
Xaalada Degaanka Buuq-garsoor oo ay ku Dagaalameen labo Beel oo Saakay deggan
Wararka laga helayo Degaanka Buuq-Garsoor 50Km u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Saaka lagu soo waramayaa in ay deggan tahay kadib Dagaallo Culus oo halkaasi ka dhacay. Dagaal labo maalin qaatay oo u dhaxeeyay
labo Maleeshiyo Beeleed ayaa ka dhacay Degaanka Buuq-Garsoor 50Km u jira
Magaalada Baladweyne, iyadoona Dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 10
Ruux.
C/qaadir Maxamuud Axmed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Magaalada Baladweyne ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in ay degan tahay Xaalada Degaanka lagu Dagaalamay.
Waxuu sidoo kale tilmaamay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu wado qorshe Ciidamo lagu kala dhexdhigayo labada Maleeshiyo Beeleed ee halkaasi isku haya.
Ugu dambeyn, Dagaalka Beeleedkan qarxay Degaanka Buuq-Garsoor ayaa waxuu daba socdaa sida la sheegay Dagaallo dhawaan ka dhacay Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan


0 



Xaalada Degaanka Buuq-garsoor oo ay ku Dagaalameen labo Beel oo Saakay deggan
Wararka laga helayo Degaanka Buuq-Garsoor 50Km u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Saaka lagu soo waramayaa in ay deggan tahay kadib Dagaallo Culus oo halkaasi ka dhacay.