
Daawo Sawirada: Qaraxa Ismiidaaminta ee ka dhacay Maqaayada Hooyooyinka
Dhacdada la yaabka leh ee meesha ka dhacday ayaa aheyd ninka Isqarxiyay inuu ag fariistay goob ay fadhiyeen Suxufiyiinta uuna mid ka mid ah Suxufiyiinta ku yiri iga durug oo uu dhinac fariistay.
Ninkaan isqarxiyay ayaa sida muuqatay oo Suxufiyiinta ay sheegeen ka daahay qaraxa, kadib markii labo mar uu dhanka Wadnaha xiga Shaatiga hoostiisa uu taa taabtay, iyadoo Dareen badan oo feejignaan ah ay ku jireen Suxufiyiinta, kadibna mar qura ay ka yaaceen Suxufiyiinta oo ay carareen.
Ruuxa Isqarxiyay ayaa ka soo daba cararay Wariyeyaasha, balse meel dhexe markii uu maraayay oo maqaayada gudaheeda ah uu qarxay mar qura.
Suxufiyiinta ka bad-baaday halkaasi waxa ay sheegeen marka horeba uu ninkaan soo galay Maqaayada, kadibna uu ag fariistay Wariyeyaasha dareen badan ay galeen, maadaama aysan aqoonin ninka Suxufiyiinta dhex fariistay.
Ciidamada Nabad Suggida ayaa hada ku sugan Maqaayada qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay baaritaano ka wadaan.


0 













Daawo Sawirada: Qaraxa Ismiidaaminta ee ka dhacay Maqaayada Hooyooyinka
Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay oo uu ka mid yahay ninkii Isqarxiyay, weerarka Ismiidaaminta ahaa ee nin naftiis halige ah uu ku qaaday Maqaayad ku taallo Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.