Faahfaahin ka soo baxaysa Dayax-Gacmeed Qorraxda loo direy By

0
Sunday August 12, 2018 - 20:28:57 in Wararka by
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin ka soo baxaysa Dayax-Gacmeed Qorraxda loo direy By

    Dayaxgacmeedka oo la yiraahdo Parker Solar Probe oo laga tuuray Cape Canaveral, Florida, waxaa tuuray 3 gantaal oo xoog leh oo ah nooca Delta-IV, ka dib markii shalay dib loo dhigay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dayaxgacmeedka oo la yiraahdo Parker Solar Probe oo laga tuuray Cape Canaveral, Florida, waxaa tuuray 3 gantaal oo xoog leh oo ah nooca Delta-IV, ka dib markii shalay dib loo dhigay.

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan hawada sare ee NASA ayaa sheegtay inuu qorraxda u jirsan doono masaafo aan waligeed horay loo gaarin.

Tallaabadaan ayaa loo qaaday in baaritaan lagu soo sameeyo sababaha keena qaraxyo inay sameyso qorraxda, sida ay sheegeen saynisyahanno.

Dayax gacmeedkan qorraxda u dhawaanaya ayaa noqon doona sheygii ugu xawaaraha dheeraa ee ay abid bani’aadanku sameeyaan.

Macluumaadka uu soo uruuriyo ayaa la filayaa in lagu ogaado dabeecadaha qorraxda ee muddada dheer la garan la’aa.


Waxa uu dayax gacmeedkaan xawaaraha dheer si toos ah u abbaari doonaa jihada qorraxda, isagoo si qeyrul caadi ahna ugu dhawaan doona.
Dayax gacmeedka ayaa ku sii dul wareegi doona meeraha Venus muddo lix isbuuc ah, waxaana uu safar markii ugu horreysay ah qorraxda ugu sii socon doonaa lix isbuuc oo kale.

Kadib waxa uu gudaha u sii geli doonaa xeyn daabka qorraxda masaafo dhan ilaa 6.16 malyan km (3.83 million mayl).

Dr Nicky Fox oo ka mid ah saynisyahannada howlgakan fulinaya ayaa BBC-da u sheegtay in masaafada qorraxda loogu dhawaanayo aysan ahayn mid aad ugu sii dhow, balse waxa ay hoosta ka xarriiqday in ay tahay mid aad cajiib u ah.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay intaas ku dartay in arrinta kale ee cajiibka ahna ay tahay sida uu u dhaqso badan yahay xawaaraha dayax gacmeedkan.

Dr Fox ayaa sheegtay in dayax gacmeedka howlgalkaan fulinaya uu saacaddiiba ku soconayo masaafo dhan 690,000km.

Seynisyahanadda ayaa taasna ku cabbirtay haddii safarkani uu ahaan lahaa jawiga dunida in uu la mid noqon lahaa sidii iyadoo muddo hal daqiiqo ka yar loo kala socday magaalooyinka New York iyo Tokyo oo ku kala yaalla dalalka Mareykanka iyo Japan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip