Ciidamada Meletariga Ethiopia oo kaxeystay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida

0
Tuesday August 07, 2018 - 19:44:45 in Wararka by
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Meletariga Ethiopia oo kaxeystay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida

    Wararka aan ka heleyno magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada meletariga Ethiopia ay ka kaxeysteen, madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada meletariga Ethiopia ay ka kaxeysteen, madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar.

Ciidamada Ethiopia ayaanan la ogeyn halka ay la aadeen Cabdi Maxamuud Cumar, oo shalay iska casilay xilka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in loo kaxeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi oo horey looga yeeray islamarkaana uu ka dhago adeegay inuu tago.

Axmed Cabdi Sheikh Maxamed oo saaxiibo ay ahaayeen Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa si KMG ah looga dhigay madaxweynaha dowlad deegaanka.

Cabdi Maxamuud, ayaa la rumeysan yahay inuu waday qorshe ka dhan ah dowlad federaalka Ethiopia, waxaana uu kasoo horjeeday qeybta qoondo ahaan Soomaalida kaga soo aadayso dhaqaalaha shidaalka laga helay DDSI.

La soco waxii kusoo kordhaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip