HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 28-KA LUULYO 2018-KA

0
Saturday July 28, 2018 - 09:00:37 in Wararka by
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 28-KA LUULYO 2018-KA

    DAAHIR GEELLE "MADAXWEYNUHU WAXAA UU BOOQASHO TAARIIKHI AH KU TAGAYAA ERITREA" Wasiirka Warfaafinta XFS Md.Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka warbixiyay b ooqasho rasmi ah oo maalinta berri Mad axweyne Farmaajo ku tagi doono dalka Eritrea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAAHIR GEELLE "MADAXWEYNUHU WAXAA UU BOOQASHO TAARIIKHI AH KU TAGAYAA ERITREA" Wasiirka Warfaafinta XFS Md.Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka warbixiyay b ooqasho rasmi ah oo maalinta berri Mad axweyne Farmaajo ku tagi doono dalka Eritrea Daahir Geelle ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha ay noqon doono mid taariikhi ah oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagi doono dalka Eritrea oo sanadkii 1993 madax banaani ka qaatay.

    "Madaxweyne Farmaajo waxaa uu maa linta booqasho rasmi oo taariikhi ah ku ta gayaa dalka Eritrea, waxaa Soomaaliya iyo Eritrea u bilaaban doona xiriir cusub oo diblomaasiyadeed”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta. Waxaa uu sheegay in Md.Fa rmaajo iyooojinayo.

     Xiriirka cusub ee u bilowday Itoobiya iyo Eritrea oo muddo 20 sano ay colaad u dhaxeeysay ayaa weji cusub gelisay xaa lada Gobolka iyo istiraatiijiyada Siyaas adeed ee Geeska Afrika. Eritrea ayaa ho ray lagu eedeeyay inay taageero kooxaha dowladda ka soo horjeeday, sida AlSha baab waxaana sanadkii 2007 lagu aas aa nay Asmara Isbaheysigii la magac baxay Dib u xoreynta oo hoggaamiyhii isbahey sigaas Sheekh Shariif mar dambe loo doo rtay Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib wada hadalkii Jabuuti ay garwadeenka ka aheyd Qaramada Midoobey.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN SHAN SHIRKADOOD KA SHAQEYN DONAAN QAADISTA XUJEYDA

     Wasiirudowlaha Wasaarrada Arr Diin ta iyo Awqaafta dowladda Soomaaliya ah na kusimaha Wasiirka Diinta Cabdixakiin Xassan Ashkir ayaa sheeegay isaga oo ku sugan dalka Boqortooyada Saudi Ara bia in la bilaabayo soo qaadista xujeyda Soomaaiyeed ee gudanaya sanadkan waajibaadka Xajka.

     Wasiirka ayaa sheegay in Shan Shirk adood ka shaqeyn doonaan soo qaadista xujeyda Soomaalida, kuwaa oo sida uu hadalka u dhigay hadaba bilaabay howl ahoodii shaqo. ‘’Sanadkan wuxuu uga du wan yahay sanadihii hore shirkaddaha ay aa si buuxda u maamuli doona howlaha xajka, halka kaalinta xukumaddana ay no qon dooto oo kaliya kor joogteyn oo kali ya ayuu yiri Wasiirudowlaha Wasaarad da Diinta iyo Awqaafta.

      Wasiirudowlaha ayaa waxba kama jir aan ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya siyaasadeyneyso arrimaha Xajka, isaga oo intaa ku daray in madaxda ugu sareysa dalka dadaal ba dan ku bixiyeen sidii ay xujeyda Soomaa liyeed u tagi lahaayeen sanadkan xajka.

‘  ’Waxaan rabnaa in si hor dhac ah u she egno in hadda wax walba soo dhamaad een, dhawaanna xujeyda tagi doonaan dalka Sacuudiga, waxaan beenineynaa wararka leysla dhaxmarayo ee ah in dow laddu siyaasadeyneyso arrimaha Xajka, waxaan cod dheer ugu sheegeynaa xuje yda Soomaaliyeed in ay tagi doonaan sanadkan Xajka’’ ayuu yiri Cabdi Xakiin Xassan Ashkir.

     Hadalka Wasiirudowlaha ayaa iman aya xili warar madaxbannaan sheegaya an in uu jiro wali jiro khilaafka dhinaca shi rkaddaha ah ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga, taasoo dib u dhac ku keentay looga bartay in xujeyda Soomaaliyeed tagaan dalka Sacuudiga.

MIDOWGA AFRIKA OO ABAALMARINNO SIIY AY QAAR KA TIRSAN CIIDAMADA AMISOM.

    Midawga Afrika ayaa abaalmarin ku bix inaya adeegyo ciidan oo ka socda Ciida mada Difaaca Dadka Ugandha (UPDF), iy ada oo loo aqoonsanayo doorka ay siin ayaan Ciidamada AMISOM ee Soomaali ya. Ciidamo ka socda UPDF Battle Group XXII (UGABAG XXII) ayaa dhammays tir ay sannadsannadeedka dalxiiska ee Ge eska Afrika.

     Kooxdan dagaalyahaniinta ah ayaa la sheegay inay fulinayeen howlgallo ka dhan ah alShabaab ee ka soo horjeeda G/Sh/Hoose oo ay ka mid yihiin Celjale, Ayub, KM50, KM67, Buffow, Shalambot, Marka, Masla iyo Quoryooley.

Koo xda waxaa lagu baddali doonaa Koo xda Battle Group XXV (UGABAG XXV), kaas oo qaadan doona masuuliyada amni ga ee isla goobahaas. "Dib u noqo oo soo bandhig khibrada. Muujinta edbinta, wax aanan kuugu rajeynayaa wanaag, "Taliy aha Ciidanka AMISOM, Lt. Gen. Jim Bee sigye Owoyesigire, ayaa u sheegay askar intii lagu guddoonsiiyay abaalmarinta bill adda iyo xafladda furitaanka.

      Taliyaha Ciidanka ayaa ammaanay askartii si ay u muujiyaan aadaabta xilkaqaadista, oo ay ku caan baxeen Brig. Pa ul Lokech, oo ah Taliyaha Ugandha ee Soomaaliya. Brig. Lokech waxa ay shee gtay in ciidamada Uganda ay muujiyeen dareen ballaaran oo ku aaddan ballanqa ad iyo samatabbixin, inta ay xaalad adag ku jiraan xaalad adag. Waxa uu ku amm aanay dadaalladooda ku aaddan sidii loo dhisi lahaa beelaha iskuhaya ee degaan adooda iyo dhiirigelinta soo celinta nab adda.

    "Marka laga hadlayo halganka lagu xa kameynayo wadankan, waxaan luminay saaxiibo. Marka laga hadlayo halganka lagu xakameynayo wadankan waxaan lee nahay dhaawaca Mubende. Weli waxaan fiirineynaa cilladaha wixii aan soo ma rnay. Laakiin dhammaantood waxa ay ah ayd in ay caawiyaan walaalaheena Afrik aanka ah iyo Soomaalida, "ayuu yiri.

    "Mid ka mid ah tiirarka ku jira waxbara shadayada aad si fiican u taqaan, waxay ku saabsan tahay argagixisada Afrikaan ka. Taasina waa ajandaha noo soo jiiday hawshaan. Wax dan ah kama heysan arr intan. Danta ugu weyn ee aan ku imaane yno Soomaaliya waa in ay ka caawiso Soomaalida dib ugu noqoshada 30kii sa no ee hore, "Brig. Lokech ayaa intaas ku daray.

     Ku xigeenka safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen. Nathan Mugisha, oo ka codsaday taliyeyaasha joogtada ah in ay diiwaangeliyaan casharadii laga bar tey intii ay ku sugnaayeen waajiba adkoo da, si ay ugu wargaliyaan hoggaan ka Mis sion in muddada kala guurka. Wuxuu si doo kale mahad celin u jeediyay AMISOM iyo Xafiiska Taageerada QM ee Taageer ada Q/Midoobay (UNSOS), tag eerada ay u fidiyeen saraakiisha, kuwaas oo sii dard argeliyay taageeradooda xasil inta Soo maaliya Isha Warka: AMISOM

SAWIR QAADE IYO XILDHIBAAN HORE OO KHAMIISTII  LAGU DILEY MUQDISHO

     Askari ka tirsan ciidamada Booliska M/Muqdisho ayaa toogasho ku diley  wer iye sawir qaade ah iyadoo dilka weriyaha na uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Ma daxtooyada dalka sida wararku sheegay aan  wariiyaha ayaa saarnaa mooto baj aaj

 Iyadoo  Dilka weriyaha sawir qaadaha ahi Cabd irisaaq Qaasim IImaaan ayaa yi mid ka dib markii mid ka mid ah askar ku sugneyn bar koontarool oo labo xabad ood ku dhuft ay waxana uu marxuumku u geeriyooday rasaastii ku dhacday.

   Sawir Qaade Cabdirisaaq Qaasim oo u shaqeynayay taleefishinka saldhigiisu ya hay dalka Ingiriiska ee SBS ayaa waxaa cambaareeyay ururka saxafiyiinta qaran ka Soomaaliyeed.

     Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaa liyeed ayaa ugu baaqday dowlada fede ralka inay baaritaan ku sameeyaan sabab ta keentay dilka saxafiga isla markaana sharciga horkeenaan askarigii ka damb eeyay dilkiisa.

    Dhinaca kale waxaa lagu diley degm ada Howlwadaag ee gobolka Banaadir xil dhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaan kii  9aad ee Soomaaliya, Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi Bajamaal, waxaana go objoogayaal ay sheegeen raggii dilka ge ystay inay ka baxsadeen goobta, kahor in ta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka.

     M/Muqdisho ayaa waxaa ku soo bad anayay dilalka ka dhacay iyadoo qaar ka mid ah ay gaysanayaan ciidamada dowla da halka dilal kalana aan la ogeyn cida ka dambeysa.

    Illaa lix ruux ayaa siyaabo kala duwan loogu diley Darraad iyo shalay M/ Muqd isho waxaana ka mid ah labo askari, dar awal bajaaj iyo haweeney ganacsato ah.

DOWLADA BURTAQIISKA AYAA KU DHAWAAQ DAY 3 CISHO OO BAROOR DIIQ QARAN AH

   Dowlada Burtaqiiska ayaa ku dhawaaq day 3 cisho oo baroor diiq Qaran ah taa soo oo bilaaban doonto Isniinta soo so coto oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 30ka July, markaas oo lasoo gabaga bayn doona howlaha baaritaannada iyo aaska Dadkii ku dhintay shilkii Diyaarade ed ee ka dhacay dalkaasi.

    Wasiirkii Beeraha ee Dalka Paraguay, Luis Gneiting , ku xigeenkiisa iyo 2 Qof oo kale ayaa ku  geeriyootay shil Diyaarade ed oo Dorraad ka dhacay duleedka  M/ Ayolas  ee Dalka Paraguay.

     Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay ku xigeenkiisa, Vicente Ramirez , Duuliyihii Diyaaradda Gerardo Lopez iyo Luis Charotti, oo ka mid ahaa rakaabka, kuwaas oo dhammaantood ku Naf waa yay shilka . Madaxa hay’adda duulista Ha wada ee Dalka Paraguay, Luis Aguirre, ayaa Idaacadda Qaranka ee Waddanka asi u sheegay in qaar ka mid ah burburkii Diyaaradda laga helay goor hore meel 6km ama (3.72 miles) u jirta aroonka Diy aaradaha ee Magaalada Ayolas, ka dib baaritaan socday 14 Saacadood.

TURKIGA CAMBAAREEYAY WEERAR XUUTIYI INTA YEMEN KU QAADEEN MARKAB LAGA LEEYAHAY SACUUDIGA

     Dowladda Turkiga ayaa cambaare y say weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qa adeen Markab Shidaal oo laga leeya hay dalka Sacuudiga. "Waxaan cambaarayn aynaa weerarkii lagu qaaday laba Markab shidaal, oo laga lahaa Sacuudi Car abiya, kuwaas oo marayay Marinka Babel Man deb, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wa saaradda arrimaha dibedda ee dalka Tur kiga.

     Turkiga aya ku baaqay in la joojiyo tall aabooyinka noocaas ah, oo khatar gali naya amniga Badda, waxaana ay intaa ku dartay in ay sii kordhin karto xiisadda ha dda ka jirta Gobolka. Maalin ka hor ayeey aheyd markii Xuuthiyiinta ka dagaallanka dalka Yemen, taageerada ka haysata Iir aan ay weerar Gentaallo ah ku qaadday 2  Markab oo siday Shidaal, lagana lahaa Dalka Sacuudiga, iyadoo uu dhaawac yar ka soo gaaray mid ka mid ah Maraakiibt aasi oo lagu magacaabo Damaam.   Xigasho/ Anadolu

MAXKAMAD U OGOLAATAY MUSEVENI IN UU MADAXWEYNE U TARTAMO 2021

     Sida ay shaacisay Warbaahinta dalka Uganda Maxkamada ku taalla dalka Uga nda ayaa xalay ridday xukun ay ku taage erayso isbadal ay baarlamaanka dalkaasi ku sameeyeen dastuurka, taasi oo me esha ka saartay qodobkii xaddadiyay da ’da cidda u tartamaysa madaxwaynanim ada in ay noqoto mid ka sareysa 35 sa no islamarkana uusan qofka ka waynaan 75.

Qaadiyadda Maxkamadda  ayaa xukum ay in laalida da’da madaxwey nenimo ay san meesha ka saareyn awoodii ay dadku u leeyihiin in ay aayahooda ka ta shad aaan, sida uu qeexayo qodobka koowaad ee dastuurka dalkaasi.   Wax ay intaas ku dareen garsoorayaashu in baarlamaanku ay ku saxnaayeen isbadelkii ay sameey een, waxa ayna ku dhawaaqeen ansaxn aashaha isbadelkaasi.

      Golaha garsoorayaasha oo gaarayay shan ayaa afar ka mid ah waxa ay isku ra aceen in isbadelka baarlamaanku ay ku saameeyn dastuurka dalka uu ahaa mid sax ah. Dhammaan garsoorayaasha ayaa ku garab istaagay baarlamaanka meel ma rinta sharcigan, maadaama baarlamaan ku u codeeyeen in muddada xileedka ma daxweynaha laga dhigo ilaa 7 sano

    Madaxweyen Museveni ayaa haya talla da dalka Uganda muddo 32 sano ah, isla markaana sharciyan uma suuragaleyso inuu u tartamo doorashada 2021 hadii sharcigan xadidaada da’da madaxweyn aha uu sii jiri lahaa.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO QAABILAY WUFUUD KA QAYB GASHAY SHIRKA CAALA MIGA AH EE WAXBARASHADA SARE

      Ra'iisul wasaa raha e XFS Md.Xasan Cali Khayre ayaa Habeen horxafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka soco da waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turk iga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb ga lay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qabanq aabiyeen jaamacadda Ummadda Sooma aliyeed iyo wasaaradda waxbara shada.

        Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxba rashada sare ee Soomaaliya ay soo gaar tay, rejada wanaagsan ee jirta iyo dawrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna si doo kale uga mahadceliyay ka qayb gal kooda shirkaan caalamiga ah ee wax barashada sare.

     Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’I isul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay, iy ada xubnaha wafdiga qaarkood oo sann adkii hore kasoo qayb galay shirka caal amiga ah ee waxbarashada sare ay qi reen in uu jiro horumar ballaaran oo dhan ka waxbarashada ah, iyaga oo ballan qaa day warbixinta horumarka ay dalka ku ar keen gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yim aadeen.

      Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula ballam ay masuuliyiinta Wasaaradda waxbara shada iyo jaamacadda ummadda Soom aaliyeed oo kulanka goob joog ka ahaa in ay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeey aan dhinacyada daneeya horumarina wax barashadadalka Somaaliya. DHAMMAAD

WASIIR CAWAD OO XAFIISKIISA KU QAABIL AY SAFIIRKA QATAR EE SOOMAALIYA

     Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Mu dane Xasan bin Xamsa Asad Haashim, Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Ja mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Qatar ayaa gudbiyay salaan uu ka siday wasiirkiisa uu ku socotay Wasiir Axmed Cawad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu salaan u diray walaalkiisa Sheekh Maxamed bin Cabdir axmaan bin Jaasim Aala taani, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lah aa, laguna horumarin lahaa, waxaa kale oo la is dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha gobolka iyo dunida.

      Danjire Xasan Xamsa ayaa gaari qafi lan oo aanu xabadda karin ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soom aaliya si ay ugu adeegsato arrimaha muh iimka ah, iyadoo ah hadiyad ka timid Xuk uumadda iyo Shacabka Qatar.

      Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah aa Mudane Cabdulqaadir Axmedkheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibad da iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Mudane Mustafa Aadam Dagaal, Agaasimaha Wa axda Carabta ee Wasaaradda.

MILATARIGA IIRAAN "HADDUU TRUMP DAGAAL BILLAABO WAAN DHAMAYSTIRAY NAA”

  Taliyaha ciidammada gaarka ah ee Iir aan ayaa madaxweyne Trump uga digay in haddii Maraykanku uu weeraro Iiran "ay markaas burburin doonaan waxay isla ha yaanba. Sareeye Gaas Qassem Soleim ani ayaa wacad ku maray in haddii Trump uu dagaal billaabo ay dhamaystiri doonto Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, si da ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Tasnim ee dalka Iiraan.

    Arintan ayaa dabo socota Twitterkii xur uufta waawayn lagu soo wada qoray ee Trump uu madaxweynaha Iiraan ugaga di gayay in uusan waligii oo dambe u goo diyin Maraykanka. Xiisadda ayaa cirka is ku sii shareeraysa tan iyo markii uu Mara ykanku ka baxay heshiiskii Iiraan lala gal ay 2015kii.

    Sareeye Gaas Soleimani oo ah hogga amiyaha ciidammada Qudus ee dalka Iir aan ayaa laga soo xigtay Khamiistii isaga oo leh "ka askari ahaan, waa waajibaad kayga in aan ka jawaabo waxa dhankaa ga ka imanaya.

    Ila hadal aniga, ee hala hadlin madaxw eynaha [Xasan Raqxaani]. Sumcad aha anna ma aha in uu madaxweynahanagu kula hadlo. "Diyaar baan nahay, waliba si aadan malaysan karin. Kaalay diyaar ba an kuu nehehee.    "Haddaad dagaal bill awdo, waan dhamaystiraynaa. Ma og tah ay in dagaalkaas uu burburin doono waxa ad leedihiin oo dhan.

    Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay in Ma daxweynaha Maraykanku uu adeegsana yo luuqadda lagu adeegsado baararka habeenkii iyo goobaha khamaarka lagu ciyaaro. Axaddii ayuu Trump Twitterkasoo dhigay goodin uu u diray madaxweynaha Iiraan.

   Balse labo maalmood ka dib isaga oo la hadlaya askartii hore ee Maraykanka ay uu sheegay in Maraykanku uu doonayo in uu heshiis dhab ah la gaaro Iiraan”. Twitte rka carada ah ee Trump ayaa jawaab u ahaa digniin uu madaxweynaha Iiraan u diray Maraykanka. Xigasho: BBC

RA'IISUL WASAARE KHAYRE OO CADDEEY AY IXTIRAAMKA DAWLADDA EE BAHDA WAXBARASHADA DALKA

annn      R/W Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb gal ay Barnaamijka Bandhigga Ba ahida ciya araha dalka, ayaa khudbad uu u jeediyay kummannaan ruux oo isugu soo baxay ga roonka Wiish, degmada Cabdicasiis ee G/ Banaadir, waxa uu uga hadlay horumarin ta waxbarashada iyo ciyaaraha dalka.  R/Wasaaraha XFS ayaa sheegay in ay aqoonyahannadii iyo dha mmaan masuuli yiintii isku hawlay hor umarinta waxbarash ada dalka xilliyadii ay adkayd in lagu dhiirr ado fulinta barna amijyo bulshada lagu ho rurmarinayo, in dawladdu aqoonsantahay ayna ku leey ihiin sharaf iyo abaal, hase yeeshee wali loo baahanyahay in la tay eeyo wax barashada dalka.

    "Cid waliba oo kasoo shaqeysay wax barashada Soomaaliyeed waqtigii ay ugu dhibka badneyd waxa aan u haynaa shar af iyo abaal, dalkiinana wax aad ku leedi hiin karaamo, kuwa shahaadooyinka kasoo qaatay iyo kuwa hadda dhiganaya na waxa aan idiin sheegeynaa in dawladii nu idin aqoonsantahay hase yeeshee xuk uummadda, wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha waxaa laga doonayaa in ay sii horumariyaan tayada waxbarash ada waddanka si aan ula tartanno dunida inteeda kale", ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

     Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa adkeey ay dawrka ciyaaruhu ay ku leeyihiin hour marka dalka iyo soo celinta kalsoonida dhallinyarada, isaga oo sheegay in xuku ummaddu ay bahda ciyaaraha dalka siine yso xushmadda ay mudanyihiin.

"Waxa aan aaminsanahay in Ciyaaruhu yi hiin sida kaliya ee dhallinyarada Soomaal iyeed ay ku dareemi karaan in ay qayb ka yihiin Bulshadooda. Waxa aan ka shaqey neynaa in madaxda dalku idin siiyaan ixt iraamka aad xaqqa u leeyihiin. Marka aad safar dibadda u aadaan, safiirradu waxa ay ku amranyihiin in ay idiin soo dhawee yaan sida madaxweynaha loosoo dhawee yo oo garoonka diyaaradaha ay idiin ist aagaan", ayuu Ra'iisul Wasaaruhu u she egay ka qeyb galayaasha munaasabad da.  Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay muhiimmadda ay leeda hay soo celinta iyo dib u dhiska goobaha ciyaaraha gaar ahaan garoomada waaweyn ee kubbadda cagta sida garo onka ciyaar aha Muqdisho oo fariisin u ah ciidanka na bad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

     "Garoonka ugu weyn ee dalkaani la haa waa Muqdisho, waxa aan wasiirka hortiina ugu sheegayaa in garoonkaas si dhaqsa ah gacantiinna loo soo geliyo. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda gacant eedana lasoo geliyo", ayuu u sheegay RW/.Khayre ku yiri kumanaanka ruux ee ka qayb galay barnaamijka baahida ciyaaraha.    DHAMMAAD

XALAY  IYO DAYAX MADOOBAADKA QARNI GA (DAYAX DHIIG) – 27 LUULYO 2018 (KORORSO AQOONTAADA)

dayax madoobaad      laga bilaabo 21:30ka fiidnimo, waxaa adduunka, marka laga reebo waqooyiga Ameerika, laga arki doonaa dayax mado obaadkii qarniga. Daya xu wuxuu madoo baana yaa qiya astii hal saac iyo 43 daqii qo. Bilawga illa dhammaadkiisu wa xay qa adan doontaa illaa afar saac.

     Waxaa kaloo jirta arrin kaloo xusid mu dan. Dayax waxaa hoosaasinaya dhulka, marka wuxuu u ekaanayaa casaan ama dhiig. Waa xaalad loo yaqaan „Blood Mo on Eclipse". Dayax madoobadka ku xiga waxaa Yurubta laga arki doonaa aakhirka sanadka 2028. Keddibna facaha dambe, waxay arki doonaan 9ka Juun 2123 (xiga sho: Wargayska Tages Anzeiger)

********************

  Dayax iyo qorrax madoobaadyadu waa calaamado amaba dhacdooyin rabbaani ah. Ilaahay baa quraanka noogu sheegay in qorraxda, dayaxa iyo meerayaashu ay ku wada wareegayaan falagyo(orbits) oo ay nidaam, qaab iyo xisaab rabbaani ah ku socdaan.Fiiriya aayadaha Quraanka ( 7:54 – 21:33 55:05). Waayadii hore, bani aadaanku waa ka baqi jireen, amaba siy alo kala du wan ayay u fasiri jireen. Xataa waagii uu noolaa Nebigu (CSS), dadku markay ar keen arrimaahaan, way ka baq een, mar kaas ayaa nebigu ku yiri, ‚mark aad mado obaadyo aragtaan, oo aad baqdaan, tu kada salaad oo ducaysta.‘.

    Dayax iyo qorrax madoobaadyadu cid na wax ma yeelaan, saamaynna ma laha. Keliya waa inaan qorrax madoobaadka aan indho khaliya toos loogu fiirin. Qaw miyadahii hore ee adduunka, siyaalo kala duwan oo quraafaad ah ayay ku fasiri jireen calaamadahaas.

    Yurub, wxaa laga aaminsan yahay, in dayaxu ,markuu 15ka yahay, in dad bad ini qac noqdaan. Hebel waa dayaxoobay (lunatic), alyacni waa waashay, baa la yir aahda. Luna waa dayax. Soomalida, iya ga naylaha keliya ayaa ku wareera oo ma alin mooda, markaas bay iska dhaqaaqa an, sidaas ayaa loogu bixiyay, „ NAYLAQAAD"Hashi Y Osman

DAYAX MADOOBAADKII UGU DHEERAA QARN IGAN OO XALAY  LAGA ARKAY INTA BAD AN CAALAMK KA DIB MARKII SAADAAL LAGU SHEEGAY

    Dayax madoobaadkii ugu dheeraa qa rnigan ayaa Xalay laga ar kay inta badan ca alamka, si da horay loo saadaaliy ay, iy adoo Dayaxu uu gebi ahaan ba madoobaad ay. Dayax madoobaad ka ayaa laga ar kay me elo ka mid ah Soomaal iya iyo Afri ka, waxa ana uu socon doonaa illaa afar saacado od sida horey looga saadaa liyey.

     Meelo ka mid ah M/Muqdisho iyo gobo lada dalka ayaa waxaa ka bilowday Alle bari, iyadoo masaajidada loo dareeray si salad alle bari ah looga dkado.

      Sidoo kale dadweyne fara badan ay aa sida caadada ah waxay bilaabeen inay waddooyinka isugu soo baxaan, iyagoo alle bari sameynaya.

MASAAJIDYADA OO LAGA BILAABAY SALA ADA LA TUKADO XILIGA DAYAXA MADOO BAADKA.

   Masaajidyada Magalada Muqdisho ay aa laga bilaabay tukashda salaada Khus uuf oo ah sallads xiliga dayax madooba adka waxaana isu soo baxaay sidoo kale dadweyne badan oo wadooyinka takbiir ku marayey.

    Masaajidyada waaweyn ee dhamaan degmooyinka G/Banaadir ayaa Dib loo fur ay wxaana culimada ay booriyeen

 dadka  in la aqristo duaca

CARRUUR BADAN OO SOO GALOOTI AH IYO WAALIDKOOD OO DIB UGU MIDOOBAY MAREYKANKA                     

 Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay dib u midoobeen in ka ba dan 1,800 oo carruur soo galooti ah iyo xubnaha qoysaskooda, arrintaas oo lagu beegay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee maxkamadi ay amarka ku bixisay.

     Carruuurtaas waxaa ka mid ah 1,442 carruur ah oo dib ula midoobay waalidko od oo ku jira goobo dadka lagu hayo oo waaxda socdaalku ay leeyihiin Laakiin in ka bdan 700 oo carruur ah ayaan sharci ahaan waalidkood lala midayn karin, ku waasna waxaa ka mid ah 431 carruur ah oo waalidkood aysan Maraykanka ku sug nayn.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip