Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Jigjiga iyo Somaliland oo ka hadashay

0
Sunday August 05, 2018 - 08:56:10 in Wararka by
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Jigjiga iyo Somaliland oo ka hadashay

    Xaaladda magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa xalay degganayd iyada oo wali ay taagan tahay xiisadda u dhexaysa maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo dowladda Federaalka ah. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa xalay degganayd iyada oo wali ay taagan tahay xiisadda u dhexaysa maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo dowladda Federaalka ah. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in korantada iyo biyaha ay dib ugu soo laabteen magaaladaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wafdi ka socda Fedaraalka ay tageen magaalada.

Wafdiga ayaa sida la sheegay waxa ay la kulmeen madax ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maxamed Muuse Diiriye Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha ee Somaliland ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee degmooyinka xuduuda ay la leeyihiin Itoobiya ay heegan geliyeen, si loo ilaaliyo nabadgelyada maadaama qalalaase ka jiraan magaalada jigjiga .

Wuxuu sheegay inay Itoobiya la leeyihiin xiriir iskaashi ee xaga nabadgelyada iyo ganacsiga , sidaa darteedna ay indho dheer ku eegayaan xaaladda ka soo cusboonaatay jigjiga .


Wasiirka waxaa ugu baaqay shacabka somaliland inay ilaaliyaan nabadelyada dadka reer Ethiopia ee la nool.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip