Sacuudiga oo xukun dil ah ku fuliyay Sheikh Nimr al-Nimr iyo 46 ruux oo kale

0
Saturday January 02, 2016 - 17:29:14 in Wararka by
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo xukun dil ah ku fuliyay Sheikh Nimr al-Nimr iyo 46 ruux oo kale

    Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxay maanta xukun dil ah ay ku fulisay 47 qof, oo uu ku jiro Sheikh Nimr al-Nimr, oo ahaa Wadaad caan ahaa oo ka soo jeeday Shiicada Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxay maanta xukun dil ah ay ku fulisay 47 qof, oo uu ku jiro Sheikh Nimr al-Nimr, oo ahaa Wadaad caan ahaa oo ka soo jeeday Shiicada Sacuudiga. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, ayaa waxay shaacisay in la daldalay wadaadkaasi, ka gadaal markii lagu helay arrimo argagaxiso.

Ragga maanta la daldalay waxaa ku jira Hogaamiye Ururka Al Qaacidda ka tirsanaa, kaasoo magaciisa lagu sheegay Faris al-Zahrani. Al-Zahrani waxaa la xukumay sanadkii 2004-tii.

Warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, waxaa kaloo lagu sheegay in ragga la dilay ay ku jiraan laba nin oo u kala dhashay Wadamada Masar & Chad.

Xukuumadda Riyadh, ayaa xabsiga dhigtay Nimr al-Nimr sanadkii Nimr al-Nimr, ka dib markii uu sameeyay kacdoon dadweyne oo looga soo horjeeday Boqortooyada Sacuudiga, isagoona ku dhaliilay inay taladii dalka oo dhami isku koobtay.

Gobolada Bariga Sacuudiga, oo Shiicada ay ku xoogan tahay, ayaa 2011-kii waxaa ka dhacay rabshado ka dhan ah Boqortooyada Sacuudiga, inkastoo aanay u joojin.


Nimr al-Nimr

Al-Nimr wuxuu dalbanaayay in labada milyan Shiicada Sacuudiga ay ka go’aan qaybaha kale ee dalka, isla-markaana ay noqdaan dal ka madax bannaan Boqortooyada Sacuucdi Carabiya, taasoona ka careysiisay Xukuumadda Riyadh, waana midda keentay in argagaxiso lagu tiriyo.

Tallaabada uu maanta Sacuudiga ku dilay raggan, ayaa waxay muujinaysaa in dagaalka Sacuudiga aanu ku koobnayn oo keliya argagaxisada Suniga, balse ay ku jiraan kuwa Shiicada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip