Dowladda Itoobiya oo ka hadashay xaalada magaalada Jigjiga

0
Sunday August 05, 2018 - 09:50:40 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo ka hadashay xaalada magaalada Jigjiga

    Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay xaalada magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya, kaddib markii shalay ay ka dhaceen rabshado dhaliyay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay xaalada magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya, kaddib markii shalay ay ka dhaceen rabshado dhaliyay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah soo celinta amnigii iyo kala dambeynta Gobolka Soomaalida.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa la wareegay xarumaha muhiimka ee magaalada Jigjiga, taasoo dhalisay caro iyo xiisad.

Xaalada magaalada ayaa ka dhigtay mid fowdo ah oo rabshado wata, iyadoo la gubay goobo kala duwan oo ay ku jiraan Kaniisad.

Dadka Soomaalida ee ku dhaqan Jigjiga ayaa weeraray dadka ajnabiga ee ka yimid qeybaha kale ee dalka Itoobiya, iyagoo boob iyo bililaqo u geystay goobo ganacsi oo uu ku jiro Bankiga Oromada leeyihiin.

Dowladda Dhexe ayaa dooneysa in si aan sharci aheyn ay awoodda ugala wareegto Mas’uuliyiinta Gobolka Soomaalida.

Loollanka awoodeed ee u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo maamulka gobolka Soomaalida ayaa khatar ku ah in uu wiiqo barnaamijka isbadallada ee Raisul Wasaraha cusub Abiy Ahmed uu wado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip