HALKAAN KA AKHRISO ;-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA LUULYO 2018-KAN

0
Sunday July 29, 2018 - 09:45:58 in Wararka by
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO ;-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA LUULYO 2018-KAN

    AQOON ISWEYDAARSI KU SAABSANAA MAQAAMKA CAASIMADAHA FEDERAALKA AH EE DUNIDA OO MUQDISHO LAGU QABTAY.. Aqoon isweydaarsigaan quba-rada wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta Soom-aaliya waxa ay ku soo bandhigeen ni-daamyada ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AQOON ISWEYDAARSI KU SAABSANAA MAQAAMKA CAASIMADAHA FEDERAALKA AH EE DUNIDA OO MUQDISHO LAGU QABTAY.. Aqoon isweydaarsigaan quba-rada wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta Soom-aaliya waxa ay ku soo bandhigeen ni-daamyada ay ku dhisan yihiin caasi-madaha wadamada qaatay nidaamka federaalka ah ee dunida.

 

Agaasimaha waaxda Fedraalka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha So-omaaliya Cabdinaasir Xaaji oo shar-axay nidaamyada kala duwan ee lagu maamulo caasimadaha federaalka waxa uu sheegay iney jiraan 3 maq-aam oo kala ah, degmo caasimad fed-eral ah sida magaalada Washintong ee caasimada Mareekanka, magaalo caasimad u ah dowlad goboleed iyo dowladda federaalka sida caasimada dalka Jarmalka ee Barlin iyo magaalo ku dhex taala dowlad goboleed oo ah Ottoawa Kanada sida uu sharxay.

Ka qeyb galayaasha ayaa ara-gtidooda ka dhiibtay hababka caasi-madaha waddamada federaalka ah ee dunida iyo sida mid ka mid ah looga tusaale qaadan karo maqaamka Ca-asimada federaalka ah Soomaaliya ee Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee wasaara-dda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Maxamuud oo soo xiray Aqoon isweydaarsiga waxa uu sheegay in muhiimada ay aheyd in wax laga barto nidaamka ay ku dhisan yihiin caasimadaha wadamada feder-aalka ah ee dunida.

"Ujeedka waxa uu ahaa haba lakala duwanaado nidaamyada caasi-madaha federaalka ah ee dunida in wax laga fahmo waa nuucee? ma ca-asimad dagmo ku taalaa, ma caasim-aad gobol mise mid maamul goboleed kutaalaa? intuba wa ikhyaaraad guud oo imaan doonaa marka waxa ay ah-eed inaan keeno fakar guud oo lagu dul shaqeeyo” ayuu yiri agaasimaha.

waxa uu intaa ku daray inay sii wadayaan wadatashiyada iyo aqoon isweydaarsiyada ceynkani ah si loogu diyaar garoobo sameynta maqaamka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee horyaala Barlamaanka Fedraalka Soomaaliya.

" Waa wadaynaa latashiga Wasaaradu waxay xilkeedu yahay in aan ogaano taladda dadka sida dadku ay u fakarayaan anagu waa in aan keeno taladda dadka, aqoon guud waa in aan miiska usoo saarno Xuku-umaddu si ay markaasi xog ogaalnimo ku go’aan qaadato” ayuu yiri Agaasi-maha Guud ee wasaaradda Arrimaha ee Soomaaliya.

MID KA MID AH DALLADAHA WAXBARASHADA UGU WAAWEYN DALKA OO KA SOO HORJEESATAY NATIIJADA IMTIXANKA DOWLADA

Hay’adda Waxbarashada SA-FE oo ka mid ah dalladaha waxbara-shada dalka ka jira kuwa ugu waaw-eyn ayaa sheegtey in aysan aqoo-nsaneyn Natiijada Imtixaanaadkii ay Wasaarada Waxbarashada qaadey Sannadkaan

Waxaa Xafiskiisa ShirJaraa’id ku qabtey Agaasimaha Fulinta ee Da-llada Waxbarashada ee SAFE Mu-dane Kayse Mayow Abo Xuseen ,waxaana uu Shirkiisa Jaraa’id uu ku saabsanaa Natiijadii Imtixaanaadkii ay Dowladda Federaalka ay ka qaadey Ardeydii dhameysatey Dugsiyada Sa-re eeDalka sannadka 2017-2018

Mudane Keyse waxaa uu she-egey in Hay’adda SAFE ay Cabasho weyn ka tahay qaabkii loo qaadey Imtixaanaadka iyo qaabkii Weliba loo saxay Imtixaanaadkaas waxaana uu sheegey in Hay’adda Waxbarashada ee SAFE in Wasaarada Waxbaras-hada aaney wax la tashi ah kala sa-meeyn Habkii loo saxay Imtixa-anaadkaas waxaa uu intaa uu sii raaciyey.

"Muddo Dhowr Sanno ah ayaa soo diyaarineyney Ardeydaas sidaa darteed Wasaarada Waxbarashada Wax Xil ah ama Masuuliyad ah kama muujinHabkii loo qaadey iyo habkii loo saxay Imtixaanaadkaas waxaa uu yiri Agaasimaha "Ardeyda imtixaan-kooda la saxay cida mas’uuka ka ah waa anaga, mar hadii doorkeenna ay diideen Dhibaatada iyo Cadaalad-darada ardayda soo gaartay waxay noqonaysaa mid ku talagal ah”.

Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray "Hay’adda SAFE oo hooyadii waxbarashada ahayd Ayaan Wasaar-adda la wadaagin ama aysan ka tal-agalin sixida Imtixaanaadka maad-aama aynu nahay Marjicii Waxbara-shada” Wuxuu intaa ku darey

"Haddii aan nahay Hay’adda Waxbarashada SAFE waxaan u sh-eegeynaa Bulshada Soomaaliyeed in Imtixaanaadkii Sannadkaan la siya-asadeeyey islamarkaana arday badan mustaqbalkoodana mugdi la galiyey”

Agaasimaha Fulinta Hayadda Waxbarashada SAFE waxaa uu she-egey In Natiijadii Imtixaanaadka ee Wasaaraddaqaadey Sannadkaan ay-san Hay’adoodu Aqoonsaneyn waayo buu yiri Imtixaanaadkaas wado cad-aalad ah looma marin.

Ugu Dambeyn Agaasimaha waxaa uu sheegey in ay la yaab tahay in 5 kun oo ardey Imtixaankaas lagu rido , isagoo sheegey in taas ay ku tusineyso sida agaasimaha wasaar-adda uu ugu dhaga adeegay doorke-ennii Mas’uuliyadeed ee sixida imti-xaankasidaa Darteed waa Nasiib da-ro ah in ardey Tiradaa la eg oo mu-ddo dheer wax la soo barayey in si cadaaladdaro ah loo niyad jabiyo Cid-dii sameyseyna qaadaysa cawaaq-ibta ka dhalata, isla markaana mar uuna lagula Xisaabtami doono.

Sannadkaan waxaa Imtixaana-adkii Dugsiyada Sare u fariistey in ka badan 25 ku oo ardey, waxaa Gud-bey 20 ku oo ardey halka ay dhaceen in ka badan 5 kun oo ardey sidaa da-rteed Waalidiin fara badan ayaasannadkan aad uga cowdey qaabkii loo saxay Imtixaanaadkii Dowladda kuwaa Cabashaooda u gudbiyey Dal-adaha Waxbarashada dalka

XASAN SHEEKH IYO C/RAXMAAN C/SHAKUUR OO KU KULMAY ANKARA

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Mada-xweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

C/raxmaan C/shakuur oo si we-yn u mucaaradsan dowladda uu hogg-aamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu bartiisa Facebook soo dhi-gay ku sheegay inuu booqasho ugu tagay Xasan Sheekh.

"Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam-ud. Waxaan ka wada hadalnay xaal-ada dalku marayo iyo sida ugu habo-on ee mustaqbalka lagu wajihi karo. Kulankeena wuxuu ku soo idlaaday is-faham iyo iskaashi”ayuu yiri C/raxma-an C/shakuur.

Siyaasiga C/raxmaan C/shak-uur ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday dibadda, tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, oo uu cadaadis La-ma kulmay Ciidamada NISA oo ay ku weerareen hoygiisa.

Kulankan ayaa imaanaya, iya-doo dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu Ankara kula kulmay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iya-goo ka wada hadlay xaalada dalka, caqabadaha jira iyo mustaqbalka Soo-maaliya.

hoooooooor
DUQA MUQDISHO "WAXAAN BEEGSANAYNAA SIDII AAN KOR UGU QAADI LAHAYN FURSADAHA WAXBARASHADA”

Duqa Muqdisho, ahna Guddoo-miyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa daah-furay barnaam-ijka bandhigga Jaamacadaha oo ah madal sanadkii labaad la qabanayo taas oo dib u eegis loogu sameynayo heerka waxbarasho dalka, kaalinta ja-amacaduhu ay ka soo-qaateen sama-ta bixinta waxbarashada xilligii bur burka iyo caqabadaha haatan jira ee muhiimka ay tahay in wada jir aan wax uga qabano.

Guddoomiyaha ayaa bogaa-diyey muwaadiniintii Soomaaliyeed ee sida is-xilqaanka ugu istaagay howl-ahay waxbarashada, xilli duruufo adag ay ka jireen dalka, isagoona tilmaa-may in shakhsiyaadka, xarumaha wa-xbarashada iyo dalladaha ay ku mid-eysanyihiin ay shacabka Soomaaliy-eed u buuxiyeen kaalin taariikhiga ah.

"Madashan waxa ay inoo tahay fursad aan isku waydaarsanno horum-arka aan ka gaarnay waxbarashada iyo caqabadaha aan xalka u raadi-nayno, waana mid ka mid ah waddoo-yinka guusha lagu gaaro, sababtoo ah guushu waxa ay ku jirtaa in wixii qab-soomayna la bogaadiyo, wixii kalena la isla meel dhigo qorshihii lagu hor-umarin lahaa.”

Guddoomiyaha ayaa ugu baa-qay aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada in ay kaa-lintooda ka qaataan bandhiggan, isla markaasna ay la wadaageen bahda waxbarashada heer jaamacadeed fi-karadaha iyo tallooyinka ku qotoma tayeyna waxbrashada sidii ay u noqon lahayd mid wanaagsan.

"Annaga oo kaashanayna Hay’-adaha Waxbrashada heer Federaal, waxaan beegsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn fursadaha waxbar-ashada Gobolka Banaadir iyo in aan fursado shaqo u abuurno ardayda ka qalin jabisa jaamacadahaas oo tayo waxbarasho iyo xirfad shaqo-ba ay ka muuqato in badan oo kamid ah ard-aydii laga shaqaaleysiiyey gobolka.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yari-sow ayaa kormeeray goobo bandhige-ed gaar gaar ah oo jaamacaduhu ay ku soo bandhigayeen sooyaalkooda waxbarasho,kulliyadaha iyo fursadaha ay ugu tala galeen ardayda ku biira-ysa sanad dugsiyeedka 2018-2019, isagoona halkaas warbixinno kaga dhagaystay maamulka iyo matala-yaasha Jaamacadaha

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYAY ASMARA

ircpic-703x422 (1)3443 Wafdi uu hoggaaminayo Mada-xweynaha Soomaaliya Maxamed C/l-laahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo ay goor dhow ka dageen.

Madaxweyne Farmaajo iyo wa-fdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaar-adaha Asmara ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana loo garaacay astaanta Ca-lanka labada dal.

Intaas kaddib ayaa waxaa waf-diga Madaxweyne Farmaajo loo gal-biyay Madaxtooyada Asmara, halka-asoo wada hadalo labo geesood ku yeelanayaan labada Madaxweyne.

Booqashada Madaxweyne Far-maajo ayaa qaadan doonta saddex cisho, waa Madaxweynihii u horeeyay oo Soomaaliyeed booqasho ku taga dalka Eritrea, tan iyo markii Eritrea noqotay dal madax banaan sanadkii 1993.

MAXKAMADDA CIIDAMADA OO XUKUN DIL AH KU RIDAY LABO ASKARI

Maxkamadda Ciidamada qal-abka sida qeybteeda 60-aad ee Ma-gaalada Baydhabo ayaa shalay wax-aa ay xukun dil ah ku ridday labo As-kari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowla-dda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida qeybta 60aad Aadan Abuukar ayaa ku dhawaaqay in xukun dil ah Labadaasi Askari lagu xukumay.

Askartaan Shalay dilka lagu xukumay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Xuseen Cali Macalin, oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka Ko-ofur Galbeed iyo C/waaxid Cali Sh. Aadan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu eedeeyay in ay di-leen qof Shacabka ah, islamarkaana ay u dileen si kas ah.Ninka ay dileen ayaa lagu Mag-acaabi jiray Maxamed Cr/raxmaan oo ay dileen18-6-2018

HAY’ADDA ICRC OO DHIMAYSA SHAQOOYINKII AY KA WADAY SOOMAALIYA

hoooooooor Hay’adda ICRC ayaa sheegtay inay yareyn doonto dhaqdhaqaaqii ay ka waday dalka Soomaaliya, iyadoo ay ugu wacan tahay dhanka amaanka iyo Hay’adda oo aqbali weysay amni darada soo wajahday shaqaalahada Hay’adda.

Bishii Maarso ee sanadkaan Mid kamid ah shaqaalaha Hay’adda oo lagu magacaabayay Cabdi Xafiid, ayaa lagu dilay afaafka hore ee xafii-ska Hay’adda, sidoo kale Bishii May, Sonja, oo ahayd Kalkaaliso ayaa lagu afduubtay gudaha magaalada Muqdi-sho. Labadaasi dhacdo ayaana kee-nay in Hay’adda ay qaadato go’aanka ay ku yareyneyso dhaqdhaqaaqii ay ka wadeen gudaha dalka Somalia.

Hay’adda waxay sheegtay ina-ysan wada joojin doonin shaqadii ay ka waday dalka Somalia oo ay sii wadi doonto taageeradda Hay’adda Bisha Cas Somalia, Taageerada caasimaad ee ibsitaalada Keysaneey, Madiina, Kismaayo iyo isbitaalka magaalada Baydhabo.

Waxay Hay’adda warbixinteeda ku sheegtay inay muhiim tahay in la fahmo in shaqaalaha hay’adda ay yi-hiin awooda ay ugu shaqeynayaan dadweynaha caawinaada u baahan, sidaasi daraadeedna ay ka fakara-yaan amnigooda.

Ugu dambeyn Hay’adda ayaa sheegtay inay dhaqdhaqaaqii ka wad-een Somalia ay dib usoo celin doon-aan marka shaqaalahooda ay helaan damaanad amaan oo ay ku dhaqdha-qaaqi karaan.

CIIDANKII NABADSUGIDA G/BANAADIR OO LOO BEDELAY BOOLIS

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ciidan oo ku sugan Magaalada Muqdisho Isbedel Ballaaran ayaa lagu same yay Ciidamada ka howlgalla gobolka Ban aadir. Gobolka Banaadir waxaa ka ho wlgalla Ciidan Nabadsuggid ah iyo si doo kale Ciidamo Boolis ah oo lahaa labo Talis.

Hadda Ciidankii Nabadsuggida gob olka Banaadir oo ahaa Ciidan Muuqda oo hubeysan waxaa loo bedelay Boo lis. Waxaa sidoo kale Magaalada Mu qdisho ka howlgali doona Ciidamo Nab ad suggid ah, gaar ahaan qeybta Sirdoonka kuwaasoo si qarsoodi ah ku shaqeyn doona.

Taliyihii Nabadsuggida gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan Wa xaa loo Magacaabay Taliyaha Bool is ka gobolka Banaadir. Taliyihii Booliska gobolka Banaadir Maalin ayaa sidoo kale waxaa loo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Ilaaladda Wadooyinka ee Taraafikadda.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen Sara akiil ka tirsan Booliska gobolka Bana adir hadda ka dib Amniga Muqdisho, waxaa sugi doona Ciidamo cusub oo Boolis ah.

Guud ahaan waxaa meesha ka baxay taliskii hubeysanaa ee Nabadsuggida gobolka Banaadir.

WASAARE ABIY AHMED OO LA KULMAY MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DALKA MAREYKANKA

Ra’iisal wasaaraha dalka Ito-obiya Abiy Ahmed oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa la ku-lmay madax-weyne ku-xigeenka dalk-aas Mike Pence oo ay ka wada hadle-en xiriirka labada dowladood.

Mike Pence ayaa ku hambaly-eeyay Abiy Ahmed isbadallada muu-qda ee uu sameeyay muddadii koob-eyd ee uu xilka hayay, gaar ahaan marka la eego dhinacyada dib-u-he-shiisiinta, walaaleynta dadka iyo wal-iba dimuquraadiyada.

Mareykanka marka la eego Ito-obiya waa saaxiib weyn oo ay ku lee-yihiin qaarada waxaana uu madaxw-eyne ku-xigeenka dalka Mareykanku sheegay in mar walba is bar bar taa-gayaan hormarada kala duwan ee ka jira gudaha dalka Itoobiya.

Booqashada Abiy Ahmed ee M-areykanka ayaa noqoneysa tii ugu ho-reysay ee ra’iisal wasaare Itoobiy-aan uu ku arko Qowmiyadaha ka soo je-eda dalkaas ee ku dhaqan Mareyka-nka.

QM OO DHIBAATO DHAQAALE LAGA SOO SHEEGAY

Warbaahinta Mareykanka ee Fox News, ayaa sheegtay in Guterres uuu digay xubnaha ururka in ay qeyb ka noqdaan dhibaatada dhaqaale ee hey’adda QM " dhibaato dhaqaale ay-aa soo food saartay QM taas oo ka dhalatay xubnaha ururka oo la daahay qaaraankii,”. "Socodkayaga lacagta caddaa-nku marnaba ma aheyn mid sidan u hooseeya bilowga sanadka, qaabka hadda wax u socdaan sidoo kale wal-aac ayay nagu heysaa; laca gta waa ay naga dhamaan doontaa dhowaan haddii aan wax isbedelin,” ayuu shee-gay Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres.

Guterres ayaa qorsheynaya in la yareeyo kharashka ku baxa howl-aha ururka isla markaana aysan saa-meyn ku yeelan u jeedooyinka QM, isagoo xubnaha ururka u soo jeediyay aragti lagu xoojinaayo hanaanka ma-aliyadeed ee Qaramada Midoobay.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku goodiyay in ay dhaqalaha ka jari doonaan hey’adda haddii ajend-iyaasha Washington la fulin waayo.

Mareykanka waxaa uu isha ku hayaa in dhaqalaha lagu bixiyo hey’a-daha qaar ee ururka, hase yeeshee Mareykanku ma dhimin mina yareyin lacagahaas, sababta daahitaanka lac-agta ayaa lagu sheegay in maamulka Trump dib u habeyn ku sameeyay mi-isaaniyadda Mareykanka.

Hugh Dugan, oo ah diblomaasi hore oo Amerkaan ah waxaa uu leey-ahay dalalka kale waxaa ay iska dhig dhigaan sida Mareykanka ay ugu go-’an tahay dhaqaale ku bixinta ururkan iyo cilaaqaadka caalamiga ah.

Horaantii sanadkan, Marey-kanka waxaa uu joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jirtay hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee loo soo gaabiyo (UNRWA).

Hadalka Guterres ee ku wajah-an xubnaha ururka QM ayaa imaan-aya xilli madaxweyne Trump uu cada-adis saaray dalalka caalamka iyo xul-afada gaashaan buurta NATO in ay ka soo baxaan waajibaadkooda.

Tallaadadii la soo dhaafay, danjiaha Mareykanka ee QM haweeneyda la-gu magacaabo Nikki Haley waxaa ay dalalka Carabta u sheegtay in ay dh-aqaale badan ku bixiyaan arrimaha F-alastin "Mareykanku waa mid deeqsi ah. Waxaan nahay dad arrimaha ba-ni’aadanimada daneeya . Waxaana doon dooneynaa waddo kasta oo lagu caawin karo dadka Falastiin, kuwaas oo dhibaatadooda si weyn noo tab-anayso,” ayay tiri.

"Laakiin anaga duqomo ma nihin. Hadaan fidino gacan saaxiibtin-imo iyo mid deeqsinomo , ma fileyno in gacamaha nalaga qaniino. Marka aan gacanteena fidino waa in kuwa kale sidaas oo kale yeelaan,” ayay hadalkeed u soo gabagebeysay Nikki Haley danjiraha Mareykanka ee QM.

XUBNO KA TIRSAN GUDDIGA DOORA SHO OYINKA CIRAAQ OO SHAQADDA LAGA ERYAY

Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in shaqadda laga Ceyriyay Shan sarkaal oo katirsanaa guddiga doorashooyin ka ee dalka Ciraaq. Shanta ruux ee shaqadda laga ceyriyay waxaa lagu eedeeyay wax isadabamrin iyo inay iibsadeen codadkii doorashada xiligii doorashooyinka kuraasta barlamaanka ee dalkaasi.

Xubnaha shaqadda laga eryay ayaa ka shaqeyn jiray gobolada Kirkuk, Anbar iyo meelo kale.

Saraakiishan katirsanaa guddiga doorashooyinka Ciraaq ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

Xiligii doorashooyinka barlamaanka ee dalkaasi waxaa jiray eedeymo badan oo ahaa in lagu shubtay codadka, waxaana maxkamadda ugu sareysa Ciraaq ay amartay in qaab gacan ku tiris ah dib loogu xisaabiyo codadkii la dhiibtay ee degaanada qaar.

CIIDAMO KA TIRSAN MILATERIGA OO GURIGIISA KALA BAXAY WARIYE U SHAQEEYA IDAACAD KU TAAL WANLAWEYN…

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa shalay gurigiisa kala baxay Wariye ka tirsan Idaacadda Wanlaweyn ee gobolka Shabee-llaha Hoose, iyagoo u kaxeystay meel aan la garaneyn.

Wariyaha gurigiisa lagala bax-ay ayaa lagu magacaanayay Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ahaa Maamulka Id-aacadda Wanlaweyn.

Lama oga sababaha ay Ciid-amada gurigiisa ugala baxeen Wari-yaha, waxaana dadka reer Wanlaw-eyn ay hadal hayaan dhacdadan.

Idaacadda Wanlaweyn ayaa ka mid idaacadaha maxaliga ee ka howl galaa degmada Wanlaweyn ee go-bolka Shabeellaha Hoose.

Soomaaliya ayaa ka mid ah da-lalka ugu badan ee tacadiyada loogu geyso Wariyeyaasha, waxaana sana-dihii u dambeeyay Wariyeyaasha ay dhibane u ahaayeen dhinacyada iska soo horjeedo Siyaasadda Soomaaliya

[WARBIXIN KU SAABSAN KHATAR CUDURKA CAGAAR-SHOWGA OO WHO U AQOONSATAY SHALAY OO KALE KA HORTAGIISA

Iyadoo sanad kasta shalay oo kale 28-ka Bisha July ay hey'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u aqoonsatay maalinta loo asteeyey ka hortaga cudurka Cagaarshowga ayeey Hiiraan Online halka idinku soo gudbin doontaa warbixin ku saabsan khatarta cudurka.

Prof/Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegay in cudurkan cagaarshowga uu yahay cudur qatar ah oo caalamku u aqoonsaday dilaaga aamusan, wuxuuna xusay in halku dhega caalamiga ah ee cudurkan sanadka 2018-ka laga dhigay Ciribtirka Cudurka Cagaarshowga (Eliminate Hepatitis) sida WHO shaacisay, iyadoo ololaha sanadkana uu yahay helida malaayiinta qof ee la nool cudurka ee aan iska warqabin (Find missing millions).

"Cudurka Cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28-ka July waxaa loo asteeyay maalinta Cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan helista ah oo sida amusan dadka u dila (Silent Killer)” ayuu yiri Dr Dufle.

Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keeno burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta dadka waaweyn waa ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nooloyihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.

Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada , waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.

Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood , xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.

Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)

Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B ( HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah ( Chronic). Wuxuu cudurkaan horey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 257 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah

kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.§

Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).

Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo,

Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.

Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse).

Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-

Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.

Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-

Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.

Bukaanada kiliyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)

Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka

Buukanada HIV qaba oo difaacooda hooseyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.

Feyruskan cagaarshowga B 7 maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaasku gudin kara cudurka.

Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirade aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 71 milyan qof ; sanad kaste tirade bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.75 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 400,000 qof.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay , wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).

Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.

Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-

Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka waxuu qabaa calaamooyinka sida labolabo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan, xumad, qun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midib cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinica beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxey jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase):Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo fiicanaayaan calaamadihii hore laakin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestey cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacanyahay oo waa bukaa , waxeyna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxey aminsanyhiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweyo dabka bukaanka la gubo.

Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.

Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxo in uu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestey , taasana waxey keeneysaa in bukaanku dib u bilaalbo socod iyo dhaqaaqiisi nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gubaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga

Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

unnamed-8-8-768x512 25% – 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% – 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).

Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% – 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% – 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).

Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga :

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.

Ugu horeen waa in la xoogiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha lagalo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in lailaaliyaa nadaafada raashiinka la cuno.

Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta dalqa gooynta qungooynta gudniinka wiilasha dhaga durista uu nadiif yahay lana jeermi dilo taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.

Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).

Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore Bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6) ,Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga

Ugu horeyntii waxaa la faryaaa:

Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uuku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.

Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabdidda khamiriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Dr Dufle ayaa ugu danbeyntii ku soo gunaanaday in bulashada soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta, waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.

SOOMAALIYA IYO ERETERIYA OO KA WADA HADLAY ISKAASHIGA DHINACYADA DHAQAALAHA, AMNIGA IYO XASILLOONIDA GOBOLKA

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Ma-daxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aqba-aladda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan taariikhiga ah, isagoona tilmaamay in ay bilow wanaagsan u tahay waji cusub oo uu yeelan doono xiriirka labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo kulan is-xogwareysi ah ku qaatay Madaxtooyada dalkaas ayaa si qotadheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo lagu heshiiyay in la isweydaarsado danjirayaasha, lagana furo Muqdisho iyo Asmara labo safaaradood.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sug-anyihiin dalka Ereteriya waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas, waxaana qorshuhu yahay in ay booqasho iyo kormeer ku maraan goobo iyo xarumo ku yaalla caasimadda dalkaas.DHAMMAAD




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip