WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 31-DA LUULYO 2018-KA

0
Tuesday July 31, 2018 - 07:12:28 in Wararka by
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 31-DA LUULYO 2018-KA

    Madaxweyne Farmaajo oo shalay soo Madaxweyne Farmaajo ayaa intuu joogay dalka Eretrea wuxuu la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Ere-trea waxay kawada hadleyn qodobo ay ka mid yihiin in Soomaaliya iyo Er-eteriya dardar geliyaan sidii ay u sameysan lah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo shalay soo Madaxweyne Farmaajo ayaa intuu joogay dalka Eretrea wuxuu la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Ere-trea waxay kawada hadleyn qodobo ay ka mid yihiin in Soomaaliya iyo Er-eteriya dardar geliyaan sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi taaba-naya dhinacyada siyaasadda, dhaq-aalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca, amniga iyo in labada dal yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed oo ay yeeshaan labada dowladood iyaga oo is dhaafsada danjireyaal.

Wuxuu sidoo kale madaxweyne Farmaajo uu la kulmay jaaliyada Soo-maaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo xu-bno sare oo ka tursan jabhada ONLF.

Sikastaba ha`ahaatee madaxw-eyne Farmaajo iyo wafdigii uu hogaa-minaayay ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Muwaadiniinta Maraykanka Oo Looga Digay Inay U Soo 

Socdaalaan Dalka Somalia.

Xarumaha Ka-hortagga iyo Ba-aritaanadda Cudduradda ee dalka Maraykanka (The Centers for Disease Control and Prevention (CDC) waxay soo saareen Digniinta ku aadan inaan socdaal lagu tegi karin Somalia, sababo la xiriirta Cuddurka Dabaysha (Polio) oo dhawaan ka dillaacay Som-alia.

Qoraala ka soo baxay Xar-umaha CDC waxaa lagula taliyey dh-amaan Dhoofayaasha ku sugan Ma-raykanka ee doonaya inay u socd-aalaan dalka Somalia inay si buuxda u qaataan Tallaalka looga hortegayo Cuddurka Dabaysha.

Dadka haysta dhalashadda Maraykanka ee doonaya inay Somalia joogaan wax ka badan 4 isbuuc wa-xay CDC sheegtay in laga doonayaa caddaymo muujinaya Tallaalka Cudd-urka Dabaysha, iyadoo dadka waa weyn ee sida buuxda u qaatay Tall-aalkaasi la siin doono hal dhibic ee Goojadda Dabaysha, ka hor intaysan u soo socdaalin Somalia.

aaa Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Xarumaha Ka-hortagga iyo Baaritaanadda Cudduradda ee dalka Maraykanka (CDC) waxaa ku xuseen inay heleen warar ku adaan inuu Cuddurka Dabaysha ka dillaacay gu-daha magaalladda Muqdisho iyo Gob-alladda Hiiraan iyo Sh/dhexe, wax-ayna ka digtay inuu cuddurkaasi si fudud ugu dhex faafi karo dadka aan laga tallaalin cuddurkaasi.

Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey in Fayriska Cuddurka Daba-ysha uu keeni karo xanuuno badan oo waxyeello gaarsiiya Murqaha Ne-efsashadda, Maskaxda, xanuun qoorta, dhabar iyo gacmaha, qufac iyo khatar curyaanimo.

Ra’isul-Wasaarihii Hore Ee Pakistan Oo La Dhigay Isbitaalka.

Maamulayaasha dalkaasi ayaa shay in R.Wasaarihii hore, Nawaas Shariif loola cararay Isbitaalka, kadib, markii uu xanuun dhinaca Wadnaha dareemay.

Nawaas Shariif oo 68-jir ah wa--xaa daraad laga saaray Xabsi ku ya-alla magaalladad RUWALAPINDI, Waxaana loo wareejiyey Isbitaalka Khaadka ee Machadka Daaweynta ee PIMS oo ku yaalla caasimadda dalka-asi ee Islamabaad.

Warbaahinta Dowladda dalk-aasi waxay sheegtay inay Dhakha-atiirta baarrrn Nawaaz Shariif oo isaga ka cabanayey xanuun dhinaca Laa-bta, waxayna Dhakhaatiirtu xaqiijiyeen inay jiraan dhaqhaqaaq la’aan ku yimaada Wadnaha.

Bishan July 24-dii, Qoraal dhi-naca Caafimaadka ayaa lagu sheegay inuu u baahan yahay La-tashi Daryeel Caafimaad.

Sannadkii 2016-kii waxaa lagu sameeyey qaliin dhinaca Wadnaha, waxaana la sheegay inuu yahay Buk-aan la il-daran Cuddurka Macaanka ee Diaberic.

Ra’isul-wasaarihii hore ee Paki-stan waxaa xilkaasi laga qaaday bishii July ee sannadkii hore, kadib, markii lagu soo oogay falal Musuqmaasaq ah, waxaana lagu xukumay Xabsi 10-sanno oo dhawaan u bilowday.

 

RW Abiy Ahmed: "Muslimiinta Ku Nool Dalalka Khaliijka Aad Bay Uga Tiro 

Yar Yihiin Muslimiinta Ku Nool Ethiopia”.

Amiirka leh Dhaxaltooyadda Imaaradda Abu Dubai ee dalka Isut-agga Midoobay ee Imaaraadka, Max-amed Bin Zaayid Bin Sultan Al-nah-yaani waxa uu xaallad xannuun badan kala kulmay RW Ethiopia, Abiy Ahm-ed Ali, kadib, markii uu ka codsaday inuu taageero ka geysto sidii Machad Islaami ah looga dhisi laaha magaal-ladda Addis Abeba.

Abiy Ahmed waxa uu hada-lkaasi ku sheegay mar uu Kulan Furan uu Jaalliyadda Ethiopian-ka ku nool MaraykanKA kula yeeshay Xarunta Ururka Badar ee Ethiopia oo ku yaalla magaalladda Virginia ee dalKaasi.

Dhaqdhaqaaq-yahan Ethiopian oo ka qeyb galay Kulankaasi.ayaa la sheegay inuu dhacdadaasi u gudbiyey Shabakadda Wararka ee Al-khaleej Online.

RW Abiy Ahmed oo ka had-layey Wada-sheekeysigii uu la yee-shay Maxamed Bin Zaayid waxa uu wax ka weydiiyey Dhismaha Macha-dka Islaamka.

"Maxaad idinka (Imaaraad) ah-aan nagu taageeri kartaan ?” ayuu Abiy Ahmed weydiiyey Dhaxal-sugaha Amiirka Abu Dhabi, oo isagana ku jawaabay: "Waxaa idinka taageeri do-onaa wax kasta, waana idin bari do-naa”.

Abiy Ahmed waxa uu joojiyey Dhaxal-sugaha, kadibna sii weydiiyey: "Annaga kaa dooni mayno inaad An-naga na barto Islaamka ee aad Adiga lumisay?. Wxaan kaa doonaynaa Adi-ga inaad sida ugu dhaqsaha badan noo barto Luqadda Craabiga, si aan awood ugu yeeshanao inaan fahamno Islaamka Saxda ah, kadibna aan dib kuugula soo laabano”.

RW Ethiopia waxa uu sii raa-ciyey: "Waxaan u sheegay isaga, had-dii aan helno dhamaan tirada guud ee dadka ku nool Gacanka Carbeed, wa-xaan heli doonaa inay aad uga tiro yar yihiin tirada Muslimiinta ku nool gu-daha Ethiopia.

Yuusuf Garaad "Haddii uu dhab yahay in Madaxweynaha raalli gelin ka 

bixiyay arrintii Qalbi Dhagax waa soo dhoweynayaa”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dib-adda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cu-mar ayaa sheegay inuu soo dhowe-ynayo raalli gelinta la sheegay in Mad-axweyne Farmaajo uu ka bixiyay arr-intii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dh-agax oo sanadkii hore ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar oo daraad Madaxw-eyne Farmaajo kula kulmay magaal-ada Asmara ayaa sheegay inuu raalli gelin ka bixiyay arrintii C/kariin Qalbi Dhagax.

Yuusuf Garaad ayaa ka mid ahaa saddex Wasiir oo ka hor-yimid go’aankii Golaha Wasiirada ku taag-eereen qaraarkii ay soo saareen 6-di bishii September ee ahaa dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax.

Halkan hoose ka akhriso qora-alka Yuusuf Garaad

Haddii uu dhab yahay warka aan saxaafadda ka maqlay, waxaan aad u soo dhoweynayaa in Madaxwe-ynaha Soomaaliya uu raalli gelin ka bixiyay in Cabdikariin Shiikh Muuse "Qalbi-dhagax” ay Dowladda Soomaa-liya u dhiibtay Dowladda Ethiopia.

Arrinkaas oo muran badan ka dhaliyay Golaha Fulinta dhexdiisa iyo sida oo kale Golaha Sharci dejintu, shacabka Soomaaliyeedna uu aad uga dhawaaqay waxa keliya oo Mad-axda Qaranka la gudfboon waxay tah-ay in ay raalli gelin ka bixiyaan weliba aan af ku koobnayn ee wadata ficil ku wajahan muwaaddinka ay tooska u saameysay.

Khalad wuu dhacaa, laakiin in la qirto, inta la awoodana la saxo waa geesinnimo.

Ra’isul-Wasaarihii Hore Ee Pakistan Oo La Dhigay 

Isbitaalka.

Maamulayaasha dalkaasi ayaa shay in R.Wasaarihii hore, Nawaas Shariif loola cararay Isbitaalka, kadib, markii uu xanuun dhinaca Wadnaha dareemay.

Nawaas Shariif oo 68-jir ah wa-xaa daraad laga saaray Xabsi ku ya-alla magaalladad RUWALAPINDI, Waxaana loo wareejiyey Isbitaalka Khaadka ee Machadka Daaweynta ee PIMS oo ku yaalla caasimadda dalka-asi ee Islamabaad.

Warbaahinta Dowladda dalka-asi waxay sheegtay inay Dhakhaatiirta baarrrn Nawaaz Shariif oo isaga ka cabanayey xanuun dhinaca Laabta, waxayna Dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in-ay jiraan dhaqhaqaaq la’aan ku yima-ada Wadnaha.

Bishan July 24-dii, Qoraal dhin-aca Caafimaadka ayaa lagu sheegay inuu u baahan yahay La-tashi Daryeel Caafimaad.

Sannadkii 2016-kii waxaa lagu sameeyey qaliin dhinaca Wadnaha, waxaana la sheegay inuu yahay Buk-aan la il-daran Cuddurka Macaanka ee Diaberic.

Ra’isul-wasaarihii hore ee Paki-stan waxaa xilkaasi laga qaaday bishii July ee sannadkii hore, kadib, markii lagu soo oogay falal Musuqmaasaq ah, waxaana lagu xukumay Xabsi 10-sanno oo dhawaan u bilowday.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Xafiisyo Cusub Ku 

Wareejiyay Gudiyada Joogtada Ah

Guddoomiyaha Golaha shac-abka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shalay qaar ka mid ah Guddiyada Golaha shacabka ku wareejiyay xafiisyo cusub oo ay ku sh-aqeeyaan.

Guddiyada xafiisyada lagu war-eejiyay waxaa ka mid ah.

Guddiga ganacsiga iyo dhaq-aalaha ee golaha shacabka.

Guddiga difaaca ee golaha shacabka.

Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka.

Guddiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka.

Guddiga beeraha ee golaha sha-cabka.

Guddoomiyeyaasha guddiyada lagu wareejiyay xafiisyada cusub ayaa ka mahad celiyay kuna ammaanay Guddoomiyaha Golaha Shacaka Mud-ane Maxamed Mursal Sheikh C/ra-xmaan sida dhaqsiyaha leh uu kaga jawaabay codsigooda.

" Runtii xafiisyadaan cusub ee naloo dhisay wax weyn ayay shaq-adeena ku soo kordhinayaan waana ugu mahad celineynaa Guddoom-iyaha tallaabada wanaagsan ee uu qaaday” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Guddoomiyaha Golaha shac-abka ee BJFS Mudane Maxamed Mu-rsal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiy-ada golaha kula dardaarmay iney shaqooyinkooda sii laba jibaaraan, maadaama loo dhisay xafiisyadii ay u baahnaayeen.

" Waxan ku guuleysanay inan dhammaan Guddiyada Golaha Shaca-bka aan u dhisno xafiisyo ay ku sha-qeeyaan, hadda ka dib waxa ay ka maarmi doonaan shirarkii ay ku qab-san jireen hoteelada”. Ayuu yiri Gud-doomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in-uu ku faraxsan yahay inuu ka dhab-beeyo balan qaadkii ahaa in guddi wa-lbo uu helo xafiis u gaar ah.

" Haatan aad bay ii farxad gelineysaa inan arko Guddi walbo oo leh xafiis u gaar ah, cid walbo oo ga-can ka geysatay wa u mahad celi-nayaan” ayuu mar kale yiri guddoom-iyaha.

Guddoomiye Mursal waxaa wa-reejinta xafiisyada waxaa ku wehlin-aayay Guddoomiye ku-xigeenka koo-waad ee Golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey), Habdhowra golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha Guud ee Gol-aha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Khayre oo sheegay in loo baahan yahay siyaasad hufan oo kala saarta….

Ra’iisul Wasaaraaha xukuuma-da federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Gar-owe oo khudbad dhinacyo badan taa-baneysa ka jeedinayey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u soo same-eyeen madaxda iyo dhalinyarada Ja-amacada Bariga Africa ayaa ugu ho-reyn ku ammaanay madaxda iyo sh-acabka reer Puntland sida ay isu horumariyeen mudadii ay jireen oo gaareysa 20 sano.

Khayre ayaa sheegay in dadkii dalkan xornimada garsiiyey ay dhal-inyaro ahaayeen, taasina ay ku kee-neen isku duubni iyo wadajir, sidaas darteed uu ugu baaqayo dhalinyarada inay ka fakaraan sidii ay u midoobi lahaayeen dalkoodana ay dhibaatada uga saari lahaayeen.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Was-aare Khayre in loo baahan yahay siya-asad hufan oo kala saarta awoodda dowladda federaalka iyo dowlad gob-oleeyada, mar uu ka hadlayey dagaa-lka deegaanka Tukaraq waxa uu she-egay in dagaalkaas uu dhibaato ku yahay shacabka labada dhinac iyo guud ahaan Soomaaliya sidaas dart-eed ay haboon tahay in si deg deg ah lagu joojiyo.

Waxa uu sheegay in sanadka 2020-ka ay dowladda rajeyneyso in dalka laga hirgaliyo Dastuur dhab ah shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin, kaas oo ah sharci dadka kala hagaya.

Ugu dambeyntii Madaxda Jaa-macada Bariga Africa ee magaalada Garowe ayaa Ra’iisul Wasaare gudo-onsiiyey shahaado sharaf ku saabsan sida uu ugu guuleystay xasilinta dalka, waxaana isla goobta lagu siiyey buug ka hadlayey sida loo noqdo hogaa-miyo wanaagsan.

War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo 

Soomaaliya

War-murtiyeedka heshiiska Do-wladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

Iyada oo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dh-eer ee labada shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya;

Iyada oo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soom-aaliya iyo Ereteriya ay si joogta ah isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey xorn-imada, madaxbannaanida iyo horu-marka;

Iyada oo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah iyo dadaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

Dowladaha Ereteriya iyo Soo-maaliya waxay ku heshiiyeen qodob-bada soo socda: -

1.Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna leedahay khay-raad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah. Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siy-aasadeed, qarannimada iyo midni-mada Soomaaliya si dalku u soo ces-hado maqaamkii uu ku dhex lahaa du-nida, loona xaqiijiyo himilooyinka sha-cabka Soomaaliyeed.

2.Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u same-ysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3.Labada dal waxay yagleelayaan xi-riir diblomaasiyadeed iyaga oo is dha-afsanaya danjireyaal, sarena u qaad-aya ganacsiga iyo maalgashiga dhe-xdooda ah, sidoo kalena isweydaa-rsanaya fursadaha la xiriira waxbar-ashada iyo dhaqanka.

4.Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xas-illoonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

DHAMMAAD

Agaasimihii Dib u dajinta Wa-saaradda Gargaarka oo lagu  wareejiyay maxkamadda gobolka Banaadir

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay lagu wareejiyay agaasi-maha waaxda dib u dajinta Barakac-ayaasha ee wasaaradda Gargaarka oo loo heystay lunsashada lacag wa-saaradda u qorsheysay dib u dajinta Barakacayaasha gudaha.

Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay been abuur tahay inuu amray in lasoo xero saraakiil ka tirsan Hay’adda Dambi Baarista ee CID, balse isaga oo ku canaanaya inay la daaheen wa-reejinta agaasimaha loo fasirtay inuu amarkaasi bixiyay.

Warar ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale loo heystay inaysan sii daba kicin xariga kadib agaasimaha dib u dajinta barakacayaasha, oo mu-ddo shan maalin ah wali xiran, iyadoo la doonayo eedeysane kasta in 24 saac gudahood loo helaa cadeymaha eedaha loo heysto.

Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib u dejinta bar-akacayaasha,ayaa lagu soo eedeeyay "Xatooyo Xoolo dadweyne”, waxaana lagu eedeeyay inuu lunsaday dhaq-aalo gaaraya 84,000 oo doolar.

Wararka ayaa sheegaya in shalay Hay’addaha dambi Baarista uu kasoo dhamaaday Kiiska agaasi-maha loo heysto, laguna wareejiyay maxkamadda gobolka Banaadir.

Barlamaanka Kenya Oo Loo Gudb-inayo Codsi Ku Aadan In Ciiddan-kooda 

Laga Saaro Somalia

Xildhibaan Cumar Maalin oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka dalk-aasi, ayaa la filayaa inuu shalay Barl-amaanka u gudbiyo Codsiga ay dadka ku nool Deegaanada isaga laga soo doortay ku doonayaan in Ciiddanka Kenya laga soo daad-gureeyo Soma-lia, si ay uga qeyb galaan Ammaanka W/bari ee dalkaasi.

Telefishinka Channel One ee Kenya oo loo dusiyey Qoraalka Cods-igaasi ayaa shaaciyeyinay dadka De-egaanka Manddera Bari muujiyeen in ay Joogitaanka Ciiddankaasi ee gu-daha Somalia ka dhaxleen inay kord-haan Weeraradda ay Dagaalamay-aasha Alshabaab ka geystaan Deeg-aanadooda.

Codsiga loo diray Barlamaanka Kenya waxaa kaloo lagu muujiyey in weeraradda ay Alshabaab ka geys-taan W/bari Kenya ay waxyeello gaa-rsiiyeen Dhaqaalihii, Nolosha iyo W/b-arashadda, isla markaana ay Mac-allimiinta iyo Shaqaalaha aan u dhal-anin Gobalkaasi ka wada baxeen De-egaanadaasi, iyago ocabsi ka qaba Weeraradda Alshabaab ka fuliyaan Deegaanadaasi.

Dhinaca kal,e Guddiga Difacaa iyo Xiriirka Caalamiga ee Barlamaa-nka Kenya ayaa loogu baaqay in Ciiddanka Kenya ee ku sugan So-malia loo soo wareejiyo dhinaca sug-idda Ammaanka Xuduudka ee dhin-aca Kenya, si Ciiddankaasi uga badb-aadaan khasaaraha ay Alshabaab kala kulmaan.

Ma aha markii ugu horreysay oo Dowladda Kenya lagu cadaadiyo inay Ciiddankooda kala soo baxaan Somalia, kuwaasi oo gudaha Somalia ku sugnaa tan iyo bishii October ee sannadkii 2011-kii

AMISOM oo ku dhawaaqday inay sare u qaadeyso hawlgalkeeda Soomaaliya

Ciidamada Midowga Afrika AM-ISOM ee ka hawlgala Soomaliya ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan qor-she ay ku kobcinayan Labaatan ka mid ah saldhigyadooda Millatari, 6-da bil ee soo socota.

War qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in khubaro ka kala socota Ingiriiska iyo QM qeybta qabilsan arrimaha Miina baarista ay ku shirsan yihiin Muqdi-sho, iyaga oo ka arrinsanaya dhaqa-alaha ay ku xoojinayaan hawlgalka cusub ee AMISOM.

Sidoo kale AMISOM ayaa waxa ay sheegtay ujeedka hawlgalkan inuu yahay sidii Shabaab looga saari lahaa goobaha ay kaga sugan yihiin gobol-ada dalka, midaasina ay garab ku siinayaan ciidamada Soomaaliya.

Dadka falanqeeya arrimaha si-yaasadda ayaa waxa ay sheegeen inuusan waxba soo kordhineyn hawl-galkan cusub, keliyana ay caalamka doonayaan inay u arkaan inay la dag-aalamayaan Al Shabaab.

(LA-YAABKA + SAWIRO): GABAR LEH GACMO 

DHEERAAD IYO FARO KA SOO LALMADA CALOOSHEEDA 

OO QALIIN LAGU SAMAYNAYO.

Gabar u dhalatay dalka Filibiin ayaa la filayaa in Qaliin lagu sameeyey, si looga jaro 2 gacan oo dheeraad ah iyo faro ka lalmanaya Caloosheeda.

Veronica Cominguez oo 14-jir ah waxay ku nooshahay magaalladda Iligan ee dalka Filibiin, waana Arday dhigata Dugsi.

Macallinkeeda iyo dadka la deggan magaalladda ayana iska ururiyey Kharajka Qaliinka ee gabdhahaasi looga jarayo xubnaha dheeraadka ah.

Koox Dhakhaatiir ka hawl-gasha Isbitaal ku yaalla dalka Thailand ayaana ballan qaaday inay gabdhaasi ku samayn doonaan Adeeg Qaliin iyo Daryeel Caafimaad leh.

Veronica Cominguez waxay ku dhalatay Labo Gacan, balse waxay labo kale u muuqdaan kuwo ku koray Laabteeda iyo Caloosheedfa, waxaana loo maleeyaa in ilmo kale oo mataano la ahaa ay ku dhex koreen Oogadeeda Sare.

Wxaay had iyo jeer nadiifisaa oo ay jartaa ciddiyaha faraha kaga abuurmay Laabta.

Veronica Cominguez waxay rajeynaysaa inay u noolaado si caadi ah, marka qaliinka lagu sameeyo, lagana soo jaro Addimaha dheeraadka ku ah.

Dadka Deegaanka ayaana ururiyey Kharajkii ay ugu dhoofi lahayd dalka Thailand, si loogu soo sameeyo Qaliin.

Veronica Cominguez waxay tilmaamtay inay culays ka dareento xubnaha dheeraad ku ah jirkeeda, waxayna mararka qaarkooda xadeeyaan Dhaqdhaqaaqeeda.

Mar wax laga weydiiyey xaalladeeda waxay tiri: "Markii aan yaraa, waxaan u malayn jirey inay cag (cirib) tahay waxaasi, balse, markii ay kortay waxay noqdeen kuwii sii weynaaday, waxay noqdeen kuwo u ruxma sida Wiifowga oo kale”.

Waxay intaasi ku sii dartay inay dharkeeda mararka qaarkood ay qoyaan noqdaan

Uganda oo ciidamo nabad ilaalin ah oo si aad ah u tababaran u soo direysa 

Somalia.

Askarta Ciidamada Difaaca Dadka Ugandha (UPDF) ee ka tirsan Kooxda Battle Group XXV todobaadkii tagay waxay soo degeen Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho. In ka badan 1,000 askari, oo ay ku amreen Col. Paul Muwanguzi oo uu hogaaminayey Lt. Col CK Asiimwe, ayaa bedelay Kooxda Battle Group XXII oo dhammaystirtay booqashadoodii shaqo ee Soomaaliya Jimcihii.

Kooxdan dagaalyahaniinta cusub ayaa dhammaystirtay tababarkii Xarunta Tababarka Nabada ee Taageerada Nabadda ee Singo, degmada Nakaseke July 16. Ciidamada soo laabtay, oo bilaabay in ay dalka ku soo laabtaan dhammaadka usbuuca, ayaa la geeyay bishii Agoosto ee sannadkii hore.

`Waxay ka shaqeyn jireen isku-dhafka adag ee Shabeellaha Hoose. Isagoo ka hadlayay xafladii furitaanka ee Muqdisho Jimcihii, Brig. Paul Lokech, oo ah taliyaha ciidamada Ugandha ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidanku ay muujiyeen "dareen qoto dheer oo ballanqaad iyo allabaryo ah” oo ay la dagaallameen al-Shabaab meelihii soomaaliyeed ee Celjale, Ayub, KM50, KM67, Buffor, Shalambot, Marka, Masla iyo Qoryoley.

Lokech ayaa sidoo kale sharaxday in yoolka ugu weyn ee UPDF ee Soomaaliya ay tahay in ay gacan ka geystaan ​​dagaalada lagula kaco geeska Afrika ee dib u soo celinta xasilloonida. "Marka laga hadlayo halganka lagu xakameynayo wadankan, waxaan luminay saaxiibo. Marka laga hadlayo halganka lagu xakameynayo wadankan, waxan leenahay dhaawaca Mubende.

Weli waxaan fiirineynaa cilladaha wixii aan soo marnay. Laakiin waxaas oo dhan waxay ahayd inay caawiyaan walaalaheena Afrikaan ah; Soomaalidu, "ayuu yiri. Lokech ayaa intaa raaciyay: "Mid ka mid ah tiirarka ku jira waxbarashadayada waa pan-Africanism. Taasina waa ajandaha noo soo jiiday hawshaan. Wax dan ah kama heysan arrintan. Danta ugu weyn ee aan ku imaaneyno Soomaaliya waa in ay ka caawiso Soomaalida dib ugu noqdaan halka ay 30 sano ka hor joogeen. ”

War saxaafadeed ay soo saareen saraakiisha AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in Lokech uu ku ammaanay waxa uu ku tilmaamay "dadaalka” ciidamada Uganda si ay u heshiiyaan qabaa’ilka ka soo horjeeda goobahooda. Ciidamadii soo laabtay waxaa lagu abaalmariyay abaalmarinta adeegga Midowga Afrika (AU) si ay uga qayb qaataan xasilinta Soomaaliya.

BOGGA CAYAARAHA

Cristiano Ronaldo iyo Qoyskiisa oo gaaray Turin

Cristiano Ronaldo ayaa gaaray shalay magaalada Turin si uu ula qaato kooxdiisa cusub tababarkii ugu horeeyay.

Xiddigii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ayaa dhameystiray heshiis 100 milyan oo euros oo u dhigma (£ 88m oo uu ugu wareegay kooxda ka dhisan Serie A.

Shaqada tababarka kooxdiisa ayaa u bilaabaneysa shalay xiddiga reer Portugal, kaasoo gaaray Turin galinkii dambe ee habeen hore.

Juventus ayaa ku jirta safarkeeda United States ee ka horeeya xilli ciyaareedka, iyagoo la ciyaari doona Bayern Munich iyo Benfica kulamo katirsan tartanka International Champions Cup.

Ronaldo kama soo muuqan doono mid kamid ah kulamada saxiibtinimo ee kooxda Juventus sabab la xiriirta inuu xulkiisa kala qeyb galay koobka addduunka.

Dybala, Douglas Costa, Rodrigo Bentancur, Mario Mandzukic, Marko Pjaca, Blaise Matuidi iyo Gonzalo Higuain ayaa sidoo kale ku jira liiska xiddigaha kasoo laabtay fasaxa koobka adduunka.

Ronaldo waxaa ku wehlinayay safarkaan xaaskiisa iyo caruurtiisa oo markii ugu horeysay gaaray Italia.

17 ciyaaaryahan oo ka maqan safka koowaad ee Man Utd

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa waxaa ka maqan 17 ciyaartoy ka hor inta uusan bilaaaban xili ciyaareedka cusub.

Mourinho ayaa durbadiiba la dhibtoonaya dhowr ciyaaryahan oo waaweyn oo dhaawac ah ama fasax ku maqan, iyadoo Ander Herrera iyo Eric Bailly shaki weyn haaatan laga qabo xaaladooda.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay ESPN in Herrera uu dhaawac canqawga ah soo gaaray intii lagu jiray kulankii kooxiidsa guul darrada 4-1 kasoo gaartay Liverpool sabtidii.

Bailly oo silama filan ah ku soo galay kulankii Liverpool, ka dib markii Chris Smalling soo wajahay dhaawac jilibka ah ayaa isna dhaawac hor leh wajahay.

Luke Shaw ayaa seegay ciyaarta taasoo sii kordhisay liiska dhaawacyada kooxda oo ay hore ugu maqnaayeen Nemanja Matic, Antonio Valencia, Marcos Rojo, Diogo Dalot iyo Sergio Romero.

David De Gea, Fred, Paul Pogba, Romelu Lukaku, Marouane Fellaini, Ashley Young, Jesse Lingard, Marcus Rashford, Phil Jones iyo Victor Lindelof ayaa dhamaan kujirin safarka Marekanka.

Laba kamid ah ciyaartooyda Barceona oo laga soo celiyay USA

Andre Gomes iyo Denis Suarez ayaa labadoodaba ku soo laaban doona Spain ka dib markii ay dhaawacyo kasoo gaareen kulankii Barcelona tartanka Champions League Cup-ka ku wajaheen Tottenham daraad.

Labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ayaa laga saaray qeybtii hore ee kulankii barbaraha 2-2 kusoo idlaaday, waxaana haatan tijaabo caafimaad ay ku marayaan Spain.

Barca ayaa ka cabsi qabta in Gomes uu garoomada ka maqnaando muddo laba bilood ah, halka Denis la filayo inuu garoomada seego dhowr isbuuc.

Gomes, oo 25 jir ayaa la filayay inuu ka tago kooxda xagaagan, Arsenal ayaana ka mid ah kooxaha xiiseynaya.

Laakiin hadda waxay u badan tahay inuu sii joogo ilaa ugu yaraan Janaayo si uu kaga soo kabsado dhaawaciisa.

Dhanka kale, Denis oo rajeynayay inuu ka faa’iideysto bixitaanka Andres Iniesta iyo Paulinho ayaa dhabar jab uu ku yahay dhaawacaan.

Macalin Diego Simeone Oo Kashifay Qorshaha Atletico Madrid Ee Xili 

Ciyaareedka Soo Aadan

Tababaraha naadiga Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in kooxdiisa hadafka ugu wayn oo ay leedahay ay tahay inay koobab ku guuleysato xagaaga dambe.

Atletico Madrid waxay hanteen fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay koobka labaad ee Yurub ugu xiisaha badan, inkasta oo xagaaga soo socda la filayo inay la yimaadaan bandhig fiican.

Isagoo wariyaasha la hadlayay kadib kulankii ay kooxdiisa khasaaraha kala kulantay dhigeeda PSG ayuu tilmaamay Diego Simeone in wallow ciyaartaan laga badiyay ay si fiican udheeleen.

"Waxaan ahayn kuwa si wanaagsan u loolama, waxaana ahayn kuwa haystay ciyaaryahano dhalinyaro ah, si wayn ayaana ugu dhawayn inaan kulanka bareejayno,” ayuu yiri.

"Waxaan qaybta koowaad ahayn kuwa fiican marka loo eego kubad haysashadda, laakiin waxaan dheelnay kubad toos ah.

"Waxaan joognay meel walba oo garoonka kamid ah, taasoo na siinaysay awood iyo fursad aan goolal ku dhalin karno.

"Waa inaan noqano kuwa dul-qaad leh, oo aan si adag ushaqayno, waxaana leenahay hadaf ah inaan xagaaga soo socdo aan qaadno koob,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Diego Simeone.

International - Champions Cup:: play-off 

July 30

Paris Saint Germain 3 - 2 Atletico Madrid

July 31

17:00Manchester United? - ? Real Madrid

17:30Tottenham Hotspur? - ? AC Milan

19:00Barcelona? - ? Roma

August 1

12:00Arsenal? - ? Chelsea

13:00Benfica? - ? Lyon

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip