
Shabaab oo labo weerar oo fashilmay ku qaaday Magaalada Muqdisho
Sideed nin oo ka tirsan Shabaab oo dhalinyaro ah ayaa soo qorsheeyay weerarkaasi, kuwaasi oo watay qoryaha fudud iyo kuwa garabka laga rido, waxaana markii ay yimaadeen Xarunta Saldhiga agtiisa ay bilaabeen inay rasaas ku ridaan Saldhiga, waxaana loogu jawaabay hubkii ciidanka ay ugu diyaargaroobeen weerarkooda.
Dagaal dhexmaray ciidamada Saldhiga iyo Shabaabka ayaa sababay in Shabaab laga dilo 3 askari oo ka mid ahaa Dhalinyarada weerarka Saldhiga ku soo qaaday, kuwaasi oo isla xalay Bahda Saxaafadda loogu soo bandhigay goobtii lagu dilay.
Sidoo kale saaka saacada markii ay aheyd 10:30 ayaa Ruux naftiis halige ah oo ka tirsan Shabaabka, wuxuu weerar Ismiidaamin ah ka geystay Maqaayad ay fariistaan Suxufiyiinta iyo dadka shacabka ah, kama marna xubnaha Dowladda u shaqeeya oo ay waa ay ka shaahaan Maqaayada. Waxa ay ku taalla Maqaayada Guriga hooyooyinka hoostiisa.
Nin naftiis Halige ah oo Shabaabka ka tirsan ayaa soo xirtay Jaakad ay ku xiran yihiin Waxyaabaha Qarxa, wuxuuna ag fariistay goob ay fadhiyeen Suxufiyiin, isaga oo xilligaasi doonaayay inuu goobta Suxufiyiinta ay fadhiyeen isku qarxiyo.
Wariye ka mid ahaa raggii ka badbaaday goobta ayaa sheegay in ninkaan oo muuqiisa aysan horay u arkin kolkii uu Suxufiyiinta soo dhexgalay shaki badan ay ka qaadeen.
Ninka Isqarxiyay ayaa labo mar wuxuu gacantiisa ku taa taabtay jirkiisa qaybta wadnaha xiga, kadib Suxufiyiinta waxa ay qaadeen Shaki badan oo durba meesha waa ay ka carareen.
Ninka isqarxiyay ayaa ka soo daba cararay Wariyeyaasha, balse meel dhexe markii uu maraayay ayuu qarxay, wuxuuna dilay hal ruux, isaga ayaana labo ku ahaa dadka dhibaatada soo gaartay, inkastoo isaga uu markii horeba u diyaargaroobay goynta naftiisa.
Tani ayaa muujinaysa in Shabaabka ay ka fashilmeen labo weerar oo ay doonayeen inay dhibaato ku geystaan, maadaama weerarkii xalay iyaga lagu dhibaateeyay, halka weerarka Ismiidaaminta maantana uusan u dhicin sidii loo qorsheeyay.
Warbaahinta Shabaabka aad uma aysan buun buunin wararka la xiriira qaraxa Ismiidaaminta iyo weerarkii xalay Saldhiga ay ku soo qaadeen, taasi oo muujinaysa fashilka labadaasi weerar.
xigasho:-dhacdo.com


0 



Shabaab oo labo weerar oo fashilmay ku qaaday Magaalada Muqdisho
24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa labo weerar oo fashilmay Shabaabka ay ku qaadeen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarun Dowladeed iyo goob ay fariistaan shacabka iyo Wariyeyaasha oo isla Muqdisho ku taallo.