidhi "Soonaha shanaad 60% baa dadkeena ku nool, dhulkaasi waa dhul shantii soom aaliyeedba ku jiraan, illaa mooyaale ilaa Lawyo caddo, koone ilaa koone ayaa wa da degga, dhulkaasi waxa lagu noolaan karaa iyadoo si cadaalad ah lagu xuk umo, qoloodii hore ee Cabdi Maxamed Cumar wuxuu ahaa xukun tacadi badan keenay oo taariikhda aan lagu hayn meel uu dunidda uu ka dhacay tacadiga ka dhacay deegaankaasi soomaalida”

Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in xi dhiidh wanaagsan lala sameeyo soomaa lida Itoobiya oo uu tilmaamay inaan marna la kala maarmi Karin, waxaanu xu say in Jabhaddii ONLF uu la kulma oo uu Hargeysa ku casuumay.

MAS’UULIYIIN LOO HEYSTO MUSUQ MAAS UQ OO XABSIGA LA DHIGEY

Labo mas’uul oo sarsare ayaa maxka mad lasoo taagay dalka Kenya iyaga oo lagu eedeynayo inay si musuq ah u maa muleen mashruuc ku fadhiyay $3.2 bilyan doolar oo Shiinaha ay qad tareen ugu dhiseen dalka Kenya.

2da mas’uul ayaa kala ah Atanas Mai na, agaasimaha wakaaladda tareenka Ke nya iyo Maxamed Wazuri oo ah guddoo miyaha guddiga dhulka ee dalka Kenya, waxaana loo haystaa in ay saxiixeen la cag dhan $2 milyan oo la siiyay dad si aan sax ahayn u sheegtay in ay leeyihiin dhul la marsiin lahaa qadka tareenka.

15 kale sargaal oo isla fadeexadan ah ay aa iyaguna dacwad lagu soo oogay , ku waas oo dhammaantood beeniyay eede ymaha loosoo jeediyay.

Qadkan tareenka ayaa isku xira inta u dhaxaysa Mombasa iyo Nairobi, waxaana la doonayaa in lagu xir illaa dalalka daris ka ah. Balse hadda waxaa soo baxaysa in muddo sanad ah oo uu shaqaynayo uu galay qasaare dhan $100 milyan oo dool ar.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda xayawa an ka ayaa sidoo kale qadkan tareenka dhalliilay maadaamaa la mari yay seeroo yin xayawaanka gaar u ah. Dad badan oo reer Kenya ah ayaa soo dhaweeyay talla abada ay dowladda ka qaaday musuqa si da uu ku waramayo wariyaha BBCda Fer dinand Omondi.

Waxaa dadka lasoo xiray ka mid ah dad agaasimeyaal ka ah shirkado dhawr ah oo la sheegay in ay sameeyeen gac ansiyo sharci darro ah. 7aadkan dowla dda Kenya ayaa qaadday talaabadii ugu weyneyd ee xagga la dagaalanka mus uqa kadib markii ay burburisay dhismay aal caan ah oo dad taajiriin ay leeyihiin, sababtuna ay ahayd in laga dul dhisay dhul ka ag dhow webiga Nairobi, loona ar kay in ay halis ku yihiin badbaada dad ka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maalintii axadda goob ka hadlayay ayaa yiri "Wa xaa iisoo dhacay taleefoono badan, waxa a la i weeydiinayay sideedn isaga fadhin kartaa oo aad indhaha uga daawan kar taa waxa dhacaya, waa in aad joojisaa, balse waxaan iri, waa arrin adag in la joo jiyo, mana ahan in aan jecelnahay in aan wax burburino, balse waa in aan la da gaalanaa dadka lama taabtaanka ah” . Waxa uu intaas ku daray in uu lumiyay saaxiibo badan.

SHIRKADA HORMUUD OO KA HADASHAY XARRUN LOOGA GUBAY JUBBADA HOOSE (WARSAXAAFADEED)

Maalinimo Isniin ah oo taariikhdu tahay 13ka Agoosto 2018 saacaddu markay ah ayd abaare 1:00 dii habeenimo sida ay xa qiijiyeen dadka deegaanka iyo shaqaa laha Shirkadda ayaa waxay ciidamada Ke nya burburiyeen xarunta CaliBulleey ee shirkadda Hormuud Telecom oo 31 KM woqooyi ka xigta magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Kenya ayaa markii LIXAAD burburnaya xarumaha ay shirkad da Hormuud Telecom ku leedahay deeg anada ku teedsan xuduudda Soomaliya iyo Kenya. Dhacdadii tan ka horeeysay waxay ahayd 24 kii luuliyo 2018 markii ay ciidamada Kenya burburiyeen xaruntii Shi rkadda Hormuud ee Dhuuntow oo ka tir san degmada CeelWaaq kuna dileen la ba qof oo mid ka mid ah uu ahaa sha qaalaha Shirkadda Hormuud Telecom hal ka kan kalena uu ahaa muwaadin Soom aaliyeed oo ka tirsanaa dadka deegaan ka.

Ciidanka Kenya ayaa horay u burburi yey xarumaha shirkadda hormuud ee kala ah CeelBaande, Dhamasse, DhagaLa ab, KhadiijoXaaji oo ka wada tirsan gob olka Gedo. Waxaa dhammaan xarumaha as ku burburay qalabkii isgaarsiinta sida BTS, Towers, Links, Matoorro, Solarro iyo waliba dhismayaashii xarumahaas.

Bulshada deegaanadaas ku nool ayaa faa’iido badan ku qabay adeegsiga isgaar siinta iyada oo lacagaha xawaaladda loo gu soo diri jiray, isla markaana ku fudud aysan jiray dhaq dhaqaaqooda ganacsi si ay ugu maareeyaan noloshooda.

Dilka iyo Burburinta ay Ciidamada Ken ya ka geysteen Deegannadaasi waxay meesha ka saartay Adeegyadii Aasaasiga ahaa ee ay isticmaali jireen qiyaastii 20, 000 Qoys. Waxaan dib ka soo gudbin doo nnaa Khasaaraha hantiyadeed ee ka dha shay tacaddiyadaasi. Mahadsanidin

QAXOOTI SOOMAALI IYO ERITREAN AH OO SAARAN MARKAB LOONA DIIDAY INAY GUDA HA U GALAAN QAARADA YURUB

Qaxooti isugu jira Soomaali iyo Eritr ean kuwaasoo tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan 67 ruux oo ay carruur ku jiraan ayaa saaran markabka Aquarius oo taagan badda Meditereneanka waxayna la’ yihiin dal qaabila.

Dowlada Talyaaniga ayaa ugu baaq day dalka Britain in ay qaabilaan qaxootig an oo tiradoodu gaareyso 141 ruux oo 67 ka mid ah ay yihiin Soomaali iyo Eritrean maadaama markabka ay qaxootigan saar an yihiin uu wato calanka Gibraltar oo ka mid ah dhulweynaha Britain.

Hase yeeshee Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in haddii la eego dhinaca calanka markabka uu ku safrayo ay sax tahay balse waxa uu ku taliyay in la tixge liyo xaalado kale ooah sida loo soo bad baadiyay qaxootigan.

Afhayeen u hadashay Guddiga M/ Yur ub u qaabilsan qaxootiga Tove Ernst oo kula hadashay saxafiyiinta magaalada Bu rssels ayaa sheegtay in ay suurtogal ta hay in ay tixgelin mudan tahay calanka markabka uu ku safrayo, Balse haween eydan ayaa raacisay in ay la xiriireen da lal badan ayna wadaan dadaalo lagu xal inayo arrintan.

Markabka The Aquarius oo bishii June ee sanadkan soo badbaadiyay illaa 630 qaxooti ah kadib markii ay iska soo celiy een dalalka Talyaaniga iyo Malta ayaa dib u bilaabay toddobaadkii la soo dhaa fay soo badbaadinta qaxootiga doomanka ka soo raacaya dalka libya.

Jimcihii aynu soo dhaafnay ayaa mark abkan waxaa uu soo badbaadiyay illaa 141 ruux oo kala bar ay caruur yihiin wax ana uu la’ yahay illaa iyo hadda dal aqba la qaxootigan.

JEER QANIINYO KU DISHAY DALXIISE U DHASHAY TAIWAN

Hal Qof u dhashay dalka Taiwan oo dal xiise ahaa ayaa lagu so waramayaa in uu dhintay ka dib markii ay qaniintay jeer xili uu sawirro isaga qaaday meel xeebra Nai vasha dalka Kenya.

Ninkan ayaa ku dhintay wax yar uun ka dib isbitaalka degmada Naivasha oo la dhigay dhaawaciisa, sidoo kale waxaa we erarkan ka badbaaday qof kale oo dalxiise ahaa Sabtidii ina dhaaftay sida uu sheegay qof ka tirsan hay’ad ka shaqe ysa arrimaha duurjoogta.



"Waxaan hadda baadigoob ugu jiraan sidii ay ku heli laheyn jeerta weerarkan ge ysatay ayuu soo dhigay boggiisa Twitter Axadii. Jeerta ayaa inta badan laga hela an gunta hoose ee biyaha, waxaana ay ka mid tahay xayawaanaadka waaweyn ee biyaha iyo barriga ku noolaan kara oo ugu khatarta badan caalamka.

Hay’adda ayaa dalxiisan dhintay maga ciisa ku sheegtay Chang Ming Chuang, oo 66 jir ah, halk qof kale ee ka badbaa day uu yahay Wu Peng Te, oo 62 jir ah, waxaana ay sheegtay in ay ka yimaadeen Shiinaha, laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay in lab adaas ay ka yimaadeen Jasiirad caalami ah.

Kenya wax xiriir ah lama laha Taiwan, waxa kaliya oo labadan ruux sheegan kar een ayaa ah in ay ka yimaadeen dalka Shiinaha. Safaradda Shiinaha ee fadhige edu yahay magaaladNairobiayaa sheegt ay in ay u direen goobta diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda.

Sanadkii tagay oo kaliya Kenya waxaa ay ka heshay arrimah dalxiisa 1.2 bilyan oo dollar, waxaana yimid oo u soo dalxiis tagay dad gaaraya 1.4. milyan.

GUDDOOMIYAHA AKADEEMIYAD GOBOLE EDKA AFKA SOOMAALIGA OO SOO BANDHI GAY QODOB AY KA TABANAYAAN DFS

afrax-660x430 Shan Sanno ayaa laga joogaa Aas’a aska Akadeemiyad Goboleedka Afka So omaaliga ee loo soo gaabiyo (AGA),wax aana dalka Jabuuti lagu aas’aasay 26kii Bishii june Sanadkii 2013kii,iyada oo Shal ay Muqdisho lagu qabtay Munaasabad loogu dabaal degayey.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomi yaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda iyo Bulshada Ray idka. GuddoomiyahaAkadeemiyad Gobo leedka Afka Soomaaliga Dr, Maxamed Daahir Afrax oo la hadlay Dalsan Tv ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qoo ndo ka siisay Miisaaniyadda Sanadkaan, balse ilaa iyo hadda aysan helin miisa aniyadii loogu talo galay.

BOGGA CAYAARAHA

WILLIAN OO DAAHA KA ROGAY HAL SABAB OO UU UGA TAGI RABAY KOOXDA CHELSEA

Laacibka kooxda Chelsea ee Willian ay aa xagaagan ku sigtay inuu ka dhaqaaqo garoonka Stamford Bridge. Kooxda Barce lona ayaa si aad ah loola xiriiriyay laac ibka reer Brazil kaasoo sidoo kale xiiso ka helay Manchester United.

Willian ayaa caddeeyay inuu hal sab ab uga tagi rabay Blues taasoo hadda xalkeeda la helay. 30-jirkan ayaa xaqiijiy ay inuu ka tagi lahaa Blues haddii uu koo xda sii maamuli lahaa Macallin Antonio Conte.

Chelsea ayaa iska raacdeesay Conte oo xilli ciyaareedkiisii labaad ku fashilmay shaqada galbeedka London, iyadoo ugu da mbeyn xagaagan ay Maurizio Sarri.

RONALDO OO ISBITAAL LA DHIGAY

Ciyaaryahan Ronaldo oo Koobka Addu unka la qaaday dalkiisa Brazil ayaa la dhigay isbitaal ka dib markii uu qabaw ku dhacay.

Ciyaartoygaan hore ayaa la dhigay ibt aalka isaga oo aad u xanuunsan waxa ana la filayaa in Isniinta maanta ah laga saaro. Ronaldo ayaa 62 gool u dhaliyay qarankiisa Brazil, waxaana ka mid ah lab adii gool ee ay Jarmalka kaga qaadeen Koobka Adduunka 2002dii.

"Hargab xun ayaa igu qabtay Ibiza, bal se xaaladdu way dagan tahay” ayuu Twi tterka ku soo qoray Ronaldo. Ciyaartoyg an oo Real Madrid afka hore uga dheeli jir ay ayaa taageerayaashiisa uga mahad celiyay jacaylka iyo wanaaga ay u rajeeye en, kooxaha kale ee uu u soo dheelay wa xaa ka mid ah Barcelona, Inter Milan iyo AC Milan.

BUFFON "WAXAAN RAJEYNAYAA IN RONALDO UU GUULO WAAWEYN LA GAARI DOONO JUVENTUS SIDA UU SOO SAMEEYAY SANOOYINKII LASOO DHAAFAY”:..

Gianluigi Buffon ayaa u rajeeyay kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo inuu guulo waaweyn la gaari doono kooxdiisa cusub ee Juventus.

Buffon ayaa dhawaan ku biiray kooxda reer france ee Paris Saint-Germain, wuxuuna ugu dhaqaaqay heshiiska xurta ah kadib marka uu soo idladay heshiiskiisa kooxda Juventus.

"Waxaan rajeynayaa in Ronaldo uu guulo waaweyn la gaari doono Juventus sida kooxihii uu soo xirtay maaliyadooda”.

"Xaqiiqdii ma u horseedi doono kooxda Juventus murugo, wuxuuna sameyn doonaa waxa uu soo sameeyay sanooyinkii lasoo dhaafay”.

Juventus ayaa kula soo saxiixatay Cristiano Ronaldo qiimo lacageed gaaraya 100 million euros ay kaga soo iibsatay kooxda reer Spain ee Real Madrid.

HOOYO SOOMAALIYEED OO QALLIIN LOOGA SOO SAARAY 

BURO CULEYSKEEDU YAHAY 9Kg

Dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Somali Syrian oo ka mid ah Isbitaalada waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa haweeney Soomaaliyed ku sameeyey qaliin looga saaray buro culeyskeedu gaarayo illaa 9.kg. Maryan Shiikh Akuu kar oo 54 jir ah, kana timid tuulada Jam eeco ee gobolka Sh/hoose ay aa burada laga qalay waxay kaga tiilay riximka ama ilmo gal eenka, waxaana lagu guuleystay in laga soo saaro ka dib qaliin saacado badan qaatay oo ay ku sameeyeen koox dhaqaatiir ah oo uu hogaaminayey Dr. Axmed Abdel Jelel oo ah dhaqtar Siiri yaan ah oo ku taqasusay qaliinka iyo daweynta cudurada haweenka.

Dr. Axmed Abdel Jelel ayaa sheegay in buradan ay tahay tii u gu weyneyd ee uu abid arko isagoo xusay iney haweeneyda la ga qalay kaga tiilay meel halis ah (Ilmo galeenka), hase ahaatee qaliin saacado badan qaatay ka dib ay ku guuleysteen iney ka soo saaraan, isagoo ku dhee raaday khatarta ay nolosha bani aada mka u leeyihiin burooyinka noocan ah.

Maryan Shiikh Akuukar oo ah haweeney da lagu sameeyey qaliinkan ayaa sheeg tay in buradan ay dhibaato badan ku hey say muddo ka badan 10 sano, ayna tag tay isbitaalo ku yaalla gudaha dalka oo ii sheegay bay tiri inaan waxba looga qaban Karin dalka gudihiisa.

"ILAAHAYbaa mahad leh Caafimaadkeygu hadda waa fiican yahay, waxaan u mahad u celinayaa dhaqaatiirta Isbitaalka So mali Syrian oo ku guuleystay iney iga soo saaraan buradan cule yska badan” ayey hadalkeeda ku dartay Maryan Shiikh Akuukar oo wejigeeda laga dareemayay sida ugu faraxsan tahay guusha laga gaaray qaliinka lagu sameeyey oo ahaa mid aad u dhib Badan.

Agaasimaha qeybta Caafimaadka ee Isbitaalka Somali Syri an Dr. Xuseen C/casiis ayaa sheegay buradan ay tahay tii ugu weyneyd mudooyinkan ee lagu soo saaro qaliin lagu sameeyey gudaha Somalia, wuxuuna xusay in fulinta qaliinkan uu ku yimid aqoonta iyo khibrada ay leeyihiin dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalkan.Axmed C/casiis ayaa sheegay in burada laga soo sa aray haweeneydan ay tahay buro nooceedu uu naadir yahay oo marar dhif ah la arko, isagoo xusay in xaaladeeda caafimaad ay hadda wanaagsan tahay, ayna ka soo kabaneyso qaliinkii lagu sameeyey oo uu sheegay inuu ahaa mid lacag la’aan ah oo ay gacan geysatay Jaamacadda Jobkey.

Agaasimaha ayaa sheegay Isbitaalka Soomaali Siiriyaan ay ka howl galaan dhaqaatiir ku taqasusay cudurada guud, Maq aarka, Cunaha, Sanka iyo Afka, Car uurta, Indhaha, Neerfaha, Dhalma la’aanta, Haweenka, Qaliinka guud iyo Dhaqtarka Kaliy aha oo taqasus gaar ah leh


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip