Tababarkan ayaa waxaa casharo ka bixinayay khabiiro Soomaaliyeed, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Qaar ka mid ah dhalinyaradadii ka qeyb gashay Tababarkan ayaa sheegay inay ka faa’ideysan doonaan mashruuca waxbarashada madaniga ah, iyagoo uga mahad celiyay Hey’addii soo qaban qaabisay.
Tababarkan ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana diirada lagu saari doonaa arrimaha hormarinta, nabadgelyada iyo waxbarashada.
Mashruucaan waxbarashada madaniga ah waxaa horay xariga uga jaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahnda Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.



0 







Maamulka Gobolka Banaadir oo Tababar u furay dhalinyaro ka kala timid 17-degmo
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Tababar u furay dhalinyaro ka socotay 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, iyadoo Tababarkan ay fududeysay Ururka Kaah oo ka shaqeeya arrimaha Sama falka.