Halkee buu ku dambeeyay Madaxweynihii xilka ka degay ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar

0
Thursday August 09, 2018 - 12:47:50 in Wararka by
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee buu ku dambeeyay Madaxweynihii xilka ka degay ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar

    Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya halka uu ku dambeeyo Madaxweynihii is casilay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo maalin ka hor ay Ciidamada Milateriga Itoobiya ka kaxeysteen magaalada Jigjiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya halka uu ku dambeeyo Madaxweynihii is casilay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo maalin ka hor ay Ciidamada Milateriga Itoobiya ka kaxeysteen magaalada Jigjiga.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Ilay uu xabsi guri ku yahay magaalada Addis Ababa oo ay kor kala socdaan Ciidamada Milateriga Itoobiya.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka arrinsaneysa xaaladiisa iyo xaalka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyagoo wadatashiyo la leh odayaasha deegaanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu u joogo Addis Ababa sidii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ugala hadli lahaa xaalada dowlad deegananka Soomaalida Itoobiya oo maalmihii la soo dhaafay qasneyd.

Sidoo kale Diblomaasiyiin Ajaaniib ah ay la xiriireen dowladda Itoobiya, iyagoo kala hadlay sidii xaalada Gobolka loo dejin lahaa.

Xaalada magaalada Jigjiga ayaa ah mid degan, kaddib markii maalintii Sabtidii ay ciidamo fara badan oo ka socda Milateriga Itoobiya la wareegeen qeybaha muhiimka ee magaalada, sidoo kalena ay ka dhaceen rabshado sababay burbur hantiyadeed iyo khasaare nafeed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip