Afar ciyaartooy oo u sharaxan kabtanimada Arsenal
Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Mesut Ozil uu ka mid yahay ciyaartoy dhowr ah oo kabtan u noqon kara kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda.
Ozil ayaa ahaa kabtanka Arsenal kulankii ay 5-1 kaga badisay Paris Saint-Germain, isagoo dhaliyay mid kamid ah goolasha.
Waxaan wada shaqeyneynaa oo aan siineynaa mas’uuliyad ciyaartoyda u qalma, "ayuu Emery yiri ciyaartaas ka dib.
"Waxaan qabaa inuu mas’uul ka noqon karo kooxda oo dhan, laakiin yeynan iloobin Laurent Koscielny oo soo kabsanaya, Petr Cech iyo Aaron Ramsey.
Arsenal ayaa xili ciyaareedkaan waxaa ku dhacay isbedel dhanka macalinka ah, iyadoo tababaraha cusub uu soo xulan doono kabtankiisa rasmiga ah ka hor bilowga xili ciyaareedka.