Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inuu dhowaan uu bilaabanayo howl galka Wabiga Jubba

0
Saturday January 02, 2016 - 17:16:18 in Wararka by
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inuu dhowaan uu bilaabanayo howl galka Wabiga Jubba

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safaro uu ku tagay Itoobiya iyo Kenya ayaa sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howl gal loogu magac daray Wabiga Jubba, kaasoo ujeedkiisa yahay sidii Al-Sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safaro uu ku tagay Itoobiya iyo Kenya ayaa sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howl gal loogu magac daray Wabiga Jubba, kaasoo ujeedkiisa yahay sidii Al-Shabaab loogaga saari lahaa deegaanada Jubooyinka.

Axmed Madoobe oo wariyeyaasha la hadlayay ayaa ugu horeyn ka warbixiyayshirar uu Addis Ababa iyo Nairobi ka qeyb galay oo looga hadlayay ammaanka, waxaana uu xusay in looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka guud ee Gobolka.

"Dhowaan waxaa bilaaban doona howl galka Wabiga Jubba, oo ujeedkiisa yahay in Shabaab looga saaro deegaanada Jubbooyinka”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intaa ku daray in dhamaan deegaanada ay ku sugan yihiin Shabaab laga saari doono.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in howl galkan uu bilaaban doono bishan gudaheed, isla markaana ay iska kaashan doonaan ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay shirka madasha wada tashiga ee 10-ka bishan ka furmi doona magaalada Kismaayo, waxaana uu rajo ka muujiyay shirkaas guul laga gaari doono.

 

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalintii shalay ay gaareen Kismaayo illaa 250 askari Ciidamo Itoobiyaan ah oo bedel u ah Ciidamadii Seirra Leone ee ka baxay Soomaaliya,Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la soo dhameystiro, si ay uga qeyb qaataan howl galka Wabiga Jubba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip