Maamulka Gedo: Dadkii dhawaan lagu Dilay Degmada Saakoow lagama qaban Gobolka Gedo

0
Saturday January 02, 2016 - 09:05:24 in Wararka by
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gedo: Dadkii dhawaan lagu Dilay Degmada Saakoow lagama qaban Gobolka Gedo

    Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al Qaadi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Dadkii dhawaan Al Shabaab ay ku laayeen Degmada Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe laga qab qabtay Degaano ka ti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al Qaadi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Dadkii dhawaan Al Shabaab ay ku laayeen Degmada Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe laga qab qabtay Degaano ka tirsan Gobolka Gedo. Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa xusay in Dadkaasi ay ahaayeen Dad rayid ah oo ku noolaa Degaanada ay maamulaan Ururka Al Shabaab iyo Shaqsiyaad ka tirsan Ururkooda oo ay ka shakiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa tilmaamay in Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ay ku shireen Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM islamarkaana ay shirkooda diirada ku saareen dardar gelinta howlgallada militari ee ka socda Gobolkaasi.

Dhawaan ayee aheyd markii Xarakada Al Shabaab ay shaaciyeen ilaa iyo 5 Ruux oo ay ku Dileen Degmada Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe in qaarkood ay ka soo qabteen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

xigasho:-shabellenews.com/




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip