Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay u sii dardargelin lahaayeen howlgallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, si deegaanada gobolada dalka looga saaro sanadkan cusub, sida ay Saraakiishu sheegeen.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.
"Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga. Ayuu yiri Wasiir Diini.
Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa dhowaan sheegay in dib loo bilaabi doono howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sanadkii la soo dhaafay uu hakad galay howl galkaas.



0 






Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliska AMISOM oo ka wada hadlay dar dar gelinta howl galada (Sawirro)
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Gen. Mohammedesha, iyadoo kulankan uu ku wehliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aade