Wasiirka Maaliyada oo sheegay in Dowlada Lacago deyn ah lagu leeyahay
Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Max'ed Aadan Ibraahim Fargeeti,ayaa sheegay in Dowlada lagu leeyahay lacago deymo ah oo aad u fara badan,kuwaasi oo sheegay in qaarkii ay ku leeyihiin Xawaaladaha Soomaalida iyo kuwo caalami ah.
Wasiir Fargeeti,ayaa
sheegay in guddi Dowlada u saartay sidii loo ogaan lahaa cadadka lacagaha lagu
leeyahay,wuxuuna tilmaamay in Gudigaasi qeyb ay ka yihiin xisaabaha guud iyo
Xeer ilaaliyaha Qaranka,islamarkaana lacagata hada Dowlada lagu leeyahay
qaarkii lagu lahaa xukuumadihii tan ka horeeyay.
Xigasho:-risaala.net
Wuxuu sheegay Wasiirka Maaliyada Dowlada Soomaaliya Max’ed Aadan Ibraahim in lacagaha deynta ee Dowlada lagu leeyahay ay aad u fara badan yihiin,waxaana lacagaha qaarkooda ku leh Shirkadaha Hormuud iyo Dahab-shiil,sida uu Wasiir Fargeeti sheegay.
Sidoo kale,Wasiirka Maaliyada ayaa dhowr mar Dowlada u sheegay in lagu leeyahay lacago horay u isticmaashay,Mr Fatgeeti ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaasi qaarkii aan la ogeyn halka ay ku baxeen,balse uu sheegay in hada Gudi daba gal ku sameeya ay u xil saareen.

0 