
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 9-KA AGOOSTO 2018-KA
Guddoomiyaha
ayaa dul istaagay dhabar adayggii iyo hal abuurkii bahda waxbarashadu ay ku
samata bixiyeen waxbarashada dalka wakhtiyadii burburka, isagoona sheegay in
dhammaan hawlwadeen nadii wakhtigooda iyo maalkoodaba u horay barbaarinta iyo
kobcinta aqoonta jiilasha maanta ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka shacabka
Soomaaliyeed.
"Iyadoo
dalka ay ka jirto xaalad adag, qofkastana ay nolashu ku culustahay ayaa waxaa
horumarinta waxbarashada dhexda u guntaday aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aan
helin taageero dowladeed, maantana waxa ay ina gaarsiiyeen in aan ku faani
karno heerka waxbarasho ee ka jirta dalka.”
Eng.Yarisow ayaa sheegay in dib u kabashada
dalka, dowladnimada iyo kobaca wacyiga bulshada ay xoojinayaan nidaamka
waxbarashada dalka, culayskana ay ka fududeysay, gaar ahaan mideynta
manhajka,isku xirka bahda waxbarashada, taakuleynta iyo tayeynta macalimiinta,
dalladaha iyo xarumaha waxbarashada.
"Aqoonyahannada Soomaaliyeed waxaa laga
rabaa in ay udub dhexaad u noqdaan qorshay aasha lagu wajahayo caqabadaha dib u
dhigay himilooyinka shacabkeenna oo ay ugu horreyso qab yaaladda iyo musuqmaasuqa,
sababtoo ah aqoontu ayaa lagu daaweeyaa dhibaatooyinka soo food saara ummadaha.”
Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir ayaa ugu hambalyeeyay maamulka,macalimiinta
iyo ardayda Jaamacadda Muqdisho sannad guurada 20aad ee ka soo wareegtay asaaska
Jaamacaddan,waxa uuna kula dardaarmay in qoondo waxbarasho loo sameeyo dadka
barakacayaasha ah, maadaama aysan dhaqaale ahaan inta badan awoodi karin ku
biirista Jaamacadaha. —DHAMMAAD–
QARAXYO
KA DHACAY MUQDISHO
Faahfaahino
dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo ka dhacay Suuqa Xoolaha gaar
ahaan Agagaarka Sos, kuwaasoo lala eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga
Afrika ee AMISOM.
Sidda
ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal laba Qarax ayaa lala eegtay Ciidamada
AMISOM, oo Maraayay Suuqa Xoolaha gaar ahaan Agagaarka SOS.
Qaraxyadda
ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in ay daqiiqado
kala dambeeyeen.
Qarax
koowaad ayaa qabsaday mid kamid ah gawaarida dagaalka Ciidamada AMISOM, Waxaana
qaraxa ka dib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan .
Daqiiqado
ka dib ayaa sidoo kale waxaa dhacay Qarax kale, Waxaana la sheegay in uu
qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo taagnaa meel aan ka fogeyn
halkii uu ka dhacay Qaraxii hore.
Waxaa jira Khasaare dhaawac ah oo soo
gaaray dad Shacab ah oo goobta Maraayay, islamarkaana ay gaareen xabadihii ay
fureen Ciidamada AMISOM.
Ciidamada
AMISOM ayaa la sheegay in ay wali ku sugan yihiin halkii ay qaraxyo ka dhaceen,
islamarkaana waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda.
MAXAAD
KA TAQAAN XUBNAHA GOLAHA WASIIRADA EE HEYSTA DHALASHADA CANADA ?
Inkastoo
dowladda Soomaaliya ay la safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo khilaaf
diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Canada ayaa hadana xubanaha dowladda ku jira
sida Golaha Wasiirada, Xildhibaanada labada aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo
agaasimayaasha qaar waxay heystaan dhalashada dalka Canada.
Mowqifka
Dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ayaa dhaliyay dood iyo hadal heyn
hareysay baraha bulshada, taasoo dad badan ku tilmaaman mid degdeg ah oo fudeed
ka muuqday.
Dadka
qaar ayaa tusaale u soo qaadanaya hab dhaqanka labada dowladood iyo cida
Soomaaliya taageertay, kaddib burburkii dowladda Dhexe, iyadoo Canada ay ku
nool yihiin Soomaali fara badan, kuwaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, heystana
dhalashada dalka, qaarkoodna xilal Ka haya, sida Wasiirka Socdaalka dalkaas.
Sidoo
kale dowladda Sacuudiga ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkeeda ka soo
tarxiishay muwaadiniin fara badan oo Soomaaliya.
Arrinta
kale oo layaabka ayaa ah inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay
yihiin kuwo heysta dhalashada dalka Canada, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha
Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo qoraalka laguma safray Sacuudiga ka soo
baxay Wasaaraddiisa.
HADDABA
AKHRISO XUBNAHA WASIIRADA EE HEYSTA DHALASHADA DALKA CANADA:
1 Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed
Ciise Cawad
2 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha
Bulshada Saalax Axmed Jaamac
3 Wasiirka Dastuurka C/raxmaan
Xoosh Jibriil
4 Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista
Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaae
5 Wasiirka Qorsheynta Jamaal
Maxamdd Xasan
6 Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul
Insaanka Deeqo Yaasiin
7 Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya
C/llaahi Goodax Barre
8 Taliyaha Nabadsugida Qaranka
Xuseen Cismaan Xuseen, 9 Senator iyo Xildhibaano Golaha Shacabka.
KOOXO
HUBEYSAN OO DIL GEYSTAY MUQDISHO
Kooxo
hubaysan ayaa Degmada Kaaraan, gaar
ahaan Suuqweynaha waxa ay ku dileen askari ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya.
Askarigaan
ayaa la sheegay xilliga la dilayay inuu ka soo baxay hoygiisa oo ku yaallo
Degmada Kaaraan, dableyda hubaysana ay ku dileen meel aan sidaasi kaga fogeyn
gurigiisa.
Wararka
ayaa waxa ay sheegayaan dableydii dilkan gaysatay inay ka baxsadeen goobta,
kadib markii ay toogteen askariga.
Ciidamada
Booliska Saldhiga Degmada Kaaraan ayaa tagay goobta lagu dilay askariga,
waxayna halkaasi ka soo qaadeen maydka marxuumka la dilay.
Al
Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee
ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya.
RA’IISUL
WASAARE KHEYRE OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY
Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi
uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho ay ku tageen
Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.
Ra’iisul
wasaare Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Suudaan wuxuu uu goob joog ka
noqday saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda
dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhexdhexaadin waqti dheer qaadatay kadib
isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku
qanacsanyihiin, iyadoo Ra’iiul wasaaraha uu ku amaanay ammaanay dhinacyada
heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u
badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo
guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka
go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.
Sidoo
kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha
Suudaan kaga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada, isaga oo hoosta ka
xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan
lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay kusoo
kabato, waxa uuna sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen
dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Mudane
Xasan Cali Khayre oo sidoo kale booqday xarunta jaamacadda Caalamiga Ee Afrika
ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee
dalkaas waxbarashada u jooga, ayaa kula kulmay madaxda jaamacadda iyo xubna
kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ee jaamacadda wax ka barta, wuxuuna
mahadceliyay taageerada waxbarasho ee joogtada ah, waxa uuna si gaar ah u xusay
in Suudaan ay kamid tahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageera
waxbarashada kadib burburkii dawladdii dhexe.
WAA
TEE DOWLAD GOBOLEEDKII UGU HORREYSAY EE U HAMBALYEYSA MADAXWEYNAHA CUSUB
SOOMAALIDA ETHIOPIA?
Waxaa
weli qalallaase iyo ay ka jirtaa dhibaato magaalada Jig jiga ee xarunta dowlad
deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Qalallaasaha
ayaa yimid kaddib markii Sabtidii ay ciidanka federaalka Ethiopia weerar kusoo
qaadeen madaxtooyada oo ay gacanta ku dhigeen madaxweynihii maamulkaas mudane
Cabdi Max’uud Cumar.
Tan
iyo maalinkaas waxaa deegaanka ka jiray qalallaase u dhaxeeyay Soomaalida iyo
qowmiyadda Oromada, kaas oo sababay in ay dad badan dhintaan bankiyo la dhaco, Kaniisado
la gubo dad kalena ay ku waxyeeloobaan.
Haddaba
intaas waxaa xigtay is casilaadda madaxweyne Cabdi Max’uud Cumar, waxaana is
magacaabay ee Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) kaas oo ahaa kuxigeenkii Cabdi Max’uud
Cumar.
Maamulka
Jubbaland ee Soomaaliya ayaa noqday maamulka keliya ee ka hadlay xaaladda
deegaankaas, sidoo kalena u hambalyeyay madaxweynaha cusub ee maamulkaas mudane
Axmed Cabdi.
"Waxaan
soo dhoweynayaa una hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida,
Mudane Axmed Cabdi Maxamed. Sidoo kale, waxaan ugu mahad naqayaa Madaxweynihii
hore, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar wanaagii iyo waxqabadkii weynaa ee uu qabtay
mudadii uu xilka hayey.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska warfidiyeenka
ee maamulka Axmed Madoobe.
Hoggaamiyaha
Jubbaland Axmed Madoobe oo jufo ahaan ay wada dhasheen madaxweynaha cusub ayaa
u rejeyay in wanaag uu kusoo dhammaado is af garan waaga ka taagan deegaannada
Soomaalida Ethiopia.
MEYDADKA
DAD KA SOO JEEDA QOWMIYADDA OROMADA OO LAGA HELAY MAGAALADA BOOSAASO
Waxaa
shalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari laga helay meydadka laba ruux
oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada, kuwaasi oo oo dadka degaanka ay sheegeen
in la dilay.
Dadka
degaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen labada ruux ee la dilay oo dhalinyaro
ahaa in mid ka mid ah uu qoorta ka jabnaa, waxaana arrintan si weyn u hadal
haya dadka ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Saraakiil
ka tirsana ciidanka ammaanka Puntland ayaa meydadka ka qaaday halkaasi, waxayna
geeyeen isbitaalka magaalada Boosaaso, ciidamada ayaa bilaabay hawlgal ay ku
baadi goobayaan cidii ka dambeysay falkan.
Ilaa
hadda si dhab ah looma oga cida falkan geysatay, maalmo kahor ayay aheyd markii
muuqaal kooban oo baraha bulshada la soo geliyay uu ka muuqanayay nin Oromo ah
oo dadka shacabka ah ay dilayaan, kaasi oo hada dhaawac ahaan u yaalla mid ka
mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Boosaaso.
Guddoomiyaha
Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa war uu daraad soo saaray shacabka
kaga digay inay dhibaateeyaan dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee ku nool
magaalada Boosaaso.
ARDAYDA
SOOMAALIYEED EE WAX KA BARTA SUUDAAN OO CABASHO KA GUDBIYAY SAFAARADDA
SOOMAALIYA EE KHARTUUM
Ardayda
Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan ayaa gudbiyay cabasho ka dhan ah ah
Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Khartoum, kaddib kulan ay la
qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalmahan ku sugnaa Khartuum.
Kulan
ay soo qaban qaabiyeen Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa waxay
ku soo bandhigeen dhibaatooyin ardayda kala kulmaan Safaaradda Soomaaliya ee
Khartoum
"10
qof raalli galintood kuma badalanayo 7000 oo Arday, Mudane Ra’iisul Wasaare
haddaan nahay ardayda Soomaaliyeed, Waxaan qabnaa Dulmi, dulmigaas nooma aysan
geysan dad Ajnabi ah ee waxaa noo geystey shaqaalaha Soomaaliyeed ee
Safaaradda, Waxaa safaaradda lagu iibiyaa Minxooyinka waxbarashada, hadii aad
nooga tagtid dulmigaas, ogow waad na dulmisay, Mudane Waxaad Xabsiyada Liibiya
ka soo daysaan dhalinyarta Soomaliyeed, Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan way
sii tahriibisaa”sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee
Suudaan C/qaadir C/llaahi oo ilmeynaya.
Ra’iisul
Wasaaraha oo ka Jawaabayay cabashada Ardayda ayaa ballan qaaday in haddii ay
sax noqdaan waxa ay Ardayda ka cabanayaan, in sida ugu dhaqsiyaha badan uu uga
qaadi tallaabada ugu haboon
Diblomaasiyiinta
ugu sareysa ee Safaaradda ayaa lagu eedeynayaa inay ka gaabiyeen howlihii loo
igmaday, iyagoo u weecday inay ka shaqeeyaan Arrimaha Tahriibka sida, Fududeynta
Tahriibka Liibiya iyo Leemanka cusub oo lagu diro dadka wato Baasaboorada
Dowladda.
Safaaradda
ayaa hadda ka dhex taagan is qabqabsi xooggan oo u dhaxeeya Siihayaha Safiirka
iyo Diplomaasiyiin la soo magacaabay markii uu xilka ka dagayay Madaxweynihii
hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo intooda badan ah dhalinyaro
aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka soo shaqeyn, wax tababar diplomaasiyadeedna
aan laheyn.
Cabashooyinka
laga soo gudbiyay Safaaradda ma ahan mid cusub, waxaa jirtay Cabashooyin horey
looga gudbiyay Danjire Maxamed C/llaahi Ugaas oo ahaa Safiirkii ugu dambeeyay
ee dowladdu xilka ka qaaday sanadkii hore, isagoo magacaabistiisii hore ay
Dowladda Suudaan soo celisay una jartay (Persona non grata ) kaddib waxaa
dowladda Suudaan kala hadlay Sheekh Shariif xilligii uu Madaxweynaha, sidaasna
dowladda Suudaan ku tixgelisay.
Muddo
ku dhow 7bilood ayaa Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ay tahay mid aan Safiir
laheyn, kaddib xil ka qaadistii Safiirka, waxaana kusime ka ah Axmed Ibraahim
Buurfuule oo Safaaradda ugu Magacaaban Xoheynta 1aad, hase ahaatee waxaa dhowaan
lagu wadaa in Safaaradda Suudaan lagu soo qoro C/risaaq Shoole oo dhowaan
Golaha Wasiirada u magacaabeen inuu Safiir noqdo.
XILDHIBAAN
SI KULUL U NAQDISAY QARAARKA XUKUUMADDA EE XIISADDA SACUUDIGA IYO KANADA
Iyada
oo ay dowladda Soomaaliya caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka u dhaxeeya
boqortooyada Scauudiga iyo dowladda Canada, oo ay is dhinac taagtay maamulka
Riyad ayey xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya si kulul u naqdisay go’aanka
dowladda.
Xildhibaan
Sagal Isaaq Biixi oo qoraal soo dhigtay tirsiga ay ku leedahay barta twitter
ayaa sheegtay in uu yahay wax lagu qoslo mowqfika dowladda federaalka ah.
"Waa
wax lagu qoslo oo meel ka dhac ku ah guud ahaan haweenka meel walba oo ay
joogaan, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed. Intii aan u doodi lahayn xuquuqdooda
waxa aan dhinac istaageynaa wadan uu ka jiro dhaqanka carsijaahiliga, oo
haweenka ula dhaqma sidii wax liita oo aan qiimo ku fadhin, waxa aan
garaaceynaa durbaanka niyadjabka” ayey tiri xildhibaan Sagal Isaaq Biixi.
Qoraalkeeda
ayaa intaas ku daray, "WarqaddanBayaanka dowladda Soomaliyakama hadleyso waxa
ka dhex jira Sacuudiga iyo Kanada balse waxa ay bidhaamineysaa heerka sida
arrimaha haweenka aysan ugu jirin siyaasadeenna iyo go’aamadeenna maalinlaha ahwaa
wax laga xumaado” ayey tiri xildhibaan Sagal.
Xiisadda Sacuudiga iyo Kanada ayaa ka dhalatay markii
ay xukuumadda Toronto sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xiritaanka loo
gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.
Dadka
la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo
Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.
Samar
ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.
Xiritaankan
ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu
sannadkan sameeyay isbadallo.
SHABAAB
OO QARAX LA EEGTAY CIIDANKA KENYA..
Xoogag
hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa qarax Miino waxa ay ciidanka Kenya
kula eegteen degaan ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu.
Gaari
nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidanka Millatariga Kenya ee loo yaqaano
(KDF) ayaa qaraxan si gaar ah ugu qabsaday inta u dhaxaysa Kenyatta Forest iyo
Bodheey oo ka wada tirsan gobolka Lamu.
Saraakiisha
ciidanka ammaanka dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen
qaraxan inay kaga dhinteen ilaa Shan askari oo ciidankooda ka tirsanaa, sidoo
kalena ay ku dhaawacmeen ilaa Lix kale.
Waxay
kaloo sheegeen saraakiisha ciidanka Kenya inay jawaab ka bixin doonaan qaraxan,
iyaga oo sidoo kale tilmaamay inay warbixin dhameystiran ka soo saari doonaan
qaraxan, islamarkaana ay ku daba jiraan raggii weerarka geystay.
Shabaab
war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku
sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen Sagaal askari oo Kenyan ah, kadib markii
gaari ay saarnaayeen qabsatay Miino dhulka lagu aasay.
Ururka
Al Shabaab ayaa qalqal xoogan geliyay amniga guud ee dalkaasi Kenya, tan iyo
markii Ciidanka Militariga Kenya ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfurta
Soomaaliya, dabayaaqadii sanadkii 2011ka.
GABAR
AFRIKA KASOO JEEDDA OO MARKII UGU HORREYSAY XILDHIBAANAD KA NOQONEYSA PAKISTAN
Baarlamaanka
waddanka Pakistan ayaa lagu wadaa in markii ugu horeysay ay ka mid noqoto
haweeney asal ahaan kasoo jeedo Afrika, taasi oo sumcad usoo hoyneysa qowmiyada
tira yar saboolkana ah ee Sidi oo qarniyaal badan degganaa dalkaasi.
Tanzeela
Qambrani, oo 39 jir ah ayaa xisbiga ra'iisal wasaarihii hore ee Pakistan
Benazir Bhutto ee (PPP), waxa ay u sharaxeen kursiga loo qoondeeyay haweenka ee
baarlamaanka gobolka koonfur barri.
Haweeneydan
ayaa rajeyneyso kaddib doorashadii bishii lasoo dhaafay inay gacan ka geysato
in laga gudbo dhaqanka qowmiyada Sidi ee ah in dumarku aysan xil qaban karin,
qowmiyadaan Afrikaanka ah ayaana ku badan gobollada xeebta Makran iyo Sindh ee
dalkaasi.
"Inaga
oo ah qowmiyad tiro yar oo ku dhex luntay qowmiyado kale oo ka tira badan, ayaan
u halgameynaa inaa ilaashano dhaqankeena iyo dhalashadeena Afrikanimo, blase
waxaan sugeynaa maalinta magaca Sidi uu ixtiraam helayo, ayay tiri,"
Qambrani, oo ah Afrikan asal ahaan kasoo jeeda Tanzania, sida ay BBC u sheegtay
.
Qowmiyada
Sidi oo u dabaaldegaysa sanad guurada Mangho Pir
Qaar
badan oo ah dadka Sidis ayaa rumeysan inay ka farcameen dadkii la adoonsan
jiray oo Burtaqiisku ka keenay Afrika.
Taariikhyahannada
ayaa sidoo kale sheegay in qowmiyadaan ay soo gaareen iyaga oo ah askar, ganacsato,
darawalo iyo muslimiin xujey ah.
Qowimiyadan
ayaa xilal sarsare soo qabatay xiligii boqortooyada Mughal balse waxaa so
wajahay takoorid xiligii gumeystaha Britain.
Tiro
ahaan waxa lagu qiyaasaa tobanaan kun oo qof in ay yihiin qowmiyadan.
Waxa
ay sidoo kale ku nool yihiin gobollada Karnataka, Gujarat Andhra iyo Pradesh ee
dalka Hindiya.
Haatan
dadka Sidis ee ku nool deegaanka Lyari ee caasimada Karachi ayaa taageeraya
xisbiga PPP ee uu hogaamiyo wiilka Benazir Bhutto ee Bilawal Zardari Bhutto.
Xisbiga
PPP ayaa kusoo baxay kaalinta saddexaad doorashada guud ee dhawaan ka dhacday
dakaasi, oo uu ku guuleystay xisbiga xiddigii hore ee kirikitka Imran Khanee
PTI.
Ms
Qambrani, waxa ay shahaado ka heysataa cilmiga kumbuyuutarka, waana hooyo heysata
saddex caruur ah.
Aabaheeda
oo Abdul Bari, waxa uu ahaan jiray qareen halka hooyadeedna ay ahayd macalimad
iskuul mardambena shaqada ka fariisatay.
Qoyskeeda
waxa ay aad ugu dadaaleen ilaalinta asalkooda Afrikanimo, midka mid ah gabdhaha
la dhashay waxa ay ku guursatay Tanzania, halka midkale oo la dhalatayna uu qabo
nin u dhashay Ghana.
Sikastaba,
si la mid ah dadka Sidis ee Pakistan, Tanzeela Qambrani waxa ay muddo dheer
taageersaneed xisbiga PPP. Waxa ayna khibrad u leedahay arrimaha siyaasadda
iyada oo soo noqotay xubin ka tirsan baarlamaan goboleed.
CIIDAMMO
CUSUB OO LA KEENAY ISGOOYSYADA MUQDISHO
Wararka
aan ka heleyno qeybo kamid magaalad Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in shalay
lagu arkay qeybo kamid ah Isgooysyada muqdisho ciidammadii Nabad sugidda ee
dhawaan laga qaaday Isgooysyada.
Ciidammada
Isgooysyada lagu arkay ayaa ku labisnaa dharka ciidammada Booliska Soomaaliya,
dhawaanna ciidammadii Nabad sugidda muqdisho waxaa lagu daray Booliska.
Meelaha
lagu arkay ciidankan waxa kamid ah Isgooysyada Taleex iyo Dabka ee Muqdisho.
Ciidamadan
ayaa waxaa la sheegay inuu taliye uyahay Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya
Jeneraal Sulub Axmed Fariid.
Askarta
la keenay Isgooysyada Muqdisho ayaana la ogeyn qaabka ay wax uga badali doonaan
amaanka Caasimadda.
XOGHAYIHII
JOOGTADA WASAARADDA GARGAARKA OO IS CASILAY
Maxamed
Cumar Macalin oo
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 9-KA AGOOSTO 2018-KA
ENG.YARISOW "WAXAAN BOGAADINAYAA DHABAR ADAYGGII AQOONYAHANNADA SOOMAALIYEED AY KU SAMATA BIXIYEEN WAXBARASHADA DALKA" .. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb g