Madaxweynaha Puntland oo la Xisaabtamaya Golahiisa Wasiiradda

0
Saturday January 02, 2016 - 10:22:12 in Wararka by
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo la Xisaabtamaya Golahiisa Wasiiradda

    Xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka bilowday Shirka la xisaabtanka Hay'adaha Maamulkaasi oo uu Sanadkii labaad Madaxwayne Gaas Waxqabadkoodii dhaga dhagaysanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka bilowday Shirka la xisaabtanka Hay'adaha Maamulkaasi oo uu Sanadkii labaad Madaxwayne Gaas Waxqabadkoodii dhaga dhagaysanayo. Waxaa goobta shirka ku sugan madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo dhamaan wasaaraddaha, oo saaka diyaar u ah inay soo bandhigaan wax qabadkoodii sanadkii tagay ee 2015, waxaana si toos looga baahinayaa talefeshinka Puntand.

Barnaamijkaan la xisaabtanka ah ayaa lagusoo gabagabayn doonaa maanta iyo beri, iyadoo shacabka reer Puntland iyo kuwo kale ee Soomaaliyeedba si toos ah ula socdaan wasaarad kasta waxa ay qabatay iyo su’aalaha madaxweynaha iyo guddigiisu weydiindoonaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa qudbad ka jeediyay shirkaan, taasoo uu uga hadlayay wax qabadka dowladiisa ee sanadkii tagay, isagoo sheegay muhiimada la xisaabtankaan inuu yahay sidii shacabka loogu soo bandhigi waxqabadka hay’ad kasta oo dowladdiisa katirsan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip