HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 5-TA AGOOSTO 2018-KA

0
Sunday August 05, 2018 - 08:23:39 in Wararka by
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 5-TA AGOOSTO 2018-KA

    HUB IYO DADKII WATAY OO LAGU SOO QABTAY HOWLGAL KA DHACAY MUQDISHO Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay howlgal ay fuliyeen Ciidamada Ammaanka in lagu soo qabtay shan bambaano, labo b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HUB IYO DADKII WATAY OO LAGU SOO QABTAY HOWLGAL KA DHACAY MUQDISHO Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay howlgal ay fuliyeen Ciidamada Ammaanka in lagu soo qabtay shan bambaano, labo bistooladood iyo dukumiinti ay soo qoreen Alshabaab iyo 6ruux oo midi ay haween tahay.

Waxaa uu sheegay dadkaan lagu qabtay xilli ay ku gudah jireen Falal ldi ku ah Ammaanka Caasimadda ,islamarkaana lagu wareejiyay ciidanka dambi barista eeCID.

"Howlgalkaan waxaa door weyn ka qaatay shacabka, waana muhiim wadashqeynta

Shacabka iyo laamaha amaanka, sidaa daraadeed waan u mahad

celineynaa Bulshada reer yaaqshiid "ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Mamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in looga Baahanyahay dadka kireeya guryaha iyo kuwa ganacsatada ah in ay waajib ku tahay hubinta dadka ay guryaha ka kireynayaan, taasi oo qeyb ka ah sugiddaAmniga.

"Dadka kireeya guryaha waxaa looga baahanyahay in ay hubiyaan dadka ay ka kireynayaan”ayuu yiri guddoomiye Tuulax.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE IYO GOLIHIISA WASIIRRADA OO KA QAYB GALAY XUSKA 20SANO GUURADA AASAASKA PUNTLAND

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo habeen hore ka qayb galay munaasabadda xuska 20sano guurada dawlad gobaleedka Puntland oo lagu qabtay magaalada Garowe ayaa Shacabka iyo madaxda Puntland ku ammaanay dawlad jacayl, midnimo, horumar dhaqaale, ilbaxnimo, cirib tirka burcad badeedda iyo la dagaalanka Daacish iyo Shabaab.

"Aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaceyga, magaca xukuummadda, dhamaan magaca dawladda federaalka iyo magaca ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa halkaan fadhiya, Soomaaliyeed waxa aan idin leeyahay hambalyo 20sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaar Xasan Cali Khayre.

"Waxa aan u mahadcelinayaa madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne kuxigeenkiisa oo halkaan lagu soo bandhigay shaqada ay qabteen. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa madaweynayaashii kaa horeeyay oo gacan ka gaysatay dhismaha qarannimada aan halkaan u fadhinno. Waxa aan u mahadcelinayaa cid walba oo wax ka aasaastay qayb kamid ah sharafta Soomaaliyeed oo ah dhismaha Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu Puntland ku arkay hey'ado dawladeed oo dhismay 20kii sano ee lasoo dhaafay, xasilooni amni iyo mid siyaasadeed iyo in madaxweyne walba oo loo doortay in uu hogaamiyo Puntland uu xilligiisii ku dhamaystay si nabad ah taas oo ay ka muuqato bisayl dawladnimo oo ay tahay Soomaalida inteeda kale in ay ka barato.

"Puntland waxa aan kula kulmay maskax caafimaad qabta, maskax wayn oo hiigsi leh, bisayl dawladnimo oo ku dayasho mudan, dad Soomaaliyeed oo fahmay in dalka la wada leeyahay gartayna in la wada dhisto, reja cusub oo ah jaceylka ay dawladnimada u qabaan shacanka reer Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaha XFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku ammaanay dawrka odayaasha dhaqanku ay ku leeyihiin jiritaanka iyo horumarka Puntland waxa uuna kula dardaarmay in Soomaaliya inteeda kale baraan dhaqankaas wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Khaye ayaa adkeeyay in ay muhiim tahay in loo istaago Soomaalinimada, si loo helana ay tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, midnimada, dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh, in dhalinyasrada lagu jiheeyo wax soo saarka, Caruurta waxbarasho lagula dadaalo, dhalinyarada loo diyaariyo hogaamiyayaasha mustaqbalka iyo in la horumariyo caafimaadka dalka si wada lahaanshaha dalka loo xoojiyo.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa u ballan qaaday Puntiland in dawladda federaalka Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ay kula jirto kooxaha nabadiidka ah ee Daacish iyo Shabaab si amaanka iyo xasiloonida loo sii adkeeyo.DHAMMAAD

XILDHIBAAN SAKARIYE : MADAXWEYNE FARMAAJO MA UUSAN ORON CUNAQABATEYNTA HUBKA HALAGA QAADO ERITREA

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ka mid ahaa wafdiggii madaxweynaha ee tagan magaalada Asmara ayaa ka jawaabay buuqa iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

‘’Aniga waan hortaagnaa markii uu madaxweyne Farmaajo khudbadaa jeedinayay, marnaba ma uusan oran waa in Eritrea laga qaadaa cunaqabateynta hubka ee saaraan, ee madaxweynuhu waxaa uu ka hadlay waxey aheyd tan dhaqaalaha, waayo Annaga ayeeyba cunaqabateyn dhinaca hubka ah na saaran tahay, sidee marka ku codsanaa in dowlad kale laga qaado’’ ayuu yiri xildhibaan Sakariye.

Xildhibaanka ayaa meesha ka saaray cabashada Jabuuti isaga oo sheegay in Eritrea iyo Jabuuti labaduba yihiin labo dowladood oo kala madaxbannaan sidaa daraadeed Soomaaliya ay xaq u leedahay in labadaba la macaamisho.

‘’Maxaa leysku bar bar dhigayaa Soomaaliya dowlad walba gaarkeeda ayeey ula dhaqm eysaa, dowladdahana sidaa ayeey u dhaqmaan, marka Eritrea –na gaarkeeda ayaan ula dhaqmey naa, Jabuutina sidoo kale, tan kale arinta ka dhaxeysa Jabuuti iyo Asmara diyaar uma nihin in Jabu uti la dhabaateeyo, waxaana ay arintan ka hadlkeeda noqon kartaa tallaabada labaad, waayo hadda ka hor waxba kama aynaan qaban karin marka hore waxey aheyd in aan annaga la heshiinaa Ertiea markaa kaddib ayaan galikaraa wax ka qabashada khilaafka labada dowladood’’ ayuu yiri xildhibaan Sakariye.

Booqashada madaxweyna Farmaajo iyo wafdigiisu ku tageen Asmara ayuu ku tilmaamay in ay aheyd mid taariikhi ah oo loo baahnaa, madaama dadka reer Ertirea waligood arag madaxweyne Soomaaliyeed.

MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR OO WARBAAHINTA LA HADLAY

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo shalay la hadlay Warbaa hinta ayaa ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal kooban jeediyay ayaa dadka Shacabka ugu baaqay in ay isdejiyaan,islamarkaana aysan waxyeeleyn Qowmiyaddaha kale ee kunool Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ciidamada Milatariga ay geysteen dhibaato badan , islamarkaana ay dhaawaceen dad Shacab ah.

Waxaa uu tacsi u diray dadkii shalay ay dhibaatadu gaartay, waxaana uu sheegay in dhawan uu dhici doono Isbadel ballaaran.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay rabashaddaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 50 ruux.

Shalay ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa Fedaraalka Itoobiya ay la wareegeen xarunta baarlamaanka iyo goobo kale oo muhim ah oo ku yaalla magaalaad Jigjiga


DHALINYARO KENYAAN AH OO KU BIIRAY ALSHABAAAB

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka war helleen tiro dhalinyaro Kenyaan ah oo u tallaabay xadka dhinaca Soomaaliya kuwaa oo ku biiray Ururka hubeysan ee Alshabaab.

Afhayeen ku hadlay ciidamada militariga Kenya ayaa sheegay in dhalinyarada ka mid ahaayeen dadka ku dhaqan deegaannada dhaca dhinaca xadka ay wadaagaan labada dowladdood, kuwaa oo hadda u talaabay sida uu hadalka u dhigay dhinaca Soomaaliya.

Kenya ayaa muddo dheerba ku howlan sidii ay dalkeeda uga difaaci laheyd weerarrada uga imanaya dhinaca Alshabaab ee laga fuliyo gudaha dalkeeda, waxaana weeraradan inta badan loo adeegsadaan dhalinyaro Kenyaan ah oo laakiin ka tirsan Alshabaab.

Dowladda Kenya ayaa marar badan oo hore ugu baaqday dhalinyarada Kenyaanka ah ee ka tirsan Alshabaab in ay isaga soo baxaan oo haddii ay isku soo dhiibaan aan la dhibaateyn doonin, laakiin ma badna tirada Kenyaanka ah isaga baxay Alshabaab marka la barbar dhigo kuwo ku biiraya.

MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR OO WARBAAHINTA LA HADLAY

h Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo shalay la hadlay Warba ahinta ayaa ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay maga alada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal kooban jeed iyay ayaa dadka Shacabka ugu baaqay in ay isdejiy aan, islamar kaana aysan waxyeeleyn Qowmiyaddaha kale ee kunool Magaa lada Jigjiga.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ciidamada Milatariga ay geysteen dhibaato badan , islamarkaana ay dhaawaceen dad Shacab ah.

Waxaa uu tacsi u diray dadkii shalay ay dhibaatadu gaartay, waxaana uu sheegay in dhawan uu dhici doono Isbadel ballaaran.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay rabashaddaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 50 ruux.

Shalay ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa Fedaraalka Itoobiya ay la wareegeen xarunta baarlamaanka iyo goobo kale oo muhim ah oo ku yaalla magaalaad Jigjiga

MEHERADIHIII IYO GURYIHII OROMADDA OO LA BOOBAY IYO JAHAWAREER KA TAAGAN JIGJIGA

Ciidamadii fadaraalka ee shalay soo galay magaaladda Jigjiga ayaa wararku sheegayaan inay magaaladda ka baxeen ka dib markii shacabkii iyo ciidamada liyuu booliska ee deegaanku ka hor yimaadeen, kuwaas oo xoog kaga saaray ciidamada.

Ciidamada fadaraalka ayaa shalay la wareegay dhamaan xafiisyada dawladda iyo wadooyinka, haseyeeshee waxa baraha bulshada kala hadlay mas'uuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baarlamaanka deegaanka iyo xubno ka mid ah wasiirada, kuwaas oo shacabka ka dalbaday inay sharaftoodda ilaashaadaan oo dhulkoodda difaacaan.

Shacabka magaalada jigjiga ayaa ku qamaamay meheradihii iyo guryihii dadka aan soomaalida ahayn lahaayeen, gaar ahaan qoomiyadda Oromadda, waxaaanay boobeen hantidii taallay,iyadoo dadkii lahaana ka dhigay qaar firxaday iyo kuwo dhuumaalaysi ku jira magaaladda dhexdeedda.

Sidoo kale, waxa la gubay kiinasad weyn oo ku taallay Jigjiga, kuwaas oo ololkeedii iyo qiiqeeda daafaha magaalada laga arkayey.

Soomaalidda deegaanka ayaa ku dhawaaqayey oromo dooni mayno iyo Abiy Ahmed ha dhaco, waxaana wadooyinka kolba dhinac u soc socday gaadiidka shacabka oo dadku saaran yihiin iyo ciidamada liyuu booliska.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Liyuu booska oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhay ayaaa ii sheegay in ciidankii fadaraal ka saareen.

"waanu iska celinay waana ka saarnay magaaladda ciidankii nagu soo duuley ”ayuu yidhi sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo ka tirsan ciidanka Liyuu booliska wakhti uu aad u mashquulsanaa waxaanu ku jiray jawi dagaal oo buuq iyo sawaxan badan ayaan maqlayey intii aan telefoonka kula hadlayey, waxaanu dhibsanayey inaan la sii hadlo maadaama oo uu hawlgal ku jiro.

Madaxweynihii deegaanka Cabdi Maxamed Cumar ayaan ilaa hada la ogeyn halka uu ku sugan yahay, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu ku jiro xeero ay leeyihiin ciidanka liyuu booliska.

Ciidamada Liyuu booliska ayaa la sheegay inay qaarkood usii jeedaan xadka ay wadaagaan Oromadda, kuwaas oo ay doonayaan inay furin ka furtaan xuduudda soomaalida iyo Oromada u dhexeysa oo aanay xadka usoo dhaafin ciidamada Itoobiya.

Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay oo sheegtay inay xadka adkaynayso,isla markaana shacabka ugu baaqday in la ilaaliyo wixii xadka jooga ee Itoobiyaan ah iyo kuwo dalka gudihiisa joogaba.

"waa in la ilaaliyo dadka reer Itoobiya ah ee xadka iyo gudahaba ku nool, waana la adkaynaya wixii xadka soo galaya iyo wixii ka baxayaba, waayo anaga iyo Itoobiya wuu na saameeya wixii ka dhacaya, xag dhaqale iyo nabadgalyaba waanu isku xidhanahay dhinac walba wixii ka dhaca dhanka kale ayuu saamaynayaa”ayuu yidhi wasiirku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiirka mar la waydiiyey inay jiraan masuuliyiin kililka shanaad ka soo cararay inay Somaliland soo galeen iyo in kale waxa uu sheegay in aanu ogeyn wax dalka soo galay,isla markaana aanay jirin wax masuul oo usoo talaabay dhinaca Somaliland.

Dhinaca kale, magaalo xuduudeeda Wajaale waxa ku xaniban Itoobiyaan badan oo ka baqaya in jidka lagu waxyeelayo, kuwaas oo amni biday inay Wajaale iska joogaan, waxaanay dadkaasi u badan yihiin ganacstada ku xidhan magaalada Wajaale ee dhinaca Somaliland.

WASIIR CAWAD " WAA LA XALIYAY KHILAAFKII KA DHASHAY ISKUDEYGII XARIGA WASIIR KUXIGEENKA WASAARADDA

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in la xaliyay khilaaf ka dhashay iskuday ciidamo ka tirsan dowladda isku dayeen in ay ku soo xiraan wasiir kuxig eenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wasiirka ayaa sheegay isaga oo ku sugan Garoowe in ay jirtay in maxkamad amar ku bixisay in la soo xiro wasiir kuxigeenka, hasse ahaatee qalalaase ka dhashay kaddib arintaa la xaliyay, wax aana uu wasiirku sheegay in arinta uu soo dhaxgalay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Amarka xariga wasiir kuxigeenka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo khilaaf soo kala dhaxgalay hantadhowrka guud, Wasaaradda maaliyada iyo Wasaarradda arrimaha dibeda oo la xiri ira dakhliga soo gala Wasaarrada arrimaha dibeda Soomaaliya.

XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA OO KA HADLAY DAWADAHA LOO HAYSTO WASIIR KU XIGEENKA ARRIMAHA DIBBADA

Xeer ilaalayaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa markii u gu horeysay ka hadlay dacwada loo heysto Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Somaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud oo ciidamo shalay xafiiskiisa ay ugu tageen.

Dr. Axmed Cali Daahir oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho isagoo uu dhinac taagan yahay HantiDhowraha guud ee Qaranka ayaasheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda oo hey’adaha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan hadda.

Xafiiska HantiDhowrka ayuu sheegay inuu baaritaano ku hayay Wasiir ku xigeenka arimaha dibbeda Soomaliya mudo kusiman 4 Bilood.

Waxa uu sheegay iney baaris dheer kadib ay soo baxday fal danbiyeedyo lagu helay Wasiirka oo ay qeyb ka tahay;

Ku Xadgudub Xatooyo xoolo dadweyne,

Ku Xadguduba awood Xafiiseed,

Ku Daneysi shaqsiyadeed xoolo Xafiiseed iyo diidid howl qabasho Xafiis iyo

Ku xadgudbid Sharciga Maaliyada ee dalka.

Hay’adaha fulinta sharciga ayuu sheegay in Kiiskan hada gacanta ku hayaan, si ay udhaqan geliyaan awaamirta soo baxday ee ka dhanka ah Muqtaar Mahad.

XASAN SHEEKH OO SHIR MUHIIM AH UGA QEYB GALAY KIGALI

Shirkan oo looga hadlayay arrimaha dhaqalaaha Qaaradda Africa, kaas oo ay ka qeyb galeen in ka badan 100 isugu jirta madax hore, kuwo haatan shaqeeya intaba ayaa lagu qabtay magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda.

Madaxda shirkaasi ka qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Sooma aliya Mudane Xasan Sheeklh Maxamuud,kaas oo intii uu socday ka jeediyay khudbad qusaysa sida lagu hormarin karo dhaqaalaha Africa,

Shirakan oo ayaa waxaa inta badan xooga lagu saaray sidii loo kobcin dhaqaalaha guud ee dalalka Qaaradda Africa.

Madaxweyanha dalka Rwanda Paul Kagame oo shirkan marti galinayay ayaa tilmaamay in Afr ica ay leedahay kheyraad ku filan oo ay mudan tahay in looga faa’iideeyo dhammaan dalalka Qaa radda.

Ma’ahan markii ugu horresay oo shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Africa lagu qabto dalkaasi Rwanda.

MAXKAMADA CIIDAMADA OO SHALAY XUKUN KU RIDDAY HAWEENEY

Basra Maxamed Cali Warsame ayaa 21/05, ee sanadkan ciidamada amniga ka soo qabteen xaafadda Suuqaxoolaha ee degmada Hilwaa, waxayna xilligaas ciidamada Amniga helaan xog sheegaysa in haweeneyda ay u aheyd keyd haayaha hubka sida Bistooladaha iyo Bambooyinka Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Maxkamada.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa loo soo gudbiyay eed ka dhan ah eedeysanaha,wixii xilligaas ka dambeeyay ayay xafiiska Xeer ilaalinta isku howleen jiritaanka eedda ka dhanka ah eedeysanaha, 15/07 ee sanadkan ayay soo gabagabeeyeen baaristooda, waxaana ay weydiisteen garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga waqti qaadista eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame.

28/07 ee sanadkan ayay ogolaatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo fariisto eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame, waxaana ay dhageysteen garsoora yaasha eedda ka dhanka ah Basra, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay Qareenada difaacayay eedeysanaha in iyana soo bandhigeen sharciyada ay ku diidanaayeen eedda ka dhanka ah Basra Maxamed Cali Warsame.

Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa xilligaas u sheegay dhinacyada dacwadda in dib la isugu soo noqon doono oo ay jirto fadhiya kale xilligaas oo laga dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhamey stiraan cadeymaha eedeysanaha.

04/ bishan aynu ku jirno ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkmadda, wax yaabaha dheeraadka oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa kamid ah In eedeysanaha seygeeda oo lagu magacaabi jiray Liibaan Maxamed Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) uu ahaa Alshabaab, sanad iyo bar ka horna uu ugu dhintay qarax uu waday degmada Hilwaa, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen cadeymo kale oo muujinayo in wixii xilligaas ka dambeeyay nin lagu maga caabo khaalid uu ku qanciyay shaqada ay u heeysay Alshabaab.

Ugu dambeyn garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya qiraalka eedeysanaha, ka warcelinta jawaabaha ay ku cadeysay garsooraka hortiisa, dhageysiga markaatiyaal uu kamid yahay baaraha kiiska in Maxkamadda Ciidamada Basra Maxamed Cali Warsameay ku xukuntay Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada kooweed ee Ciidamada Qalabka Sida.

DHALLINYARO KU NOOL HARGEYSA OO MASAAJID KU BAARTAY DADKII TUKANAYAY & IMAAMKII MASJIDKA

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in dhallinyaro ku nool magaalada Hargeysa ay ku dhaqaaqeen fal aad u fool xun kadib markii ay baaris ugu dhaqaaqeen dad masaajid ku cibaaseynayay iyo Imaamkii masaajidka.

Falkaan oo dhacay habeenkii habeen hore ahaa ayaa waxa geystay 7 ruux oo dhallinyaro ahaa kuwaas oo galay masaajid ku yaala xaafadda Sheekh Nuur iyagoona halkaas dadkii ku cibaa deynayay uga qaatay moobeylo iyo alaabo kale. Ciidamada ammaanka Somaliland gaar ahaan kuwa booliiska oo markii uu falkaas dhacay kadib howlgal sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay dhallinyaradii ku dhaqaaqday falkaas foosha xun. Afhayeenka ciidamada booliiska Somaliland oo warbaahinta kula hadlay goobtii dhallinyarada lagu soo bandhigay ayaa waxa uu sheegay in dhallinyarada ay masaajidka ku weerareen tooshash waaweyn oo ay dadka indhaha ka qabanayeen oo uu qofka jahwareerayo faashashka geedaha lagu jaro oo uu sheegay inay dadka masaajidada ku cibaadeysanaya uga qaadanayaan moobieylada.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in dhallinyaradaas oo la baxay magacyo halis ah ay markii weerarka geysanayeen ay xirnaayeen maasgaraha wajiga lagu xirto si aanan loo fahmin wajiyadooda,waxana uu afhayeenka ciidamada booliiska ku ammaanay sida deg dega ah oo isla habeen hore ay uga jawaabeen falka foosha isla markaana usoo qabteen dhallinyaradii ka dam beysay falkaasi.

MAAMULKA DEGMADA BALCAD OO KU DHAWAAQAY HOWLGAL LAGA FULINAYO WADADA XIRIIRISA BALCAD IYO JOWHAR

Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa ka hadlay xaalada amniga ee ka jira Wadada xiriirisaBalcad iyo Jowhar.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Qaasim in Al Shabaab tuulooyin qaar ah ay joogaan inta u dhaxeeysa Balcad iyo Jowhar,wuxuuana tilmaamay in dhawaan laga saari doono gacan ku heynta tuulooyinkaas,isgoona ku dhawaaqay howlgal laga fulinaayo Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa sidoo kale sheegay Al Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka ku nool Deegaanada hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe .

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay Guddoomiyaha in Al Shabaab aysan weerar ka soo qaadin deegaanka Basra oo ay ka yimaadan dhulal kale,isagoona sheegay in dabagal ay ku hayaan.

Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weerar jid’gal ah oo Al Shabaab ay la beegsadaan mas’uuliyiinta ku socdaala wadadaasi,iyadoona lagu dilay wadadaasi weerar ka dhacay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

GUDOOMIYE YARIISOW OO SHEEGAY IN AY QABTEEN SARKAAL SARE OO SHABAAB KA TIRSAN

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xog ka helay Shacabka kunool degmada Wadajir in ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan Sarkaal Sare oo ka tirsan AlShabaab.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Duqa Muqdisho waxaa uu u mahadceliyay Shacabka kunool degmada sidda ay ula shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka.

YARIISOW Yariisow ma shaacin Magaca iyo xilka uu haayay ninka ay qabteen ciidamada Ammaanka , laakiin waxaa uu sheegay in ay ku waddaan baaritaano.

"Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan argagixisada Alshabaab, kaas oo doonayey in uu ku dhex dhuumaaleysto shacabka. Aad ayaan ugu bogaadinaynaa Bulshada Caasimadda feejignaanta ay kaga jiraan argagixisada iyo sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka” ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Amniga Magaalada Muqdisho ayaa Isbedal Ballaaran lagu sameeyay, waxaana hadda sugga Ciidamo lagu Magacaabo 14 October.

CIIDAMADA ETHOPIA OO LA WAREEGAY XARUMIHII DOWLADD DEEGAANKA SOOMAALIYA..

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jigjiga ee dowladd deegaanka Soomaaliya Itoobiya ayaa ku waramaya in shalay ay xiisadd halkaas ka jirto.

Ciidamadda Milatariga Itoobiya ayaa lagu arkayaa bartamaha Magaalada Jigjiga,kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa loo yaqaano Uuraalka,waxayna goordhaweyd la wareegeen TVga Maamulka iyo Xarun lagu magacaabo Qaryaan Dhoodaan iyo meelo kale oo xarumaha Maamulka ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arintaan ay ka dambeysay kadib markii xubno ka mid ah ismaamulka Somalida damacsan yihiin in ay xiriirka u jarayaan dowladda Federaalka ee Itoobiya, kadib markuu uu fashilmay kulan dowladda dhexe ee Itoobiya ugu yeertay Adis ababa Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhanka kale Raxmo Maxamuud Haybe oo ka mid ah Golaha Wasiirrada dowlad deegaanka ayaa laga soo xigtay in ilaa hadda aan la ogeyn halka uu ku suganyahay Madaxweynaha Dowladd deegaanka,iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in Xabsi Guri yahay.

hoooooooor Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray hadal heyn ku aadan in dadka dowladd deegaanka Soomaaliya Itoobiya ay doonayaan in isbadal uu dhaco,islamarkaana xilka laga tuuro Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

BOGGA CAYAARAHA

LIVERPOOL OO XASUUQ WAYN U GAYSATAY KOOXDA CARLO ANCELOTTI EE NAPOLI IYO SHAN CIYAARTOY OO REDS AH OO GOOLAL ISKUGU FAANAY.

Kooxda Liverpool ayaa xasuuq wayn u gaysatay Napoli kulan ka dhacay caasimada Jamhuuriyada Ireland ee Dublin iyada oo Liverpool u awood sheegatay kooxda ree Talyaani. Liverpool ayaa 5-0 ku xasuuqday Napoli iyada oo James Milner, Wijnaldium, Mohamed Salah, Daniel Sturrdige iyo Alberto Moreno ay dhamaantood min hal gool dhalliyeen.

Liverpool oo ku jirta diyaar garogeedii ugu danbeeyay ee ka hor xili ciyaareedka cusub ayaa kulanka Napoli ku soo xidhay kulamadii saaxiibtinimo ee ay xagaagan soo ciyaartay ee ka baxsanaa garoonkeeda Anfield waxayna ugu danbayn Reds kulanka saaxiibtinimo ee ugu danbeeya ku ciyaari doontaa Anfield iyada oo soo dhawayn doonta kooxda Torino.

Carlo Ancelotti iyo kooxdiisa Napoli ayaa waji gabax wayn kala kulmay Liverpool laakiin Jurgen Klopp iyo jamaahiirta kooxdiisa Reds ayay u ahayd ciyaar ay ku raaxaysteen isla markaana ay niyadsami fiican ku wajihi doonaan xili ciyaareedka cusub. Goolhaye Alisson ayaa kulankiisii ugu horeeyaye e Liverpool saftay wuxuuna garoonka kala baxay shabaq nadiif ah.

DAQIIQADII 4 AAD Liverpool ayaa goolka furitaanka la timid kadib markii uu James Milner dhamaystiray goolka furitaanka kooxdiisa Reds isaga oo caawin ka helaySadio Mané waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Liverpool markiiba hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 9 AAD Liverpool ayaa xaalada ku sii xumaysay Napoli waxaana goolka labaad u saxiixay Georginio Wijnaldum oo uu kulankani muhiim u ahaa maadaama oo aanu wax badan soo ciyaarin kulamadii hore waxaana caawinta goolkan sameeyay xidigii goolka kowaad dhaliyay ee James Milner waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Liverpool markiiba hogaanka ku dheeraysatay.

Napoli ayaa isku dayday in ay goolashan iska soo celiso qaybtii hore ee kulankan laakiin kooxda Jurgen Klopp ayaa iska diiday in ay wax qaladaad ah samayso waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 2-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Liverpool ayaa sii laba jibaartay weerarkii iyo fursad abuuristii badnayd ee ay ku haysay Napoli waxayna kooxda Klopp bilawday in ay xasuuq u gaysato Napoli.

DAQIIQADII 58 AAD Mohamed Salah ayaa markiisa gaadhay shabaqa Napoli wuxuuna Liverpool u saxiixay goolka saddexaad isaga oo sidii looga bartay lugtiisa bidix u adeegsaday darbada uu goolkan ku dhaliyay waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay Reds ku dubanayso Napoli oo xaalad adag sii gashay.

DAQIIQADII 73 AAD Daniel Sturridge ayaa halkiisa ka sii watay gool dhalintii cajiibka ahayd ee uu ku soo jiray kulamadii saaxiibtinimo ee uu Liverpool u soo ciyaaray xagaagan wuxuuna dhaliyay goolka afraad ee ay Reds jilbaha dhulka ugu dhigtay Napoli isaga oo natiiada ciyaarta ka dhigay 4-0 ay Reds ku dul ordayso SSC Napoli.

DAQIIQADII 77 AAD Alberto Moreno ayaa goolka shanaad ku sii ceebeeyay Napoli kadib markii uu caawin ka helay Daniel Sturrdige wuxuuna goolkani ahaa mid xaaladii cakirnayd ee Napoli ka sii dhigay mid aan sharaxaad lahayn waxayna ciyaartu noqotay 5-0 ay Liverpool ku xasuuqayso Napoli.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-0 ay Liverpool ku xaaqday Napoli waxaana sidaa ku soo dhamaaday kulamadii saaxiibtinimo ee ka baxsanaa Anfield ee ay Liverpool soo ciyaartay iyada oo kulanka ugu danbeeya ee ka hor xili ciyaareedka cusub Anfield ku soo dhawayn doonta kooxda Torino.

JAMES RODRIGUEZ OO FARIIN QIIRO LEH U DIRAY ARTURO VIDAL KADIB UU KASOO TEGAY BAYER KUNA SOO BIIRAY BARCA

James Rodriguez ayaa wuxuu dhanbaal sagootin ah usoo qoray saaxibkiisii hore ee Arturo Vidal, kaasoo kasoo tegay Bayern Munich, kuna soo biiray dhigeeda Barcelona ee wadanka Spain.

Vidal ayaa waxaa lagu soo iibsaday qiimo lacageed dhan 27 milyan oo yuuroo, sidda ay warbaahintu sheegeyso, inkasta oo labada koox aysan wali ka hadlin.

Waxaa loo arkaa saxiix ugu yaraan bedal unoqon kara Andres Iniesta, kaasoo ka tagay Barcelona kuna biiray naadiga Vissel Kobe ee dalka Japan.

James Rodriguez, xidiga ay milkiyadiisa leedahay Real Madrid, laakiin amaahda ugu dheelaya Bayern Munich ayaa nasiib wanaagsan urajeeyay Vidal.

"Waa xayawaan marka uu garoonka ku jiro, iyo shaqsi wanagasan, waaan kuu rajeynayaa wanaag, walaalkeyga iga yarrow,” ayuu yiri James.

"Waan ku qirsanahay, waad I cajaa’ib gelisay, waana ku jeclahay, mar walab guuleyso,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay James Rodriguez.

RASMI: BARCELONA OO SHAACISAY IN ALEIX VIDAL UU KU BIIRAY KOOXDA SEVILLA

Kooxda Barcelona ayaa ku shaacisay shabakadeeda rasmiga ah in Aleix Vidal uu ku biiray isla kooxda reer Spain ee Sevilla.

Warka kasoo baxay kooxda Barcelona ayaa lagu sheegay "Kooxaha Barcelona iyo Sevilla waxay ka heshiiyeen saxiixa Aleix Vidal, Sevilla waxay bixin doontaa 8.5 milyan oo euros, lagu daray 2 million euro ee ah lacagaha kala wareejinta”.

"Barcelona waxay kaga mahadcelineysaa Aleix Vidal shaqadii adkeyd uu kooxda kasoo qabtay, waxayna u rajeeneysaa mustaqbal wanaagsan”.

Tani waxay keeneysaa in Aleix Vidal uu dib ugu laabtay 3 sano kahor meesha uu ka yimid waana xili ciyaareedkii 2015/2016 ilaa 2017/18 uu kusoo qaatay garoonka Camp Nou.

INTERNATIONAL - CHAMPIONS CUP:: PLAY-OFF AUGUST 4

Inter 1 - 0 Lyon

Real Madrid 3 - 1 Juventus

Milan 1 - 0 Barcelona.

England - Community Shield August 5

07:00Chelsea ? - ? Manchester City.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip