WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 2-DA JANNAAYO 2016-KA

0
Saturday January 02, 2016 - 08:20:47 in Wararka by
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 2-DA JANNAAYO 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN OO DORRAAD TAGEY XARUNTA WASAARADDA GAASHAAN DHIGA SOOMAALIYA Madaxweynaha Jamhuriyadda Fede raalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay aa khamiistii ka qeybgaley shirka to

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN OO DORRAAD TAGEY XARUNTA WASAARADDA GAASHAAN DHIGA SOOMAALIYA Madaxweynaha Jamhuriyadda Fede raalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay aa khamiistii ka qeybgaley shirka todd obaadlaha ee Ciidammada Qalabka Sida oo ka dhacay xarunta Wasaarad da Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen taliyeyaasha, madaxda hoggaannada, iyo saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida, ayaa Madaxwe ynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad taabaneysa muhimadda dho wrista anshaxa iyo ku dhaqanka qaw aaniinta.

" Waxaa dhammaanteen ina horya alla waajibaad ballaaran ii aan dalka iyo shacabka ugu adeegeyno. Difaaca qarannimada, xudduudaha iyo sugidda amniga ayaa ugu weyn waajibaadka ina saaran. Laakiin waxaa iyana in ma anka lagu hayo mudan in askarteena ay noqdaan kuwo leh anshaxa lagu ya qaano ciidammada, dhowrana qawaa niinta u degsan ciidanka. Madaxda ciid ammada ayaa la doonaya inay tusaale fiican noqdaan, si askarta ay ugu dey daan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo carrabka ku adk eynaya lagama maarmaannimada an shaxa, ayaa sheegay salka dhismaha dowlad horumarsan uu yahay helista ciidan sharciga iyo kala dambeynta dhowra, shacabkuna ay ku deydaan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala darda armey ciidanka in si buuxda loola dag aalamo musuqmaaqa, xuquuqda ciid ankana la ilaaliyo."Hambalyada sannadka cusub ee in oo bilaabanaya ee 2016-ka ka sok ow, waxaan idin ku bi shaareynayaa in laga bilaabo bisha Jann aayo ee in oo curaney sa dalka la ga dhaqan gelinayo ni daam cusub oo daah-furnaanta hawl aha dowladda lagu soo bandhigayo. Waxaa halkaasi lagala socon doonaa dhaqdhaqaaq kasta oo la xiriira sida loo maamulayo xisaabaadka ciidanka.

Tani waxay wax weyn ka tari doon taa dagaalka ka dhanka ah musuqmaa suqa. Waa in ciidanka iyo qof walba oo qaranka u adeegaya uu maanka ku hayaa inuu dhammaaday waqtigii wax la isu sheegayay oo keliya, haatanna la guda gelayo isla xisaabtan iyo in tall aabooyin sharci ah laga qaado kuwa si da xun ugu takrifalaya awoodaha iyo hantida ummadda’’.

Taliyaha Guud ee Ciidammada Qal abka Sida, Madaxweyna Xasan Sh.Ma xamuud ayaa ciidanka u sheegay in

halku-dhigga sannadka cusub ee 2016-ka uu noqon doono

‘’Amniga Dalkeenna Waa Inaan Si Buuxda Ula Wareegnaa”.

Waxaa uu sheegay in ciidammada shisheeye ee taageeraya Soomaaliya aanay weligood dalka sii joogi doonin, loona baahan yahay in la bilaabo hann aan cusub oo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula wareega yaan mas’uuliyadda sugidda amniga qaranka.

Madaxweynaha ka hor waxaa halka asi hadallo ka soo jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaali yeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo S/Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare).

WASIIRADA GALMUDUG OO ANSIXIYAY QODOBO MUHIIM AH-

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado waxaa habe en hore ka dhacay shirkii caad iga ah aa ee Khamiis walba yeelan jireen Gol aha Wasiirada dowlada goboleedka Galmudug waxaana kulankaan shir gu ddoominayay Madaxweyne ku-xigeen ka Galmudug Mudane Max amed Xaa shi Cabdi.

Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Galmudug Mudane Cabdiqaadir Sh.Ca li"Shukri” ayaa soo bandhigay muhiima da ay leedahay hirgalinta Xeerka Gar soorka, waxuuna Wasirka soo bandhig ay shaxda Xeerka Garsoorka Galmud ug oo ay ugu horeyso sidii loo heli la haa Gudiga Golaha Garsoorka Galm udug iyo Hirgalinta Maxkamadaha Go bolka. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyad da Cali Saciid Cumar Ibraahim ayaa isna soo bandhigay Qorshaha dhism aha Wasaarada Maaliyada oo ka koo ban 8 qodob oo ah habka ay Hay’ada wasaarada Maaliyada ku shaqeyn lahayd iyo haykalka Wasaarada ay ku leedahay Abuurista illo Dhaqaale oo ay ugu hor eeyaan Dejinta xeerarka canshuuraad ka sida Hanti dhowrka Canshuuraadka Maa mulada, Daqliga Dowlada iyo Diy aar inta Miisaaniya dda.Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Sha qada iyo Shaqaalaha Maxamed Nuur Diini ayaa kulanka kusoo bandhigay sharciyada dhismaha guddiga shaqaa laha, sharciga shaqaalaha rayid iyo xe erka mushaarka shaqaalaha rayidka. Dood dheer oo Golaha Wasiirada Gal mudug yeesheen ka dib waxa ay kulan kooda gacan taag u ansixiyeen shanta qodob ee hoos ku qoran ee laga dood ay1-Sharciga Dhismaha Wasaarada Ma aliyadda

2-Qaab Dhismeedka Wasaaradda Ma aliyadda

3-Sharciga Dhismaha Guddiga Shaqa alaha

4- Sharciga Shaqaaaha Rayidka

5-Xeerka Mushaarka Shaqaalaha Ray idka.

Si kastaba ha ahaatee, shanta qo dob ee laga ansixiyay ayaa hoos ima anaya Wasaaradood ee kala ah Was aarada Cadaalada iyo Garsoorka, Wa saarada Maaliyada iyo Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha waana qod

ob muhiim ah shaqada Galmudug.

AL-SHABAAB OO WEERAR XALAY KU QAADD AY SALDHIGA DEGMADA HILIWAA

Weerar Qarax ku Biloowday ayaa Xalay lagu qaaday Saldhiga Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,waxaana Saldhiga Dhowr Jaho ka soo galay Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya Ciidamada Ilaaliya Saldhiga Degmada Hiliwaa iyo Al-shabaab uu halkaa ku dhexmaray Dagaal Fool ka fool ah.Goobjoogeyaal ayaa shee gay in Al-shabaabkii Weerarka ku soo qaa day Saldhiga laga Itaal roonaaday,iyadoo ilaa Shaleemo Cabdi waayeel ay isla gaareen Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaabkii Weerarka soo qaaday. inkast oo aan la ogaan karin Khasaa raha dhim asho ee kala gaaray Labada Dhinac,ayaa Ciidamada ku sugan Saldhiga Weerarka lagu qaaday waxaa ay noo sheegeen in Saddex ka mid ah Al-shabaab uu Meydk oodu yaallo Saldhiga oo ay ka Carareen.

al shabaab kama aysan hadlin weli


FAAFAAHIN KASOO BAXAYSA DABKII KA KACAY DHISMO KU YAALA MAGAALADA DUBAY.

Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay inay in ka badan 90% ay ku guulaystaan inay bad baadsheen dad kii iyo hantidii dhex taalay dhismaha hotel u dhaw dhismaha dunnida ugu dheer ee ku yaala magaalada Dubay oo habeen hore fiidkii uu dab qabsa day.

Dhismaha gubtay oo ka koobnaa 63 dabaq ayaa kooxaha gurmadka wa xay sheegeen inay ku guulaysteen in ay damiyaan dab ka kacay hotelka oo ay sidoo kale ku dhex yaalaan duka amo ganacsi iyo qeyb dadki dego.

Illaa iyo 16 ruux ayay xukuumadda Dubay sheegeen inay ku dhaawacm een dabkaas inkastoo dadkii ugu bad naa la bad baadshay.

Lama oga waxa dhaliyay dabka hot elkaan qabsaday waxaa uu dhinaca ku hayaa dhismaha dunnida ugu dheer ee Burj Khaliifa.

MADAXWEYNAHA RWANDA OO KU DHA WAAQAY INUU MARKII 3AAD U TARTAMAYO XILKA MADAXTINIMADA

Madaxweynaha Rwanda Paul Kaga me ayaa xaqiijiyay in mar saddexaad uu dib isku soo sharaxayo doorashada dhici doona sanadka 2017.

Ku dhawaaqistan ayaa aheyd mid la filayay, ka dib markii dhowaan afti loo qaaday in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalkaas, taasoo u ogolaane ysa Mr Kagame in mar saddexaad isu soo sharaxo, isla markaana xukunka sii haayo illaa sanadka 2034.

Mr Kagame ayaa sheegay in dadka reer Rwanda ay cadeeyeen rabitaan kooda oo ah qofka ay doonayaan inuu dalka hogaamiyo ka dib sanadka 2017, taasna uu isaga aqbalay."Wa xaad iiga codsateen inaan dal ka hog aamiyo mar kale ka dib 2017, mar la eego muhiimada iyo tixgelinta ay lee dahay, waa waxa kaliya ee aan aqbali karo”ayuu yiri Mr Kagame oo khudbad uu ka jeediyay Telefishinka. Paul Kagame ayaa xilka Madaxtini mada dalkaas qabtay sanadkii 2000, waxaana tan iyo sanadkii 1994 uu dalk aas ka dhacay xasuuq, wuxuu ahaa nin saameyn badan ku lahaa dalkiisa.

Madaxweynaha Rwanda ayaa lagu ammaanay in dalkiisa uu horumar dhin aca dhaqaalaha ah gaarsiiyay, hase yeeshee waxaa jira eedeymo loogu soo jeedinayo dhinaca xuquuqda aad anaha iyo keli talisnimo.

SOOMAALI LAGA ERYAY SHIRKAD AY KA SHAQEYNAYEEN, MARKII LOO DIIDAY INAY SALAAD DUKADAAN

Illaa 200 oo ruux shaqaale Musl imiin ay u badnaayeen Soomaaliya ay aa shirkad soo saarta Hilibka oo ku taa la Gobolka Colorado ee dalka Mareyk anka, ka dib markii ay cabashi ka muu jiyeen in shirkada ay u diiday inay duk adaan Salaada xilliyada shaqada.

Koox u dooda xuquuqda dadka mus limiinta ayaa Khamiistii sheegtay in muslimiintan laga ceyriyay Shirkadda CARGIL oo hilibka Baakada ku xirta, iy adoo loola dhaqmay qaab faquuq ah.

Afhayeen u hadlay Golaha Xiriirka Muslimiinta ee loo soo gaabiyo CAIR oo lagu magacaabo Jeylaano Xuseen ayaa sheegay in kooxdan shaqaalaha ah ay la kulmeen xanibaad ku aadan gudashada waajibaadkooda Alle, taa soo in muddo ah socotay, waxaana la ga hor-istaagay inay salaad dukadaan xilliyada shaqada ku jiraan

"Dhammaan shaqaalaha waxay aha ayeen kuwo aad ugu wanaagsan guda shada waajibaadka Alle, mana jirin wa xkale, xanibaada la saarayay muddo aad u dheer ayay soo socotay”ayuu yi ri Jeylaani Xuseen.

Mr Jeylaani ayaa sheegay in mur anka arrintan ka dhashay uu ka damb eeyay markii is bedel lagu sameeyay dhanka shaqada oo ay soo rogeen Ma amulka Shirkadda ee Cargil oo ku aad dan goobta shaqada iyo dukashada salaada

Sidoo kale Saraal u hadlay Xafiiska Shirkada Cargil oo lagu magacaabo Mi ke Martin ayaa sheegay in murankan uu yimid markii wax laga bedelay shur uucda shirkadda oo aan wax is bedel lagu sameyn illaa sanadkii 2009-kii.

"Cargill waxaa ay sameysaa isku day xili kasta ah kaas oo fursado siina ya dadka diintooda si looga fogaado is maandhaaf isla markaana ganacsiga soo saarsita hiilbka shirkadda aan dhib aato ku keeneynin”ayuu yiri Mr Mike Martin.Waxaa uu sheegay in sharciyada shirkadan ay yihiin kuwo dabacsan, is la markaana shaqaalaha u ogolaanaya inay salaadooda dukadaan, taasoo ku xiran qeybaha ay ka howl galaan oo la xiriira shaqo maalmeedka shirkadda si da uu yiri. Mr.Martin ayaa sheegay in ku dhow aad 200 shaqaale ay ka maqnaayeen shaqadooda, isla markaana aysan ku soo wargelin maamulka shirkadda.

Maamulaha shirkadda ayaa la kul may qaar ka mid ah shaqaalaha Soom aalida iyo madaxda ururka shaqaalah kuwaas oo matalaya ku dhowaad 2, 000 saacadood shaqaalaha shaqeeya hase yeeshee waa ay ku guuldareys teen inay xaliyaan muranka soo kala dhexgalay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Cargil. Cumar Jamaal oo ah agaasimaha fulinta gudiga xuquu qul insaanka Soomaalida, ayaa sheeg ay in maamuliyaasha Cargill aysan fah min waqtiyada dadka muslimiinta ah ay u baahan yihiin in ay gutaan waaj ibaadkooda inta lagu guda jiro shaq ada.

Jamaal ayaa sidoo kale sheegay in ururkiisa uu xiriir la sameeyay shirkad da Cargil haddii shaqaalaha Soomaali da ay shaqadooda dib u heli karaan.

"Waxaan ku rajo weynahay, inay jiri karaan sharciyo cad cad oo u taagan qof kasta in uu xallin karo dhibaatada heysata” ayuu mar kale yiri.

Shirkadda Cargill ayaa waxaa u shaqeeya 155,000 oo shaqaale oo ka howlgala 68 wadan, sida laga soo xigt ay website shrikadda

ITOOBIYAOO OGOLAATAY IN WAFDI KA SOCDA DOWLADDA FEDERAALKA AY TAGAAN CEEL-BARDE

Degmada Xudur Ee Xarunta u ah Gobolka Bakool ayaa waxaa Maalma haan ku sugnaa Wafdi Xildhibaanno ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo doonayay in ay tagaan Degma da Ceelbarde oo lo oga dhawaaqay Maam ul lagu Magac aabo Bakool Sare oo ka ma daxbana an Koofur Galbeed,balse Saraak iisha Itoobiya ay diideen tagitaanka Ceel-barde Xildhibaanadasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sug an Degmada Xudur iyo Xildhi baanada Fe deraalka ka socda ee halk aasi jooga ay isku Afgarteen in Wafdi ga Dowladda Soo maaliya ay tagaan Degmada Ceel-barde ee lagu dhisay Maamulka Bakool Sare.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaa liya ay aa sheegay in Saraakiisha Itoo biya ay isla meel dhigeen in Xildhiba anada ka socda Dowladda Federaalka la geeyo Ceel-bar de si ay dadka hal kaa ku nool Kulamo ula yeeshaan oo lagu qanciyo in aan Fowdo iyo dagaal aan laga Abaabulin Gobolka Bakool.

JEN. TUUR YARE "WAXAA FASHILINAY WEERAR LA DAMACSANAA IN LAGU QAADO XERADA XALANE”

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen, C/raxmaan Tuur Yare ayaa sheegay inay xalay ka hortageen weerar lagu qaadi rabay Xa runta Xalane oo Talis u ah Ciidamada AMISOM.

Jen, Tuur Yare oo la hadlayay laa nta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka oo howl gal roondo ku jiray ay arkeen ga ari caasi ah oo hoobiyeyaal ku rarnaa, durbad iiba rasaas ayay is weydaa rsadeen. "Xilli Saq dhexe ayay aheyd oo ciid amada roondeynayeen, waxay isku dayeen inay meesha soo galaan oo ay is dhahayeen ciidamada waa hurdaan, gaariga caasiga ah ee ay wateen ayaa asigoo cararaya wax tuurayay Badda Jazeera ayayna ku dhaceen, wax kha saare ahna ma geysan”ayuu yiri Jen, Tuur Yare.

Jen Tuur Yare ayaa sheegay in xo gta weerarkaas ay ciidamada hayeen, isla markaana feejignaan ku jireen, isa goo xusay in weerarka ay rabeen inay sanadka cusub ku soo beegaan, balse ay carareen, markii ay arkeen leyrkii gaariga ciidamada sida uu yiri.

Xogta horay ayaa loo sii hayay, wax ay damacsanaayeen inay Xalane soo weeraraan, waxaa la socotaa kol hore inay galeen, markaan inay hoobiyey aal ku tuuraan, mana u suura gelin, wa ana carareen, waana laga hortagay” ayuu yiri Taliyaha Hay’adda Nabads ugida.

Waxaa uu sheegay in amniga mag aalada uu si guud ah u sugan yahay, Is la markaana ammaanka laga ilaali yo ilaa 40-km, isagoo tilmaamay in cii damada ay joogaan goobihii loogu tala galay sida uu yiri.

Ma jirto wax war ah oo ka soo bax ay Taliska AMISOM oo ku aaddan we erarkan la damacsanaa in lagu qaado xaruntooda, kaasoo Hey’adda Nabads ugida sheegtay inay fashilisay.

AXMED MADOOBE OO ADDIS ABABA KULA KULMAY WASIIRKA ARIMAHA DIBADA ITOOBIYA

Madaxweynaha Maamulka Jubb aland Axmed Maxamed Islaam (Axm ed Madoobe) oo maalma han ku sug naa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa kulan la qaatay Wasi irka Arimaha Dibada dalkaasi.

Kulanka ayaa ahaa mid ku aaddan sidii Dowladda Itoobiya ay u kordhin la heyd taageerada ay siiso Maamulka Jubbaland iyo in ciidamada Itoobiya ay ka qayb qaataan sidii Shabaab looga saari lahaa dhulka Jubbooyinka ay ka joogaan.

Maamulka Jubbaland ayaa doona ya in sanadka cusub ay qaadaan wee rarro lagu bartilmaame edsanaayo Mag aalooyinka muhiimka ah ee Shabaab ay ka joogaan Gobolada Jubbooyinka.

Masuuliyiin ka qaybgashay Kulanka ay aa sheegay in Wasiirka Arimaha Diba dda dalka Itoobiya Dr.Tedhros Adhan om uu ballan qaaday in Maamulka Jub baland uu la garab taagan yahay taa geero ballaaran.

Qorshaha ayaa ah in ciidamada Itoo biya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah ay caawiyaan ciid anka Jubbaland, ka dibna sidaasi lagu wajaho deegana da Shabaabka ay joogaan.

Maamulka Jubbaland oo ku sugan Magaalada Kismaayo iyo Degmooyin kale oo Jubadda hoose ka tirsan, ayaa guud ahaan Jubbada Dhexe, waxaa ku sugan oo maamulaya Shabaabka, taasi oo keentay abaabul dagaal inay ku qaadaan ciidanka Jubbaland si gac antooda ay halkaasi u soo gasho.

BAARLAMAANKA SOMALIYA OO ANSAXIY AY MIISAANIYADDA DOWLADDA SANAD KA 2016, OO AH 246 MILYAN OO DOLLAR

Baarlamanka Federaalka Soomaal iya, ayaa meel mariyay ku talagalka Mi isanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka ka dib kulan ay mudanayaa shu khamiistii ku yeesheen xarunta go laha shacabka ee magaalada Muq disho.

Miisaniyadda dowladda ee la ansaxi yay oo ah 246 milyan oo lacagtra Mare ykanka ah, ayaa waxaa qayb ka ah qa rashka lagu bixinayo mushaaradka ka maqan shaqalaha dowladda iyo ciidaa mada qalabka sida ee sanadka 2015-ki, waxaana sanadka 2016-ka hal ku dhig looga dhigay miisaniyadda Qaran ka waa ku tiirsanaanta dhaqalaheena.

Wasiirka Maliyadda ee xukumadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraah im (Fargeeti)oo hadalka ka jeediyey ku lanka Baarlamaanka, ayaa sheegay in anxisanta misaniyadda dowladda ee Sanadka 2016-ka ay ku xiran tahay in Soomaaliya laga cafiyo daymo lagu lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Ca bdalle Cawad oo kulanka barlamanka shir guddoominayey, ayaa ku dhawaa qay natiijada codka lagu meelmariyey miisaniyadda dowladda ee sanadka 2016-ka.

Samaynta miisaniyadda ay yeelato dowladda Federaalka, ayaa sahlaysa habka isla xisaabtanka hufan ee hay’ addaha kale duwan ee dowladda, taas oo horseedaysa in dalku ka mid noqdo dalalka ku horumaray hagaajinta maa mulka wanaagga.

BOOLISKA JARMALKA OO HEEGAN LA GELIYAY IYO LABO SALDHIG LAGA RAACO TAREENADA OO LA XIRAY

Booliska Jarmalka ayaa heegankii ugu sareeyay la geliyay, ka dib markii ay soo baxday cabsi laga qabo weera rro argagixiso oo ka dhaca magaalada Munich.

Labo saldhig laga raaco tareenada oo ku yaalla magaalada Munich ayaa la xiray, iyadoo habeen hore saqdii dhexe laga daad-gureeyay dadkii ku sugnaa.

Sirdoonka Faransiiska ayaa ku war geliyay Sirdoonka Jarmalka suurta gal nimada weerarro argagixiso oo Koox da IS ka geysato dalkaas, inta lagu gu da jiro dabaal degga sannadka cusub.

Macluumaadka la helay ayaa muujina ya in ilaa 5-7 ruux oo doonaya inay is qarxiyaan ay doonayaan goobaha dad ka isugu yimaadaan.

Booliska ayaa baaritaan ku haya go obaha qaar, iyadoo la baadigoobayo dad looga shakisan yahay inay yihiin Ciraaqiyiin iyo Suuriyaan.

Wadooyinka magaalada ayaa la she egay in ciidamo fara badan ka sameyn ayay howl gallo iyo baaritaanno adag sameynayeen, waxaana mar dambe la amray in dib loo furo labada saldhig ee laga raaco tareenada.

Inta badan magaalooyinka caasima daha ee Yurub ayaa ammaankoodaa ad loo adkeeyay, iyadoo sidii la filayay aan looga dabbaal degin sannadka cu sub, maadaama laga cabsi qabay wee

rarro argagixiso.

MUNAASABAD LAGU SOO DHAWEEYNAY AY MUSHARRAX C/RAXMAAN CADOOW OO LAGU QABTAY BELEDWEYNE

Xaflad ballaaran oo lagu soo dhawe ynayay Musharaxa Madaxweynaha maamul-goboleedka loo dhisayo Gob ollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe C/raxmaan Xuseen Caddoow ayaa dor raad lagu qabtay Magaalada Beledwe yne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta maamulka heer gob ol, odayaasha dhaqanka, dhalinyarro, haween iyo marti-sharaf kale ayaa soo camiray goobta munaasabadda lagu qabtay Ex-Baar Xassan Dhiif ee mag aalada Beledweyne, waxaana halkaa khubado kala duwan ka soo jeediyay mas'uuliyiin iyo odayaal dhaqameed ta ageero mug leh u muujiyay mushar axa.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo xafl adda ka hadlay ayaa xusay inay soo dhaweynayaan dhinacooda hanka siya asadeed ee musharraxa, isagoo u raj eeyay guul & inuu kusoo baxo kursiga madaxnimo madaxweynaha maamul ka labada gobol.

Musharax C/raxmaan Xusseen Ca doow oo munaasabada hadal ka jeed iyay ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka madaxweynaha maamulka laba da gobol ka shaqeyn doono siidii ay bu lshada ku dhaqan labada gobol u heli lahaayeen, Cadaallad, Midnimo iyo Si nnaan, sidoo kalana uu la-dagaaalami doono musuq-maasuqa, shaqo abuur u sameynayo dhallinyarrada ku dhaq an Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, si wax looga qabto Tahriibka, meeshana looga saaro dhimashada baahsan ee dhalinyarrada Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo uu xusay inuu ka shaa qeyn doonno kobcinta dhaqallaha laba da gobol iyadoo dib loo soo noole ynayo dhamaanba goobihii adeega bul shada iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee ku bur-buray dagaalladii sokeeye, hirgalinta waxbarashada lacag la'aan ah ayuu sidoo kale soo hadal qaaday.

'Marka la eego dhammaan ballan-qa adyada musharaxa oo ahaa kuwo Taa banaya dhinacyo badan ayaa ku xirran inuu marka hore ku guuleysto xilka ma daxnimo ee maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybihii kala duwanaa bulshada ee munaasa bada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshaha musharaxa oo ay u arkaye en mid diirada lagu saarayo dhamaan ba baahiyaha kala duwan ee ka jira labada gobol.

Magaalada Beledweyne waxaa had da ku sugan labo musharax oo u tag an xilka hoggaanka Maamulka loo sa meynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabe ellada Dhexe; Kuwaasoo kala ah; C/ra xmaan Xuseen Caddoow iyo Ibraahim Xabeeb Nuur oo shalay magaalada Baladweyne soo gaaray.

HOWLWADEENNO TURKISH AH OO MUQDISHO LAGU DILAY

Kooxo hubeysan ayaa weeraray ko lonyo uu la socday Injineer u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo marayay wa ddada wadnaha ee degnada Hodon oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyagoo na kooxaha hubeysan ay ku fureen ras aas fara badan.

Injineerka Turkiga u dhahay ayaa la sheegayaa in la toogtay xilli uu ka soo baxay masjid ku yaala dhabarka da mbe ee jaamacadda Soomaaliya, iyad oo sidoo kale halkaasi ay ku geeriyoo tay gabar 5-sano jir ah oo lagu magac aabo Xaawo Xasan Isaaq, halkaasi oo jameecadii masjidka ay isaga carareen goobtaasi.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Injineerka lagu magacaabo Kamaal, kaasi oo u shaqeynayay shirkad Turki ga laga leeyahay, iyadoo dhaawaciisa lagu dabiibayo Isbitaalka Turkigu maa mulo oo ku yaala magaalada Muqdi sho.

Ma aha markii ugu horeysay oo sha qaalaha Turkiga lagu weeraro magaa lada Muqdisho, iyadoo horay muddo dhowr jeer la weeraray madax iyo shaqaale ka tirsan Turkishka ka howl gala dalka. xigasho somaliweyn.com

BOQOLAAL ARDAY OO TABABARO LOOGU SOO XIRAY XARUMAHA JAAMACADDA JOBKEY EE MUQDISHO

Ku dhawaad 500 oo arday oo ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacad da JOBKEY ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo soo gebagabeeyay ta babaro soconayay muddo saddex ci sho ah.

Waxaa tababarkan aqoon kororsiga ah lagu baranayay xirfadaha hogaami yaha (Leadership Skills) maamulka shaqaalaha (Human resource Man agement) iyo Nafaqeyenta caruurta (Nutrition). Tababaradan oo uu soo qaban-qaa biyey maamulka Jaamacadda JOBKEY ayaa waxay si wadajir ah u ga socdeen xarumaha ay jaamacaddu ku leedahay Soobe iyo Taleex ee ma gaalada Muqdisho. Ardaydii ka faa’iideysatay tababarad an ayaa waxay sheegeen iney wax ba dan ka kororsadeen waxayna u mahad celiyeen maamulka Jaamacadda JOB KEY oo tababaradan soo agaasimay.

Macalimiinta wax ka bixinayay tab abarkan oo kala ahaa Mr. Mohamed Abu kar Zubeyr, Prof. Yusuf Salaad Wa rsame iyo Drs. Nac iima ayaa ardayda ku booriyay inay ka faa’ideystaan aqo on kororsiyada no ocan oo kale ah. Hormuudka Kuliy adda maamu lka iyo Maareynta, iyo Caafi maadka Dr. Cabdicasiis Mohamed Guure iyo Najiib Daa’uud Walda ayaa iyana ardayda ku dhiiri gal iyay inay horay u wataan aqo ontooda.

Jaamacadda Jobkey ayaa horey tababaro noocan ugu qabatay ardayda wax ka barata iyadoo maamulka jaa macadu u horey u sheegay iney joogt eyn doonaan tababarada si sare loogu qaado aqoonta iyo garaadka ardayda.

DHISMAHA HAY'ADAHA DOWLADA OO MEELO WANAAGSAN MARAYA

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda Dowlada Soomaaliya ay ka soo kabsaneyso bur burkii soo mar ay,islamarkaana hala-keeyay Hay'adaha kala duwan ee Dowlada.

Sidoo kale,Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay iney dhismayaan xarumaha kala duwan ee Dowlada,wuxuuna Tusaale u soo qaatay dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu sheegay in hada ay heleen tababaro iyo qibrad dheeraad ah oo ay ku howl geli karaan.

Dr Axmed Cali Daahir oo hadal kiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay inuu soo hagaagayo guud ahaan amaanka dal ka,islamarkaana taasi sababteeda leeyih iin Ciidanka amaanka oo helay adeeyada muhiimka ah ay u baahnaayeen si ay ula dagaalamaan falalka amniga lidka ku ah.

22-kii sano ee ugu danbeysay wax aa bur bur xoogan uu ka muuqday Hay’a daha Dowlada,kuwaasi oo ka shaqeyn kari waayay caqabado badan hareeyay oo ugu horeyso masuq-maasuq.

Dowlada Federaalka Soomaaliya uu Hogaamiyo madaxweyne Xasan She ikh ayaa dadaal ugu jirta sidii dalka dib ugu soo ceshan lahaa nidaamkii iyo kala danbeyntii jirtay waa hore,waxaana hada socda qorshe howled muhiim u ah shacabka.

BAYDHABO OO LAGA FUREY XARUN DHALIN YARADA AY LEEYIHIIN

Wasiirka arimaha gudaha iyo dowlada ha hoose ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya mudane C/raxmaan Sate ayaa xariga ka jaray xarun looga tala galay dhal linyarada ku nool gobolka Ba ay, xarunta ayaa waxaa dhis ay hey’ada ha UNHCR iyo DRC.

Munaasabaddii xarunta xariga looga jarayay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uu liyiin uu kamid yahay wasiirka arima ha gudaha, maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa waxaa uu goobta ka sheegay in xaruntan qiimo weyn u leeda hay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Baay gaar ahaan magaalada Baydhabo, isa goo mahad celin u jeediyay dadkii ka shaqeeyay in la dhiso xaruntan.

Xarunta ayaa waxaa ay ka kooban ta hay hoolal waa we yn oo shirarka looga ta lagalay iyo jir-dhiska loo dhisay iyo qeybo kale oo muhiim ah.

DANJIRAHA SOMALIYA U FADHIYA SUCU UDIGA OO LA KULMAY WASIIRKA BEERA HA DALKA SAUDI ARABIYA

Danjiaha Soomaaliya ee Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle iyo wasiirka bee raha Saudi Arabia, ayaa ku kulmay xarun ta Wasaarada Beeraha ee dalka Sacu udiga.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa sar aakiil labada dhinac ka kala socday oo ka mid ahaayeen, Saalim Macoow Xaaji oo ah la-taliyaha koowaad iyo ku xigeenka sa fiirka iyo C/llaahi Ibraahim Aadan oo ah xo ghayaha saddexaad e safaaradda.

Intii uu socday kulankaan ayaa si weyn loogu falan-qeeyay arrimo la xiira dhinaca beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga ee labada dal.

Danjire Geelle ayaa wasiirka beeraha Sacuudiga ka codsadey in ganacsatada Soomaalida loo furo suuqyada Sacuudiga loona ogolaado iney dalka Sacauudiya u dhoofiyaan hilibka xoolaha oo lagu diy aariyey dalka Soomaaliya gudahiisa.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu dowlada Sacuudiga ka codsaday in Soomaaliya laga taageero horumarinta tacabka beera ha; gaar ahaan muuska Somalia iyo sidii loo sahlin lahaa iib geentooda dalkaasi.

Geelle ayaa hadalkiisa ku daray in Soo maaliya ay leedahay bad dhererkeedu ya hay 3,333-km oo uu ka buuxo kalluunka badan; loona baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo.

Ugu dambeyn, wasiirka beeraha Sacu udiga ayaa sheegey inay mudnaan weyn siin doonaan Somalia, isagoo ballan-qaa day inuu gacan-weyn ka geysan doono si dii wax weyni ka qaban doono arrimaha safiirka Somalia ka codsaday.

BOOLISKA GALMUDUG OO GAADIID CIIDAN KA HELAY DOWLADA DHEXE

Taliska Ciidanka Booliska Soomaa liya ayaa deeq gaadiid ah ku wareejiyay Bo oliska Maamulka Galmudug si shacabka ku hoos nool maamulkaasi loogu adeego.

Xaflada wareejinta Gaadiidka oo ka dhac day magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan ma amulka Galmudug oo uu ka mid ahaa Wa siirka amniga iyo Saraakiil ka tirsan Ciidan ka Booliska,waxaana ka hadlay mas’u uliyiin halkaasi ku sugnaa.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Cusmaan Nuur Ciise (Taar-dhuleed) oo ka hadlay Gaadiidka lagu wareejiyay Boo liska Galmudug ayaa sheegay in deeqda Gaadiidka oo afar gaaraya lagu soo aad iyay xilli baahi weyn ugu qabeen Booliska maamulka Galmudug si howsha u ade egida shacabka si habsami leh ugu soc oto.

Sidoo kale,Wuxuu hoosta ka xariiqay in Gaadiidka qeyb weyn ka qaadan doona an sugida amniga iyo dhiira gelinta howl galka lagu baadi goobayo dadka falalka amaandari geysta.

Maamulka Galmudug oo dhawaan la dhisay ayaa hada dadaal ugu jira sidii loo dar dar gelin lahaa howsha muhiimka ah ee loo hayo Shacabka Galmudug iyo wal iba inuu isku balaariyo deegaanada kale ee gacantooda ka maqan.

WASIIRKA MAALIYADA OO SHEEGAY IN DOWLADA LACAGO DEYN AH LAGU LEEYAHAY

Wasiirka Maaliyada Xukuumada So omaaliya Max'ed Aadan Ibraahim Farg eeti,ayaa sheegay in Dowlada lagu leeyahay lacago deymo ah oo aad u fara badan,kuwaasi oo sheegay in qaarkii ay ku leeyihiin Xawaaladaha Soomaalida iyo kuwo caalami ah.

Wasiir Fargeeti,ayaa sheegay in gu ddi Dowlada u saartay sidii loo ogaan lahaa cadadka lacagaha lagu leeyah ay,wuxuuna tilmaamay in Gudigaasi qeyb ay ka yihiin xisaabaha guud iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka,islamarkaana lacagata hada Dowlada lagu leeyahay qaarkii lagu lahaa xukuumadihii tan ka horeeyay.

Wuxuu sheegay Wasiirka Maaliya da Dowlada Soomaaliya Max’ed Aadan Ibraahim in lacagaha deynta ee Dowlada lagu leeyahay ay aad u fara badan yihiin,waxaana lacagaha qaark ooda ku leh Shirkadaha Hormuud iyo Dahab-shiil,sida uu Wasiir Fargeeti sheegay.

Sidoo kale,Wasiirka Maaliyada ay aa dhowr mar Dowlada u sheegay in lagu leeyahay lacago horay u isticma ashay,Mr Fatgeeti ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaasi qaarkii aan la og eyn halka ay ku baxeen,balse uu shee gay in hada Gudi daba gal ku samee ya ay u xil saareen.

SHABAAB OO DORRAAD XUKUN DIL AH KU FULIYAY SHAN NIN OO BASAASNIMO AY KU EEDEEYEEN

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay gelinkii dambe ee khamiistii ay xukun dil ah ku fuli yeen illaa shan nin, ka dib markii ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen Dowla daha Somaliya iyo Mareykanka.

Raggan oo lagu qisaasay Fagaaraha Degmada Saakow Ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa afar ka mid ah la toogtay, halka midka kalana la gowracay. Ninkan waxaa lagu eedeeyay inuu hagaayay diya arad bilaa duuliye ah, oo duqayn ka fulis ay Koonfurta Somaliya, laguna dilay dag aal-yahano Shabaabka ka tirsanaa.

Maxkamadda Degmada Saakow, ayaa in la dilo ku xukuntay raggaasi, sababo ku aadan sida ay sheegtay, iyagoo la shaq aynaayay cadowga Alle.

Ragga la dilay waxaa lagu kala magacaabi jiray:-

Aadan Maxamed Isaaq 19 jir

C/laahi Xasan Abuubakar 19 jir

C/najiib Cismaan Cosoble 19 jir

C/naasir Cali Maxamed 21 jir

Axmed Cali Ibraahim 22 jir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Saakow oo Fagaarahaasi kula hadlaayay boqolaal ruux oo isugu soo baxay, ayaa dadka kaga digay inay la shaqeeyaan dhinacyada ka soo horjeeda jiritaanka Shabaabka, haddii kalana loo dili doono, si lamid ah shantii nin ee galabta lagu dilay Fagaaraha Saakow.

Ururka Al Shabaab, ayaan soo bandhi gin cadaymo lagu qanci karaayo oo la xiri ira in raggaasi, ay la shaqaynayeen Dowla daha Mareykanka iyo Somaliya, marka la ga soo taggo oraahda ay ku caanka baxe en, ee ah (Isagaa qirtay).

Xigasho dhacdo.com

DOWLADDA OO LAYAABTAY HUBKA LAGA HELAY MASAAJIDKA KU YAALA DEGMADA HODAN

Dowladda Somaliya, ayaa waxaa layaab ku noqotay in hub iyo lacag laga helo Masaajid ku yaala xaafadda Sey Biyaano Ee Degmada Hodan, xilli gelinkii dambe ee Arbacadii ay hawlgal ka sameeyen Ciidamada Dowladda. Wasiirka Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Masaajidkan, ayaa sheegay inay layaaban yihiin hubkaasi iyo lacag dhan ($3,950) oo Masaajidka laga soo saaray.

Wasiirka, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay jiraan dad laga soo qab qabtay Masaajidkaasi, oo lala xiriirinaayo ku lug lahaanshaha amaba inay wax ka ogyihiin hubkaasi, isla-markaana ay baaritaano wadaan.

Sidoo kale waxaa uu ka gaabsaday inuu ku hadaaqo cidda iska leh hubkaasi, balse ay weli baaritaano socdaan, isagoona ka gaabsaday in uu ka hordhaco baaritaanadaasi.

Wasiirka, ayaa xusay in Ciidanka Booliska Somaliyeed ay ka hortaggeen hubkaasi, oo sida uu sheegay khatartiisa leh, isla-markaana uu kaga mahadcelinaayo shaqada qaran ee ay qabteen.

Sey BiyaanoSey Biyaano1Sey Biyaano2Sey Biyaano4

Waxaa jira tuhun laga qabo in hubkaasi ay leeyihiin ganacsatada hubka, oo si suuq madow ah hubka ugu iibiya qaybo ka mid ah Degmada Hodan, maadaama la xiray suuqii hubka ee Cirtoogte.

Waa hawlgalkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo laga sameeyo Masaajid ku yaala Degmada Hodan Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho

xigashodhacdo.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip