Hordhac: Arsenal v Newcastle – Gunners Oo U Darban Inay Sii Xajisato Hogaanka Horyaalka Kulankooda Ugu Horeeya Ee Sannadka Cusub.
Waxaa la marayaa kala bar xilli ciyaareedka Premier League, Arsenal ayaana farqiga goolal ku hogaamineysa iyadoo la soo galay 2016.
Kooxda Gunners oo ka yara cadcad hanashada horyaalka kooxda kaalinta seddexaad ee Man City ayaa wadada u saaran inay soo gabagabeyso sugitaankeedii 12ka sanno ee koobka Premier League, waxaana ay kulankooda ugu horeeya ee sannadka cusub ay Emirates Stadium ku soo dhaweynayaan Newcastle United.
MAXAA KA CUSUB?
Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Mathieu Flamini ayaa ciyaari kara ka dib markii dhaawac yar uu ka soo gaaray canqowga.
Alexis Sanchez ayaa weli maqan laakiin waxa uu ku soo dhawaanayaa inuu ku soo laabto kooxda koowaad, halka Jack Wilshere iyo Santi Cazorla ay ka mid yihiin xiddigaha seegaya kulankaan.
Newcastle waxaa ka maqan xiddiga khadka dhexe Vermon Anita kaasoo qaba dhaawac muruqa ah.
Goolhaye Rob Elliot ayaa u dagaalamaya inuu taam noqdo ka dib caloon xanuun soo wajahay, Rolando Aarons iyo Emmanuel Rivieira ayaa iyagana ku soo laabtay tababarka laakiin sida Arsenal liiska dhaawacyda Newcastle waa uu dheer yahay.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Arsenal (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Flamini, Ramsey; Walcott, Ozil, Campbell; Giroud.
Newcastle (4-2-3-1): Elliot; Dummett, Coloccini, Mbemba, Janmaat; Colback, Anita; Wijnaldum, Perez, Sissoko; Mitrovic.
Hordhac: Arsenal v Newcastle – Gunners Oo U Darban Inay Sii Xajisato Hogaanka Horyaalka Kulankooda Ugu Horeeya Ee Sannadka Cusub.
Kulanka: Arsenal v Newcastle Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Anthony Taylor